Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,004
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. 2023129638376900574486395.jpg?fit=660%2C

    Istanbul (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa war cusub kasoo saartay shil gaari oo uu dalkaasi ka gaystay wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo hadda lasoo wariyay inuu ka baxsaday gudaha dalkaasi.

    Shilka oo dhacay dhammaadkii November ayaa sababay dhimashada hal qof, kaas oo la sheegay inuu gaystay wiilka oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Sheeh Maxamuud.

    Kadib baxsashada wiilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaa waaran lagu xirayo soo saartay maxkamadda Istanbul, iyadoo loo marayo booliiska adduunka ee Interpol.

    “Dowladda Turkiga iyadoo la isticmaalaysa jid kasta oo caalami ah oo fududeynaya in lasoo qabto tuhmanaha,ayay qaadaysaa” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Sidoo kale maxkamadda oo soo saartay xayiraad lagu soo rogay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud Dec. 7, ayaa hadda ogaatay inuu ka baxsaday Turkiga Dec. 2, kahor intaan lagusoo rogin xayiraada safarka.

    Maxamed ayaa ku lug lahaa shil 30-kii November ka dhacay degmada Fatih ee magaalada Istanbul, oo uu ku dhintay Yunus Emre Göçer oo ahaa 38 jir Turkish ah.

    Yunus Emre Göçer, oo waday mooto ayaa xillii uu istaagayey waddada Kennedy Avenue, waxaa gadaal kaga dhacay baabuur uu waday Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, baabuurkaas oo u diiwaan gashan safaaradad Soomaaliya.

    Shilka ayaa dhaliyey in Yunus ay gaaraan dhaawacyo culus, kuwaas oo uu ugu dambeyn lix maalmood kadib ugu geeriyooday Isbitaalka İstanbul Teaching and Research Hospital.

    Duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu ayaa shalay wacad ku maray tallaabo ka dhan ah wiilka madaxweynaha Soomaaliya iyo in caddaaladda la horkeeno. Hase yeeshee, qoraal uu goordhow soo dhigay bartiisa X (Twitter) ayuu ku sheegay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu dalka ka baxsaday.

    “Yunus Emre Göçer wuxuu ahaa muwaadin u dhashay Jamhuuriyadda Turkiga. Waxaa noloshiisa dhaafsiiyey shil uu geystay wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya. Waxaanu sheegnay inaan raaceyno nidaamka sharciga ah, balse tuhmanuhu wuu ka baxsaday Turkiga,” ayuu yiri Ekrem İmamoğlu. 

    Horey, wasiirka cadaaladda Turkey Yılmaz Tunç ayaa sheegay in muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka waddooyinka ay moojinayaan in Yunus gadaal looga dhacay isaga oo wata mootadiisa.

    Wasiirka ayaa sheegay in qof walba uu sharciga u siman yahay, haddii fal dambiyeed dhacayna ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo. Safaaradda Soomaaliya ee Turkey ayaan weli ka hadlin arrintan.

    135ec158-b0bd-4a94-a6cc-69f7f0326783.jpg

    The post Turkiga oo soo saaray amar lagu soo xirayo wiilka madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.

  2. 409018930_744522367700195_77654389252151

    Baydhabi (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah kasoo saartay howl-gallo saacadihii u dambeeyay ay ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool.

    Bayaan kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka ay howl-gal bur-burin ah ka sameeyeen deegaanada kala ah Farag, Huuyaley, Abagbeeday, Dudumaale, Kojoor iyo Ceelgaras, oo dhamaantood hoostaga degmada Xudur.

    Deegaanadan ayaa ahaa kuwa ay fariismi ku lahaayeen kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidanka xoogga dalka bur-buriyeen fariisimihii kooxda ay ku lahaayeen deegaanadaas.

    Dhinaca kale, Taliye ku-xigeenka guutada 9-aad Qeybta 60-aad CXDS Gaashaanle Yoonis Adan Hassan oo warbaahinta ciidamada qalabka sida la hadlay ayaa xaqiijiyay in ay jiraan khasaare xoog leh oo kooxda lagu gaarsiiyay howl-galkaan.

    Ciidanka xoogga dalka ayaa guud ahaan gobollada dalka ka wada howl-galo lagu baacsanayo kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawaan uu si rasmi ah maamulka Koonfur Galbeed uga bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka.

    Al-Shabaab ayaa weli gacanta ku haysa deegaaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool, waxayna kasoo abaabushaa weeraro arbushaad ah.

    Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ay dhawaan xooggeeda iskugu geyn doonta Koonfur Galbeed oo muhiim u ah gulufka socda, ayada oo sidoo kale uu madaxweyne Xasan Sheekh uu dhawaan faray masuuliyiinta degmooyinka la haysto ee maamulkaasi in ay u diyaar garooban dagaalka.

    409001953_744522387700193_41701762679558

    408990596_744522474366851_51536685754058

    409018930_744522367700195_77654389252151

    408994804_744522464366852_76803330398028

    408847822_744522391033526_34243433011159

    The post Sawirro: Fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen 6 degaan oo la burburiyay appeared first on Caasimada Online.

  3. Ciidanka xoogga dalka qeybta 27-aad oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ay howlgallo ka wadeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, taliska ciidanka ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalladaasi.

    Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 27-aad Faarax Cali Waasuge, Faarax Kooshin ayaa fsheegay in mudo todobaad ah howlaglku uu ka socday deegaanno u dhaxeeya magaalooyinka Baledweyne iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan oo lagu gaaray goobo xusub.
    Taliyaha oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay howlgallada ay iska kaashanayeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka in laga gaaray guulo la taaban karo, islamarkaana ciidamadu ay ku qabsadeen dhul baaxad leh oo ay Al-shabaab joogeen oo gaaray 115 KM.

    “Howlgalka waxuu ahaa mid lagu najaxay oo dhul dheer ilaa 115 Kiilo-mitir lagu soo maray, waxaana meel waliba oo ay tageen looga dabatagay nimankii khawaariijta aha, howlgalka waxuu kasoo billowday degmada Buulaburte aagga kalabayr” ayuu yiri Taliye Kooshin.

    Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay howlgallo ka waday deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, waxaana howlgalkaan uu ahaa mid lagu soo gabagabeynayo wajiga koowaad, ciidanka ayaa ku wajahan deeganno dhaca Galbeedka.

    Source: goobjoog.com


  4. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa la horgeeyay Jimcihii qaraar looga dalbanayo xabadjoojin ka dhaqangasha magaalada Gaza ee Falastiin oo muddo 2 bilood ah dagaallo ay ka socdaan u dhaxeeya ciidamada Israel iyo xoogagga ururka Xamaas.

    Mareykanka ayaa diidmada qayaxan saaray qaraar xalay la hor-geeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo dalbanayay xabbad-joojin bani’aadannimo oo deg deg ah, Qaraarka ayaa waxaa taageeray 13 ka mid ah 15-ka xubin ee Golaha Ammaanka ee QM.


    António Guterres ayaa Arbacadii soo jeediyay go’aan dhif iyo naadir ah, kaas oo golaha kaga dalbanayay in la hirgeliyo go’aan xabadjoojin ah oo Banii’aadannimo, go’aankaas ayaa helay taageero ilaa 100 ruux, laakiin masiijirin oo waxaa ay noqotay mid aan hirgelin oo la joojiyay.

    Diidmada dowladda Mareykanka ee Xabadjoojin ka dhaqangasha Qaza waa markii labaad tan iyo markii uu qarxay dagaalka ka socda magaalada, kaas oo galaya bishii sedexaad, waxaana ku geeriyooday in ka badan 10,000 oo ruux, xilli laga barakacay qeybo kamid ah magaalada.

    Source: goobjoog.com


  5. Garaad-Jaamac.jpg?fit=720%2C540&ssl=1

    Laascaanood (Caasimada Online) – Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid waxgaradka SSC-Khaatuma ayaa iclaamiyay shir wadatashi ah oo ay Laascaanood ku teelanayaan golaha dhaqanka ee SSC.

    Garaadka ayaa ugu baaqay dhammaan odayaasha dhaqanka in ay muddo 5 cisho ah kusoo gaaraan magaalada Laascaanood, si ay uga soo qaybgalaan shirkaasi deg-degga ah.

    Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirkan xasaasiga ah ayaa waxaa looga arrinsan doonaa xaaladda cakiran ee Puntland, gaar ahaan khilaafka ka taaagan doorashada.

    Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale innoo xaqiijiyay in odayaashu ay go’aan kasoo saari doonaan, sida laga yeelayo arrinta ka soo korortay doorashada Puntland, gaar xulista xildhibaannada laga soo doorto SSC.

    Dood adag ayaa haatan waxa a ka taagan tahay soo xulista xildhibaanada laga soo doorto deegaanada SSC,  maadaama dadka deegaankaasi ay hadda yeesheen maamul gaar ah oo ka madax banaan Somaliland iyo Puntland.

    Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli xasaasi ah, isla markaana ay waji cusub yeelatay xiisadda ka taagan Puntland, kadib markii golaha wakiilada Puntland oo ka duulaya xalka ay soo saareen Isimada SSC ay sameysteen hal sano oo muddo kordhin ah, taas oo dhalisay muran xoogan oo horleh.

    Go’aannadaan hoose ayay horay usoo saareen Isimada SSC-Khaatuma kadib kulamo ay la yeesheen Saciid Deni iyo mucaaradka, kuwaas oo kala ahaa:-

    1. In la ilaaliyo nabadgalyada iyo xalisoonida Puntland, cidwalibana ka qaadato kaalinta kaga aaddan.
    2. In doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka lagu qabto waqtigeedii sida caadada u ahayd Puntland 08-01-2024
    3. In Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ay doortaan baarlamaanka 5-aad ee Puntland ee hadda jira.
    4. In Baarlamaanka Puntland ee hadda jira ee muddo xileedkoodu ku eeg yahay 31-12-2023 dib loo dhigo doorashadooda muddo 12 bilood ah.
    5. Xukuummadda Puntland ee la doorto, guddiga doorashooyinka Puntland iyo Xisbiyadda siyaasadeed waa in diyaariyaan doorashada Baarlamaanka ee qof iyo cod muddo 12 bilood gudahood ah.
    6. Guddiga doorashooyinka Puntland waa inay dhammaystiraan doorashooyinkii golayaasha deegaannada ee degmooyinkii hadhsanaaa.

    The post Xog: Garaad Jaamac oo shir deg-deg ah isugu yeeray golaha dhaqanka SSC appeared first on Caasimada Online.


  6. Mareykanka ayaa diidmada qayaxan saaray qaraar xalay la hor-geeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo dalbanayay in Gaza laga hirgeliyo xabbad-joojin bani’aadannimo oo deg deg ah. Qaraarka ayaa waxaa taageeray 13 ka mid ah 15-ka xubin ee Golaha Ammaanka. Mareykanka ayaa diiday halka Britian ay ka aamustay

    Wakiilka dowladda Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Robert Wood, ayaa sheegay in ayna taageereyn doonin xabbad joojin degdeg ah oo laga hirgaliyo Gaza.

    Dowladda Mareykanka ayaa si cad ugu garab istaagtay Israa’iil xasuuqa ay u geesaneyso shacabka Falastiin, waxa ayna Mareykanka Israa’iil ugu deeqday gantaalo culus iyo hub kale oo casri ah.

    Israa’iil ayaa dib u billowday duullaanka militari ee ay ku heyso dhulka Falastiin ka dib markii ay dhammaatay muddo toddobaad ah oo uu dagaalka hakad ku jiray.

    Ciidanka ayaa sheegay in “dagaalo xooggan oo ay weheliyaan duqeyn xagga cirka ah” la galeen dagaalyahannada Falastiiniyiinta ee ku sugan marinka Qaza.

    Source


  7. Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee loo yaqaano NIA ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigtay rag kamid ah sirdoonka Soomaaliya.

    Raggan oo laba ah ayey hay’adda Sirdoonka Somaliland waxay sheegtay inay la shaqeyn jireen Agaasimihii hore ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin.

    Waxay sheegtay in labadan nin ee sida ay sheegtay ka tirsanaa xubnihii hoostagi jiray Fahad Yaasiin ay gudaha Somaliland ka fuliyeen falal lidi ku ah jiritaankeeda, sida lagu yidhi qoraal kasoo baxay NIA.

    Labada nin ayaa sida ay hay’adda shaacisay waxaa lagu kala magacaaba Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye iyo Sahal Axmed Cabdullaahi. Sidoo kale waxay soo bandhigtay sawiradooda.

    “Hay’adda ugu saraysa amniga SL NIA ayaa gacanta ku dhigtey Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye, iyo Sahal Axmed Cabdilaahi, oo labaduba kamid ah sirdoonka Soomaaliya, gaara ahaana shaqsiyaadkii la shaqeyn jiray Fahad Yaasiin, kuwaas oo SL ka fuliyay falal lidi ku ah jiritaankeeda,” ayuu u dhigna qoraalka kasoo baxay Sirdoonka Somaliland.

    Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye oo haysta shahadaada PhD, ayaa hore u soo noqoday Wasiiru dowlaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Puntland.

    Cabdiraxmaan ayaa ah nin ku takhasusuay cilmiga noolaha badda iyo dhammaan kuluumeysiga.

    NIA ma shaacin nooca howl-gal ee Somaliland ka fuliyeen raggan ay sheegtay inay ka tirsanaayeen Sirdoonka Soomaaliya.

    Sirdoonka Somaliland ayaa tan iyo markii uu dhawaan madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay hoggaan cusub, waxay warbaahinta la wadaageysay howl-gallada ay fuliso, iyada oo dhawaan baahisay shaqsiyaad ay sheegtay inay xidhiidh la leeyihiin ururro argagixiso ah.

    “Hay’adda sirdoonka Somaliland (NIA) ayaa magaalada Hargaysa ku qabtey koox ka kooban toban nin oo looga shakisan yahay inay xidhiidh la leeyihiin ururo argagixiso, raggan ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalalka Suuriya, Pakistaan, iyo Marooko, waxayna dhammaantood haystaan dhalashada dalka Marooko” ayaa lagu yidhi qoraal markaasi kasoo baxay Sirdoonka Somaliland.

    Source


  8. Danab-ciidan-ciidamo-dagaal.jpeg?fit=204

    Xudur (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo maanta ka dhacay duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

    Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Huujaley oo hoostaga degmadaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

    Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay.

    Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya, gaar ahaan guutada 9-aad, qaybta 60-aad oo ka hadlay dagaalkan ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena ay khasaare gaarsiiyeen.

    Waxaa kale oo ay tilmaameen in haatan ay gacanta ku hayaan deegaanka lagu dagaalamay, xaaladdana ay dagan tahay.

    Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyay ee ay ka fuliyeen agagaarka magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

    Weerarkan ayaa kusoo aaday, ayada oo la filayo in dhawaan Koonfur Galbeed uu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

    Si kastaba, Al-Shabaab ayaa weli gacanta ku haysa deegaaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool, waxayna kasoo abaabushaa weeraro arbushaad ah.

    The post Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay BAKOOL appeared first on Caasimada Online.

  9. Magaalada Djibouti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jibouti waxaa kusii qulqulaya madaxda ka tiran dalalka urur-goboleedka IGAD oo halkaas uu ka furmayo meertadiisa 41-aad oo madaxdu isugu imaanayaan, loogana hadlayo arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda gobolka.

    Shirkaan ayaa waxaa dalalku ay siweyn uga doodayaan samaeynta isbedelka cimilada ay ku yeelatay gobolka, dhaqaalaha iyo arrimaha amniga, waxaa kale oo lagu gorfeyn doonaa wixii kasoo baxay shirkii isbedelka Cimilada Adduunka ee COP-28 ee Dubai kusoo gabgaboobay.

    Shirka madaxeedka IGAD ayaa kusoo aadaya xilli dadlalka dhaca gobolka intooda badan ay si isku mid ah u wajahayaan saameynta ka dhalatay duufaanta El-nino iyo isbedelka Cimilada ee isbiirsaday, iyadoo Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ay ku dhufteen daadad ka dhashay roobka.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Jabuuti, halkaas oo uu kaga qayb galayo kulanka 41-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur goboleedka IGAD, isaga khudbad ka jeedin doona.
    .

    Source: goobjoog.com


  10. 1200px-Puntland_State_of_Somalia_Coat_of

    Dowladda Puntland ayaa maxkamadda dastuuriga ah ka dalbatay in ay go’aan sharciyeed ka soo saarto arrinta Baarlamanka.

    Wararka ayaa sheegaya in weli aysan maxkamaddu jawaab ka bixin dalabka xukuumadda ee ku saabsan burinta go’aankii Baarlamanka si loo kala diro.

    Dhinaca kale, ma jiro wax fadhi ah oo Baarlamanka Puntland yeelanayo ka hor Khamiista Todobaadkan sida ay noo xaqiijiyeen xildhibaanno ka tirsan golaha.

    Xildhibaannada ayaa sheegaya in Fadhiga Khamiista looga hadli doono qodoba ay ku jirto ansixinta odoroska Miisaaniyadda 2024.

    PUNTLAND POST

    The post Xukuumadda Puntland oo maxkamadda dastuuriga ah ka dalbatay in ay buriso go’aankii Baarlamanka appeared first on Puntland Post.


  11. GAvj4yVW0AEJOm6.jpeg?fit=856%2C681&ssl=1

    Hargeysa (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee loo yaqaano NIA ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigtay rag kamid ah sirdoonka Soomaaliya.

    Raggan oo laba ah ayey hay’adda Sirdoonka Somaliland waxay sheegtay inay la shaqeyn jireen Agaasimihii hore ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin.

    Waxay sheegtay in labadan nin ee sida ay sheegtay ka tirsanaa xubnihii hoostagi jiray Fahad Yaasiin ay gudaha Somaliland ka fuliyeen falal lidi ku ah jiritaankeeda, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay NIA.

    Labada nin ayaa sida ay hay’adda shaacisay waxaa lagu kala magacaaba Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye iyo Sahal Axmed Cabdullaahi. Sidoo kale waxay soo bandhigtay sawiradooda.

    “Hay’adda ugu saraysa amniga SL NIA ayaa gacanta ku dhigtey Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye, iyo Sahal Axmed Cabdilaahi, oo labaduba kamid ah sirdoonka Soomaaliya, gaara ahaana shaqsiyaadkii la shaqeyn jiray Fahad Yaasiin, kuwaas oo SL ka fuliyay falal lidi ku ah jiritaankeeda,” ayuu u dhigna qoraalka kasoo baxay Sirdoonka Somaliland.

    Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye oo haysta shahadaada PhD, ayaa horay u soo noqoday Wasiiru dowlaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Puntland.

    Cabdiraxmaan ayaa ah nin ku takhasusuay cilmiga noolaha badda iyo dhammaan kuluumeysiga.

    NIA ma shaacin nooca howl-gal ee Somaliland ka fuliyeen raggan ay sheegtay inay ka tirsanaayeen Sirdoonka Soomaaliya, keliyana waxay ku soo koobtay “falal lidi ku ah jiritaankeeda”.

    Sirdoonka Somaliland ayaa tan iyo markii uu dhawaan madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay hoggaan cusub, waxay warbaahinta la wadaageysay howl-gallada ay fuliso, iyada oo dhawaan baahisay shaqsiyaad ay sheegtay inay xiriir la leeyihiin ururro argagixiso ah.

    “Hay’adda sirdoonka Somaliland (NIA) ayaa magaalada Hargaysa ku qabtey koox ka kooban toban nin oo looga shakisan yahay inay xidhiidh la leeyihiin ururo argagixiso, raggan ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalalka Suuriya, Pakistaan, iyo Marooko, waxayna dhammaantood haystaan dhalashada dalka Marooko” ayaa lagu yiri qoraal markaasi kasoo baxay Sirdoonka Somaliland.

    GAvj4yVW0AEJOm6.jpeg?resize=696%2C554&ss

    GAvj4yRWgAAousq.jpeg?resize=696%2C405&ss

    The post Somaliland oo sheegtay inay qabatay sirdoon la shaqeyn jiray Fahad Yaasiin + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

  12. Deni.jpeg?fit=2048%2C1364&ssl=1

    Garoowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaacisay in ay tallaabooyin sharciga waafaqsan ka qaadayso Baarlamanka Puntland kadib markii uu samaystay mudda kororsi hal sano ah.

    Wasiirka Warfaafinta dowladda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi bixiyay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay mudda kordhinta sannadka ah ee uu samaystay Baarlamanka

    Wasiirka Caydiid ayaa sheegay in gebi ahaanba dikreeto Madaxweyne ama go’aan Maxkamadeed lagu kala dirayo Baarlamanka hadda jira islamarkaana la bilaabi doono xulista xildhibaanno cusub.

    “Laba qodob ayaa mid soo baxaya; Madaxeeynuhu in uu dikreeto soo saaro oo Baarlamanka kala diro iyo in Maxkamadda Dastuuriga ah xukun ka soo saarto oo buriso go’aankooda kadibna kala dirto,” ayuu yiri wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

    Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in haddii xildhibaannada Baarlamanku diidaan go’aanka kala dirista markaas kadib sharciga lagu qaadayo oo la qa-qabanayo maadaama aysan xasaanad lahayn.

    “Haddii ay diidaan oo sharciga u hoggaansami waayaan waa bilaa xasaanad waxay la mid yihiim dadka kale sharciga ayaana lagu qabanaya,” ayuu sii raaciyay wasiirka Warfaafinta Puntland.

    Saciid Deni ayaa horey uga dalbaday guddoonka sare ee baarlamaanka inuu soo saaro lifaaqa 5-aad ee Dastuurka ee qabsoomida doorashada, si loo dardar-geliyo.

    “Hadaba Mudane Guddoomiye waxaan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ka codsanayas in ay soo saaraan lifaaqa 5-aad ee Dastuurka ee qabsoomida Doorashada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Saciid Deni.

    The post Xukuumadda Saciid Deni oo u hanjabtay baarlamaanka kadib tallaabadii ay qaadeen appeared first on Caasimada Online.

  13. FB_IMG_1702098108265.jpg?fit=1080%2C720&

    Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray dalka Jabuuti.

    Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee caasimada Jabuuti kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti.

    Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira ka qayb-galka  kulanka 41-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur goboleedka IGAD, sida ay shaaca ka qaaday Villa Soomaaliya.

    Shirkan ayaa looga hadli doono xaaladda guud ee gobolka, ayada oo la filayo in madaxweynuhu uu khudbad xasaasi ah ka jeediyo shirweynaha Jabuuti.

    Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa diiradda ku saari doono arrimo ay ka mid yihiin dagaalka Al-Shabaab iyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka.

    Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan madaxda dalka Jabuuti iyo kuwa kale ee kasoo qayb-galayo kulanka 41-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur goboleedka IGAD.

    Jabuuti oo xiriir wanaagsan iyo walaaltinimo ay kala dhexeyso Soomaaliya ayaa waxaa marar badan booqashooyin ku tegay madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadallo la soo yeeshay dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle.

    Si kastaba, madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa maalmo kahor kasoo laabtay safar uu ku tegay dalka Imaaraadka Carabta oo uu uga soo qayb-galay shirka COP28 oo looga hadlayay isbeddalka cimilada adduunka.

    FB_IMG_1702098108265.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1702098105909.jpg?resize=696%2C46

    The post Xasan Sheekh oo ka dagay dalka JABUUTI + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

  14. FB_IMG_1702102815033.jpg?resize=715%2C71

    Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa shir Wada-tashi ah isugu yeeray golaha dhaqanka SSC-khaatumo.

    Garaad Jaamac ayaa ugu baaqay isimada dhaqanka SSC in ay mudda shan cisho ah ku soo galaan Laascaanood si ay u yeeshaan shir wada-tashi ah.

    Golaha isimada SSC ayaa shirkooda uga tashanaya sida laga yeelayo arrinta ka soo korortay doorashada Puntland gaar xulista xildhibaannada laga soo doorto SSC.

    Dood adag ayaa ka taagan soo xulista xildhibaannada laga soo doorto SSC maadaama dadka degaankaasi yeesheen maamul gaar ah..

    PUNTLAND POST

    The post Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo shir isugu yeeray golaha dhaqanka SSC-khaatumo appeared first on Puntland Post.


  15. Doorashooyinku waa mid ka mid Xalka Somaliland kaga bixi Karto Xaaladda Adag

    Hargeysa(Qaran news)-Doorashooyinka isa saarka ah ee madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda ee muddaysan 13ka October ee 2024ku, waa mid ka mid ahdaafta waaweyn ee Somaliland kaga bixi karto xaaladda adag ee siyaasiga ah.

    Waxa daruuri in dhinacyada oo dhammi uga wada shaqeeyaan si wadajir ah, iyadoo Xukuumaddana waajibka koowaad ka saaran yahay inay dhaqaalihii doorashada iyo inkaaniyaadka doorashada ee iyaga ku xidhan ka soo baxdo. Sidoo kale Golaha Guurtidda oo gacanta ku haya kaabista xeerka doorashooyinka, ayaa iyana laga rabaa inay xilli hore xeerkaas qavashada doorashada furaha u ah is dhaafiyaan, si aan dib u dhac kale oo khilaaf inoo horseedaa u iman.

    Sidaas darteed, doorashada oo xiligeeda ku qabsoobtaa, waa tallaabo muhiim ah oo Somaliland isbeddel caafinaad qabaa kaga dhallan karo, isla markaana waa qorshe dhabbada u xaadhaya in hoggaanka yimaadaa uu furdaamiyo colaadaha ka taagan bariga Somaliland iyo dib u walaaleynta muwaadiniinta Somaliland oo wadajirkoodii iyo kalsoinidii ay ku qabeen hoggaanka dalku xilligan hoos u dhacay.

    Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo toddobaadkii hore gooni gooni u hadlay ayaa labaduba xukuumadda ugu baaqay in aan la aqbali karin dib u dhac kale oo doorashooyinka ku yimaada. Waxayna hoosta ka xariiqeen in difaaca dalka iyo doorashooyinku, labaduba yihiin masaaluxda koowaad ee Qarannimada Somaliland nooleynaya.

    Ugu dambayn wadajir halooga shaqeeyo sidii doorashooyinku inoogu qabsoomi lahaayeen hannaan xor ah oo daah furan.

    Qaran News


  16. Xasan-Sheekh-scaled.jpeg?fit=2560%2C1874

    Istanbul (Caasimada Online) – Duqa magaalada Istanbul ee dalka Turkey, Ekrem İmamoğlu ayaa shaaca ka qaaday in wiilka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo lagu eedeeyey dilka muwaadin Turkish ah, uu dalka ka baxsaday.

    Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku lug lahaa shil 30-kii November ka dhacay degmada Fatih ee magaalada Istanbul, oo uu ku dhintay Yunus Emre Göçer oo ahaa 38 jir Turkish ah.

    Yunus Emre Göçer, oo waday mooto ayaa xillii uu istaagayey waddada Kennedy Avenue, waxaa gadaal kaga dhacay baabuur uu waday Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, baabuurkaas oo u diiwaan gashan safaaradad Soomaaliya.

    Shilka ayaa dhaliyey in Yunus ay gaaraan dhaawacyo culus, kuwaas oo uu ugu dambeyn lix maalmood kadib ugu geeriyooday Isbitaalka İstanbul Teaching and Research Hospital.

    Duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu ayaa shalay wacad ku maray tallaabo ka dhan ah wiilka madaxweynaha Soomaaliya iyo in caddaaladda la horkeeno. Hase yeeshee, qoraal uu goordhow soo dhigay bartiisa X (Twitter) ayuu ku sheegay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu dalka ka baxsaday.

    “Yunus Emre Göçer wuxuu ahaa muwaadin u dhashay Jamhuuriyadda Turkiga. Waxaa noloshiisa dhaafsiiyey shil uu geystay wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya. Waxaanu sheegnay inaan raaceyno nidaamka sharciga ah, balse tuhmanuhu wuu ka baxsaday Turkiga,” ayuu yiri Ekrem İmamoğlu. 

    Waxa uu intaas ku daray “Xanuunka qoyska dhibbanaha ah ayaa sii kordhay. Caqliyadda indhaha ka qarsanaysa, oo ogolaanaysa baxsashadan, nasiib darro, waa mid aad u liidata oo aan difaaci karin xuquuqda muwaadinka dalkiisa.” 

    Moto-kurye Yunus Emre Göçer, Türkiye Cumhuriyeti vatandaşıydı. Somali Cumhurbaşkanı’nın oğlunun yaptığı kazayla bu hayattan koparıldı. Biz, hukuki sürecin takipçisi olacağız dedik ama zanlı elini kolunu sallayarak Türkiye’den ayrıldı. Kurbanın ailesinin acısı daha da katlandı. Bu… pic.twitter.com/zLhzX7JiSa

    — Ekrem İmamoğlu (@ekrem_imamoglu) December 8, 2023

    Ekrem İmamoğlu ma shaacin sida ay baxshadu u dhacday. Balse waxaa horey u jiray warar sheegaya in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu haystay xasaanad diblomaasiyadeed, oo sidaas ay usii daayeen booliska.

    Horey, wasiirka cadaaladda Turkey Yılmaz Tunç ayaa sheegay in muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka waddooyinka ay moojinayaan in Yunus gadaal looga dhacay isaga oo wata mootadiisa.

    Wasiirka ayaa sheegay in qof walba uu sharciga u siman yahay, haddii fal dambiyeed dhacayna ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo.

    Safaaradda Soomaaliya ee Turkey ayaan weli ka hadlin arrintan.

    The post Duqa Istanbul oo sheegay inuu baxsaday wiilka Xasan Sheekh ee loo haystay kiis dil ah appeared first on Caasimada Online.

  17. Baadiyow.jpg?fit=960%2C640&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay in uu noqdo Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha Dib u heshiisiinta, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow.

    Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa horay u ahaa Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dastuurka.

    Madaxweyne Xasan Sheekh maalin ka hor ka-taliyihiisa arrimaha dastuurka u magacaabay Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud oo horay isaga casilay Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya.

    Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow oo dalka kasoo qabtay mas’uuliyado kala duwan ayaa aqoon iyo waayo aragnimo u leh arrimaha dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in magacaabidda Dr. Baadiyow ay mudnaan gaar ah u leedahay dowlad-dhiska iyo horumarinta nabadda Soomaaliya.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tilmaamay muhiimadda ay dowladnimada Soomaaliya u leedahay dib u heshiisiinta ayaa kula dardaarmay Lataliyaha in uu ku biiriyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, qorshaha qaran ee lagu gaarayo heshiis buuxa oo dhexmara Ummadda Soomaaliyeed.

    Xasan Sheekh ayaa u muuqda nin aruursanaya oo dowladda uu hoggaamiyo ku soo daraya xubnaha miisaanka leh ee aqoonta durugsan u leh dowladnimada Soomaaliya.

    IMG_6461.jpeg?resize=696%2C696&ssl=1

    The post Madaxweyne Xasan oo xil sare u magacaabay Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow appeared first on Caasimada Online.