Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,004
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Garowe (PP News Desk) — The Constitutional Court of Puntland State of Somalia has rejected the decision of the Puntland Parliament to endorse one-year extension for the legislature.

    Puntland Attorney General wrote to the Constitutional Court about the decision of the parliament, “which runs counter to the decision by Puntland President Said Abdulahi Deni”, who in deference to the recommendations of traditional leaders, called an ejection to take place on 8 January 2024.

    The Constitutional Court’s decision will expedite the process to appoint arbitration committee ahead of the selection of MPs by traditional leaders.

    ©Puntland Post, 2023

    The post Puntland Constitutional Court Rejects Parliamentary Term Extension appeared first on Puntland Post.


  2. ABIDJAN, Ivory Coast, December 10, 2023/APO Group/ — The African Development Bank Group’s (www.AfDB.org) Board of Directors has approved a $66 million loan to the government of Tanzania for additional equity in Tanzania Agricultural Development Bank (TADB). The financing will enable TADB to strengthen its capital and enhance the structure and effectiveness of financial and non-financial services it offers to entrepreneurs in the agriculture and related value chains.

    The Tanzania Agricultural Development Bank Phase II project will also receive $950,000 in technical assistance from the Affirmative Finance Action for Women in Africa (AFAWA) initiative to boost access to finance and related support to women in identified agriculture value chains. Additional technical assistance of $250,000 will come from the Africa Adaptation Acceleration Program (AAAP), a joint initiative of the African Development Bank and the Global Centre on Adaptation (GCA). This will go toward climate risk management support and to assist TADB in assessing the climate risk profile of its portfolio and developing the tools, methodologies, and capacity to mainstream climate resilient lending practices.

    The project, approved on 5 December, is expected to enhance inclusive access to finance in the agriculture sector, improve yields and productivity and raise household income and create jobs, contributing to broad-based economic growth in Tanzania.

    The Bank Group’s Acting Director for Financial Sector Development, Ahmed Rashad Attout said, “We are excited to finalize this second intervention with the Government of Tanzania to support the consolidation and expansion of TABD’s operations and in supporting the transformation of Tanzania’s agricultural sector.”

    Bank Group Director General for East Africa, Nnenna Nwabufo, added, “through this intervention, the African Development Bank reiterates its commitment to support efficiencies and competitiveness of agricultural enterprises, expansion of agricultural value chains and bolster the financing of the agriculture sector, with enhanced support to women entrepreneurs in this sector.”

    Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB).

    Qaran News


  3. 408453945_910312520664856_22014699020261

    Hobyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqday halka ay khubarada dhiseysa dekaedda Hobyo u asteeyeen in laga dhiso dekedda.

    Wafdiga Qoor-Qoor ku wehlinayay booqashadan ayaa ka koobna xildhibaanno ka tirsan BFS, masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowlad-goboleedka Galmudug, ganacsato, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

    Madaxweyne Qoor-Qoor oo halkaasi ka hadlay ayaa marka hore waxa uu sheegay in farxad weyn ay tahay in bulshada reer Galmudug ay ku midoobeen dhismaha dekeddooda Hobyo, kadib dadaal dheer oo ay galisay dowladda Galmudug.

    Waxa uu ka dhawaajiyay muhiimadda iyo faa’iidada ay bulshada reer Galmudug u leedahay dekedda Hobyo, taasi oo habeenkii xalay aheyd degmada looga dhowaaqay maalgashiga dhismaha dekedda.

    “Waxaan cabirnay oo asteynay dekeddii goobtii loo asteeyay, halka aan taaganahay waa meesha ay ka bilaabato calaamada ka baxsan magaalada ee dekeddii Hobyo ee dhismaheeda la bilaabayo,” ayuu yiri madaxweyne Qoor-Qoor.

    Qoor-Qoor ayaa amar ku bixiyay in dhulka ay dekeddu u baahan tahay aan la deegaameyn karin, islamarkaana aysan sharci aheyn maanta wixii ka dambeeya dhulkii hore loo deegaamayay.

    “Cidii ku jirta, cabir ka sameysay ama dhisme ka sameysay laga bilaabo maanta waa ka mamnuuc, waana ka baxeysa oo cid loo ogol yahay oo dekedda aheyn majirto,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Qoor-Qoor.

    Sidoo kale waxa uu faray hay’adaha amniga maamulka Galmudug inay la shaqeeyaan guddiga loo xil-saaray dhismaha dekedda Hobyo.

    “Dhamaan hay’adaha amniga waxaa amar ku qabtaan in aad ilaalisaan oo dhowrtaan, ciddii soo gasha ama ku xad-gudubta sharciga lala tiigsado. Majirto hanti ama dhisme hore looga sameeyay oo laga bilaabo saacadan sharci ah.”

    Hoos ka daawo muuqaalka

    The post Daawo: Qoor-Qoor oo tegay halka loo asteeyay dekedda Hobyo, soo saaray amaro culus appeared first on Caasimada Online.

  4. 1200px-Puntland_State_of_Somalia_Coat_of

    Maxkamadda dastuuriga ah ee dowladda Puntland ayaa gebi ahaanba hadda laashay go’aankii Baarlamanka Puntland ku ansixiyay mudda kororsiga halka sano ah.

    Go’aan rasmi ah oo ka soo baxay maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland ayay ku laashay mudda kororsiga Baarlamanku samaystay, sida aan ka xaqiijinay xubno sare oo ka tirsan maxkamadda.

    Sida ku qoran warqadda aan helnay, maxkamaddu ma kala dirin Baarlamanka, balse waxay go’aamisay in si toos ah loo aado doorashada Baarlamanka iyo Madaxtooyada.

    Xukuumadda Puntland ayaa Sabtidii shalay maxkamadda u gudbisay qoraal ay ku codsanayso in maxkamaddu go’aan sharci ah ka soo saarto arrinta Baarlamanka.

    FB_IMG_1702216910730.jpg?resize=720%2C93 FB_IMG_1702216915093.jpg?resize=720%2C93 FB_IMG_1702216919627.jpg?resize=720%2C93

    PUNTLAND POST

    The post Maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland oo gebi ahaanba laashay mudda kororsigii Baarlamanka appeared first on Puntland Post.


  5. 407456714_821746609991947_43395566426023

    Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka-faalad qaaday wax ka qabashada xaaladda caafimaad ee Cumar Cali Axmed.

    Cumar oo dhawaan maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ay u xukuntay reerkiisa, kadib markii laba reer isku qabsadeen dhaawaciisa, waxaana haya xanuun u baahan in laga warhayo xaaladiisa caafimaad.

    Guddoomiye Madaale ayaa xarunta Aqalka dowladda Hoose ee Xamar kula kulmay Cumar Cali Axmed iyo reerkiisa, isaga oo ballan-qaaday inuu ka-faalad qaadi doono kharashaadka ku baxaya xaaladiisa caafimaad.

    Cumar waxaa jirkiisa ka muuqda dhaawacyo daran oo halis ah, kuwaasi oo ka soo gaaray qarax ka dhacay xerada Nacnaca, oo uu markaas u tegay inuu kamid noqdo ciidanka xoogga dalka.

    Cumar ayaa la filayaa in dhawaan loo qaado dalka dibaddiisa, si xaaladiisa caafimaad loola tacaalo, waxayna ka-faalad qaadka Madaale ee wiilkaan uu rejo wanaag u yahay dhalinta ku fikiraya inay dalkooda difaacdan, ee ay qortaan ciidanka.

    3-dii bishaan ayay aheyd markii maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ay Cumar ku wareejisay reerkiisa saxda ah, kadib isqab-qabsi dheer iyo baaris ay sameeyeen CID-da iyo maxkamadda.

    Maxkamadda Ciidamada ayaa Cumar waxay markaas ku wareejisay Reer Cali Axmed oo la cadeeyay inay dhaleen.

    Maxkamadda Ciidamada ayaa caddeysay in wiilkaan dhibanaha u ah qarax Al-Shabaab u geysatay isaga iyo saaxiibadiis sannadkii 2022 uu yahay Cumar Cali Axmed sidaas ayaana loogu wareejiyey reerkiisa.

    Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kadib in ka badan saddex todobaad oo la sugayay natiijada baaristii dheecaanka hidda raaca (DNA).

    Sheekadda wiilkan ayaa hadal hayn xooggan ka dhalisay baraha bulshada, ayada oo dadka siyaabo kala duwan uga fal-celiyeen, iyada oo ugu dambeyntiina maanta ay dowladda ka-faalad qaaday wax ka qabashada xaaladiisa caafimaad.

    The post Arrinta Cumar Cali Axmed oo weji cusub yeelatay kadib markii Madaale uu sheegay… appeared first on Caasimada Online.

  6. Hargeysa(Qaran news)- Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah Cabdinaasir Cumar Jaamac, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi uga mahadceliyay xilka qaranka ee uu ka nasiyay shalay.

    Wasiir kuxigeenkii hore ee Arrimaha IMG-20231210-WA0004.jpgDibaddu wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu soo saaray oo u dhignaa sidan:-

    “Ugu horayn Ilaahay baa Mahad iska leh, mar labaad, waxaan mahad ballaadhan halkan uga celinayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta iga fadhiisiyay shaqadii aan qaranka u soo hayay muddo ku siman 6 sanno oo aan ka soo shaqeeyay Wasaarado kala duwan, kuna soo shaqeeyay duruufo kala duwan.”

    “Sidoo kale waxaan halkan uga mahad celinayaa guud ahaan hawl wadeennada Wasaarada Arrimaha Dibadda oo ugu horreeyo Wasiirka Wasaarada Arrrimaha dibadda oo aanu laba sanno iyo dheeraad soo wada shaqaynay.

    Waa sunaha dawladnimo in xilka qaranka marba qof hannan kara loo dhiibo,” ayuu yidhi Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Khaarajiga Cabdi Naasir Cumar Jaamac.

    Wasiir ku-xigeenkaasi waxa kale oo uu soo maray Wasiir kuxigeenka Wasaaradaha Horumarinta Caafimaadka iyo Warfaafinta.

    Qaran News


  7. Masuuliyiinta Xafiiska UK oo la Kulmay Shirgudoonka Guurtidda
    IMG-20231210-WA0002.jpg
    IMG-20231210-WA0003.jpg
    Hargeysa(Qaran news)-Masuuliyiinta Xafiiska Ingiriiska ee Somaliland ayaa saaka kulan la qaatay Shir-gudoonka Golaha Guurida Somaliland iyo Xubno ka mid ah Mudanayaasha guurtida, kulankaasi ayaa waxa goob joog ahaa la taliyaha dhinaca siyaadada Arrimaha Debida ee Golaha Guurtida Marwo Faadumo Siciid.

    Masuuliyiinta Xafiiska Dawaladda Ingiriiska ee Somaliland ayaa sidoo kale waxa ay ka xog-waraysteen Shir-gudoonka Guurtida halka ay marinyaan Xeerkii isa-saarka Doorashooyinka oo horyaala Golaha Guurtida, waxa kale oo kulan lagu soo qaaday sidii xafiiska Dawladda Ingiriisku ugala shaqayn lahaa Golaha Guurtida dhinaca siyaasada arrimaha Debada.

    Kulankan ayaa waxa ay ka wada hadleen labada shinac sidii wada shaqayn joogta ah looga yeelan lahaa danaha siyaasadeed iyo xidhiidhka Golaha Guurtida iyo Xafiiska Ingiriiska ee Somaliland.

    Kulanka oo warbaahintu Dibeda ka joogta ayaa markii uu soo idlaadaya waxaa war fidiyeenka uga warbixiyay la taliyaha siyaasada arrimaha dibeda ee Golaha Guurtida Marwo Faadumo Siciid waxaan hadaladeedii ka mid ahaa.

    Qaran News


  8. FB_IMG_1702203433438.jpg?fit=510%2C255&s

    Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe maleeshiyaad hubeysan ay dil ka gaysteen tuulada Ilix oo hoostegta degaanka Ceeldheer oo 30 KM u jira Dhuusamareeb.

    Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo gaystay Macallin dugsi qur’aan iyo dhaqtar, kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen walaalo isla dhashay.

    Labada marxuum ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Dr. Axmed Xasan Cismaan iyo walaalkiis yar Macallin Liibaan Xasan Cismaan, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

    Dr. Axmed oo batay daaweynta Ilkaha ayaa dhawaan booqasho u aaday qoyskiisa, halka Macallinka uu ahaa wadaad caan ka ah deegaanka oo dhigi jiray Qur’aanka Kariimka.

    Maleeshiyaadka dilka gaystay ayaa goobta isaga baxsaday, kuwaas oo labadaan wiil ee walaalo ah u beegsaday aano qabiil darteed, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

    Dilka Dhaqtarka iyo Macallinka ayaa argagax ku reebay ehelladooda iyo dadka degan tuulada, maadaama ay lasoo daristay cabsi aad u xoogan.

    Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana sidoo kale dhacdadaan ku baxay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo haatan baadi goobaya raggii ka dambeeyay falkaasi argagaxa leh.

    Galmudug ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay kusoo badanayay dhacdooyinka dilalka ah ee salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana ugu dambeeyey dilkii Dhuusamareeb loogu gaystay Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil oo kasoo jeeda magaalada Cadaado.

    The post Dhaqtar iyo Macallin walaalo ah oo hal goob lagu dilay appeared first on Caasimada Online.

  9. Polish_20231210_142826608.jpg?resize=720

    Hoggaamiyaha Maamulka SSC-khaatumo ayaa Todobaadkan ku wajahan magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn.

    Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha Maamulka SSC ayaa markii u horraysay tegaya Buuhoodle tan iyo intii loo doortay xilkaan.

    Hoggaamiye Firdhiye ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu booqdo degaannada Gobolka Cayn ee ka baxsan Buuhoodle gaar ahaanna Jiidda Qorilugud oo ay fadhiyaan ciidamada difaaca SSC.

    Wararka ayaa intaas ku daraya in Hoggaamiyuhu uu shirar kala duwan la yeelan doono Bulshada magaalada Buuhoodle iyo guud ahaan Gobolka Cayn.

    PUNTLAND POST

    The post Hoggaamiyaha SSC-khaatumo oo Todobaadkan ku wajahan magaalada Buuhoodle appeared first on Puntland Post.


  10. psf-puntand.jpg?fit=1680%2C1120&ssl=1

    Garoowe (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya gobolka Bari ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa maamta xirtay laamiga dheer ee Boosaaso, halkaas oo ay saaka ku xanniban yihiin gaadiid fara badan.

    Ciidamadan oo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland ayaa la sheegay inay ka gadoodsan yihiin mushaar la’aan, taasi oo keentay inay xirtaan jidkaasi muhiimka u ah isku socodka.

    Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadan ay muddo laba maalmood ah fadhiyaan degaanka Jimbac oo dhinaca bari ka xiga magaalada Ceeldaahir ee gobolka Bari.

    Wararka ayaa intaasi kusii daraya in gebi ahaanba uu joogsaday isku socodka gaadiidka ku safra waddadaasi laamiga ah oo isku xirta Boosaaso iyo deegaanada ee Puntland.

    Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan oo hubeysan ayaa waxay ku eedeyeen maamulka inuu mushaarkii ciidamada Puntland ku galay ololaha doorashada, xilli uu maamulkaasi ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed xoogan oo ka dhashay arrimaha doorashooyinka.

    Sdioo kale waxaa haatan soconayo dadaallo dheeraad ah oo lagu qanacinayo saraakiisha iyo ciidamada, si ay jidka u furaan, isla markaana u fasaxaan gaadiidka ku xanniban halkaasi.

    Arrintan ayaa kusoo aadeysa ayada oo haatan madaxweyne Saciid Deni uu wajahayo xaalad ka dhalatay muranka hareeyay doorashada oo haatan yeeshay waji cusub.

    Horraantii bishaan ayay aheyd markii ay ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ay xirteem bar-kontarool oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

    Ma ahan markii u horeysay ee ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ay xirtaan baro kontarool, balse waa arrin dhowr jeer oo hore sidaan oo kale uga dhacday magaalooyinka Puntland.

    Si kastaba, Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Deni ayaa muddooyinkii dambe wajahayay culeyso uga imaanaya bulshada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kadib markii lagu eedeeyay in xukuumadda ay ku mashquushay meel-marinta damaca hoggaanka sare ee maamulkaasi.

    The post Boosaaso: Ciidan gadoodsan oo tallaabo xasaasi ah qaaday appeared first on Caasimada Online.

  11. Madaxweyne Muuse Biixi oo Xilkii ka Qaaday Wasiirkii Ciyaaraha iyo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda

    Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilka qaadis, magacaabid iyo bedel ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

    Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

    Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

    1. Ku: Cabdiraxmaan Xirsi Jaamac Dhooble
    Wasiirkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

    2. Ku: Cabdi-naasir Cumar Jaamac
    Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

    Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

    Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u haysay ee Wasiirkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

    Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wareegtooyin madaxweyne ku magacaabay masuuliyiintan.

    Waxaanay u dhignayd sidan:-

    Ujeeddo: Magacaabid.

    Wareegto Madaxweyne
    Magacaabid

    Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

    Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

    Markaan ku Qancay: In ay Hannan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

    Markaan Sameeyey: La-tashi;

    Waxaan Go’aamiyey;

    1. In Cabdirisaaq Muuse Faarax Cawad laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland.

    2. In Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu Rooda Jaamac Cilmi Cabdulle laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga.

    3. In Saleebaan Jaamac Diiriye Guuleed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

    ALLAA MAHAD LEH

    Muuse Biixi Cabdi
    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

    Qaran News


  12. Maxamed Cabdi Waare ayaa noqday Ku-xigeenka Xoghayaha Urur-goboleedka IGAD sida uu xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac.

    Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo la hadlay SONNA ayaa magacaabista ku-xigeenka xoghayaha IGAD ku tilmaamay guul diblomaasiyadeed oo ay dowladda Soomaaliya ku tilaabsatay, taas oo ka dhigan in siweyn ay u soo muuqanayso.

    “Waa Guul kale oo diblomaasiyadeed oo u soo hoyatey dowladda Soomaaliya, magacaabistiisa ayaa waxay sare u qaadeysa sumcadda iyo maqaamka Soomaaliya ay ku leedahay gobolka iyo caalamka” ayuu yiri wasiirka wasaaradda Warfaafinta Daa’uud.

    Maxamed Cabdi Waare oo horay u soo noqday Madaxweynaha Hirshabeelleiyo Ergayga Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee arrimaha xasilinta ayaa laga filayaa in wax wayn ku soo kordhiyo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya dalalka ku bahoobay IGAD, isagoo ka hoos shaqeyn doono xoghayaha guud ee IGAD Workneh Gebeyehu.

    Source: goobjoog.com


  13. Waare.jpeg?fit=1080%2C754&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta xil sare looga magacaabay urur goboleedk IGAD.

    Waare ayaa noqday ku xigeenka xoghayaha guud ee ururka IGAD oo ay Soomaaliya qayb ka tahay, sida uu xaqiijiyay wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka  Soomaaliya

    Daa’uud Aweys oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in magacaabistan ay tahay guul weyn oo diblomaasiyadeed, una soo hoyatay Soomaaliya.

    Sidoo kale wuxuu tilmaamay in magacaabistan ay sare usii qaadeyo sumcadda iyo maqaamka guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

    “Waa guul kale oo diblomaasiyadeed oo u soo hoyatey Dowladda Federaalka Soomaaliya. magacaabistiisa Mudane Waare waxay sare u qaadeysa sumcadda iyo maqaamka Soomaaliya ay ku leedahay gobolka iyo guud ahaan caalamka” ayuu yiri wasiirku.

    Waare ayaa markii ugu dambeysay ahaa ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka, ayada oo xilkaas dhawaan uun laga qaaday, waxaana loo magacaabay Xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi, sababtuna waxa ay ahayd xilka loo waaday oo ugu dambeyn maanta looga magacaabay, isaga oo noqday ku xigeenka xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD.

    Magacaabistiisii ayaa sidoo kale timid, kadib markii ay Soomaaliya codsi u gudbisay dalalka xubnaha ka ah IGAD, sidaasna lagu magacaabay Mudane Maxamed Cabdi Waare.

    Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa noqday mas’uulkii saddexaad ee Soomaali ah oo xilligan xil sare ka haya ururka goboleedka IGAD.

    Waxaa hadda IGAD xil ka haya wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ah ergayga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan la qabsiga cimilada iyo ilaalinta deegaanka.

    Sidoo kale, waxaa dhowaan Wakiilka IGAD ee Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Soomaaliya, loo magacaabay Maxamed Kaarshe oo horey usoo noqday wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug.

    The post WAARE oo xil sare looga magacaabay ururka IGAD appeared first on Caasimada Online.

  14. Shabab-Shabaab.jpeg?fit=960%2C585&ssl=1

    Doolow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay isku uruursanayaan qaybo kamid ah gobolkaas oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo culus, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta gobolkaas ee Jubbalad.

    Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka Gedo, Cismaan Nuux Xaaji (Macallimuu) oo wareysi siiyay Shabelle ayaa shaaca ka qaaday inay ka war hayaan dhaq-dhaqaaqa ay kooxda ka billowday gobolka, ayna ka hortagayaan, sida uu hadalka u dhigay.

    “Waan la soconaa xogta cadowga iyo dhaq-dhaqaaqooda, marka la arkana waa laga hortagaa” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Gedo.

    Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay in Al-Shabaab ay tabar beeleen, isla markaana uu jab xoogleh kasoo gaaray dagaalladii ugu dambeeyay ee ay la galeen ciidamada dowladda.

    “Iyagaa hadda iska tabar beelay oo aan tabar badan lahayn dagaallo fara badan ayay galeen burbur xoogleh ayaana ku dhacay” ayuu kusii daray.

    Macallmuu oo hadalkiis sii wata ayaa xusay in heegan buuxa ay ku jiraan ciidamada Xoogga dalka iyo daraawiishta Jubbaland ee ku sugan Gedo, ayna qaadi doonaan todobaadyada soo socda guluf ka dhan ah xubnaha Al-Shabaab ee dhaq-dhaqaaqyada ka wada halkaasi.

    “Ciidamada gobolka ku sugan heegan ayay ku jiraan meel kasta oo ay joogaan, wayna ka hortegi doonaan dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab” ayuu mar kale yiri  Macallimuu.

    Gedo ayaa kakmid ah gobollada la filayo inuu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaas oo qorshuhu yahay in lagu xoreeyo Jubbaland iyo Koonfur Galbeed

    The post Xog: Shabaabkii ugu badnaa oo isugu tegay gobolka GEDO, kadibna bilaabay inay…. appeared first on Caasimada Online.

  15. Wararka naga soo gaarayo Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in deegaan lagu magacaabo Ceeldheere Saqdii dhexe ee xalay koox maleeshiyaad ah ay ku dishay labo wiil oo la sheegay in ay ahaayeen walaalo, sida laga soo xigtay maamulka.

    Labada Marxuum ee la dilay ayaa lasheegay in mid kamid ah uu ahaa macalin dugsi Qur’aan halka wiilka kale uu ahaa dhaqtar, waxaana la ogeyn sababta ka dambeysay dilka loo geystay labada ruux, xilli muddooyinkii dambe Galgaduud ay ka dhacayeen dilal la xiriira aan qabiil.

    Ragga la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Liibaan Xasan Cismaan oo macalinka ahaa iyo Axmed Xasan Cismaan oo la sheegay inuu ka yimid magaalada Buuhoodle halkaas uu ugu maqnaa arrimo shaqooyin caafimaad ah , isaga oo kusoo laabtay gobolka Galgaduud.

    Gobolka Galgaduud ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka taagnaa dhacdooyin la xiriira dilal aanooyin qabiil ah, waxaana maamulka magaalada Gurceel ay sheegeen in ay ku dabajiraan kooxdii dilka geysatay oo aan wali lagu guuleysan in gacanta lagu soo dhigo tan iyo xalay.

    Source: goobjoog.com


  16. Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka hay’adda maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan, qaybna ka yihiin u qaybsamaha Qaramada midoobey ee arimaha gargarka iyo ban’iadanimada {DSRGS) George Conwey, Madaxda Hay’addaha UNICEF, WFP iyo madaxa Mashruuca gargaarka degdega ee hay’adda FAO Somalia, UN-OCHA Somalia ayaa gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo kamid ah degmooyinka sameenta ay ka soo gaartay daadadka El-Niño iyo fatahaadaha Wabbiyada.

    Wafdiga ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa wasiiro katirsan Maamulka Jubbaland, waxaana lagu sheegay ujeedada Socdaalkooda inuu la xariirtey u kuur gelidda sameynta ka dhalatey fatahaaddii uu sameeyey webiga Jubba ee mara degmada Baardheere, Burburkii Buundadii muhiimka u ahayd Bulshada magaalada Baardheere iyo Saameenta wayn ee ka dhalatay fatahaadaha Elnino.

    Xubnahaan ayaa waxa ay boqdeen sidoo kale xirooyinka ay daganyihiin dadka Barakacaaysha ah ee sida ba’an u saamaysay fatahaada, Buundada Burburtay, Isbitaalka degmada iyo Xarunta Mamulka degmadaas, magaalada ayaa waxaa wali ka muuqda saameynta iyo burburkii ka dhashay fatahaadaha iyo roobabaka isbiirsaday ee ku dhuftay qeybo badan oo kamid ah deegaannada dowlad goboleedka Jubbaland.

    Source: goobjoog.com


  17. Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo habeennimadii sabtidii ka qaybgalay munaasabad ballaaran oo ay goobjoog ka ahaayeen Xildhinaanno ka tirsan BFS, mudnayaal ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, ganacsato, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa daahfuray mashruuca maalgelinta dekadda Hobyo.

    Munaasabadda oo looga hadlayay maalgashiga Dekadda Hobyo ayuu madaxweynuhu ka sheegay in farxad weyn ay tahay in bulshada reer Galmudug ay ku midoobeen dhismaha Dekaddooda Hobyo, kaddib dadaal dheer oo ay galisay Dowladda Galmudug. Madaxweynuhu wuxuu ku dheeraaday muhiimadda iyo faa’iidada ay bulshada reer Galmudug u leedahay Dekadda Hobyo.

    ‘Inta halkan fadhisa iyo inta ka maqanba waxaan soo gaarnay himilo muddo dheer lagu taamayay oo guusheedii caawa la gaaray, iney tahay guul taariikhi ah ka sokow, waxaa ay kale guul u tahay intii kasoo shaqeysay oo Adduun iyo Aakhiro anfici doonta, in la sameeyo ama la hirgeliyo ama halkaan laga daahfuro maalgashiga dekadda Hobyo” ayuu yri Madaxweyne Qoorqoor.

    Magaalada Hubyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa gaaray mas’uuliyiin kale duwan oo isugu jira Xildhinaanno ka tirsan BFS, mudnayaal ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, ganacsato, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana halkaas laga daahfuray mashruuca lagu maalgashanayo dekadda magaalada oo dib u dhis ballaaran lagu sameynayo.

    Source: goobjoog.com