Shinbir Majabe

Nomads
  • Content Count

    1,055
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Shinbir Majabe

  1. Horyal Construction & Water Engineering Company http://horyalco.com/ Daryeel Construction Company http://www.daryeel.com/ Albashid Construction http://albashid.com/ Aflax Construction Company http://www.aflahconstruction.com/
  2. Anigoo wikipedia ka aqrinaayo taariikhdii Haile Selassie I gaar ahaan Honours ki la siiyay waxaan ku arkay Order of the Leopard of Somalia in la siiyay 1960. Marka waxaan isweydiiyay ma jirtay billadaan? haddii ay jirtay yaa kale oo la siiyay sanadihi ka dambeeyay? billado kale ma jireen? Reer SOL haddii aan weydiiyo, yaa xasuusto billadaan, aaway dadki hore.. Fadlan wax inooga sheega! Source: http://en.wikipedia.org/wiki/Haile_Selassie_I_of_Ethiopia
  3. BACAAAAAAAAAAAAAAC.. Puntland Qabyaaladiist Propaganda!
  4. Kingofkings, wax khalad ah oo aad samayseen ma sheegin, balse xoogaa waa isku ekaateen, marka hal qof ayaan idiin heystay.. Aniga xageyga waa cafis. (inkastoo aadan waxba iga hallayn).
  5. Mr. Somalia iyo Kingofkings waxaan u heystay HAL QOF.. laakiin thread kaan ayaan ku ogaaday iney laba qof yihiin. Mr. Somalia, waxaa tahay Wadani Dhab ah:)... Puntland waxay u baahan tahay dad Soomaalinimada cabsan oo aragti fog leh.
  6. CUTUBKA 15AAD - (SUGIDDA NABADDA IYO AMMAANKA QARANKA) Qodobka162aad - Hawlaha Ammaanka ee Jamhuuriyadda (1) Xukuumadda Federaalku waxay damaanad-qaadaysaa nabadda, gobannimada iyo ammaanka qaranka ee Jamhuuriyada iyo bedbaadinta shacbigeeda, iyadoo loo marayo adeegyada ciidammada amniga oo ay ku jiraan ciidammada qalabka sida, nabasugidda iyo ciidanka booliska ee federaalka. (2) Ciidammada qalabka sida ee Jamhuuriyadda waxaa xil ka saaran yahay ilaalinta gobannimada iyo madaxbannaanida Qaranka iyo difaaca midnimada dhuleed. (3) Booliska Federaalka xilkiisu waa ilaalinta nolosha muwaaddiniinta iyo dadka kale ee deggan Jamhuuriyada. Wuxuu kalo oo uu ilaalinayaa ammaanka iyo nabadgelinta hantida muwaddiniinta iyo degganeyaasha. (4) Ciidanka booliska ee lagu abuuray sharciyada dawlad-goboleedyada xilkiisu waa ilaalinta nolosha iyo hantida muwaaddiniinta iyo dhawrista xasilloonida iyo ammaanka degaannadooda iygoo kaligood ah ama kaashanaya ciidammada booliska ee federaalka. Qodobka 163aad - Kormeerka Ciidammada Qalabka Sida (1) Ammaanka qaranka waxaa mabda’ asaasi u ah in dad rayid ah ay kormeeraan hawlaha ciidammada qalabka Sida. (2) Ciidamada qalabka Sida ee qaranka ayaa ah ciidanka keliya ee sida sharciga ah uga jira Jamhuuriyada dhexdeeda, waxaana reeban maleeshiyaad hubaysan oo gaar loo leeyahay. Qodobka 164aad - Mabaadi’da Ciidammada Qalabka Sida (1) Waa in ay Ciidammada Qalabka Sidaa dhawraan mabaadi’da soo socota: (a) Mihnadda ciidannimo, anshax-wanaag iyo waddaniyad; (b) Dhawrista Talinta Sharciga, hay’adaha dimoqoraaddiga ah iyo xuquuqda asaasiga; © U-heellanaanta ilaalinta Dastuurka; (d) Furfurnaan iyo oggolaansho laxisaabtan, iyo (e) Dhexdhexaadnimo xag siyaasadeed. (2) Qof kasta oo Soomali ah waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qayb-qaato jagooyinka Ciidammada Qalabka Sida, iyada oo aan la takooreyn. Qodobka 165aad - Ku-tagrifalidda Awoodeed Gaboodfallada xuquuqda aadanaha ee la tuhunsan yahay xubno ka tirsan Ciidammada Qalabka Sidaa inay dad rayid ah ka galeen waa in dacwadooda lagu qalaa Maxkamadaha rayidka ah. Qodobka166aad - Amarro Sharcidarro ah oo Cad Xubnaha ka tirsan Ciidammada Qalabka Sidaa uma hogaansami karaan amar sharcidarro cad ah. Qodobka 167aad - Kormeerka Rayidka ee Ciidammada Qalabka Sida iyo Nabadsugidda (1) Madaxweynuhu [marka lagu dhaqamayo nidaamka baarlamaaniga ah) isaga oo fulinaya codsiga Ra’iisul-wasaaraha wuxuu magacaabayaa madaxda Ciidammada Qalabka Sida iyo Nabadsugidda. (2) Madaxweynaha ayaa oggolaanaya dagaal hubaysan oo lagu difaacayo Jamhuuriyadda, iyadoo la fulinayo waajibaad dawladnimo, waxaana ansixinayo Golaha Shacabka. (3) Waa in uu jiraa Wasiir ka tirsan Golaha Wasiirrada oo masuul ka ah arrimaha difaaca. (4) Hawlaha Ciidammada Qalabka Sida waxaa lagu samaynayaa kormeer rayid ah oo ay ku jiraan guddi gaar ah oo baarlamaan. Qodobka 168ad - Booliiska (1) Ciidammada booliska ee jamhuuriyaddu waxay ka kooban yihiin ciidammada booliska madaniga ee federaalka iyo ciidan kastoo boolis ah oo ay dhistaan dawlad- goboleedyadu. (2) Ciidammada booliska madaniga ee federaalku waxay ka hawl-gelayaan dalka oo dhan; ayagoo iskaashi dhow la samaynaya hay’adaha dawlad-goboleedyada. (3) Dhammaan ciidammada boolisku waa in ay xushmeeyaan Dastuurka, sharciyada dalka iyo habdhaqankooda kaas oo uu sharci gaar ahi xakamaynayo. Qodobka 169aad - Xaaladda Degdegga Ah (1) Xaaladda degdegga ah waxaa lagu dhawaaqi karaa oo keliya marka ay lagama-maarmaan noqoto in la xaliyo xaalad halis ah oo ka dhalatay dagaal, weerar, gedood, rabshado, masiibo Rabaani ah ama xaalad guud oo culus. (2) Xaalad degdeg ah waxaa lagu dhawaaqi karaa marka ay dhibaato saamayso dhammaan ama qayb ka mid ah dalka, waase in aysan ka badan inta loo baahan yahay in lagu xalliyo xaaladdaas. (3) Madaxweynuhu [barlamaaniga, isagoo fulinaaya codsiga Golaha Wasiirada] wuxuu awood u leeyahay inuu ku dhawaaqo xaalad degdeg ah, waxaana lagama-maarmaan ah in Golaha Shacbigu uu ka doodo, kuna oggolaado 21 maalmood gudahood laga bilaabo maalinta lagu dhawaaqay. Marka Golaha Shacbigu arrinta ka doodayo waa inay ahaato mid dhegeysiga dadweynaha u furan, haddi aanay jirin wax ka reebaya. (4) Golaha Shacbigu wuxuu oggolaan karaa ama kordhin karaa xaaladda degdegga ah muddo aan ka badnayn saddex bilood markiiba. Haddii baarlamaanku oggolaan waayo kordhinta xaaladda degdegga ah waxaa istaagaya sii-socoshada xaaladda degdegga ah. (5) Ku-dhawaaqidda xaaladda degdegga ahi waxay siinaysaa hay’adda fulinta awoodo gaar ah oo lagma-maarmaan u ah xakamaynta xaaladaha. (6) Awoodaha lagu oggolaaday xaaladaha degdega ah waa in aysan ka mid ahayn in lagu xadgudbo xuquuqaha lagu sheegay Dastuurkan, haddii xadgudubkaasi uuna u ahayn lagama- maarmaan ujeeddooyinka xakamaynta iyo xal-u-helidda xaaladda degdegga ah. (7) Ansaxnimada ku-dhawaaqidda xaaladda degdegga ah iyo habraacyada ku lugta leh waxaa looga hortegi karaa Maxkamadda. Qodobka 170aad - Sharcidejinta Arrimaha Nabadda iyo Amniga (1) Waa in la soo saaraa sharci federaal ah si loo xaqiijiyo hirgelinta cutubkan iyo dhawrista mabaadi’da Dastuurka, waana in si gaar ah: (a) Loogu muujiyaa siyaasadda qaranka ee ka-hortagga argaggaxisannimada, burcadbadeedda iyo tahriibinta sharcidarrada ah iyo dembiyada abaabulan, iyadoo loo dhisayo hay’ad gaar ah oo wax ka qabata khataraha gaarka ah; (b) Loo nidaamiyaa qaabdhismeedka iyo xilalka booliska federaalka madaniga ah; © loo nidaamiyaa xiriirrada u dhexeeya booliska madaniga ee federaalka iyo ciidammada booliska dawlad-goboleedyada, si loo xaqiijiyo iskaashi iyo wadashaqayn; (d) loo caddeeyaa arrimaha la xiriira u-hoggaansamidda amarrada sharcidarrada ah; (e) loo dhisaa, lana nidaamiyaa hawlaha guddiga baarlamanka ee u xilsaaran arrimaha Ciidammada Qalabka Sida; (f) loo xaqiijiyo ka-qaybgalka rayidka ee kormeerka ciidamada booliska federaalka medaniga ah; (g) Waa in ay jirto hay’ad ay dadweynuhu u geysan karaan cabashooyinkooda ku saabsan xadgudubyada xubno ka tirsan ciidammada ammaanku ay u geystaan; (g) In la mamnuuco maleeshiyooyinka sida gaarka ah loo leeyahay, iyo (h) In la nidaamiyo shirkadaha amniga ee gaarka loo leeyahay iyo gaar ahaan arrimaha la xiriira shuruudaha shirkadaha amniga gaarka ah ay hub u isticmaali karaan. (2) Sharci dawlad-goboleed waa in uu xaqiijiyaa nidaaminta booliska dawlad-goboleedyada heer u dhigma midka loo isticmaalay nidaaminta booliska madaniga ah ee federaalka , iyo in ay xaqiijiyaan inay nidaamintaasu waafaqasan tahay mabaadi’da ku xusan cutubkan oo kormeerka rayidku uu ku jiro. (3) Sharci federaal ayaa go’aaminaya xaaladaha degdegga ah iyo awoodaha gaarka ah ee loo baahan karo. (4) Sharci federaala ayaa go’aaminaaya xaaladaha maangalka ah ee lagu hayn karo qofka la soo xiro mudada xaaladda degdegga, sida loola dhaqmayo iyo magdhawga laga siinayo haddi dulmi lagula kaco. (5) Sharciga federaalku cudurdaar uma samayn karo, iyadoo marmarsiiyo laga xaalad degdeg ah, cid lagu helay xadgudub xuquuq kaas oo aan la aqabali karin ama ku xadgudub masuuliyadda madaniga ama ciqaabta.
  7. CUTUBKA 14 AAD - (MAALIYADDA GUUD) Qodobka 144aad - Mabaadi’da Maaliyadda Guud Mabaadi’da asaasiga ah ee maamulka maaliyadda guud waxaa ka mid ah furfurnaan iyo laxisaabtan, in loogu isticmaalo dakhliga si caddaalad ku tilmaaman oo ay ku jirto horumarinta dalka iyo danta midnimada qaranka, lagana ilaaliyo dayaca. Qodobka 145aad - Awoodaha Dakhli-uruurinta (1) Dawladda federaalku waxaay ka uruurin kartaa dakhli ilaha loogu qoondeeyey Jadwalka 2aad. (2) Xukuumadaha dawlad-goboleedyadu waxay dakhli ka uruurin karaan ilaha loogu qoondeeyey Jadwalka 2aad. (3) Xukuumada federaalku sharci ayay ugu oggolaanaysaa xukuumadaha dawlad- goboleedyada iyo dawladaha hoose in ay uruuriyaan canshuuro ama dakhli kale sida uu qabo sharcigaan, laakiin waa in Dawladda Federaalku u celisaa dawlad-goboleedyada kharajka uga baxay ururinta dakhligaas. (4) Dakhliga dawladda federaalka ay u soo xareeyaan xukuumadaha dawlad-goboleedyada ama dowladda hoose waa in ay u qaybisaa dawlad- goboleeddaa ama dawladda hoose, dhammaan ama qaybo ka mid ah intii suurtogal ah, si ay dhiiriggelin ugu noqoto dawladaasi in ay u soo xareyso dakhliga si waxtar leh. (5) Dawladda dhexe iyo xukuumadaha dawlad-goboleedyadu waa in ay si sharci ah ugu oggolaadaan dawladaha hoose in ay soo uruuriyaan, una kaydsadaan isticmaalkooda canshuuraha ku haboon sida khidmada shatiyada suuqyada, canshuurta dhismaha, IWM. Qodobka 146aad - Canshuur-soo-rogidda Lama uruurin karo canshuur aysan oggolaan barlamaanka federaalku ama dawlad- goboleedda ay khuuseyso. Sharciga canshuuraha waa in si siman loogu dhaqo dadka oo dhan, lagamana cafinayo saraakiisha dawladda ama cid kale. Waa in sharci lagu oggolaado canshuur-dhaafka, laguna war-geliyaa Hantidhawrka Guud. Qodobka 147aad - Noocyada Qaybinta Dakhliga Dawladda Federaalku Siiso Dawladaha Kale (1) Xukuumada federaalku dakhliga ay ka uruurisay ilaha qaranka waxay noqonayaan mid ay ku fuliso masuuliyadaheeda ama waxay u qaybinaysaa dawlad-goboleedyada ama dawladaha hoose ama waxay ka dhiganaysaa kayd qaran. (2) Xukuumadda federaalku waxay dakhliga ugu qaybineysaa dawlad-goboleedyada sida: (a) dakhli dawladahaas loogu qoondeeyey dastuurka ama sharci; (b) talada ay kusoo jeediyeen guddiga maaliyadda qaranka, ama © Deeqaha xukuumadda federaalka oo ay ka mid yihiin deeqaha sinaanshaha oo loogu talo-galay in kor loogu qado awoodda dawlad-goboleedyada aan lahayn awood dakhli- uruurin marka loo fiiriyo hawlaha adeeg ee ay u fulinayaan muwaaddiniintooda, si loo soo gaarsiiyo heerka adeegyada dawladaha kale. (d) Dawladda Federaalka iyada oo maraysa dawlad- goboleedyada waxay dakhliga u qaybin kartaa dawladaha hoose si ay u gutaan hawlahooda, dawlad-goboleedyaduse iyaga ay si toos ugu qaybin kara dakhliga dawladaha hoose Qodobka148aad - Mabaadi’da Hagaysa Qaybinta Lacagaha Waa in la soo saaro sharci si caddalad ah loogu qaybinayo heerarka kala duwan ee xukuumadda dakhliga lagu soo uruuriyay magaca qaranka, iyadoo la tixgelinayo arimaha soo socda: (a) danta guud ee qaranka; (b) waajibaadka qaranka; © Masuuliyadaha heerarka kala duwan ee Dawladeed loogu xilsaaray Dastuurkan, dastuurrada dawlad-goboleedyada, shuruucda iyo barnaamijyada Dawladda federaalka iyo dawlad-goboleedyada; (d) haqabtirka baahida asaasiga ah ee dadweynaha; (e) baahida qorshaynta horumarka muddada dheer ee dalka; (f) sinnaan la’aanta dawlad-goboleed marka loo fiiriyo awoodooda dakhli-uruurineed; (g) baahida dawladaha in ay yeeshaan saadaal heer dakhli, si ay u qorshaystaan barnaamijyadooda; (h) Baahida in lagu dhiiriggeliyo xukuumadaha in ay si waxtar leh u soo uruuriyaan dakhliga; (i) baahida loo qabo in laga jawaabo xaaladaha degdegga ah iyo waxyaabaha aan la sii saadaalin. Qodobka 149aad - Amaahashada Dawlad-goboleedyadu waxay amaahan karaan lacag marka ay ballanqaad ka haystaan Xukuumada Federaalka. Qodobka150aad - Hanti Guud Dhammaan dakhliga ay soo ururiso Dawladda federaalka ama dawlad-goboleedyada waa in lagu shubaa sanduuq lagu dhisay sharci islamarkaana ay maamulaan hay’adaha dowladda ee u xilsaaran, looguna isticmaalo ujeedooyinka lagu ogolaaday sharciga. Qodobka 151aad - Qaybinta iyo Qoondaynta Dakhliga U-qaybinta dakhliga federaalka dawlad-goboleedyada ee lagu xusay qodobka 147 waa in lagu saleeyaa Sharciga Qaybinta Sanadlaha ee Dakhliga Federaalka oo uu ansixiyey baarlamaanka federaalku. Qodobka152aad - Miisaniyadda Sanadlaha ee Federaalka Miisaaniyadda Sanadlaha ee Xukuumadda Federaalka waa in la hor-geeyaa Baarlamaanka Federaalka ugu yaraan ka hor laba bilood intuusan dhammaan sannad- maaliyadeedkii hore, waana in lagu ansixiyaa sharci uu soo saaray Baarlamaanka Federaalku. Qodobka153aad - Kharaj Gelidda Ka Hor Ansixinta Barlamaanka ee Miisaaniyad Sanadeedka Haddii aan la ansixin miisaaniyadda bilawga sanad-maaliyadeedka, waxaa la sii isticmaali karaa lacag, iyada oo lagu salaynayo miisaaniyadda sanadkii tegey. Lama bixin karo in ka badan rubuc miisaaniyaddii sanadkii tegey ama in aan ka badnayn 4 bilood oo ka mid ah sanad- maaliyadeedka cusub. Qodobka 154aad - Kharajyada Lama-filaanka ah Haddii ay lagama-maarmaan noqoto in la *****lo baahi kharaj aan la fileyn ee miisaaniyadda federaalka, xukuumadda federaalka ahi waxay bixin kartaa lacag, xataa haddii uusan jirin qodob ku cad miisaaniyadda la oggolaaday. Xadka ugu sarreeya ee habkaan lagu kharaj-garayn karaa wuxuu u dhigmaa 10% miisaaniyadda la oggolaaday. Waana in lagu weydiistaa baarlamaanka oggolaansho muddo bil gudaheed ah, isla markaana muddo saddex bilood gudahood kharajkaas lagu ogolaadaa sharci. Qodobka 155aad - Xisaabaadka iyo Hanti-dhawrka Hay’adaha Dawladda Dhammaan xisaabaadka hay’adaha dawladda heer kastoo ay yihiinba waa in ay baarta hay’adda madaxa bannaan ee Hantidhawrka Guud. Qodobka 156aad - Heshiisyada Badeecadaha iyo Adeegyada Qandaraasyada Dawladda ee badeecadaha iyo adeeggu waa in ay ahaadaan kuwa dadka u furan daahna furan. Qodobka 157aad - Guddiga Maaliyadda (1) Waa in sharci lagu dhisaa guddi maaliyadeed oo ka kooban dad laga soo magacaabay heerqaran iyo heer dawlad-goboleed. Tirada uu ka kooban yahay guddiga maaliyadda waa in lagu oggolaado xeerka Golaha Wakiillada oo ay ansixiyeen ugu yaraan kalabbar oo bar ergada Goluhu. (2) Guddiga maaliyadda waa in uu leeyahay karti iyo dhaqale uu ku samayn karo cilmibaaris iyo qiimayn codsiyada ay soo gudbiyaan xukuumadaha dawlad-goboleedayada. (3) GuddigamaaliyadduwuxuukalataliyaaXukuumaddafederaalka: (a) Qaybta laga siinayo dawlad-goboleedyada canshuuraha laga soo uruuriyey heerka qaran, iyo (b) Sida dawlad-goboleedyadu u wadaagayaan qoondada. (4) Guddiga maaliyaddu waa inuu markasta dib-u-eegis kusameeyo nidaamka dakhli-qaybinta, isla markaasna uu u soo jeediyo Dawladda federaalka talooyin lagu qaybinayo dakhliga muddo shan sano ah markiiba. Sidoo kale, wuxuu qabanayaa hawlaha uu u xilsaaro sharcigu. (5) Guddiga maaliyadda qaranku waa inuu tixgeliyaa mabaadi’da ku xusan qodobka129. Qodobka 158aad - Guddiga Hanti-Dhawrka Madaxa Bannaan ee Federaalka /Hanti-dhowraha Guud (1) Hanti-dhawrka Guud waxaa lagu magacaabayaa habraac sharci dejiyey kaa soo xaqiijinaaya madax bannaanida xafiiska. (2) Hantidhawraha guud waa in uu yahay qof aqoon iyo waayo’aragnimo u leh hawsha baaritaanka xisaabaadka. (3) Hanti-dhawraha guud waxaa xilka looga qaadi karaa si caddaalad ah, iyadoo la raacayo hannaan baaritaan oo cadaalad ah. (4) Waajibaadka waajibaadka hanta-dhawrka madaxabannaan ee federaalka/Hanti-dhawraha guud waa in uu ku sameeyo baaritaan sanadeed dhammaan xisaabaadka hay’adaha Dawladda heer kasta oo ay yihiin. (5) Hanti dhawraha guud waa inuu baarlamaanka warbixin ugudbiyaa sanadkiiba mar. Qodobka 159aad - Bangiga Dhexe Waa in sharci federaal ah lagu dhisaa Bankiga Dhexe ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Hawshiisu waxay ahaanaysaa hawlaha caadiga ah ee ay qabtaan Bankiyada Dhexe. Qodobka 160aad - Khayraadka Dalka Mabaadi’da ilaalinta khayraadka iyo qaybinta dakhliga ka soo xerooda ilaha khayraadkaas, kuwa dabiicigaa iyo kuwa kalaba waa: (a) In dadka degaanka la siiyo dhiiriggelin ay ku ilaaliyaan, kuna maamulaan kheyraadka dabiiciga ah si masuuliyadi ku jirto. (b) In xukuumadaha heer kastaa ay haystaan dhiiriggelin iyo dhaqaale lagu horumariyo, laguna fuliyo siyaasadaha maamulka kheyraadka aan la cusbooneysiin karin, iyo in sida ugu habboon looga fa’iideysto kheyraadkaas. © Bulshada qaybaheeda ka faa’ideysata kheyraadka dabiicga ah waa in loo xilsaaraa xannaanaynta, maaraynta iyo ka-faa’ideysiga kheyraadkaas. Qodobka 161aad - SharcidDejinta Federaalka ee Arrimaha Maaliyadeed Waa in sharci federaal ah lagu soo saaraa heykal maamul-maaliyadeed oo masuuliyadihiisa ay ka mid yihiin: (a) Habka loo soo bandhigo miisaaniyadda dawlad-goboleedda iyo jadwalka habraaca miisaaniyad-samaynta dawlad-goboleedyada; (b) In ay damaanad-qaad siiso Dawlada Federaalka deymaha ay soo weyddiistaan dawlad- goboleedyada; © Habraaca Dawladdu u marayso Qandaraasyada Guud; (d) Baarista xisaabaadka hay’adaha aan dawliga ahayn ee dawladda dhaqaale ka hela; (e) Tallaabooyinka guud ee lagma-maarmaanka u ah dhaqangelinta cutubkaan.
  8. CUTUBKA 13 AAD - (HAY’ADAHA DAWLAD-GOBOLEEDYADA) Qodobka 140aad - Hay’adaha Dawlad-Goboleedyada Dhismaha hay’adaha sharci dejinta iyo fulinta ee xukuumadaha dawlad-goboleedyadu waa mawduuc Dastuurrada maamul-goboleedyada lagu oggolaaday si waafaqsan cutubkan. Qodobka 141aad - Mabaadi’da Dastuurrada Dawlad-goboleedyada (1) Dastuurrada dawlad-goboleedyadu waa in ay waafaqaan Dastuurkan oo ay ka mid yihiin mabaadi’da asaasiga. (2) Dastuurrada dawlad-goboleedyadu waa in ay raacaan mabaadi’da guud iyo qaabdhismeedka Dastuurka federaalka. (3) Dastuurrada dawlad-goboleedyada waa in ay xaqiijiyaan ilaalinta dadka lag tira badanyahay. Qodobka 142aad - Samaynta Dastuurrada Dawlad-goboleedyada (1) Dawlad-goboleedyadu waa in ay kala tashadaan Dalwadda federaalka ah qorshaynta qaabka iyo habraaca samaynta dastuurradooda. (2) Dawlad-goboleedyadu waa in ay u sameeyaan dastuurradooda si dimoqoraaddi ah oo ay dadweynuhuna si buuxda uga qayb-galayaan. (3) Dastuuraka dawlad-goboleedda marka la ansixiyo kaddib waa in loo celiyaa maxakamadda Dastuuriga si ay dib-u-eegis ugu samayso in uu waafaqasan yahay dastuurka federalka, ayna ka mid yihiin mabaadi’da ku xusan qodobka sare. Haddii maxkamadda Dastuuriga ahi ay ogaato in uusan waafaqsanayn dastuurka, iyadoo sababaynaysa waa in ay ka bixisaa tilmaan sida loo waafajin karo, Dastuurka dawlad- goboleeddu ansax noqon maayo ilaa inta Maxakamadda Dastuuriga ahi ay ka caddaynayso in uu yahay mid waafaqsan Dastuurka Federaalka. Qodobka 143aad - Wax-ka-bedelidda Dastuurrada Dawlad-goboleedyada Wax-ka-beddalidda Dastuurrada Dawlad-goboleedyada waa in lagu sameeyaa si dimoqoraaddi ah, iyadoo la siinayo dadweynaha dawlad-goboleedda fursad ku filan oo ay kaga qayb-galaan geeddisocodka wax-ka-beddalka dastuurka. Haddii ay dawlad-goboleed dooneyso in ay wax ka bedasaho dastuurkeeda, waxay wargelinaysaa Dawladda Federaalka waxayna u gudbinaysaa Maxkamada Dastuuriga qodobada la bedelay si ay u eegto. Wax-ka-beddel kasta sharci ma noqonayo mana hirgalayo ilaa Maxkamadda Dastuuriga ahi ay caddayso in uu waafaqasan yahay Dastuurka Federaalka.
  9. Haa.. waa la wada waalan yahay. (inkastoo lakala roon yahay).
  10. ^^ Cidina kuma nabine... meesha Somaliland Ictiraaf ku waalatay ayagana Batrool ayay ku waasheen..
  11. labada sawir midbaa Puntland ah.. kan midigta xigo.
  12. ^^ Xaaji, odayaashaas delusional haayo miyaa ka mid tahay? wallee Amin Amir wuuku sheegay..
  13. Xaaji, sawir aad ku farxayso hoos ka daawo.. (ina adeerkaa CIMAAMADDI ayay ka hilmaameen).
  14. ^^ wali cid kale lama magacaabin, 7 xubnood wali lama sheegin.. marka yaanan hordhicin.
  15. Qandalawi;818486 wrote: ...the group of the 7 member team that will interrogate Somaliland is led by Puntland's Interior minister, his excellency General Ilkajir. Qandalaawi, waxaa guddigaan horboodaya Wasiirka Arimaha Gudaha ee Somalia Cabdisamad, waa ku sidee? intee kala imaatay sheekadaan kale oo wasiir puntland ah ayaa hogaaminaayo guddiga?
  16. Wali magacyada List ka guddigaan lama shaacin, laakiin waxaa la sheegayaa in ay ka kooban yihiin 7 xubnood oo gudoominaayo Wasiirka Arimaha Gudaha ee Soomaaliya Cabdi Samad Macalin Maxamuud, waxaa kale oo ku jira xubno matalaayo maamul goboleedyada Puntland iyo Khaatumo.
  17. ^^ Maadeey, aniga waan soo xigtay oo kaliya.. RBC ayaa sidaan usoo qortay. Midda kale maxaa ku beeninee hadalkaan, asigaaba laga haayaa inuu yiri "nafteyda ayaa qatar ku jirta". in la dilaayo way cadeeyd, hadalkaana run ayuu u egyahay.
  18. Cumar Xamaami Oo Ka Mid ah Saraakiisha Sare Shabaab Oo Lagu Daldalay Soomaaliya Warar ayaa sheegaya Cumar Xamaami oo ka tirsanaa Saraakiisha ugu sareeya ajaaniibta ah, ee ka barbar dagaalama Shabaab-ka Soomaaliya in lagu daldalay Soomaaliya. Hamaami, oo sidoo kale loo yaqaan Abu Mansoor Al-Amriki ayaa ku biiray Al-Shabaab sanadkii 1999-kii, waxana uu ka mid noqday saraakiisha ugu sareeye ee ururka. Wararkan ayaa maanta oo Sabti ah, waxa laga siidaayay Idaacadda NBC News, iyo sidoo kale war saxaafadeed ka soo baxay Shabaab Xafiiskooda. Dhowr toddobaad ka hor, ayaa Hammami oo ka soo jeeda gobalka Alamaba ee dalka Maraykanka, waxa uu sheegay in nafasadiisa ay qatar ugu jito gacanta Shabaab-ka, Laakin Shabaab waxa ay sheegeyn in uu goob ammaan ah uu ku sugan yahay uuna badaqabo. Ninkan waxa uu ka mid yahay dadka ajaaniibta ee ugu sareeya ee ku jira Shabaab oo si rasmi ah u shaaciyay in ay ka tirsan Al-Qaacida, waxana uu heestaa dhalashada dalka Maraykankan, laakin aabihiis waxa uu ka soo jeedaa dalka Syria, hooyadiisna waa Maraykan. RBC Radio
  19. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa magcaabay guddiga wada haddalka Soomaaliland kaddibna u anbabaxay isaga iyo wefdi uu hoggaaminayo magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia halkaas oo uu uga qeyb galli doono shir madaxeedka dalalka Afrika. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo goor dhow haddal ku siiyay warbaahinta qaranka garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ayaa magcaabay guddi Toddoba xubnood ka kooban oo wada haddal la yeesha maamulka Soomaalilad. Guddiga uu madaxweynaha Jamhuuriyadda magcaabay ayaa guddoomiye looga dhiggay wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka, mudane Cabdi Samad Macallin Maxamuud, guddigaani ayaa waxa ay magaalada London ee dalka Britain kulan kula yeellan doonaan guddi uu horrey u magcaabay madaxweynaha Soomaaliland. Dhinaca kale madaxweyne Shariif iyo wefdi oo hoggaaminayo ayaa u anbabaxay dalka Ethiopia, halkaasi oo uu uga qeyb galli doona shirka madaxda Afrika ee magaalada Addis Ababa ka furmay Xigasho: Radiomuqdisho.net