kingofkings

Nomads
  • Content Count

    2,894
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by kingofkings

  1. Roob Lixaadleh oo ka da’ay nawaxiga magaalada Qardho Iyada oo maalmihii u danbeeyey ay da’ayeen roobabkii guga ayaa roob lixaad leh ka da’ay deegaanada ku xeeran magaalada Qardho, Roobka oo bilowday wax yar ka hor salaadda subax ama saacaddu markey ahayd 04:00 Subaxnimo ayaa sababey in biyo lixaadleh ay ku soo fatahmaan magaalada Qardho. Roobabka ayaa xoogoodu ka da’een galbeedka magaalada halkaas oo caan ku ah in biyo gaara bad-weynta Hindiya ay ka soo jabaan. Subaxnimadii hore ee saaka markii uu bilowdey dhaq-dhaqaaqa dadka ee dhanka ganacsiga ayaa dadku isla dhexmarayeen in biyo soo dhacayaan ama dhanka galbeed biyo ka soo socdaan taas oo aysan dheg jalaqu siin, Waxaa hal mar is qabsadey guuxa biyaha oo afka kuwata dhir, jiingado iyo aalado kale ayaa hal mar dhankasta magaalada u tafey una dhaafey, waxaana biyuhu hal mar kala xireen labada dhinac ee magaalada. Iyada oo magaalada Qardho ay ku taalo dooxo biyo mareen ah ayey biyuhu lahaan jireen goobo cayiman ee ay maraan isla markaana waxyeelada ay geysan jireen ay ahayd mid aad u yar. Kadib burburkii Dawladdii Soomaaliya waxaa dadku degeen oo weliba dabaqyo ka dhisteen dooxii biyihu mari jireen iyaga oo geliyey lacag aad u faro badan si aan guriyahaasi u dumin, waxaana ay sababeen in biyuhu ay magaalada dib ugu noqdaan. Inkasta oo aysan jirin khasaaro naf oo wax ku noqotey biyaha ayaa haddana waxaa biyuhu horey iyo gadaal ka galeen bakhaarada raashinka, kuwa dhismaha iyo ganacsi kale iyada oo dad badan ay ku cayroobeen. Ka sokow khasaaraha yar ee gaarey dadka qaarkiis ayaa haddana dadku aad ugu faraxsan yihiin biyahan lixaadka leh oo magaalada dhex gulucleynaya kuwaas oo waxa laga faa’idayo ay tahay caws ka soo baxa oo keliya isla markaana aysan jirin qaab kale oo looga faa’ideysanayo biyahan gaaray Badweynta Hindiya, dadku awood uma lahan in ay samaystaan biyo xireeno ay ku celiyaan Biyaha isla markaana uga faa’ideystaan siyaabo kala geddisan. Marka aad eegto guuxa biyaha dhulka gulucleynaya,dhawaaqa raha iyo roob-ladhacda dhulka yaacsan, baalaleyda iyo shinbaraha kolba dhinac isu raacaya, buuraha Qardho oo daruuro subxeed ku gadaaman yihiin, waxaad ka marag ka caysaa Qurux aduun, sidoo kale waxaa kuu soo baxaya ayaan darada haysata magaalada Qardho marka aad eegto dhanka amniga iyo maamul xumida ka taagan ee ay kaga hartey qayrkeed.
  2. reer PL; a beautiful future awaits us all. :cool:
  3. Earlier this week I opened up and investigated the involvement of an Italian contractor named Coipa International in Somalia’s Puntland State, and what I found opened up a new dimension in the great game to influence post-transition Somalia. The images above are from both the planning and construction stages of the project, which is now nearly complete. The contractor was tasked with working on the Bandar Qassim International Airport in the port city of Bosaso. In 2005, the industrial giant Lootah Group of the United Arab Emirates began the construction of the airport but ditched plans toward the ends of President Mohamed Muuse Hirsi’s term in 2008. It is likely that during the gap between 2009 and 2011, and certainly to the lead-up of oil exploration in Puntland that Coipa jumped on board. Now, you may ask, what does this work of construction have to do with oil? Among Coipa’s most influential board members is a man named Sheikh Mohamed Bin Abdulla Bin Hamad Al-Khalifa, a member of the ruling dynasty of Qatar. We know that Puntland does not have the pockets to assign a contractor to take on a project of such magnitude, not even close in fact, so who is funding this mission and why? For one, we know that our Qatari ‘Sheikh’ has deep pockets, and we certainly know from prior experience that ‘board member’ is a fancy way of saying ‘valued investor.’ So we’ve got it figured now that Qataris are bankrolling the project, just as the UAE’s Lootah was financing the airport project on its own. But why are they putting money into Puntland? The answer is simple, and its a fact that this is not the first time Gulf Arabs have tried to lend Puntland a hand. It wasn’t more than two years ago when the UAE attempted to sweet-talk India into lifting the embargo on Puntland’s Saracen allies, whose payroll, up to $100 Million in total, was certainly paid for by the UAE, Kuwait, or Qatar; the three most active Gulf states in Somalia. And the answer is oil. Puntland does not have lush rivers or lakes for the thirsty Arabs to fawn over, and neither are these Arabs interested in fish. All Puntland has to offer is oil, and let’s of it. Going back as far as early last year, the exploration firms in Puntland were not shy about propping up this troubled region as the Mecca of new oil finds, even bypassing more stable projects in Trinidad, Texas, and Georgia–the first of which has even paid off already. The Arabs know that Puntland is what they used to be, and that no expense will be spared in order to get a foothold in the world’s next great goldmine.
  4. Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa guddi wasiiro ah u saartay qaban qaabada Aaska Qaran ee Wasiiru-dawlihii Dastuurka iyo arrimaha Federaalka ee Dawlada Puntland oo duhurnimadii maanta abaare 12:00 ku geeriyooday Magaalada London ee Caasimada UK. Wasiiru-dawlaha Maamul waanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo goor dhawayd warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in kulankii Isniinlaha ahaa ee maanta golaha Wasiirada Puntland ku lahaayeen looga dhawaaqay guddi loo xilsaaray qaban qaabada Aaska Qaran ee Marxuumka. Wasiirku wuxuu tilmaamay in Madexweynaha Puntland Mudane C/raxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole uu shirkan ku magacaabay sadex xubnood oo ka mid ah golaha Wasiirada Puntland oo loo xilsaaray qaban qaabada Aaska qaran ee Marxuum Dr. Jimcaale. Guddiga uu Madexweynuhu u saaray qaban qabadan Aaska Qaran ee Wasiiru-dawlihii Dastuurka iyo arrimaha faderaalka ee Puntland ayaa waxay kala ahaayeen:- C/qani Yuusuf Cilmi oo ah Wasiirka Deegaanka iyo Duurjoogta Puntland ayaa loo magacaabay guddoomiyaha guddigan, Dr. Cali C/laahi Warsame Wasiirka Caafimaadka oo ah xubin ka mid ah guddiga, Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) wasiiru-dawlaha Maamul wanaaga Puntland oo isna xubin loo magacaabay. Hadii alle idmo guddigani waxay ka shaqayn doonaan, sidoo kalana suurtagalinayaan halka uu ka dhacayo Aaska qaran ee Marxuumka oo ay u badantahay in deegaanada Puntland uu ka dhaco, waxaana goor dhaw la filayaa in Madexweynaha Dawlada Puntland uu Madextooyada ku qabto shir jaraa’id oo uu uga hadlayo geeriada Marxuumka iyo Aaskiisa. Dhinaca kale Madaxweyne Faroole ayaa shacabka Puntland la hadlaya goor dhow si uu guga tacsidayeeyo geerida Wasiirka oo run ahaantii ay saxiib dhow ahaayeen.
  5. The two hardest working men in Mudug
  6. Gudoomiyaha Mudug iyo Islaan Bashiir oo soo afmeeray socdaal ay deegaano gobolka ka tirsan ku marayeen Wafdi ay hoggaaminayaan Islaan Bashiir & Gudoomiye Tigey oo booqasho ku soo kala bixiyay deegaano dhawr ah oo ka tirsan Gobolka Mudug. Wafdigan ay horkacayaan Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax iyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac waxaa xubno ka ah Nabaddoono ay ka mid yihiin Bashiir Maxamuud Dalmar, Yaasiin Cabdi Samad, Maxamuud Maxamed Cumar (Ciiro), Xuseen Cilmi Dhagow, Abshir Maxamed Dheere, Mas’uul ka tirsan Maamulka Beesha Balibusle Fu’aad Abshir, Qurbajoog ay ka mid yihiin Maxamuud C/raxmaan Xaaji Jaamac (Tarabi), C/risaaq Nuur Cirfe iyo Siciid Cartan iyo Ganacsato uu ka mid yahay Faarax Cali Maad. Waxaa xubnaha wafdigu ka soo ambabaxeen magaalada Balibusle ee gobolka Mudug waxayna soo gaareen deegaanka Buubi oo 30km dhinaca Bari ka xigta magaalada Balibusle halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay xubnaha wafdiga. Odayaasha dhaqanka, Dhallinyarada iyo Haweenka deegaanka Buubi ayaa xubnaha wafdiga waxay soo dhoweynta kaddib kala sheekeysteen barwaaqada iyo roobka u da’ay dadka deegaanka iyo baahiyaha ay tabanayaan oo ay doonayaan in wax lagala qabto oo ay ugu weyneyd arinta biyaha deegaanka Buubi, maadaama deegaankaasi la sheegay inuusan lahayn ceel biyood soo saara biyo ku filan dadka deegaanka. Waxay sidoo kale dadka Buubi sheegeen in deegaanku uusan lahayn isbitaal iyo goobo waxbarasho, waxayna ka dhawaajiyeen dadka deegaanku in ay jiraan dad badan oo caafimaad darro ugu geeriyooday deegaanka. Intaa kaddib wuxuu wafdigu u amba baxay magaalada Salax oo deegaanka Buubi dhinaca waqooyi kaga aadan una jirta 18km, halkaasi oo dadweynuhu si diiran ugu soo dhoweeyeen xubnaha wafdiga. Dadweynaha deggan magaalada Salax ayaa waxay wafdiga Islaan Bashiir, Gudoomiye Gobolka Mudug, Qurbajoogta, Ganacsatada, Nabaddoonada iyo Maamulka Beesha Balibusle Fu’aad Abshir Adeer uga hor yimaadeen duleedka magaalada si ay u soo dhoweeyaan iyagoo ruxayay caleemo qoyan iyo calamo, waxayna qaadayeen oo ay ku luqeynayeen tawxiidka Alle (SWT). Xubnaha wafdiga ayaa loo gudbiyay aqalka ay u diyaariyeen martida ee magaalada Salax, waxayna la shireen dadka deegaanka oo leh rag iyo dumar, waxayna dadka deegaanku ka mahad celiyeen imaatinka wafdiga uu hoggaaminayo Islaan Bashiir iyo Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac ayna xubnaha ka ahaayeen Qurbajoogta, Nabaddoonada iyo Ganacsatada. Dadweynaha Magaalada Salax ayaa wafdiga sii sagootiyay waxayna wafdigu u ambabaxeen magaalada Balanbal oo Salax u jirta ilaa iyo 30km, kagana beegan jahada waqooyi galbeed, waxaana dadweynaha magaalada Balanbal oo wata gaadiid farabadan ay wafdiga uga hor tageen meel ka baxsan magaalada halkaasi oo Odayaasha deegaanka, dhallinyarada iyo haweenku ay wafdiga ku soo dhoweeyeen si qurux badan. Magaalada Balanbal ayaa wafdigu ku nagaaday saacado kooban halkaasi oo loogu diyaariyay qado sharaf, waxaana xubnaha wafdiga iyo dadka deegaanku ay qaateen kulan is xog wareysi ah. Magaalooyinka Qalaanqal iyo Malaasle oo Balanbal kaga beegan Galbeedka ayaa ka mid ahaa magaalooyinkii xubnaha wafdigu ay soo mareen gelinkii dambe ee shalay 05/May/2012, halkaasi oo dadka deegaanku ay si sharaf mudan ku soo dhoweeyeen xubnaha wafdiga. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac iyo Qurbajoogta la socotay wafdiga oo ka kala yimid wadamada Imaaraadka Carabta iyo Dalka Mareykanka sida Maxamuud C/raxmaan Xaaji Jaamac (Tarabi), C/risaaq Nuur Cirfe iyo Siciid Cartan ayaa dadka deegaanka uga warbixiyay ujeedada safarakooda oo ay saldhig u ahayd iskuul sare iyo kuleej jiif leh oo laga dhagax dhigay magaalada Balibusle, waxayna dadka deegaanka ka codsadeen in ay iskuulkaasi ka geystaan wixii karaankooda ah maadaama dadaalka intiisii xooganayd ay baxsheen qurbajoogta. Sidoo kale waxay baaq u direen dadka deegaanka oo ay ku booriyeen in ay isku tashtaan oo ay iska aruuriyaan dhaqaale si loogu kaabo dhaqaalaha haatan loo hayo iskuulkaasi. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa dadka deegaanada ay soo mareen wuxuu ka balan qaaday in Maamulkiisu uu ka taageeri doono baahiyaha ay tabanayaan oo ay ka mid yihiin caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha, kuwaasi oo ah baahiyaha aas’aasiga ah ee noloshooda, wuxuuna Gudoomiyuhu dadka deegaanka kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan horumarka iyo amniga deegaanka. Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax oo hoggaaminayay wafdiga waxaa uu dadka deegaanka uga waramay ujeedada safarkooda oo ay ugu weyneyd dhagaxdhiga iskuulka sare ee laga dhisayo Magaalada Balibusle iyo booqashada xubnaha wafdigiisa ay ku soo mareen deegaanada dhulka Caduunka iyo Sanaaga. Islaan Bashiir wuxuu dadweynaha deegaanadii ay booqdeen uu kula dardaarmay cabsida Alle iyo in ay noqdaan dad mideysan oo wadajira kana fogaada khilaafaadka, wuxuuna intaa ku daray in khilaafku uu yahay waxyaabaha bulshada kala fogeeya, Islaanku sidoo kale wuxuu dadka deegaanka ka codsaday in ay ilaaliyaan deegaanka oo aysan ogolaan xaalufka dhirta ayna ka shaqeeyaan oo ay xil weyn iska saaraan horumarinta iyo amniga deegaanka. Ugu dambeyn Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax wuxuu dadka deegaanka deggan iyo deegaankaba Alle uga baryay in ay noqdaan kuwa ku noolaada nabad, xasilooni, barwaaqo deegaankuna uu noqdo mid lagu soo hirto.
  7. Xaaji Xunjuf;827527 wrote: King of Kings don't you you're self want a Puntland Passport BUSTED :cool:
  8. Samafal;827518 wrote: lol and delusion goes on like it ever stopped to see where it was going.
  9. Somalia;827505 wrote: No one recognizes that visa, stop kidding yourself, even your leaders travel with a Somali Republic Diplomatic passport, I've seen it with my own eyes.
  10. AHN waxaa goor hore oo maanta ah magaalada London ee caasimadda dalka Britain ku geeriyoodey wasiiru dowlihii Dastuurka iyo arimaha Federaalka ee Puntland. Dr. Cabdi Xasan Jimcaale oo todobaadyadii u danbeeyey aad u xanuunsanaa ayaa ku geeriyoodey Isbitaal uu ku jiray oo xaaladiisa lagula tacaalayey. Warka ku saabsan geerida AHN Dr. Jimcaale oo ah mid ay dadka Puntland si aad uga nexeen ayaa kusoo dhacay warqabadka Horseed Media abbaare 12-kii duhurnimo ee wakhtiga geeska Africa. Waxaana noo xaqiijey qaar kamid ah eheladiisa oo iyagu xiligaas ku sugnaa isbitaalka uu Dr-ku ku geeriyoodey. Dr. Cabdi Xasan Jimcaale oo kamid ah shakhsiyaadkii wakhtiga iyo maskaxda badan geliyey Dastuurka cusub ee ay Puntland yeelatay waxaa la filayaa in aas qaran gudaha Puntland loogu sameeyo. Taariikh nololeedka AHN Dr. Cabdi Xasan Jimcaale iyo waxa ay mas’uuliyiinta ugu sareeya dowladda Puntland ka yiraahdeen Horseed Media dib ayey idiinka soo gudbin doontaa.
  11. Xaaji Xunjuf;827442 wrote: Allah ha u naxariisto cabdi xassan jimcaale. But also let's hope his visions of clan federalism also died with him iyadana allah ha u naxaristo what is wrong with this creature:confused::mad: