Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,885
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. 404402210_894076982074645_47222716693220

    Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa shaaciyay moqifkiisa ku aadan wax ka beddalka dastuurka Soomaaliya oo ay ku howlan tahay dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

    Arrintan ayaa maanta lagu soo qaaday shirka golaha wasiirada ee Puntland, kaas oo uu guddoomiyay madaxweyne Sacaiid Cabdullahi Deni oo uu wehliyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

    Shirka oo todobaadle ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha Amniga, Doorashada Puntland, Go’aanka Puntland ee ku aadan qorshaha wax-ka-bedelka Dastuurka Soomaaliya ,kala Xadaynta Waajibaadka Wasaaraddaha  iyo Siyaasadda iyo xeerka tirakoobka Puntland.

    Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay hannaanka Doorashooyinka Puntland ee hal qof iyo hal cod oo weli lagu mursanyahay, maadaama mucaaradka ay diideen.

    Golaha ayaa  isku raacay sidii loo dhamaystiri lahaa dhammaan agab yada farsamo iyo amni ee ay u baahan tahay qabashada doorashadaas, taas oo ah Waddada keliya ee looga bixi karo khatar kasta oo Puntland ka jirta.

    Haddaba muxuu yahay go’aanka Puntland ee wax ka beddalka dastuurka Soomaaliya?

    Puntland oo caddeysay mowqifkeeda ayaa ka horyimid qorshaha dowladda federaalka ee wax ka beddalka dastuurka, ayada oo sheegtay in laga leeyahay dano siyaasadeed.

    “Dowladda Puntland waxay si cad uga soo horjeedaa wax ka badelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyada oo dano siyaasadeed laga leeyahay” ayaa lagu yiri go’aanka Puntland.

    Sidoo kale Puntland ayaa sheegtay in dastuurka kumeel gaarka ah ee federaalka uu yahay  heshiis bulsho, kuna dhisan is faham siyaasadeed iyo dib u heshiineed Qaran kadib burburkii dowladdii dhexe ee Dalka.

    Warsaxaafadeedka ayaa waxaa kale oo lagu yiri “Sida ku cad Dastuurka KMG ah Cutubka 1aad, Qodobkiisa 3aad, farqaddiisa 3aad “Mabaadiida Aasaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku dhisan yihiin Mabaadiida Aasaasiga ah ee Awood qaybsiga nadaamka Federaalka ah”, Sidaa darteed, Madaxda iyo hay’adaha Dowladda Federaalka ah awood uma laha in ay badalaan hannaanka dowladda dhexe u dhisan tahay ee ah Madaxweyne iyo Raisul Wasaare iyo tubta dowlad dhiska ee ku dhisan Dastuurka KMG ka ah”.

    Puntland ayaa sidoo kale soo saartay baaq culus, waxayna ka dalbatay baarlamaanka Soomaaliya in uusan qayb ka noqon qorshaha wax ka beddalka dastuurka KMG ka ah.

    “Haddaba, Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in aysan qayb ka noqon in meesha laga saaro Dastuurka KMG ka ah iyo wax ka badel kasta ee keeni kara khilaaf siyaasi ah” ayaa lasii raaicyay bayaanka.

    Ugu dambeyn waxa ay Puntland caddeysay in aysan raalli ka noqon doonin wax ka beddalka dastuurka, maadaama aan lagala sameyn wax wada tashi ah.

    “Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in aysan qayb ka noqon doonin dhaqangelinta wax-ka-badel kasta ee Dastuurka lagu sameeyo iyada oo aysan Puntland qayb ka ahayn” ayaa lagu soo gabagabeeyay go’aan maanta kasoo baxay dowlad goboleedka Puntland.

    403610715_894077225407954_70271890505608 404342690_894077188741291_84284514425652 404352942_894077528741257_71862648526388 404375868_894077275407949_60053370256904 404402210_894076982074645_47222716693220 405223480_894077322074611_25471113852486 Deni-Karaash.jpg?resize=696%2C459&ssl=1

    The post Go’aanka PUNTLAND ee wax ka beddalka dastuurka Soomaaliya + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

  2. 1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

    Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin cusub kasoo saartay xaaladda dalka, gaar ahaan dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha.

    Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo maanta warbixin u gudbisay golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay sii kordheyso dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda Elnino, taas oo si weyn looga dareemay inta badan gobollada dalka.

    SoDMA ayaa warbixinteeda ku sheegay in ku dhawaad laba malyuun oo qof ay saameeyeen roobabka iyo daadadka haata  ka da’aya dalka.

    Sidoo kale warbixinta ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in ku geeriyoodeen roobabka daadadka wata ee El-nino muwaadiniin Soomaaliyeed ee gaaraya illaa 96 qof.

    Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday gurmadka iyo dadaallada soconayo oo ay hurmuudka u tahay dowladda federaalka Soomaaliya.

    “Xukuumadda JFS ayaa dadaal ugu jirta gurmadka dadka ay saameeyeen dadaadadku, waxa ayna ugu baaqeen hey’adaha gargaarka iyo bulshada Soomaaliyeed in la caawiyo dadka ay saameeyeen roobabku” ayaa lagu yir warsaxaafadeed kasoo baxay Golaha.

    Dhankiisa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa isna golaha warbixin ka siiyey safarkii uu ku tagey degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa soo bandhigay baaxadda saameynta ay ku yeesheen daadadku gobolka.

    Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo bani’aadanimo, taas oo ka dhalatay fatahaadaha iyo roobabka daadadka wata ee ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha dalka.

    The post DF Soomaaliya oo shaacisay in 96 QOF ay ku dhinteen… appeared first on Caasimada Online.

  3. Wasiirka Daakhiliga oo la Shiray Xoghayeyaasha Dawladaha Hoose

    IMG-20231123-WA0008.jpg
    Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil ayaa shir laba cisho u socday Xoghayayaasha Dawladaha Hoose ee 23 Degmo Doorasho ee dalka u soo geba-gebeeyey.

    Shirkan ayaa muddadii uu socdey lagu falaqaynayey dardargelinta shaqada muhiim ka ah ee ay bulshada u hayaan, horuumarinta dhinaca waxqabadka ee Degmooyinka iyo ka shaqaynta nabadgelyada.

    Qaran News


  4. F_KbH-wWwAAowlP.jpeg

    Muqdisho, (Qaran news)- Shirkadda Dahabshiil ayaa shaacisay inay taageero ka geysanayso suuqii Xamar weyne ee dhawaan dabku waxyeeleeyay iyo fatahaada daadka khasaaraha badan ka geystay gobollo ka mid ah Soomaaliya.
    Sidaana waxay ku sheegtay qoraal ay ku baahisay barta Twitterka, Shirkadda Dahabshiil waxaanay intaas ku dartay inay ka murugaysan tahay dabka baabiiyay ganacsigii Suuqa Xamar Weyne oo dad badani ku tabaaloobeen.
    Sidoo kale waxay caddaysay inay kaalmo ka geysan doonto daadadka waxyeeleeyay gobollo ku yaalla Soomaaliya, waxana ay tilmaantay in loo baahan yahay in casharro laga korodhsado masiibooyinkaasi si looga taxadaro mustaqbalka.

    Shirkadda Dahabshiil waxa ay hore u taageertay ganacsatadii ay dhibku ka soo gaadhay suuqyada Hargeysa,Jigjiga, Wajaale iyo meelo kalaba

    Qaran News


  5. FB_IMG_1700746887219.jpg?resize=720%2C64

    Dowladda Puntland ayaa si cad uga soo hortimid wax ka badelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo ay ku tilmaamtay mid laga lee yahay dano siyaasadeed

    “Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalku waa heshiis bulsho, kuna dhisan is faham siyaasadeed iyo dib u heshiineed Qaran kadib burburkii Dowladdii dhexe ee Dalka”.

    “Sidaa darteed, Madaxda iyo hay’adaha Dowladda Federaalka ah awood uma laha in ay badalaan hannaanka dowladda dhexe u dhisan tahay ee ah Madaxweyne iyo Raisul Wasaare iyo tubta dowlad dhiska ee ku dhisan Dastuurka KMG ka ah” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

    “Haddaba, Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in aysan qayb ka noqon in meesha laga saaro Dastuurka KMG ka ah iyo wax ka badel kasta ee keeni kara khilaaf siyaasi ah”.

    “Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in aysan qayb ka noqon doonin dhaqangelinta wax-ka-badel kasta ee Dastuurka lagu sameeyo iyada oo aysan Puntland qayb ka ahayn” ayuu sii raaciyay War-saxaafadeedka Puntland.

    PUNTLAND POST

    The post Dowladda Puntland oo ka hortimid Wax ka beddelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.


  6. African Development Bank Group (AfDB)
    PRESS RELEASE
    Germany pledges 4 billion Euros in Africa’s green energy: African Development Bank President calls for enhanced partnership
    The conference with African leaders was “the starting signal for stronger, reliable cooperation between Africa and Europe to realise climate-friendly energy supply based on green hydrogen”

    BERLIN, Germany, November 23, 2023/ – Qaran news- The government of Germany has pledged to invest 4 billion euros in Africa’s green energy until 2030.

    German Chancellor Olaf Scholz made the announcement at a press conference in Berlin after meeting African leaders and heads of international organisations including the President of the African Development Bank Group Dr Akinwumi Adesina, during the G20 Compact with Africa conference.

    The Compact with Africa was initiated by Germany in 2017 during its presidency of the G20 to improve conditions for sustainable private sector investment and investment in infrastructure in Africa.

    To date, 13 African countries have joined the initiative: Benin, Burkina Faso, Côte d’Ivoire, the Democratic Republic of Congo, Egypt, Ethiopia, Ghana, Guinea, Morocco, Rwanda, Senegal, Togo and Tunisia.

    Scholz said the conference with African leaders was “the starting signal for stronger, reliable cooperation between Africa and Europe to realise climate-friendly energy supply based on green hydrogen.”

    “Produce green hydrogen and you can rely on us as buyers,” the German Chancellor told African leaders.

    Describing Africa as “the partner of our choice”, Chancellor Scholz said African countries should benefit more strongly from their wealth of natural resources and explained that the first step of processing should take place locally, creating jobs and prosperity.

    During the Compact with Africa conference, African Development Bank Group President, Dr Akinwumi Adesina pushed for stronger partnerships and investment in Africa, the world’s fastest-growing continent.

    Chancellor Scholz said, “In light of the multiple global challenges, cooperation and joint work based on fair rules is more important than ever. The international organisations are key players when it comes to preserving and strengthening an international global rules-based order, in particular regarding the international economic and financial system. They can help us to foster smart globalisation in which all countries have a fair chance for sustainable development.”

    The African Development Bank President emphasised the importance of private sector development in Africa. Adesina said, “I commend Chancellor Olaf Scholz for convening the Compact with Africa Conference. The African Development Bank remains fully committed to the success of this initiative, especially through its focus on promoting private sector development in Africa.”

    The Bank President said, tackling climate change, Africa’s infrastructure gap, and unlocking industrial manufacturing capacities requires attracting private sector financing at scale. To achieve this objective, he outlined several actions multilateral institutions must take.

    “First, we must develop bankable projects and make them available to private investors.”

    “Second, private sector development strategies must be aligned with the net-zero emission objective, with green investments prioritised.”

    “Third, we should mitigate global risks and pool resources to optimise investment strategies, including through a platform like the Africa Investment Forum. This is an initiative that the African Development Bank and seven partner organisations created five years ago. It brings together project promoters and private and public financiers to catalyse investments on transformative projects across Africa.”

    “I look forward to strengthening our strategic partnership with Germany in our drive to achieve faster economic growth and prosperity for Africa.”

    The G20 Compact with Africa conference was held on Tuesday to discuss several issues around the theme: Strengthening multilateral cooperation and working on a rules-based, fair, international economic and financial system.

    Discussions centred around the global economy, current challenges, including high inflation and geopolitical tension; and the need to incentivise investments in global public goods, such as tackling climate change; strengthening trade in a multipolar world; simultaneously combatting labour shortages and unemployment; and strengthening multilateralism.

    According to Chancellor, Scholz, “Germany wants to contribute to this agenda by enhancing global trade, improving economic resilience and assisting the reform of the international financial architecture, as well as strengthening the role of the international organisations—we need the international organisations to find multilateral solutions for global challenges.”

    On the sideline of the conference, Adesina joined 40 young African entrepreneurs and innovation champions in a session titled ‘Shaping the Future with Africa—Young Entrepreneurs as Key to a Just Transition.’

    The African Development Bank President announced plans to set up an executive advisory body dedicated to nurturing young African entrepreneurs and startups in Africa.

    “We need to totally revamp the financial ecosystem to serve their needs,” Adesina said: “I have decided to set up a high-level youth advisory committee… to advise me and harness what is coming out of here—the experiences shared by young entrepreneurs here.”

    During the conference, Adesina met with the President of the Union of the Comoros and Chair of the African Union Azali Assoumani, Nigeria’s Bola Tinubu, Senegal’s Macky Sall, President Hakainde Hichilema of Zambia, Cote d’Ivoire’s Alassane Ouattara, Kenya’s William Ruto, France President Emmanuel Macron, the Chairperson of the African Union Commission Moussa Faki Mahamat, the President of the European Commission Ursula von der Leyen, Germany’s Federal Minister for Economic Cooperation and Development Svenja Schulze, World Bank Group President Ajay Banga, International Monetary Fund Managing Director Kristalina Georgieva among others.

    Qaran News


  7.  

    img_1_1700743487573.webp
    Hargeysa,(Qaran news)- Guddoomiye kuxigeenka xisbiga WADDANI Maxamed Yuusuf Waabeeyo ayaa sheegay in xisbigoodu aqbali doonin doorasho dambe oo wakhigeeda dhaafta.

    Guddoomiye xigeenka Waddani oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskooda ayaa si adag uga hadlay dib u fhac dambe oo ku yimaada doorashootinka wuxuuna yidhi
    “Xisbiga WADDANI aqbali maayo doorasho dhaafta wakhtigaa loo asteeyay.”

    “Muusow is casil oo talada ku wareeji cid dalkan doorasho gaadhsiisa, mar haddii ciidanka Qaranka xaaladdiisa la arkayo, mar haddii dhaqaalihii dalku burburay, mar haddii siyaasaddii arrimaha dibaddu aanay jirin ba oo dal aynu maanta saaxiib nahay jirin,” ayuu yidhi Guddoomiye Waabeeyo.

    Isagoo hadalkiisa sii watayna wuxuu yidhi “Xisbiga Waddani  qiimo kasta oo ay ku tegayso sinaba uma aqbalayo in Muuse iska sii fadhiyo, wuxuu kacdoonada dalka ka socda ka raadinaya cimri dherer.”

    Guddoomiye xigeenka Xis biga Waddani Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeyo waxa kaloo uu ku eedeeyay golaha Guurtidda inay ka cagojiidayaan ansixinta xeerka doorashooyinka ee ay Barlamaanku hore u ansixiyeen

     

    Qaran News


  8. Abiy-Ahmed-Muuse-Biixi.jpeg?fit=2500%2C1

    Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa wada-hadallo la furtay maamulka Somaliland, ayada oo kala hadleysa isticmaalka dekedda Berbera, toddobaadyo kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu ku hanjabay inay qasab tahay inay helaan dekad.

    Wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA ayaa wasiirka gaadiidka iyo saadka Dr. Alemu Sime kasoo xigatay in wada-hadalladaas ay marayaan meel wanaagsan.

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa bishii October sheegay in qeyb ka helitaanka Badda Cas “ay tahay arrin ku xiran jiritaanka Itoobiya”, hadalkaasi oo walaac ka abuuray dalalka deriska ah ee Eritrea, Jabuuti iyo Soomaaliya.

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee ENA, wasiir Alemu Sime ayaa golaha wasiirada warbixin ka siiyey halka ay marayaan wada-hadallada Somaliland.

    Isaga oo xusaya in Itoobiya ay 95% badeecadaha ay lasoo degto iyo kuwa ay dhoofiso u isticmaasho dekedda Jabuuti, wasiirka ayaa sheegay inay socdaan dadaallo lagu raadinayo dekedo kale, islamarkaana ay meel wanaagsan marayaan wada-hadallada ku aaddan isticmaalka dekedda Berbera, sida ay sheegtay EPA.

    Waxa uu sidoo kale sheegay in wada-hadallo ay kula jiraan dowladda Kenya oo ku aaddan isticmaalka dekedda Lamu ay meel wanaagsan marayaan.

    Abiy ayaa horey uga digay in deked la’aanta dalkiisa ay mustaqbalka noqon karto il colaadeed, wuxuuna ku baaqay dadaallo wax looga qabanayo arrintaas si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka.

    Itoobiya ayaa albaabkii badda uu kasoo xirmay 1993-kii markii Eritrea ay heshay madax-banaani, kadib 30 sano oo dagaal ah.

    Somaliland ayaa sheegatay inay ka go’day Soomaaliya 30 sano kahor, balse ma haysato aqoonsi caalami ah, taasi oo adkeyneysa heshiis kasta oo Itoobiya ay ku dooneyso inay dekad uga hesho Soomaaliya, ayada oo aan soo marin dowladda federaalka.

    Dowladda federaalka ayaa horey u sheegtay inay diiday codsi uga yimid itoobiya oo ku saabsan inay la gasho wada-xaajood ku saabsan sidii ay uga heli laheyd deked ku taalla Badda Cas.

    Inkasta oo Soomaaliya ay “si aad uga go’an tahay” horumarinta nabadda, amniga, ganacsiga iyo is-dhex-galka, haddana ma xiiseynayso bixinta helitaanka hanti istaraatiiji ah sida deked, waxaa sidaas warbaahinta Bloomberg u sheegay wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Cali Cumar (Cali Balcad).

    “Madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya – berriga, badda iyo hawada – sida uu dhigayo dastuurkeena, waa muqaddas mana furan in laga doodo,” ayuu yiri.

    The post ITOOBIYA oo u weecatay Somaliland kadib hanjabaaddii Abiy Ahmed ku dalbaday BAD appeared first on Caasimada Online.

  9. 12cbcbe0-8893-11ee-833d-0f8d294ddc97.jpgDowladda hoose ee magaalada Hargaysa ayaa maanta gubtay bariis ay ku sheegeen in uu halis ku yahay caafimaadka dadka kaas oo la qabtay bilowgii bishan November.

    Bariiskan ayaa ciidamada ilaalada kantroolka Daloodho ee waqooyiga Hargaysa ay qabteen isagoo ku rarnaa gawaari xamuul ah kana yimid dhanka Jamhuuriyada Jabuuti sida uu BBC-da u xaqiijiyey maayir xigeenka magaalada Hargeysa Khadar Axmed Cumar.Haya’adda Dhowrista Tayada ee Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa xaqiijisay halista bariiskan.
    “Waxaa laga qaaday samballo kuwaas oo laab ay ku baartay haya’adda Dhowrista Tayada ee Somaliland ka dibna waxaa la xaqiijiyey inuusan u wanaagsananyn in la isticmaalo,” ayuu yiri Khadar.
    Maayer xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in uusan bariiskan galin magaalada oo lagu guulaystay in la qabto inta la galin suuqa.
    Maxkamadda Hargeysa ayaa xukuntay in la gubo bariiskan iyadoo dowladda hoose ay meel fagaaraa ku gubeen. Sidoo kale waxaa waaran iyo xukunno lagu riday dadkii sida ganacsigaa u watay.

    Shixnadda oo dhammayd 96 tan oo bariis ayaa maayer xigeenku sheegay in la gubay oo xeer ilaalinta iyo dowladda hoose ay fuliyeen amarkii maxkamadda.

    Isagoo sii hadlayey Khadar waxaa uu xusay in inta ogaalkiisa aysan jirin meel kale oo Somaliland oo bariiskaasi lagu gudbay uuna ka koobnaa shixnadaha Hargaysa lagu qabtay ka dib baaritaanno la sameeyey la xaqiijiyey.

    Qaran News


  10. Soomaaliya, burburka dawladnimadeeda ee dagaaladii sokeeye ka dib, laga soo bilaabo 2000 waxaa ay ku jirtay dhismaha dawladnimo xooggan oo mar kale dib u hanata dhammaan adeegyada ay dawladi bixiso. 23 sano ka dib, waxaa ay Soomaaliya weli la halgameysaa heshiis inay ka gaarto dawladnimo la isla ogol yahay, dibna u soo celisa kalsoonidii iyo aaminaaddii lagu waayey dagaaladii sokeeye iyo wixii dhaliyay dagaaladaas. 

    Dastuur dhameystiran oo la isla oggol yahay ayaa ah aas-aaska dawladnimo dimuqraadi ah oo dib u heshiisiin ku dhisan. Muddadaas dawlad dhiska ay socotay, Soomaaliya waxaa ay yeelatay laba Axdi (Axdiga Qaran ee KMG-Carta iyo Axdiga Federaalka ee KMG- Mbagathi) iyo Dastuurka KMG ah ee hadda jira. Nasiib darro, lix Madaxweyne, lix Baarlamaan, 14 xukuumadood, 14 wasiir dastuur, dhowr guddi dastuur iyo ku dhowaad $100 milyan oo ku baxdey ka dib, weli Soomaaliya kuma guuleysan inay hesho Dastuur dhameystiran oo uu ansixiyay Baarlamaankeeda, daweynahana afti ku ogolaadeen. 

    Si loo helo dastuurka aan hadda haysano ee KMG ah, dawladnimada Soomaaliya waxaa ay soo martey geedi-socod dheer oo qaatey illaa 12 sano. Carta oo lagu soo dhisay dawladdii KMG, Mbagathi oo iyana lagu soo dhisay dawladdii Federaalka ee KMG, Djibouti oo marka kale lagu soo dhisay dawlad midnimo qaran, Kampala Accord iyo shirar kala duwan oo ka dhacay Garowe, Addis Ababa iyo Nairobi, ayay dawladnimada Soomaaliya oo ay kaabayaan saaxiibada caalamka kaga baxdey kumeel-gaarnimadii balse natiijadu ay noqotey Dastuurka KMG oo weli qabyo tir u baahan.

    Dastuurka KMG ee ay hadda hay’adaheena ku dhisan yihiin, 2012kii ayay ergo gaareysa 825 si KMG ugu ansixiyeen Muqdisho iyadoo loo ballamey in Baarlamaanka markaas la dhisayey ee 9aad (2012-2016) uu ansixiyo ka dibna afti dadweyne loo qaado. 

    Si uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u anisixiyo Dastuurka KMG ah, waxaa uu isla Dastuurka KMG u dejiyay in la maro habraac gaar ah iyo hay’ado ay tahay inay ka shaqeeyaan dib-u-eegistiisa. Hay’adaha uu Dastuurka waajibiyay (Fiiri qodobbada 133aad iyo 134aad ee Dastuurka) inay ka shaqeeyaan waa Guddiga BFS ee La-socodka Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (OC) iyo Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (ICRIC) iyadoo xukuumadda FS ay u xilsaareyso wasaarad wixii kaga aaddan.

    Marxaladaha uu marayo dhameystirka Dastuurka KMG sida laga dheehan karo isla-Dastuurka ayaa ah:

    • Ansixinta Ergo (825)-August 2012,
    • Dib-u-eegis iyo qabyo-tirka dhammaan cutubyada iyo qodobada Dastuurka KMG,
    • Wadaxaajood iyo heshiis XFS iyo DXDF ay ka gaaraan qodobbo gaar ah oo uu dastuurku tilmaamayo,
    • Latashiyo dadweyne, goleyaasha wakiilada DXDF iyo daneeyeyaasha kale,
    • U gudbin BFS dastuurka dib u eegista lagu sameeyay,
    • Ansixinta BFS (labada Aqal 2/3 midkiiba) iyo 
    • Ugu danbeyn Afti dadweyne in lagu ogolaado.

    Yaa Caqabad Ku ah Dhameystirka Dib-u-eegista Dastuurka?

    Dawladda maanta jirta waa tii saddexaad ama Baarlamaankii 3aad oo ay tahay inuu ansixiyo Dastuurka KMG ah. Xog-ogaalnimadayda iyo warbixino kala duwan oo hay’ado iyo khubaro kale sameeyeen waxaa ay tilmaamayaan inay jiraan siyaasiin hortaagnaa welina isku dayaya inay hor istaagaan in la dhameystiro Dastuurka KMG. 

    Xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Baarlamaankii 9aad ayay ahayd in lagu dhameytiro Dastuurka KMG, iyadoo la sameeyay isku dayo iyo juhdi farabadan oo ay ka mid ahaayeen; meelmarinta sharcigii dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka, dhismaha xubnaha Guddiga Madaxabannaan iyo Guddiga Baarlamaanka ee La-socodka ee Dastuurka. Inkastoo ay warbixin iyo xulashooyin soo saareen guddiyada xilligaas, haddana dhowr sababood dartood ma aaney suuragelin in natiijo wax ku ool ah laga gaaro dhameystirka Dastuurka KMG. Caqabadaha ugu muhiimsanaa ee lagu dhameystiri waayey xilligaas waxaa ka mid ahaa in hay’adihii dawladda ee labada heer (Federaal iyo Dawlad Goboleedba) ee hormuudka u noqon lahaa dhameystirka Dastuurka aaney intooda badan jirin sida Golaha Aqalka Sare iyo dawlad goboleeydada marka laga reebo Puntland. Sidaa darteed, dawladdii Madaxweyne Xasan ee 2012-2016 waxaa ay waqtiga ugu badan ku bixisay dhismaha dawlad goboleedyada, Golaha Aqalka Sare ee BFS iyo guddiyada Dastuurka oo dhammaantood laf-dhabar u ah dhamaystirka dib-u-eegista Dastuurka.

    Dhinaca kale, dawladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo (2017-2021) ee Baarlamaankii 10aad ayaa fursad weyn u haysatey inay dhameystirto Dastuurka. Inkastoo guddiyada dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay juhdina bixiyeen warbixino soo saareen xilligaas, nasiib darro markale ayaa lagu guuleysan waayey oo uu Dastuurka xataa gaari waayey miiska Baarlamaanka. 

    Caqabadaha ugu badan ee uu Dastuurka u dhameystirmi waayey guddiyada Dastuurkana howshooda u gudan waayeen xilligaas ayaa waxaa ay inta badan ka imaaneyeen hoggaankii Dawladda Federaalka ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isagoo hor istaagey dhammaan howlihii fududeyn lahaa, sida ay guddiyada Dastuurka ku sheegeen warbixintooda. 

    Sababtoo maamulkii Farmaajo waxaa uu abuurey  deganaan la’aan siyaasadeed guud ahaan dalka gaar ahaana wuxuu dagaal siyaasadeed oo macno darro ah la galey Dawlad Goboleedyada taasoo keentay in arrimihii wada-xaajoodka u baahnaa laga heshiin waayo, waxaa ay Golihiisii Wasiirada si bareer ah u hor istaageen xubnihii Dawlad Goboleedyada ee ku biiri lahaa Guddiga Madaxbannaan taas oo uu Dastuurku waajibiyay, waxaa madaxa la isku geliyay wadashaqeynta labada aqal si aaney Dastuurka uga shaqeynin, waxaa miisaaniyaddii u asteysnayd loo diidey guddiyada howlaha Dastuurka ka shaqeynayay, markii u danbeysayna waxaaba guddiyadii laga hortaagey in Baarlamaanka labada Aqal ay geeyaan warbixintooda, iyadoo uu Madaxweyne Farmaajo soo saarey wareegto uu ku hor istaagayo.

    Fursaddii ugu fiicneyd 12 sano ka dib

    May 27 2021, shirkii heshiiska doorashada ee ka dhacay Maqdishu (Teendhada Afisyooni) ayaa waxaa laga soo saarey jadwal (roadmap) ay dawladda dhalan doonta ay ku dhameystirayso Dastuurka KMG. 

    Haddaba Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud asagoo taas ka duulayo ayuu maalmihii ugu horeeyay ee xafiiska yimid bilaabey latashiyo la xiriira dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka. 11 June 2022, maalin ka dib markii la caleema saarey ayuu Madaxweyne Xasan ku casuumey madaxda Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka inay talo ka bixiyaan arrimaha dhameystirka dawlad dhiska Soomaaliya oo uu Dastuurka ugu horeeyo. 

    Wixii markaas ka danbeeyay madaxda Federaalka iyo kuwa DXDF oo gudanaya waajibaadkooda kaga aaddan dhameystirka dastuurka KMG sida uu farayo isla Dastuurka KMG (qodobada 44, 54, 122 iyo kuwo kale) waxay sameysteen jadwal shaqo iyagoo yeeshey kulamo joogto kuna heshiiyay (marka laga reebo Puntland) dhammaan qodobadii wadaxaajoodka u xayirnaa ee dib-u-eegista Dastuurka una gudbiyay guddiyada  dib-u-eegista Dastuurka KMG si ay luuqad Dastuuri ah ugu qoraan uguna gudbiyaan BFS labadiisa Aqal si loo ansixiyo.

    Haddaba haddii la xalliyay inta badan caqabadihii muddada soo hortaagnaa dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka oo hoggaanka Federaalka iyo kuwa DXDF ay la yimaadeen dadaal, is-aaminaad iyo rabitaan siyaasadeed kana heshiiyeen qodobadii iyaga ku xirnaa, wadashaqeynta labada Aqal sidii loo baahnaa ay tahay, guddiyada dastuurkana xubnihii ka maqnaa ee Dawlad Goboleedyada loo soo dhameystiray, markii ugu horeysayna Dastuurka uu saaran yahay miiska labada Aqal, soo ma noqoneyso fursaddii ugu fiicnayd oo lagu dhameystiri karo Dastuurka KMG? Haddiise maanta laga faa’ideysan waayo fursadaha jira goormaa iyo yaa dhameystiri doona? Soo ma dhici karto in 12 sano oo kale ay nagu qaadato sidaasna ay ku fashilanto dawladnimada Soomaaliya?

    Ma nuxurka qodobada Dastuurka mise isbaaro siyaasadeed?

    Iyadoo ay fursadahaas jiraan ayaa weli laga yaabaa in dadka qaar gaar ahaan siyaasiin ay ku doodayaan inay weli caqabado badan jiraan suuragalna ahayn in la dhameystiro dib-u-eegista Dastuurka. Arrimaha ay siyaasiinta qaar ku doodayaan waxaa ka mid ah; latashiyo ku filan oo aan lala sameynin qaybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiinta, maqnaanshaha Puntland iyo Somaliland, arrimo walaac laga muujiyay ee heshiiska doorashada ku jira sida arrinta nidaamka madaxtooyada iyo kuwo kale.

    Aniga fahamkayga, arrimahaas iyo kuwo kaleba waa la xallin karaa ama waaba xallisan yihiin qayb ahaan haddii ay ujeedadu tahay in la dhameystiro dastuurka qabyada ahaa muddada 12 sano ah, ee aaney caqabad siyaasadeed looga gol lahayn. 

    Tusaale haddaan u soo qaato arrinta latashiyada, 12 kaas sano iyo ka horba Soomaalida shacab iyo siyaasiba waxaa ay hay’adaha u xilsaarnaa dhameystirka Dastuurka la sameynayeen latashiyo ay la socoto wacyigelin. Tusaale, muddo xileedkii Baarlamaanka 10aad, hay’adaha u xilsaan dib-u-eegista Dastuurka oo wadajira waxaa ay sanadihii 2018-2020 ugu yeraan 14 jeer booqasho ku tageen dhammaan caasimadaha Dawlad Goboleedyada iyagoo la tashiyo kala duwan la sameeyay dhammaan qaybaha bulshada iyo hay’adaha kale duwan ee maamulada. Waxaa intaas dheer in ay jireen madalo wadatashi (forumyo) sida Madasha Guddiyada Dastuurka iyo tan Wasaaradaha ee labada heer iyagoo sameeyay kulamo tiro badan oo lagu gorfeynayay howlaha iyo qodobada Dastuurka.

    Tusaale kale, madaama heshiisyadii u danbeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) gaar ahaan kii doorashada uu saameyn gaar ah ku leeyahay siyaasiinta Soomaalida, Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu 10-12 July 2023 kulan aan noociisa horey loo arag oo latashi ahaa ku casuumay  dhammaan madaxdii hore ee dalka oo isugu jira Madaxweynayaal hore, Guddoomiyeyaashii hore ee BFS, R/Wasaarayaashii hore iyo siyaasiin kale, asagoo kala tashadey guud ahaan arrimaha dawlad-dhiska dalka gaar ahaan dhameystirka Dastuurka KMG. 

    Arrimaha kale ee muranka ama doodda laga keenay ee ku dhex jira heshiiskii doorashada ee Golaha Wadatashiga Qaran sida nidaamka madaxtooyada (Presidential system), nidaamka laba xisbi, nidaamka doorashada ee hal-deegaan doorasho (single constituency) iyo qaar kaleba waa kuwo dood u furan oo ay tahay in xubnaha labada Aqal ay ka doodaan sida ay xalka u arkaana guddoonshaan. 

    Balse haddii tan iyo 1960kii uu noo shaqeyn waayey nidaamka hadda jira ee aan ahayn nidaam Baarlamaani toos ah ama mid Madaxtooyo, miyaan iska haysaneynaa? Soo ma noqoneyso, “isla-arrintii aan ku guuldareysaney muddo dheer sameynteeda inaan si joogto ah ugu cel-celinayno anagoo fileyna natiijo cusub iyo guul?”

    Dhinaca kale aniga iilama muuqato sida ay siyaasiinta qaar u dhigayaan ee ah in nidaamka madaxtooyada uu dalka u horseedayo keligii talisnimo ama cadaalad darro beelaha qaar, qaar kalena uu awood siinayo, sababtoo ah waa nidaam adduunyada ka shaqeeya oo dalalka ugu waaweyn iyo Africa inta badan ay isticmaalaan. Kelitalisnimadu kuma xirna nidaam dawladeed gaar ah maxaa yeelay wadamo kale oo haysta nidaamka Baarlamaaniga ayaaba keli-talisnimo ka jirtaa. 

    Dhinaca kale, haddiiba sida ay dadka qaar u dhigayaan ee saameynta beelaha Soomaalida loo raaco, su’aalaha imaanaya waxaa ay yihiin nidaamka hadda jira ee fashilka ku noqdey dawladnimada Soomaaliya noona shaqeyn waayey tan iyo markii aan dawlad helney ee 1960, miyuu wada qancinayaa beelaha Soomaalida oo dhan? Haddii ay mid iyo laba ku qanacsan yihiin soo ma jiri karaan beelo kale oo aaminsan in nidaamka hadda jiro uu dulmi ku yahay ayna daneynayn lahaayeen in laga guuro? Miyaanse heli karnaa nidaam dawladnimo oo beelaha Soomaalida ay kuwada qancayaan madaama hadda aan inta badan lagu qanacsaneyn noona shaqeyn waayey kan noo jira, kan la soojeediyayna la dhaliilayo? Waxay ila tahay nidaam gaar ah oo reeraha lagu qancinayo heli meynee aan ka abaarno nidaam noo wada shaqeynaya oo aan cadaalad guud ku heleyno, sababtoo ah xataa haddii hal reer lawada siiyo jagooyinka dawladda oo dhan kuma qancayo reerkaas dhexdiisa oo iyaga dhexdooda ayaa wax kala tirsan doona. 

    Dhinaca kale, doodda maqnaanshiyaha Puntland waa dood loo qaateen ah loona baahan yahay in Dawladda Federaalka ay sii weli waddo dadaalkeeda ay wadahadal kula fureyso. Balse waxaan ummadda Soomaalida u cadeynayaa, anigoo ahaa xoghayaha Golaha Wadatashiga Qaran intii ay heshiisyadaas dhacayeen, in Madaxweynaha Puntland uu ka doorbidey dano siyaasadeed oo gaar ah tan qaranka iyo dawlad dhiska Soomaaliya. Sababtoo ah marnaba miiska wada-xaajoodka lama imaanin dood la xiriirta nuxurka arrimaha laga doodayey.  Tan kale, Puntland waxaa labada aqal ee BFS ku matalaya siyaasiyiin waayo arag iyo aqoon leh oo danaha qaranka iyo kuwo Puntland ba ka shaqeynaya. Sidoo kale waxaa lagu matalaya labada guddi ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka, midna Guddooomiyuhu wuxuu ka soojeedaa Puntland, halka mid ka kalana ay ku leeyihiin laba xubood oo ka tirsan Golaha Shacabka.

    Sidaa darteed, dhammaan arrimahan iyo kuwo kaleba marmarsiiyo loogama dhigi karo in dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka lagu hor istaago isbaaro siyaasadeedna looga dhigo, haddii aaney ahayn “cadyahow ama ku cuney ama ku ciideeyay” oo ka dhigan “inta uu Xasan Sheekh xukunka joogo yaan la dhameystirin Dastuurka si aaney guul taariikhi ah ugu noqon!” 

    Maanta waxaa loo baahan yahay go’aan qaadasho kama dambeys ah iyadoo taasna ay ummadda Soomaaliyeed nooc walba shacab iyo maamulba uu ku matalo BFS labadadiisa Aqal.

    Gebogabadii waxaan aaminsanahay in doodaha qaar ee siyaasiinta aaney daw ahayn oo diiradda ay u saaran tahay oo keliya dano gaar ah oo siyaasadeed taas oo ka hor imaaneysa geedi-socodka lagu dhameystirayo nidaamka dawladnimadeena cusub ee federaalka dimuqraadiga ah uguna horeeyo dib-u-eegista Dastuurka KMG. 

    Sidaa darteed, waxaa loo baahan yahay in siyaasiga Soomaaliga ah uu ka hadlo nuxurka qodobada Dastuurka iyo sida ay ula muuqato balse aan la siyaasadeyn, la reerayn lana hor istaagin dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka KMG. 

    Haddaba ummadda Soomaaliyeed maanta waxaa ay haysataa fursad weyn oo lagu qabyo tiro Dastuurka KMG, loona baahan yahay inay ku garab istaagaan hoggaanka Dawladda iyo Baarlaamka, si aaney nooga dayacmin fursaddan dahabi ah.  

    Guddoonka iyo Xubnaha BFS 11aad ee labada Aqal waxaa ay haystaan maanta fursad gaar ah oo ay taariikhda baal dahab uga galaan iyagoo aragti dheer ku fiirinaya danta guud ee mustaqbalka dalka iyo xasiloonidiisa iskuna dheeli-tiraya heshiisyada Golaha Wadatashiga Qaran iyo doodaha ka soo horjeeda, balse aaney ogolaan isbaaro siyaasadeed oo ay isku dayayaan siyaasiin horey ugu soo fashilmey hoggaaminta dalka gaar ahaan dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka KMG.

    Source: goobjoog.com


  11. doodishe.jpg?fit=1280%2C854&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii amniga gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa maanta loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee waddanka Qatar, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

    Doodishe oo muddo ku dhow laba sanno ahaa wasiirka amniga gudaha ayaa hadda noqon doono Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Qatar oo kamid ah dowladaha Carbeed ee haatan xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya.

    Wararka ayaa sheegay in Wasiir Doodishe uu maanta ka qayb-galay kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, kaas oo noqon doono kiisii ugu dambeeyey, wuxuuna sidoo kale macsalaameeyay inta badan xubnaha Golaha Wasiirada ee maanta ka qayb-galay shirka.

    Sawirro la soo qaaday shira kadib oo ay wada galeen Doodishe iyo xubnaha Golaha Wasiirada ayaa lagu sheegay in la macsalaameeyay, maadaama uu noqonayo safiir.

    Sidoo kale magacaabista Doodishe ee Safiirka Qatar waxaa xaqiijisay wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka, Khadiijo Maxamed Diiriye oo qoraal soo dhigtay Fecebook-geeda.

    “Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha XFS Safiirkeena Doha Qatar u fadhiisan doona dowladda Soomaaliya,” ayay qoraalkeeda ku tiri wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

    Dhinaca kale lama oga cidda loo magacaabi doona booska uu banneeyay wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, waxaana laga dhowr sugayaa ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

    Si kastaba, maagacaabistan ayaa kusoo aaday xilli la filayo in uu Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya  uu golahiisa Wasirrada ku sameeyo isku shaandheyn ballaaran, balse ma cadda xubnaha ay saameyn doonto, haddii la qaado tallaabadaasi.

    403618583_7475603475811335_3010886237069 403713142_7475603312478018_2042411980900 404347503_7475603395811343_5620977415473 404349984_7475603899144626_7660339550342

    The post Xog: Wasiir Doodishe oo loo magacaabay safiirka cusub ee Soomaaliya ee Qatar appeared first on Caasimada Online.

  12. Safiirka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya mudane Fei Shengchao ayaa maanta ku wareejiyay guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Md. Maxamuud Macallim Cabdulle lacag dhan 139,318.45 doolar oo bilaw u ah deeqo kala duwan oo dowladda Shiinaha ku garab istaagayso shacabka Soomaliyeed ee fataahaduhu saameyeen.

    Safiirka oo hadal kooban kajeediyay munaasabadda ayaa sheegay in Dowladda Shiinaha ay mar walba garab taagantahay shacabka Soomaaliyeed ee xaladdaan adag ku jira isagoo sheegay in gargaar iyo taakula kalana ay dhawaan bilaabi doonaan, sidoo kalana ay ka qayb qadan doonto dhismaha kaabayasha ku bur buray roobabka iyo dhismaha biya xireenna.

    Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo khudbad kooban ka jeeday munaasabadda la wareegidda lacagta ayaa u mahadceliyay shacabka, dowladda iyo safiirka China u qaabilsan Soomaaliya isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya iyo dowladda China uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah oo aysan aheyn markii ugu horreysay.

    Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka codsaday dowladaha caalamka in ay gargaar lasoo gaaraan dadka Soomaaliyeed ee isugu darsantay fataahadaha iyo colaadaha muddada dheer ah, lacagtaan gargaarka ah ayaa waxaa ay ku soo aadaysaa xilli xilli wabiyada Jubba iyo Shabeelle dalka ay ka sameeyeen fatahaad baahsan, taas oo gaartay deegaanno badan.

    Source: goobjoog.com


  13. Ururka xidhiidhka kubadda cagta ee Yurub ayaa ganaax lacag dul dhigay Kooxda Celtic ee kasoo jeeda Scotland kadib ciyaartii ay la yeesheen Atletico Madrid.

    UEFA ayaa arbacadii shalay ku dhawaaqay in €29.000  ($31,582) lagu ganaaxay kooxda Celtic.

    Taageerayaasha Celtic ayaa si weyn caan ugu ah taageerada ay u hayaan Falastiin. Waxayna ciyaar walba soo qaata calanka Falastiin.

    Ganaaxan ayaa lagu sheegay in €17.500 ay tahay hal-ku-dhigii taageerayaa (Free Palestine) & calanka Falastiin iyo €8.000 oo ah in ay xanibeen taageerayaasha wadooyinka.

    Sidoo kale kooxda ayaa lagu ganaaxay €3.500 dheeraad ah

    Source


  14. Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta xaalad deganaasho ah laga dareemayo deegaanadii ay shalay ku dagaalameen ciidamada madaniga ah ee SSB oo kacan ka helaya ciidammada qaranka Somaliland iyo kuwa deegaanka Laascaanood oo gacan ka helaya maleeshiyaadka huwanta ah.

    Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa noo sheegay in maanta jawiga uu dagan yahay, balse ay weli is horfadhiyaan ciidamada ku dagaalamay halkaasi.

    Labada dhinac ayaa Arbacadii isku fara saaray aagga deegaanada Buqdharkayn iyo Yeeyle oo u dhowr degmada Oog ee gobolka Sool.

    Source


  15. 402195389_658525993125019_74313388165757

    Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegaya in dood xoogan ay haraysay kulan xasaasi ah oo ay maanta magaaladaas ku lahaayeen xildhibaanada Golaha Wakiilada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

    Kulankan oo loo ballansanaa in looga hadlo xeerka doorashooyinka ee weli lagu murusan yanay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo gacaan qaad, ka dib markii xildhibaanadu ay si adag isugu khilaafeen meel-marinta xeerka wax ka beddelka doorashooyinka maamulkaas.

    Hoolka baarlamaanka ayaa waxaa hal mar qabsaday sawaxan xoogan, waxaana la arkayay xildhibaano careysan oo isku fara baxsanaya, sida ay muujinayaan muuqaallo la helay.

    Arrinta ay isku qabteen xildhibaanada ayaa timid ka dib markii xubnaha guddiga loo xil-saaray xeerka doorashooyinka ay soo jeediyeen in dib loo dhigo meel marintiisa, sababo la xiriira ammaanka, gaar ahaan xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Garoowe.

    Intaas kadib waxaa doodda soo farageliyay guddoomiyaha Golaha Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo shaaciyay in meel-marinta xeerkan dib loo dhigo illaa Axadda, waxaana kadib uu sidaas kusoo xiray kulankii ay lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland.

    Dhinaca kale qaar kamid ah xildhibaanada oo kulanka kadib la hadlay Wariyeyaasha ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha inuu afduubtay baarlamaanka, sida ay hadalka u dhigay.

    Xaaladdan ayaa uga sii dareysa muranka haatan ka taagan doorashooyinka Puntland oo xiisad xoogan ka dhex dhaliyay xubnaha mucaaradka iyo sidoo kale madaxweyne Deni.

    Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana sii dhammaanaya waqtiga muddo xileedka hay’adaha dowladda, ayada oo lagu heshiin hannaanka doorashada.

    The post Kulankii xildhibaanada Puntland oo ku dhamaaday buuq iyo gacan qaad + Video appeared first on Caasimada Online.

  16. FB_IMG_1700728400966.jpg?resize=720%2C48

    Wax-ka beddelka xeerka doorashooyinka qof iyo cod oo qorshuhu ahaa in Baarlamanka Puntland uu saaka ka doodi ayaa dib loo dhigay kadib markii uu ka dhashay buuq iyo muran.

    Guddi gaar ah oo loo xil-saaray ka shaqaynta xeerka ayaa qoraal uu Baarlamanka la wadaagay ku dalbaday in la hakiyo xeerka inta laga xallinayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan arrinaha doorashada.

    Waxaase dalabka guddiga kadib xarunta golaha wakiilada hareeyay buuq iyo sawaxan xooggan waxaana la sheegay in xildhibaannada qaarkood isu gacan-qaadeen.

    Ugu danbayn guddoonka Baarlamanka Puntland ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay ka doodista xeerka ilaa maalinta Axadda ah ee todobaadka danbe oo ku beegan 26 Nov 2023.

    “Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa golaha la wadaagay in La tashi guud kadib, maalinta Axad ah ( 26-Nov, 2023) Golaha dib loogu soo celin doono Xeerka Doorashooyinka Puntland” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay golaha.

    1700728042792.jpg?resize=714%2C900&ssl=1

    PUNTLAND POST

    The post Baarlamanka Puntland oo dib u dhigay xeerka doorashooyinka qof iyo cod kadib markii buuq xooggan ka dhashay appeared first on Puntland Post.