-
Content Count
214,576 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
About Deeq A.
-
Rank
Contributor
- Birthday 02/08/1985
Recent Profile Visitors
21,339 profile views
-
Muqdisho, Jannaayo 20, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, xaaladda gobolka, kor u qaadista iskaashiga arrimaha gobolka ee ay dano wadaagga ka yihiin iyo adkaynta nabadgelyada iyo horumarka. Madaxweyne Ramaphosa ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada dowladda Koonfur Afrika ay u hayso madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Dunida dibloomaasiyadda ayaa maanta kacsan ka dib markii la baahiyay fariimo qoraal ah oo lagu sheegay inay dhex mareen Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu muhiimsan qaaradda Yurub, kuwaas oo muujinaya khilaaf baaxad leh oo salka ku haya abaalmarinta Nobel Peace Prize iyo qorshihii muranka dhaliyay ee iibsashada Greenland. Wararka ayaa sheegaya in Donald Trump uu fariin kulul u diray Ra’iisul Wasaaraha Norway, Jonas Gahr Støre, isagoo ku dhaliilay guddiga abaalmarinta Nobel Peace Prize inay u diideen aqoonsigaas. Trump ayaa la sheegay inuu qoraalkiisa ku yiri “maadaama aan nabad lagu ixtiraamin, hadda ka dib mas’uuliyad nagama saarna inaan ka fekerno nabadda oo kaliya,” taas oo loo fasirtay hanjabaad ka dhan ah nidaamka xasiloonida caalamka. Dhinaca kale, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa si kulul uga jawaabay fariimo uu Trump ku baahiyay barta Truth Social, kuwaas oo muujinayay wada hadal dhex maray labada madaxweyne oo ku saabsanaa Greenland iyo qorshe Trump uu doonayay in Ruushka dib loogu soo celiyo tartanka G7. Macron oo ka hadlayay shirka Davos ayaa Trump ku tilmaamay “cagajugleye” (Bully), wuxuuna ka digay in dunidu ay ku jirto marxalad sharcigii caalamiga ahaa lagu tumanayo, isagoo carrabka ku adkeeyay inaan la aqbali karin in caalamku u gudbo nidaam uu xooggu ka sarreeyo sharciga. Xiisaddan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu jiro jahawareer dhanka dibloomaasiyadda ah, iyadoo xulafada reer Galbeedku ay si weyn uga walaacsan yihiin jihada uu u socdo xiriirka Mareykanka iyo Yurub. Dadka u dhuun daloola arrimaha siyaasadda ayaa rumeysan in fariimahan la kashifay ay meeshii ugu hooseysay gaarsiinayaan kalsoonida ka dhaxaysa hoggaamiyeyaashan. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa khadka taleefanka kula xiriiray dhiggiisa Dalka Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha gobolka. Ugu horreyn labada madaxweyne oo ku wada-hadlay khadka taleefoonka ayaa isla soo qaaday kor u qaadista iskaashiga arrimaha gobolka ee ay dano wadaagga ka yihiin iyo adkaynta nabadgelyada iyo horumarka. Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa oo horay u caddeeyay mowqifkiisa ku aadan madax-banaanida Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada dowladda Koonfur Afrika ay u hayso midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in si adag ay u cambaareynayaan xadgudubka Israa’iil oo iyadu aqoonsi siisay gobolka kamid ah Soomaaliya. Dhankiisa, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u mahadceliyay dhiggiisa Koonfur Afrika, wuxuuna sheegay inay sii xoojin doonaan iskaashigooda, ayna ka wada shaqeyn doonaan arrimaha gobolka iyo xal u helidda iyo caqabadaha taagan. Wada-hadalkan ayaa imaanaya xilli ay weli isa soo tarayaan fal-celinta iyo mowqifyada dalalka gobolka iyo kuwa caalamka ee la xiriira arrinta Somaliland iyo doodaha ka dhashay aqoonsiga ay sheegtay inay ka heshay Israa’iil. Israa’iil ayaa 26-kii Diseembar 2025 ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Arrintan ayaa Israa’iil ka dhigtay dalkii ugu horreeyay ee tallaabadan qaada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taag sannadkii 1991-kii. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xidhay qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords. The post Maxay ka wada-hadleen Xasan Sheekh iyo Cyril Ramaphosa? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Madasha Samatabixinta Mucaaradka, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo maanta warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin mucaaradka, Jubaland iyo Puntland uu bilaabi doono kulamo diiradda lagu saarayo xaaladda guud ee dalka, midnimada iyo samatabixinta qaranka. Koofi ayaa shaaca ka qaaday in dhaq-dhaqaaqooda uu bilaaban wixii ka dambeeya maanta, isla markaana ay dajin doonaan qorshe ballaaran oo lagu badbaadinayo dowladnimada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay soo bandhigi doonaan barnaamijyadooda, ayna diyaar u yihiin cid kasta oo kala doodeysa, si loo samatabixiyo dalka. “Maanta waa 20-ka Jannaayo. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu maalmahaan ka arrinsan doonaa xaaladda dalka, midnimada iyo samatabixinta qaranka. Goluhu wuxuu soo bandhigi doonaa qorshe howleed siyaasadeed oo lagu badbaadinayo dowlanimada, wuxuuna diyaar u yahay cid kasta oo kala doodaysa ama ra’yi kale haysa” ayuu Maxamed Aadan Koofi. Sidoo kale wuxuu farriin u diray shacabka Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay inay qaataan kaalintooda, una istaagaan sidii loogu gudbi lahaa marxaladda adag ee waddanka uu ku jiro, gaar ahaan xaaladda kala guurka ah. “Muwaaddin maanta ayuu kuugu baahi badan yahay qarankaagu ee ha ku habsaamin doodaha aan daacadda laga ahayn iyo ismoodsiiska hoggaanada fashilmay” ayuu mar kale Koofi. Arrintan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo xalay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran, iyadoo casuumaad loo diray madaxda ku bahoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin mucaaradka, Jubaland iyo Puntland. Xukuumadda DanQaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa casuumad rasmi ah u fidisay Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyada oo bayaanka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya lagu shaaciyay in shirweynahaas uu Muqdisho ka furmi doono 1-da bisha soo aadan ee Febraayo 2026. “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka duuleysa talo soo-jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxay casuumaad rasmi ah u fidinaysaa Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad siyaasadeed oo aad u cakiran, isla markaana ka dhalatay isfaham-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka, waxaana sidoo kale usii dheer arrinta midnimada iyo abaaro ka jira waddanka. The post Golaha Mustaqbalka oo ku dhawaaqay qorshe lagu badbaadinayo dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Imaaraadka Carabta oo maanta booqasho rasmi ah ku tegay dalka Hindiya halkaas uu kulan kula yeeshay Raysal wasaaraha Hindiya Narendra Modi. Labada waddan ayaa kala saxeexday heshiisyo saddex dhinac ah kuwaas oo kala ah.Heshiis difaac oo labada dhinac u dhexeeya taabanaya ammaanka iyo difaaca Hindiya iyo Imaaraadka Carabta. Heshiis Hindiya ku samaynayso kaabeyaasha tamarta Nuclear-ka oo uu yeelanayo dalka Imaaraadka Carabtu. Heshiis la xidhiidha dhinaca Technology-da casriga ah gaar ahaanna barmaamijka AI.Saddexdan Heshiis waxa ugu weyn heshiiska difaaca kaas oo sida muuqata jawaab u ah heshiiskii ay wada galeen Sucuudiga iyo Pakistan. Labada dhinac waxa kale oo la tuhunsan yahay in ay ka wada hadleen arrimaha badda cas iyo Geeska Afrika gaar ahaaanna dagaalka Sudan iyo arrimaha dalka Ethiopia. Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor oo maanta hadal siiyay warbaahinta ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan ciidamada Danab ee Puntland ee maalin kahor tegay magaalada Laascaanood, iyaga oo sugay amniga madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ka qayb-galay caleema saarkii madaxweynaha dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Firdhiye. Lugatoor ayaa sheegay in ciidankaas ay lacag ka qaateen madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo go’aan kasoo saaray wuxuuna tilmaamay inay yihiin ciidamo Puntland ah, isla markaana aysan u aqoonsan doonin kuwa federaal ah kadib markii dhawaan Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya uu ciidankaas ku sheegay inay yihiin kuwa ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale, wuxuu soo hadal qaaday khilaafka kala dhexeeya Dowladda Federaalka, isagoo sheegay in madaxweynaha ay u harsan tahay bilo kooban. Waxaa kale oo uu farriin culus u diray siyaasiyiinta kasoo jeeda Puntland oo uu ugu baaqay inay fiiriyaan danta guud iyo sidoo kale dadka ay metalaan. “Ciidamada Puntland ee Xasan Sheekh Xoogaaga lacagta siiyay uma aqoonsan doono ciidan Fadaraal ee waa ciidamo reer Puntland ah, waana Wiilashii Quruxda Puntland leedahay ka shaqeeyay, Siyaasiyiinta Reer Puntland ee waxaan leenahay, Xasan dhowr bilood ayaa u hartaye la shaqaysta balse dalkiina ha dhibtaynina Berri ayaad xukumi doontaane”. ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenku. Hadalkan ayaa imaanaya, iyada oo dhawaan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ay sheegtay in cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo uu hoggaaminayo Janaraal Jimcaale Jaamac Takar ay ka qayb-qaateen sugidda amniga madaxdii isugu tegtay magaalada Laascaanood. Ciidamadan oo muddooyinkii ugu dambeeyay deggenaa duleedka magaalada Garoowe ayaa Arbacadii gudaha u galay Laascaanood, iyaga oo wata gaadiid dagaal, kadibna waxay ku laabteen xaruntooda milatari ee aagga Garoowe. Puntland ayaa si weyn uga oo horjeedo maamulka dariska la’ah ee Waqooyi Bari, waxayna kula jirtaa xifaaltan soo bilowdy markii ay Dowladda Federaalka aqoonsi buuxa siisay maamulka fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood. The post Puntland oo go’aan kasoo saartay ciidankii tegay Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Ma cadda in Madaxweyne Cirro uu Xafiiska wakiilka maamulka Somaliland ka furayo Qudus ama Tel Afiif. Hargeysa (Wararka PP) — Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxman Cabdullaahi Maxamed (Cirro), oo maqaal ra’yi ah ku qoray wargeyska Wall Street Journal todddobadkii hore, ayaa ku tilmaamay aqoonsiga ay Isra’iil siisay maamulkiisa mid geedi-socod ah. “Waxaannu la bah nahay Taiwan. Waannu ognahay in aqoonsi ballaaran uusan si degdeg ah u dhici doonin” ayuu qoray Cirro. “Mid ka mid ah waqtiyayda ugu wanaagsan ee muddo xileedkayga waa in laga daaro heesta calanka Somaliland safaaradda aan ka furi doono Israa’iil” ayuu Cirro qoray. Cirro wuxuu weeraray kaalinta dalalka Turkiga iyo Qadar ku leeyihiin dib u dhiska Soomaaliya. Wuxuu kale oo ku dooday in maamulkiisu iyo Israa’iil wadaagaan wax badan. Isra’iil ayaa sheegtay in maamulka Somaliland uu ka taliyo dhul sidaas darteedna uu mudan yahay aqoonsi halka Falastii uu Wasiirka Arrimmaha Dibedda ee Israa’iil Gideon Sa’ar ku tilmaamay “dal ka jira shaashadaha kombuyuutarrada.” Netanyahu wuxuu doonayaa inuu dambiyada dagaal loo haysto uu kaga dhuunto aqoonsi u qareemista kala goynta Soomaaliya. “Israa’iil waxay maamulka Somaliland u adeegsnaysaa in aan laga hadlin isku dayga ciribtirka ay ciidammada Isra’aail ka geysteen Gaza” ayuu yidhi siyaasi ku sugan Hargeysa oo doonaya in la xigto magaciisa oo aan la xusin. Cirro wuxuu kale oo ku dooday in Shiinaha iyo Turkigu ay saamayn ku leeyihiin Soomaaliya, waana laba dal oo xiriir la kala leh Maraykanka, mid ka mid ahna leeyahay diidmada qayaxan aadna uga soo horjeeda ku xadgudubka qarannimada Soomaaliya iyo xiriirka maamulka Somaliland iyo Taiwan. © Puntland Post, 2026
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn usoo dhaweysay go’aanka ay shalay Maxkamada Racfaanka EAC ka gaartay kiiska xildhibaannadii ay dirsatay oo horay koox xildhibaano Soomaali ah uga gudbiyeen dacwad ka dhan ah qaabka ay u dhacday doorashadooda. Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxaa loogu mahadceliyay Maxkamadda Cadaaladda ee Bulshada Bariga Afrika, taas oo laashay dacwaddii laga gudbiyay xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka EAC, waxayna ku dhawaaqday inay yihiin kuwa sharci ah. Sidoo kale, Maxkamadda ayaa amartay in la dhaariyo xubnaha Soomaaliya oo ay horay u doorteen labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, si ay u gataan waajibaadkooda, uguna biiraan golaha. Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxayn tilmaamtay in go’aankan uu meesha ka saaray hakinta lagu sameeyay sagaalka xubnood ee metalaya Soomaaliya, kadib markii lagu eedeeyay ‘inay kusoo baxeen qaab musuq-maasuq ah’. “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa go’aanka Maxkamadda Rafcaanka Bariga Afrika ee 19 Janaayo 2026, kaas oo meesha ka saaray go’aamadii hore ee hakinta ku sameeyay dhaarinta wakiillada Soomaaliya ee loo doortay Baarlamaanka Bariga Afrika (EALA)” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxaa kale oo Wasaaraddu ay hambalyo u dirtay sagaalka xubnood ee ugu dambeyn la ansixiyay, si ay u metalaaan dowladda Soomaaliyeed. “Wasaaraddu waxay hambalyeynaysaa sagaalka Xildhibaan ee EALA ee uu doortay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo mar kale xaqiijinaysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay is-dhexgalka gobolka iyo xoojinta iskaashiga ay la leedahay Dowladaha Xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC), gaar ahaan arrimaha ganacsiga, isu-socodka, horumarka, iyo xasilloonida” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka. Soomaaliya ayaa noqotay xubinta siddeedaad ee Ururka Iskaashiga Geeska Afrika (EAC) dabayaaqadii sannadkii 2023, iyadoo dhammaystirtay hannaanka ansixinta horraantii sannadkan. Bishii Oktoobar, Baarlamaanka Federaalku wuxuu doortay sagaal xubnood oo dalka u matali lahaa EALA, kuwaas oo 5 kamid ah ay yihii rag, halka 4 kalena ay yihiin dumar, waxayna ka yihiin;- 1. Xuseen Xasan Maxamed 2. Fadumo Cabdullaahi 3. Sahra Cali Xasan 4. Cabdisalaam Hadliye 5. Fahma Axmed Nuur 6. Abuukar Mardaadi 7. Feysal Cabdi Rooble 8. Ilhaan Cali Garas 9. Cabdiraxmaan Bashiir Shariif. Si kastaba, go’aankan kama dambeysta ah ee ay shalay ku dhawaaqday Maxkamadda Racfaanka EAC ayaa noqday imtixaan culus oo ay ka gudubtay Soomaaliya, sidoo kalena lagu eegay sida ururka iyo xubintiisa cusub ay ugu tixgeliyeen mabaadi’da dimoqraadiyadda gobolka iyo hufnaanta metalaadda. The post Maxay DF ka tiri go’aankii kasoo baxay Maxkamada Racfaanka EAC? appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay ka ambabaxeen garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, iyada oo la qariyay ujeedka rasmiga ah ee safarkooda. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo xaqiijiyay in Cirro diyaarad qaas ah ay ka qaaday Hargeysa, waxaana safarkiisa uu dhaliyay hadal-heyn xooggan. Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooyada iyo xukuumadda oo ku aadan safarka uu galay madaxweynaha, xilli goor sii horreysay ay soo baxeen warar aan si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegaya in uu kusii jeedo magaalada Tel Aviv ee caasimada Israa’iil. Hadal-hayntan ayaa sii xoogeysatay Axaddii, 18-kii Janaayo, kadib markii qoraal lagu baahiyay barta X (hore Twitter) ee akoon ku magacaaban “Rabbi Avi Hirsch” uu sheegay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu baxayo Israa’iil si uu u dhammeystiro ku biirista heshiisyada Abraham Accords. Si kastaba ha ahaatee, akoonkaas oo isticmaalayay sawirka falanqeeye siyaasadeed oo Soomaali ah ayaa markii dambe la xiray (suspended), iyadoo dad badan ay ku tilmaameen mid marin-habaabin ah oo aan lagu kalsoonaan karin. Inkastoo isha warkaas ay noqotay mid shaki weyn la geliyay, haddana xogta duullimaadyada ee ilaha furan (OSINT) ayaa muujisay dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn. Diyaarad khaas ah oo nooceedu yahay Hawker 800XP (T7-NKS) ayaa la xaqiijiyay inay Axaddii ka soo duushay garoonka Ben Gurion ee Israa’iil, iyadoo soo martay hawada Itoobiya kuna degtay Hargeysa. Dhacdooyinkan ayaa imaanaya wax ka yar bil kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Madaxweyne Cirro ay yeesheen wada-hadal taleefan 26-kii Diseembar 2025. Wicitaankaas oo ahaa mid taariikhi ah, ayuu Netanyahu ku sheegay in Israa’iil ay aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland, isagoo casuumaad rasmi ah u fidiyay madaxweynaha. Cirro ayaa waqtigaas aqbalay casuumaadda, isagoo ballanqaaday inuu booqan doono Israa’iil “sida ugu dhaqsaha badan” sanadka 2026. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid tallaabada Israa’iil, iyadoo ku tilmaantay xadgudub qaawan oo ka dhan ah qaranimada iyo midnimada Soomaaliya. Beesha caalamka intiisa badan ayaa weli u arka Somaliland inay tahay qeyb ka mid ah Soomaaliya, inkastoo gobolku uu ku dhawaaqay madax-bannaani sanadkii 1991-kii. Xilli uu jiro xiisad diblomaasiyadeed iyo hubanti la’aan ku aaddan warka safarka, indhuhu waxay ku sii jeedaan Hargeysa iyo Tel Aviv wixii warar rasmi ah ee soo kordha. The post Xog: Madaxweynaha Somaliland oo u baxay safar la qariyay appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Somaliland iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa goordhawayd ka dhoofay caasimadda Somaliland ee Hargaysa. Madaxweynaha ayaa mudo kooban dalkaga kaga maqnaan doona hawlo shaqo sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ahi dhanka kale ilaa hada Xukuumaddu kama ay hadlin socdaalka madaxweynaha. Wixii war ah ee ka soo kordha warka socdaalka Madaxweynaha halkani kala soco Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta wafdi culus oo heer wasiir ah u dirtay magaalada Dooxa ee caasimada ee dalka, kaas oo goordhow ka duulay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde. Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayo wasiirka amniga gudaha, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, waxaana qayb ka ah saraakiil kale oo muhiim ah. Xubnahan ayaa ku biiri doono mas’uuliyiin kale oo uu kamid yahay Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi oo haatan ku sugan Dooxa, halkaas oo uu ka wado kulamo xasaasi ah oo la qaadanayo madax ka tirsan Qatar. Ujeedka safarka wafuudan ayaa la xiriira xoojinta xiriirka labada dal, iyada oo la filayo in sii adkeeyaan iskaashigooda, ayna galaan heshiisyo horleh. Shalay ayay ahayd markii wasiir Axme Macallin Fiqi uu Dooxa ku saxiixay heshiis difaac oo ay Soomaalia la gashay dowladd Qatar, iyada oo arrintan kusoo beegmeyso waxyar uun kadib markii dowladdu cayrisay Imaaraadka. Kulamada ayaa sii socon doono, iyada oo socdaalkan wafdiga Soomaaliya uu qaadan doona muddo toddobaad ah, waxaana jiro doono wada-hadallo diiradda lagu saari doono casriyeynta ciidamada qalabka sida ee xoogga dalka iyo kuwa badda oo waajibaadkooda noqon doono in ay door ka ciyaaraan ilaalinta khayraadka iyo amniga biyaha Soomaaliya. Qadar oo kamid ah dalalka sida dhow u taageera dib u dhiska ciidanka qalabka sida, waxaana mar kale lagu wadaa inay xoojiso taageerada milatari ee dalka. Soomaaliya ayaa haatan dabacsanaan wayn u muujineyso Dooxa, si ay u noqoto beddalka Abu Dubai oo ay kula tageen maalmo kahor, kadib go’aankii Golaha Wasiirada oo lagu burburiyay heshiiyadii horay loola galay Imaaraadka. The post DF Soomaaliya oo wafdi culus u dirtay Qatar + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Boosaaso ayaa sheegaya in maanta Imaaraadka Carabta uu bilaabay in magaaladaas uu kala baxo shaqaalahii ka joogay halkaas, sababo la xiriira fulinta go’aanka dhawaan kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo joojisay wada-shaqeyntii Abu Dubai. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in maanta garoonka Boosaaso laga dhoofiyay shaqaale intooda badan ka soo jeeda dalka Colombia, isla-markaana u shaqeynayay Imaaradka Carabta oo xiriir xooggan la leh Puntland. Raritaanka muuqda ee qalabka iyo shaqaalaha Imaaraadka ee Soomaaliya ayaa calaamad u ah sare u kac weyn oo ku yimid xiisadda iyo suurtagalnimada in Imaaraadku dib u habeyn ku sameeyo joogitaankiisa Soomaaliya, in kasta oo saameyntiisu ay weli xooggan tahay dhanka maamul-goboleedyada. Duulimaadyadan ayaa billow u ah tallaabo ballaaran oo Imaaraadku ku raranayo qalabkiisa Soomaaliya, kadib markii Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka ay dhawaan laaleen heshiisyadii amni iyo kuwii difaac ee horay loola galay Imaaraadka. Arrintan ayaa sidoo kale daba socotay warbixinno sirdoon oo sheegay in diyaarad milatari oo Dubai leedahay ay si aan fasax lahayn usoo gashay hawada Soomaaliya, taas ‘oo wadday hoggaamiyaha Golaha ku-meel-gaarka Koonfurta Yemen (STC), Caydaruus al-Zubaydi’ oo baxsaday xilli la filayay inuu tago wada-hadallo ka qorshaysnaa Sacuudi Carabiya. Go’aankan waxaa kale oo uu soo afjarayaa siyaasadda is-barbar yaaca ah ama afka qalaad lagu yiraahdo (Foreign Policy Fragmentation). Dhibaatada ugu weyn ee haysatay Soomaaliya tobankii sano ee la soo dhaafay waxay ahayd in dowlad goboleedyada qaarkood ay u dhaqmayeen sidii dowlad-madax-bannaan oo xiriira toos ah la sameynaya dalal shisheeye. Si kastaba, Xiriirka Muqdisho iyo Dubai ayaa hadda ku jira maalmihii ugu adkaa, iyada oo dhawaan Soomaaliya ay si toos ah ula safatay Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ay ku taageertay hoggaaminta arrimaha gudaha ee Yemen. Sacuudiga ayaa si weyn u taageera midnimada Yemen ee hoos timaadda Golaha Hoggaanka Madaxweynaha (PLC), halka Imaaraadkuna uu taageero aragtida STC ee ku wajahan in koonfurta Yemen yeelato maamul gooni ah. The post Imaaraadka oo maanta shaqaalihiisii kala baxay Boosaaso appeared first on Caasimada Online.
-
A Chinese-flagged ship, Liao Dong Yu 578, was hijacked off the coast near Bandarbeyla, Puntland, Somalia, on December 31, 2025. Five Indonesian crew members are among those still being held hostage by the hijackers. “There are currently five Indonesian crew members and 14 crew members of other nationalities on the vessel,” said the Acting Director General of Indonesian Citizen Protection at the Ministry of Foreign Affairs, Heni Hamidah, when confirmed by Tempo on Monday, January 19, 2026. According to Heni, the Ministry of Foreign Affairs, through the Embassy in Nairobi, Kenya, is working with the Indonesian Honorary Consul in Somalia. Indonesia is also working closely with the Somali authorities and the company that owns the vessel to secure the release of crew members who are still being held captive by the pirates. The pirates allegedly attacked the fishing vessel in the evening of December 31, 2025. Previously, the Liao Dong Yu 578 had reportedly been hijacked in the waters of Eyl Nugal, Puntland, in November 2024. Based on reports received by Tempo, the ship, alongside the crew, was released on January 13, 2025, after the company paid a ransom of US$2 million demanded by the hijackers. Source En.tempo Qaran News
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Warbixinno ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil ayaa ka digay in Masar ay ballaarineyso joogitaankeeda milatari iyo midka amni ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika, tallaabadan oo lagu sheegay mid jawaab toos ah u ah waxa ay Qaahira u aragto saameynta sii kordheysa ee Israa’iil ku leedahay gobolka. Sida lagu sheegay warbixin uu baahiyay talefishinka ku hadla afka Cibraaniga ee i24News, Masar waxay sare u qaadday lugta ay ku leedahay arrimaha Soomaaliya kadib markii Israa’iil ay aqoonsatay maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland. Dhaq-dhaqaaqaas aqoonsiga ah waxaa la sheegay in hay’adaha amniga Masar ay u arkaan khatar toos ah oo ku wajahan xasilloonida gobolka iyo danaha istiraatiijiyadeed ee Masar. Ilo dhanka amniga ah oo Israa’iiliyan ah, laguna xusay warbixinta, ayaa sheegay in Masar ay xoogga saareyso taageerada dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Ujeeddada Masar ayaa lagu sheegay ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo ka hortagga cawaaqib-xumo dhanka amniga ah oo ka dhalan karta dhaq-dhaqaaqyada Israa’iil ee Geeska Afrika. Warbixintu waxay intaas ku dartay in saraakiisha Masar ay aaminsan yihiin in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo ay Yuhuuddu ku dooneyso inay saldhig istiraatiijiyadeed uga sameysato agagaarka Marinka Baabul Mandab iyo Badda Cas, kuwaas oo ah goobo halbowle u ah amniga badaha ee Masar. Waxaa kale oo jirta cabsi ay Qaahira qabto oo ah in Israa’iil ay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay Itoobiya, xilli xiriirka Masar iyo Addis Ababa uu aad u xun yahay sababo la xiriira Biyo-xireenka GERD iyo arrimaha wabiga Nile. Isagoo la hadlayay kanaalka, falanqeeye Israa’iili ah oo lagu magacaabo Eddy Cohen ayaa Israa’iil ku tilmaamay “awood weyn” (Superpower) oo dooneysa inay saameynteeda ku fidiso meel ka baxsan Bariga Dhexe ilaa gudaha Afrika, si ay ugu dhowaato cadowgeeda gobolka. Warbixintu waxay xustay in Masar ay billowday inay ciidamo iyo la-taliyayaal milatari u dirto Soomaaliya horraantii 2024-kii, kadib heshiis difaac oo dhexmaray labada dal. Wixii intaas ka dambeeyay, Qaahira waxay Muqdisho siisay taageero amni iyo mid saadka ah, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Qiyaaso dhanka amniga ah oo i24News soo xigatay ayaa tirada ciidamada Masar ee hadda ka hawlgala Soomaaliya ku sheegay dhowr kun, kuwaas oo ku jooga heshiisyo laba geesood ah iyo qeyb kamid ah howlgallada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika. The post Israel oo aad uga walaacsan tallaabooyin uu dal kale ka waddo gudaha Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Popular Contributors
