malistar2012

Nomad
  • Content Count

    2,754
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by malistar2012

  1. Saaxdheer (Caasimada Online) - Madaxweynaha maamulka Khaatumo State, Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in uu maanta oo sabti ka ah ka baxay xildhibaannimadii baarlamanka Somalia. Galayer waxa uu sheegay in uu Warqadii is-casilaadiisa usoo gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo uu uga tagay Shaqadii uu u hayay baarlamaanka Soomaaliya.. Galayr waxa kale oo uu shaaciyey wax hambalyo aanu ka helin doorashadiisa madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna ku goodiyay haddii la ictiraafi waayo in ay xiriirka u jari doonaan. Cali Khaliif Galeyr oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in markii loo doortay madaxweynaha maamulka Khaatumo in dad ay asxaab yihiin oo ku jirra dowladda ay hambalyo u soo direen isagoona si gaar ah u xusay wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mustaf Sheekh Dhuxulow. Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa ku goodiyay haddii dowladda fedaraalka aaney taageerin qadiyada iyo mowqifka maamulka Khaatumo in ay calaaqaadka u jari doonaan isagoona intaas ku daray isla markaana uu wax wadashaqeyn ah aanu dhexmari dooni. Madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo ayaa dhinaca kale dowladda ugu baaqay in ay dhex-dhexaad ka noqoto maamulada ka dhisan dalka sidda, Puntland, Khaatumo iyo Somaliland. Wuxuu tilmaamay in uu Maraykanka uga yimid siddii uu door uga qaadan lahaa midnimada Soomaaliya loona horumarin lahaa shacabka deggan deegannada uu maamulo Khaatumo oo uu yiri xaqooda dad kale ayaa iska heysta. Dowladda Soomaaliya ilaa hadda si rasmi ah ugama hadlin doorashadda ka dhacday deeganka Saaxdheer oo u dhow soohdinta Itoobiya toddobaadkii hore taasoo uu ku guuleystay siyaasiga Cali Khaliif Galeyr. Caasimada Online
  2. The man is mentally handicap no xiishood ceeb ka weyn ma jirto , how dare he criticize Great leaders like Abdullahi Issa Mohamud -Aadan Cabdulle Cismaan - Dr.Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Great leaders the forefathers of Somalia ....... ceeb ka weyn ma jirto
  3. Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka: “Idaacadaha Shabeelle iyo Sky waxay ku howlanaayeen iska hor keenidda shacabka iyo Xukuumadda” DAAWO Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Dr. Axmed Cali Daahir ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa ku bogaadiyay hawl galkii shalay iyo kuwii ka horeeyayba oo ay maalmahan laamaha kala duwan ee amniga ka wadeen Magalaada Muqdisho isaga sheegay inay ahaayeen kuwa sharciga waafaqsan. “Waa hawl gallo muhiim u ah xaqiijinta sharciga iyo kala danbaynta. Si taa loo gaarana waxaa loo baahanyahay in hay’adaha amniga ay u hawl galaan sidii ay u sugi lahaayeen nabadgalyada anaguna ka garsoor ahaan aan u siin lahayn waajibaadki sharci ee na saaran.” “ Runtii waa wax laga argagaxo in hub intaa la eg shakhsiyaad gacantoodu uu ku jiro. Haysashada hubka waa sharc darro waxaana kaliya oo hub haysan kara dawlada yo cidi ay ruqsad u siiso. Wixii kasoo hara waa sharci darro. Danbiyada lagu galo hubka waa kuwa ugu culus ee dalka ka dhaca. Sidaa daraadeed waa in hubka uu galaa gacanta dawlada oo kaliya. Barlamaankana waxaan ka dalbanaynaa inay fududeeyaan shuruucda la xiriirta uruurinta hubka gacanta shacabka iyo kooxaha ku jira” Xeer ililaaiyaha guud ee qaranka ayaa soo hadal qaaday xiritaankii iyo xarigii shalay ay fuliyeen laamanaha amniga ee lagu xiray idaacadaha shabelle iyo Skyfm isaga oo sheegay inay dhib wayn ku hayeen amniga qaranka, eedeymo aan loom eel dayin iyo been ka sheegid hawlgalkii sugida amniga ay ku kaceen. Wuxuu intaa ku daray in Shabelle iyo Sky FM qaab qabiil iyo kooxaysi ku dhiirgalinayeen shacabka. “talaabooyinka lagu xiray Shabelle iyo Sky waa talaabooyn wafaqsan sharciga, hay’adaha sharciga ayaana bixiyay amarkaas. Waxay ka qayb qaadanayeen kicinta shacabka, waxay xadgudub joogta ah iyo eedeyn been abuur ah ku hayeen madaxda qaranka. Waxay ka been sheegeyeen hawlgalkii ciidamada amaanku iyo kuwa Amisom ay samaynayeen ee ku saabsanaa sugida amniga oyo hub aruurinta. Waxay mar walba dadka ku dhiirgalinayeen inay hawlgalka u fahmaan qaab qabiil. Arintaana maha arin hay’ad warfaafineed ku dhaqanto.” “waan ixtirmaamaynaa dhamaan warbaahinta laakiin waa inay ogaadaan in sharciga ku siinaya xuquuqda aad ku hadlayso in sidoo kale uu ku xakamaynaayo oo ay jirto waxyaabaha aan laguu ogalayn inaad faafiso. Shabelle iyo Sky waxay dhib wayn ku hayaan amniga qaranka maadaama qaab qabiil iyo qaab kooxaysi ah ay hadalladooda u dhigayeen. Amniga qaranka wax gorgortan ah ka gali mayno waana ku amaanaynaa haya’daha amniga talaabooyinka hub ka dhigista ah ee ay wadaan ” “ waxaan mar kale ku celinayaa haday noqon lahayd jaraaid, telefishin, idaacad, ugaasyo, oday dhaqameed, xildhibaan iyo siyaasba inay ka qayb qaataan horumarinta iyo saraynta sharciga. Inay iska iloobaan qabiilka iyo kooxaysiga. Qof walbana wax uu gaysto waa kaydsantahay, waa qorantahay waana lagula xisaabtami doonaa.” Sidoo kale wuxuu Mudane Axmed Ali Daahir ku fogaaday shaqooyinka u yaalla xafiiska xeer ilaaliayha guud isaga oo geesta kale sheegay in ku dhaqanka sharciga iyo garsoorka la doonaayo inay ka bilaabato xafiiskiisa. “waxana ka bilaabi doonaa in xafiiska ugu horeyn uu sharcga u hogaansamo oo uu ka hortago xadgudubyada. cid kasta oo ka tirsan xafiiskan oo lagu helo xadgudub waxaan horgayn doonaa sharciga. Maha in shaqadiisa kaliya uu waayi doonaan. Waxaan la tiigsan doonaa sharciga.” “Hal garsoore oo laba xukun oo iska soo horjeedo soo saarayo, garsoore wixii maskaxdiisa ku jira iska qaadanaya ma aqbalanyno. Garsoore inta uu sharciga ku shaqyanaayo ayuu garsoore yayahy, cidna uga cabsan mayno dhaqan galinta sharciga.” “sidoo kale maamulka dakhliga xafiisyada laamaha sharciga oo idil waa in loo mareeyaa sidii qaanuunka uu dhigaayo. Waa inay jiraan agaasin maaliyadeed, khaznaji, xisaabiyo. Kuma eka shaqadan xafiiskayga oo kaliya ee waa dhamaan laamaha dawlada laga bilaabo kan madaxwaynaha ilaa kan ugu hooseeya. Qandaraasyada dawlada bixiso waa in loo maraa qaabkaa sharciga uu tilmaamayo”. Gabagabadii wuxuu ka digay in casnhuurta ay bixiyaan shacabka aysan ku dhicin gacan khaldan wuxuuna laamaha canshuuraha ka codsaday inay ilaaliyaan hantida ummada oo dhan ka dhaxayso ee jeebka khaldan ku dhacaya si loo maareeyo mushaaraadka shaqaalaha dawlada iyo in lagu qabto hawlaha qaranka sida garsoorka, waxbarashada, dhismaha kaabayaasha dhaqalaaha iyo caafimaadka.
  4. Strong message from the Somali Gov regarding Armed Mans DIGNIINO CULUS) Kulankii golaha wasiirada oo qodobo xasaasi ah laga soo saaray (DIGNIINO CULUS) Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shir aan caadi ahayn oo shir gudoominayey Ra’iiusl Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed, waxaa sidoo kale kulanka ka soo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamud. Kulanka oo looga hadlayey ariimaha amniga iyo xaaladihii ugu danbeeyey dalka ayaa waxaa laga soo saaray warmurtiyadeed ku aadan sida loo wajahayo nabad ku soo dabaalida dalka. HALKAAN KA DHAGEYSO RA’IISUL WASAARAHA IYO XUBNO KA MID AH GOLAHIISA WASIIRADA OO QODOBO AAN CAADI A HAYN KA HADLAAYA WAR-MURTIYEED Xukuumadda JFS waxay u gubinaysaa ummadda Soomaaliyeed fariin ku aadan amniga dalka iyo hawl-galada lagu sugayo amniga guud: 1. Ummadda Soomaaliyeed waxaa lagu wargelinayaa in hawl-galadii amniga ee ka dhacay magaaladda Muqdisho maalmihii la soo dhaafay ay ahaayeen kuwo lagu xaqiijinayo amaanka guud ee dadweynaha iyo dalka, ee aan marnaba loola jeedin cid gaar ah, shakhsi gaar ah ama degaan gaar ah. Waxayna Xukuumaddu ka xun tahay wixii waxyeelo ah ee soo gaaray dad shacab ah ee ku sugnaa goobaha ay ka socdeen hawl-galada amaanka lagu sugayey oo aan ku-talo-gal ahayn, waxaana dowaldu ka tacsiyeeynaysaa dadkii dhibaatadu ka soo gaartay howlgaladaas: 2. Xukuumadda JFS waxay amaanaysaa soona dhaweynaysaa Hay’adaha Amniga Qaranka hawl-galadii ay fuliyeen iyagoo sugaya amniga dadweynaha; 3. Waxaa xusid mudan, in hawl-galada lagu sugayo amniga ummadda la sii wadi doono, iyadoo marnaba aan lagu xad-gudbaynin xuquuqda asaasiga ah ee dadweynaha; 4. Sida sharcigu qabo, Hay’adaha Amniga iyo Ciidamada Qalabka-sida ama ciddii ruqsad loo siiyo oo keliya ayaa xaq u leh haysasho hub; 5. Waxaa la mamnuucay: b) ka-ganacsiga hubka nooc kasta uu yahay; t) haysashada ciidan abaabulan oo ka baxsan ciidamada Ciidamada qalab-sida iyo AMISOM; j) in wadooyinka lala maro hub aan sharciyeysnayn; 1. Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed in ciddii haysata hub sharci daro ah ay ku soo wareejiso gacanta Hay’adda Amniga (Wasaaradda Amniga Qaranka) ama ay si sharciga waafaqsan uga diiwaan-geliso Hay’adaha Amniga Qaranka; 2. Ciddii ka hortimaada ciidamada amniga, marka ay ku jiraan hawlaha amni-sugid ee ay u xilsaaran yihiin, waxay ku xad-gudubtay sharciga dalka, waxaa lala tiigsanayaa sharaciga dalka u yaala; 3. Xukuumadda JFS waxay ku adkaynaysaa Hay’adaha Amniga in ay markasta dhawraan Xuquuqda Aadanaha, sarreynta iyo talinta sharciga (respect to the supremacy of law and the rule of law); 4. Warbaahinta madaxa-bannaan waxaa lagu wargelinayaa in ay dhawraan sharciga oo aysan marnaba ku xad-gudbin. Waxaa Saxaafadda iyo Warbaahinta lagu adkaynayaa in aysan ku kicin falal iyo warbaahin iska-horkeenka bulshadda, kicinta colaadaha, been-abuurka aan salka lahayn, iwm. Waxayna xasuusinaysaa in falalkaas ay yihiin danbiyo cad cad. Warbaahintii ku dhaqanta arrimaha xad-gudubka ah ee sare ku xusan, waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan; 5. Xukuumadda JFS waxay markasta dhawraysaa gacan-sarreynta sharciga, talinta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda asaasiga ah ee dadweynaha Soomaaliyeed, waxayna xushmaynta xoriyadda saxaafadda; 6. Golohu wuxuu u xilsaaray Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasaaradda Amniga Qaranka in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo saaraan siyaasad cad oo qeexaysa qorshe lagu tayeeynayo laguna xirfadaynayo warbaahinta madaxa banana; 7. Xukuumadda JFS waxay dadweynaha Soomaaliyeed ku wargelinaysaa in la abuuray khad (telefoon) gaar ah oo ciddii qabta tabasho, wargelin iyo talo-bixin ay kala soo xiriiri karto Hay’adaha Amniga (Wasaaradda Amniga Qaranka), waxaana dhawaan khadkaas lagu soo bandhigi doonaa Warbaahinta Qaranka 8. Xukuumadda JFS waxay markale shacabka Soomaaliyeed u ballan-qaadaysaa in ay xoojinayso amniga si waafaqsan shuruucda dalka si muwaadinku u helo xasilooni iyo amaan;
  5. Axmed Daaci oo lagu xiray Xarunta Ugu weyn Hay’ada Nabad Sugida ku leedahay Magaalada Muqdisho Warar aan ka helnay Saraakiil katirsan Laamaha amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa noo xaiijiyay in Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadaw(Axmed Daaci) lagu xiray Xarunta ugu weyna Hay’ada Nabad Sugida ku leedahay Muqdisho. Axmed Daaci oo shalay isku soo dhiibay Dowlada Soomaaliya kadib markii looga adkaaday Dagaal Ciidamadiisa ay la galeen Ciidamada Nabad Sugida iyo kuwa AMISOM ayaa xalay lagu xiray Xarunta Hay’ada Nabad sugida. Siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda Beesha Mudulood ayaa Axmed Daaci ku qasbay in uu isdhiibo lana geeyo Xarunta Madaxtooyada , waxaana la sheegay in shalay saacado badan uu kusugnaa Madaxtooyada kadibna lagu amray Axmed Daaci in lagu xiro Xarunta Hay’ada Nabad Sugida. Saraakiisha Ciidamada Nabad Sugida ayaa su’aalo waxa ay Xarunta ay Hay’adaasi ku leedahay Guriga Habar Qaiijo ku weediinayaan Axmed Daaci iyo xubno kale oo la socday oo lagu soo qabtay Howlgalkii shalay. Lama saadaalin karo sida uu ku dambeyn doono Xaalka Axmed Daaci iyo Xubnaha lala xiray oo shalay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Nabad Sugida kala hortagay dagaal dhiig badan ku daatay kadib markii weerar lagu qaaday Hoyga Axmed Daaci ka dagan yahay Degmada Wadajir. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com Nairobi-Kenya Allbanaadir@live.com
  6. Ciidamada dowladda ayaa lasoo sheegayaa inay guriga Axmed Daaci kasoo saareen hub badan iyo Dharka Ciidamada oo ay haatan gacanta ku hayaan. Degmada Madiina oo guud ahaan saaka ahayd mid xaalad cakiran ku jirta dagaalka awgiis ayaa haatan xasishay. Balse wali wadooyinkii degmadaasi galayay waa ay xiranyihiin, dadkuna wax dhaq-dhaqaaq ah ma samaynayaan.
  7. ex Dharkeenley deputy commissioner also Heavily Armed has been arrested Warar goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Allbanaadir.com ayaa sheegaya in Ciidamada Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya ay goordhaw weerareen Guri uu Degmada Wadajir ka dagnaa Sargaal horey uga tirsanaa Maamulka Degmada Dharkeenley. Yuusuf Kabaale oo horey u ahaa Gudoomiye kuxigeenkii Degmada Dharkeenley kana mid ahaa dadka hubeesan ee ku dhaqan Madiina ayaa la sheegay in ay gurigiisa ku weerareen Ciidamo katirsan Hay’ada Nabad Sugida Qaranka. Warar hordhac ah aan helanyo ayaa sheegaya in gacanta ku dhigeen Ciidamada Nabad Sugida Sargaalkan lagu magacaabo Yuusuf Kabaale oo caan ka ahaa Degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir Gobolka Banaadir.
  8. Ahmed Daaci is not different from the rest of armed man that are disarming he was told for hand all these Mans have been ask to disarm peacefully some complained , Moryaaans / Alshabaab With Gov uniforms are killing Mps and any Gov workers -even fighting each other for checkpoints and etc . Let the Gov do it's job clean the city empower the police no one else should be Armed
  9. Ahmed Daaci surrenders the campaign to disarm will not stop War Deg Deg ah Axmed Daaci iyo Qaar kamid ah Ciidamadiisa oo isku dhiibay Dowlada Federaalka Soomaaliya Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadaw (Axmed Daaci) oo saakay dagaal culus la galay Ciidamada Nabad Sugida Dowlada iyo kuwa AMISOM uu goordhaw is dhiibay. Axmed Daaci ayaa la sheegay in uu isku dhiibay Dowlada Soomaaliya waxaana Axmed Daacid iyo Ciidamo uu wato ay si gaar ah isugu dhiibeen Ciidamo uu watay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan Xildhibaan C/Qaadir Macalin Nuur. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Axmed Daaci lagu galbiyay gaadiid dagaal oo aad u badan uu watay Xildhibaan C/Qaadir Macalin Nuur, Waxaana la sheegay in Gudoomiyihii hore Degmada Wadajir la geeyay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya halkaas oo xiligan lagu hayo. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowlada Soomaaliya oo ku aadan in gacanta Dowlada uu soo galay Axmed Daaci oo kamid ahaa Hogaamiyaasha aadka ugu hubeesan Magaalada Muqdisho saakayna ciidamada Nabad Sugida iyo AMISOM la galay dagaal dhiig badan ku daatay. Waxii Warar ah ee amuurtan kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com Muqdisho Somalia Allbanaadir@live.com
  10. Howlgallada Ay Ciidamada Ammaanku Ka Wadaan Muqdisho Oo Lagu Qabtay Hub Gaaraya Ilaa 500 Oo Qori Hawlgalladii maalmahaan dambe ay hey’adaha amaanku ka wadeen Magaalada Muqdiho ayaa la sheegay in lagu qabtay hub gaaraaya ilaa 500 oo qori, oo noocyo kala gedisan isugu jira. Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka ee Xukuumada Somaliya Maxamed Yuusuf Cismaan, ayaa shaaca ka qaaday in hawlgaladan lagu soo qab qabtay ilaa 500 oo ka kooban noocyada kala duwan ee hubka.. Maxamed Yuusuf Cismaan afhayeenka wasaaradda amniga qaranka ayaa intaa ku daray in Dowladdu ay ka feejigan tahay in kooxda Al Shabaab, ay u gacan galaan wax hub ah, isagoo hoosta ka xariiqay in howlgalladan hub ka dhigista ah ay taasi sabab u tahay. Afhayeenka oo la hadlay wakaaladda Wararka ee AP, ayaa tilmaamay in ciidamada amaanku ay sii wadi doonaan, hub uruurinta ay ka wadaan Magaalada Muqdisho. Golaha Wasiirada ee Xukuumada ayaa 7-dii bishaan ansixiyayn hindise sharciyadeedka hubka, waxayna taasi ka dambeysay markii uu madasho la yimid Wasiirka Wasaaradda Amniga Qaranka.
  11. Mogadishu on fire as security continue to disarm HAG heavyweights War Deg Deg ah Dagaalka oo sii xoogeystay iyo Axmed Daaci oo ka hadlay Dagaalka lagu soo qaaday. Warar dheeraad ah oo aan Dagaalka ka heleyno, ayaa sheegaya in Dagaalka uu aad u xoogeystay, islamarkaana ay Xaafada Madiino gaar ahaan Suuqa-weyn ay kusii qulqulayaan Ciidamo dheeri ah oo isugu jira AMISOM iyo Nabadsugida. Dagaalka ay Ciidamada Nabadsugida iyo AMISOM ay qaaden ayaa waxaa qeyb ka ah Ciidamada Xildhibaan Cumar Finish, C/qaadir Cosoble, C/llahi Sheekh Xassan oo iyaguna ay saameysay Risaasta, islamarkaana qorshaha Dagaalka lagu qaaday ay qeyb ka ahaayeen. Dadka Deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in Dagaalka uu aad u weyn yahay islamarkaana ay Ciidamada AMISOM Hoobiyayaasha ku ridayaan goobaha shacabka, waxaana jiro Khasaaro nafeed kor usii dhaafaya 15. Axmed Daaci oo ka hadlay Dagaalka lagu soo qaaday ayaa waxa uu sheegay in Dagaalka uu yahay mid Argagixiso, waxa uuna Tilmaamay inay iska cabin doonaan ilaa ay ka guuleystaan. Axmed Daaci waxa uu sheegay in AMISOM ay weerarka qeyb ka tahay, waxa uuna cadeeyay inuusan gacmaha u laaban doonin weerarka lagu soo qaaday. Dhanka kale, wararku waxa ay sheegayaa in inta badan uu axmed daaci helaayo gurmad kaga imaanaya dhanka Gudoomiyayaashii hore. Lasoco wixii faah-faahin ah wararkeena dambe Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com Muqdisho - Somalia Allbanaadir@live.com
  12. Nin raag eh oo iska dhiga Cali Khaliif Galeyr balanteenu waa soomaalinimo iyo calankaa buluuga ah well organized especially in times of war and hard time with little resource ...
  13. Cali Khaliif Galeyr President of Khatuum State Deg deg: Dr Cali Khaliif oo ku guulaystay Madaxwaynaha Khaatumo (DHEGAYSO) Codadka Sida loo kala helay & Waraysi Aug 14, 2014 - 16 Aragtiyood Waxaa haatan soo dhamaatay Doorashadii madaxwaynaha maamulka khaatumo taasi oo ay ku tarmatayeen Madaxwayinihii hore ee maamulka Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac Indhosheel iyo Dr Cali Khaliif Galaydh. Doorashada ayaa waxa Lagu kala baxay Wareegii Koobaad, waxaana Madaxwaynaha maamulka Khaatumo noqday Dr: Cali Khaliif Galaydh oo ah siyaasi Caan ah oo Raysal wasaarana kasoo noqday wadanka Soomaaliya. Waxaa cododka ay u kala heleen labada Musharax :Cali Khaliif Galaydh ayaa wuxuu helay 21 Cod, Maxamed Yuusuf Jaamac Ayaa wuxuu helay 9 Cod.
  14. Speaking at Mogadishu International Airport, the UK’s Permanent Representative, Ambassador Mark Lyall-Grant said, “We are pleased to have this opportunity to visit Somalia. Our visit underlines the commitment of the international community to Somalia’s progress toward peace and stability. The Council welcomes recent political agreements to form interim regional administrations, including the establishment of the Interim Jubba Administration and agreements on the Interim South West State Administration and on the Central Regions. The visit comes at an important time for Somalia as the country prepares to launch the next phase of military operations against Al-Shabaab, addresses a worsening humanitarian situation and pushes forward with political reforms to agree a federal system of governance.
  15. UN Security Council makes historic visit to Somalia 0 0 Google +0 0 United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) PRESS STATEMENT 39/2014 Mogadishu, 13 August 2014 – Members of the United Nations Security Council arrived in Mogadishu this morning on a landmark visit to Somalia to review progress made by the Federal Government with assistance from the international community, and to demonstrate their continued support for the country’s efforts to ensure a sustainable peace. The visit by the fifteen-member body is led by the UK Permanent Representative to the United Nations, Ambassador Mark Lyall-Grant, and Ambassador Usman Sarki of Nigeria. During the visit the Council members met with President Hassan Sheikh Mohamud, Prime Minister Abdiweli Sheikh Ahmed, senior members of the Government and the Federal Parliament, and the leaders of the Interim Jubba Administration and Galmudug, Ahmed Islaan Madobe and Abdi Hassan Awale Qeybdid. They also held discussions with the senior leadership of the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM), the African Union Mission in Somalia (AMISOM) and members of Somalia’s civil society. The visit comes at an important time for Somalia as the country prepares to launch the next phase of military operations against Al-Shabaab, addresses a worsening humanitarian situation and pushes forward with political reforms to agree a federal system of governance. Speaking at Mogadishu International Airport, the UK’s Permanent Representative, Ambassador Mark Lyall-Grant said, “We are pleased to have this opportunity to visit Somalia. Our visit underlines the commitment of the international community to Somalia’s progress toward peace and stability. The Council welcomes recent political agreements to form interim regional administrations, including the establishment of the Interim Jubba Administration and agreements on the Interim South West State Administration and on the Central Regions. “Members of the Council also expressed their expectation that the Federal Government of Somalia will urgently establish a national independent electoral commission, lead a process to revise the constitution and hold a referendum on it by the end of 2015, and hold elections in 2016. The members of the Security Council stand ready to support the people and government of Somalia to deliver this vision. The members of the Security Council also underlined the importance of women being represented at all levels of the political process in Somalia.” Ambassador Lyall-Grant added. The UN Security Council delegation includes representatives from Argentina, Australia, Chad, Chile, China, France, Jordan, Lithuania, Luxembourg, Nigeria, Republic of Korea, Russian Federation, Rwanda, UK and USA.
  16. Breaking News UN Security Council in Mogadishu Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo booqasho taariikhi ah ku yimid Soomaaliya WAR- Muqdisho, 13 Agosto 2014 – Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho maanta aroortii, iyagoo booqasho taariikhi ah ku yimid Soomaaliya si ay u eegaan horumarka ay gaartay Dowladda Federaalka oo kaalmo ka helaysa beesha caalamka iyo si ay u muujiyaan taageerada ay had iyo jeer u hayaan dadaalka uu dalku ugu jiro si uu u xaqiijiyo inuu nabad waarta helo. Booqashada shan iyo tobanka xubnood ee Golaha waxaa hogaaminaya Wakiilka Joogtada ah ee Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) u qaabilsan Qaramada Midoobay, Danjire Mark Lyall-Grant iyo Danjire Usman Sarki ee Nigeria. Inta ay booqashada ku joogeen dalka, xubnaha Golahu waxay la kulmeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Raiisal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, xubno sarsare oo ka tirsan Dowladda iyo Baarlamaanka Federaalka, hogaamiyeyaasha Maamulka Jubba ee Kumeelgaarka ah iyo Galmudug, Axmed Islaan Madoobe iyo Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid. Waxaa sidoo kale ay wadahadal la yeesheen madaxda sare ee Xafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) iyo Hawlgalka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo xubno ka socday bulshada rayidka. Booqashadu waxay imanaysaa waqti aad ugu muhim ugu ah Soomaaliya iyadoo dalku isu diyaarinaya marxaladda labaad ee hawlgalka militeri ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxna ka qabanaya xaaladda baniaadanimo ee sii xumaanaysa, horeyna u sii wadaya dib u habeyn siyaasadeed si la isugu afgarto nidaam maamul oo federaal ah. Hadal uu ka jeediyay Garoonka Dayuuradaha ee Caalamagiga ee Muqdisho, Wakiilka Gaarka ah ee Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK), Danjire Mark Lyall-Grant, wuxuu yiri “Waxaan ku faraxsanahay inaan fursadan u helnay inaan Soomaaliya booqano. Booqashadeenu waxay hoosta ka xariiqaysaa sida ay beesha caalamku uga go’antahay inay taageerto horumarka ay Soomaaliya u qaadday si ay u gaarto nabad iyo xasillooni. Goluhu wuxuu soo dhoweynayaa heshiisyadii siyaasadeed ee dhowaan la gaaray si loo dhiso maamul goboleedyo ku meelgaar ah, oo ay ka midyihiin sameynta Maamulka Jubba ee Ku-Meelgaarka ah iyo heshiisyada laga gaaray Maamulka Koonfur Galbeed ee Ku-Meelgaarka ah iyo Gobollada Dhexe. “Xubnaha Golaha waxay sidoo kale muujiyeen inay filayaan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay: si degdeg ah u sameyn doonto guddiga doorasha qaran ee madaxabanaan; horseed ka noqon doonto hanaan wax dib u eegid loogu sameynayo dastuurka farina loogu qaadayo dhammaadka sannadka 2015; soona abaabusha doorasho dhacda sannadka 2016. Xubnaha Golaha Amaanka waxay diyaar u yihiin inay taageeraan dadka iyo dowladda Soomaaliya si aragtidan looga dhabeeyo. Xubnaha Goalaha Amaanka waxau sidoo kale hoosta ka xarriiqeen muhimadda ah leedahay in haweenku ay wakiillo ku yeeshaan dhammaan heerarka hanaanka siyaasadda ee Soomaaliya.” ayuu raaciyay Danjire Lyall-Grant. Wefdiga Golaha Amaanka wuxuu ka koobanyahay wakiillada Argentina, Australia, Chad, Chile, Shiinaha, Faransiiska, Urdun, Lithuania, Luxembourg, Nigeria, Jamhiiriyadda Kuuriya, Isutagga Federaalka Ruushka, Rwanda, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) iy Maraykanka (USA).
  17. Handicap Xaaji maxamed Yaasiin vs Prof Ali GeedI very Heated Xaaji Maxamed Yassin Puntlander He run for Persident back in 2012 lost first round humiliated. the Handicap Xaji maxamed Yasin once again embarrassing himself ....
  18. Cabdi Waal oo fadeexeyay DF Somalia sheegayna inay ka dhacday lacag… AUGUST 12, 2014 5:05 PM0 COMMENTSVIEWS: 1087 Warlord on the run hiding .... Muqdisho (Caasimada Online) - Dagaal ooge Cabdi Nuurre Siyaad ayaa ka hadlay weerar habeen hore ciidamo ka tirsan nabad sugida ay ku qaadeyn gurri uu ka deggan yahay meel ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho. Wuxuu sheegay in weerarkaas lagu doonayay in lagu khaarijiyo isaga sidda uu hadalka u dhigay, isagoona tilmaamay in ka hor inta uusan dhicin weerarka in ciidamada gaarka ah ee loo yaqaano Rooxaanta ee nabad sugida ka tirsan ay isku soo arkeyn hotel Jazeera, kaddibna markii uu soo baxay oo uu rabay in uu soo aado gurigiisa in ay istaajiyeen ciidamo uu tiradooda ku sheegay 25 ilaa 30 askari, kuwaasoo ku yiri waxaa loo baahan yahay in lagu soo xiro. Cabdiwaal ayaa intaas ku daray intii ay wada-hadaleyeen ciidamada in uu hal mar ka war helay rasaas is qabtay goobta uu joogay oo ay soo ridayaan ciidamo kale, waxaana la ii sheegay buu yiri in la idili rabay oo meesha shirqool uu ka socday. “Wiil askari ah ayaa igu yiri adeer carar adiga ayaa la rabaa in lagu dilo” ayuu yiri Cabdiwaal. Cabdiwaal ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadii dili rabay ay weerar ku qaadeyn gurriga uu deggan yahay xildhibaan Cabdiweli Qanyare, waxaana ay iska caabin kala kulmeyn ayuu yiri ilaalada ilaalada xildhibaanka. Wuxuu sheegay in uu badbaaday balse u jeedka ay ahayd in la khaarijiyo isagoona intaas ku daray in ciidamada nabad sugida ay gurrigiisa ka dhaceyn lacag uu ku sheegay 10kun oo dollar oo boors ugu jirtay shan qori oo ah AK47 iyo dhar uu lahaa sidda uu hadalka u dhigay. Mar la weydiiyay halka uu ku sugan yahay wuxuu diiday in uu sheego balse wuxuu xusay in ay ku sugan yahay xaafad Muqdisho ku taalla. Ugu dambeyn wuxuu sheegay in ragga soo weeraray ay aad isku yaqaanaan oo ay ka tirsanaayeen midowgii maxkamadaha Islaamka iyo Al-Shabaab isla markaana ay ugu hanjabeen in ay dili doonaan isaga. Sidoo kale Cabdinuure Siyaad ayaa xusay in taliyaha cusub ee nabad sugida Cabullaahi Maxamed Sambaloolshe uu magaalada ka billaabay dagaal uu ka hayo qabaa’lo gaar ah. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda oo ku aadan weerarka lagu qaaday Cabdinuure Siyaad oo ka mid ahaa kooxdii la dagaallanka argagixisada ee maxkamadihii Islaamku ay ka adkaadeyn dabayaaqadii 2006. Caasimada Online Xafiiska Wararka Muqdisho
  19. The Gov has no choice but to disarm these Anarches , they have the nerve to dress their militias with army uniforms kill - rape . fight each other for check points and feud tribal wars In Shabelle Hoose. The Gov needs to involve the public also hold rally's come up slogan " let's clean mogadishu " Lets if Xaad and co are happy with dissarment
  20. Siyaasiga Xaabsade Ee U Guuray Puntland Iyo Qayilaad Uu U Fadhiistay (SAWIRO) This guy eats good in Hargeysa and Garowe Show me the Money
  21. It will take more then Xaabaasade to Defeat Hargeisa admin in SSC regions , military wise Hargeysa has dismantled the tribal militias .... The mans who chased The Ugaas of Dhuulooz and Ali Khalif Gayler in Talex were troops dominated by the Snm and Borame boys . My Lander friend tells me Hargeisa admin disarmed xaabasade militias 2007 .. nothing to gain from him ......
  22. Tonight the Gov Raided another trouble maker who is a high ranking police officer , Gov are feeling confident in Mogadishu and have vowed to disarm everyone politicians - Armed clans - business community . Things Heating up in Mogadishu but armed individuals are alone no clan to back them good thing . Congrats and we'll done to the security force.
  23. Ciidamada Nabadsugida oo Weerar kale ku qaaday Hooyga Sargaal ka tirsan Ciidamada Boliska (Warbixin) Ciidamada Nabadsugida Qaranka Somalia, ayaa la sheegayaa inay weerar kale ku qaaden Hooyga Sargaal sare oo ka tirsanaa Boliska. Ciidamada ayaa weerar ku qaaday Hooyga Mahad Dollar oo ka tirsan Saraakiisha Booliska Soomaaliya, waxa uuna Sargaalka Degnaa Xaafadda Seybiyaano ee Magaalada Muqdisho. Dadka Deegaanka ayaa xaqiijiyay in Iska Hor imaadka dhex maray Ciidamada nabadsugida iyo kuwa Sargaalka uu ku dhintay hal Askari, iyadoo mid kalana uu ku dhaawacmay. Askariga dhintay ayaa ka tirsanaa Ciidamada Mahad Dollar halka kan kalana ee dhaawacmay uu ahaa Nabad sugida. Ciidamada nabadsugida ayaa la sheegayaa inay baarayeen Hub lagu sheegay inuu haayay Mahad, balse waxa ay halkaasi ka waayen Hubkii loosoo Tilmaamay. Warkaasi Khilaafsan ayaa sheegaya in Ciidamada Nabad sugida ay halkaasi ka fuliyeen Howlgalo ay Ciidamadu kusoo qabteen waxyaabo maanka dooriye inkastoo Sarkaalka uu iska fogeeyay arrintaasi. Dhanka kale, Weerarka Mahad ayaa waxa uu imaanayaa xilli Habeenimadii Xalay ay ciidamo ka tirsan Hay’ada Nabad-Sugida ay weerar ku qaadeen guri uu degnaa C/wali Qanyare oo ay doonayeen sida la sheegay in hubka laga wareejiyo. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com Muqdisho Somalia Allbanaadir@live.com
  24. Dowladda Soomaaliya ayaa diiwaangalisey illaa boqol qof oo hub baddan oo sharci darro ah ku heysta caasimadda, kuwaasi oo la qorsheynayo in hubka laga dhigo. Waxa ay isugu jiraan hogaamiye kooxeedyo hore, qabqablayaal dagaal, kuwa beeleed, dad xildhibaano ah oo ku marmarsoonaya in ay ammaankooda illaalinayaan balse heysta wax ka baddan hubkii ku filnaa in ay ammaankooda ku illaaliyaan iyo sidoo kale rag ka ganacsada hubka. Dadkani hubka badan heysta ayaa waxa loo arkaa in ay qeyb ka yihiin ammaan darada dalka ka jirta, gaar ahaan kuwa ka ganacsatada hubka, waxaana la ogaaday in hubka lagu geysto qaraxyada inta badan laga dhex abaabulo magaalada dhexdeeda ama laga iibsado. Dadka hubka heysta ayaa waxa ay sidoo kale qeyb ka yihiin, islamarkaasina sii huriyaan dagaalo beeleedyo ka dhaca gobolada qaar ee dalka. Inkasta oo qorshaha dowladda uusan ahayn mid turxaan baxsan islamarkaasina aanan aad looga baaran dagin sidii hubkaasi gacanta loogu soo dhigi lahaa ka hor inta uusan faraha ka bixin, ayaa laakiin ay tani tahay talaabo muhiim ah oo dowladda ku dhaqaaqday mar haddiiba ay garwaaqsatay in hubka sharci darada ah uu qeyb ka yahay amaan darada.
  25. C/laahi Sheekh Xasan:”Hubka ka Dhigista Muqdisho Ka Socota Ma Ahan Mid Cadaalad ah Waxaana Ka Dambeeyo…. C/laahi Sheekh Xasan oo ah Guddoomiyaha Isbahaysiga Nabadda iyo Dimoqraadiga oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa eedeyn u soo jeediyay Masuuliyiin ka tirsan dowladda Somalia oo uu kamid yahay Ra’iisul Wasaaraha Somalia. Guddoomiye C/laahi Sheekh Xasan ayaa sidoo kale ku eedeyay Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir hub ka dhigista ciidamada amaanka ay ka wadaan Magaalada Muqdisho. ”Howlgalada Hub ka dhigista ah ee ka socota Magaalada Muqdisho waa mid lagu bartil maameed sanayo ilaa 63 qof oo dhamaan Reer Muqdisho ah mana ahan mid cadaalad ah in hal beel hubka laga dhigo ayuu yiri C/laahi Sheekh Xasan oo Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho. C/llaahi Sheekh Xasan ayaa tilmaamay in arrintaasi ay tahay mid sharci darro ah islamarkaana uu ka warqabay Xildhibaanno aan heysan wax ay isku difaacaan in lagu laayay Muqdisho haddi qorshahaan uu hirgalana ay Qatar gali doonaan ammaanka Xildibaanada iyo Siyaasiyiinta ku nool Magaalada Muqdisho. “Awooda Xildhibaanada Iyo Siyaasiyiinta loo Isticmaalayo al Shabaab maa lagu baacsado” ayuu intaas Raaciyay Cabdullaahi Sheekh Xasan. Si kastaba C/laahi Sheekh Xasan ayaa kamid ah siyaasiyiinta sida weyn ugu soo horjeedo dowladda Somalia.