
Paragon
Nomads-
Content Count
8,464 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Paragon
-
^^Lol Farax. Adeer, I thought so but the sunshine has been confirmed by others too. Marka iska key daa aan isku madadaaliyo in aan aniga sunshine la imiye .
-
Horta goormuu magaca lasoo gamey u baxay Sh. Shariif? Kinda funny name, runtii .
-
Somalinimo = Somali and nothing but Somali, no qabiil or anything else, Somali oo dhanna aad ogoshahay kana mid tahay, that's Somalinimo. Mr. Emperor, are you sure there is such a thing as pure Somalinimo in your case?
-
^^Its in your blood to recognize the age of moons. Mindhaa odeygii awowgaa ahaa ayaa geeljire xidigatiris ahaa . Faraax, I am back to London and surprisingly I haven't seen anything but sunshine in the last days I have been here. Must have brought some sunshine with me .
-
^^Adeer ma hilow baa kuu haya dhulkii? Alleylehe meel loo hiloobo wey tahay. Habeenadaan baryey dhadhaab, Kullan iyo Libooyo hurdada si macaan ayay ii jiidatey. Alla qurux iyo raaxa badanaa dhulkaa- FG: soo bil dhalad ah ma aha bishaas sxb? Kama weyna 3 amba 4 cawood.
-
^^iTunes? Well, aint that great! Thanks for the tip.
-
International Philosophy football - Germany v Greece
-
Ilma adeerayaaloow waad isku xiiqdeen e' bal salla calaa Nabi oo sheydaankana iska naara. PS: I once listened to two old men on Frontier FM discussion about this issue. Runtii labadaa odey sidey uga doodeen arrinkan ayaa fajac igu beertay. Don't want to read a repeat of that.
-
Odey Oodweynow, Horta, waa suaale; tol mise dan? Amba 'tribalism' or 'interests'? Kadib dagaalladii foosha-xumaa ee wejiga qabiiliga lahaa, laguna hoobtey welina horor ku haya umadda Soomaaliyeed, waxaa qofkii damiir iyo dareen lihi la gudboonaatey, in uu si daacad ah isu weydiiyo suaasha ah, tolkey ama dantey midkee? Suaashatan weeye tan reer Maakhir State isweydiinayeen muda aad dheer, maantana ay jawaabteeda garowsadeen. Jawaabta suaashanina waa sahley waayo-aragnimada qaali ah ee reer Maakhir uga soo korodhey ka qaybqaadashadii dhismaha dowlad-goboleedka Puntland ee uu aasaaskeedu ahaa 'tolkeynimo'. Waxaa caddaatey in tolkeynimo la quudsan kareyn, oo aynan isbitaal ama iskool dhisi kareyn, ceelal qodi kareyn, jidi jeexi kareyn oo sideedaba tahay lugooyo curyaamis ah. Iskaba daa waxay qabato tol sheegashaduye, dhib mooye wax dheef ah lagama hayo. Waana dhibka ay keentey tolnimada khayaaliga ah, ee ku caan baxdey xaalufinta iyo nabaad guurinta degaanka, macdan-boobka iyo dulbalaarsiga sharciyeysan waxa ku dhaliyey reer Maakhir in ay sameystaan dowlad goboleed 'danteynimo' horseed u tahay. Sidaa darteed, Odey Oodweynow, dooda furmi doonta mustaqbalka, hadey ku saleeysnaan doonto 'danteynimo' ay qabyaaladi ka marantahay, waxay aniga ila tahay, in ay tahay mid la wada faalloon karo. Hasayeeshee, waxaa is xusuusin mudan, in reer Maakhir ay 'maanta' daadihinayaan fikrad cusub oo socod barad ah, lagana maarmaanna tahay in fikradani cuskato midnimada Soomaali weyn. La yaabna malahan in ay reer Maakhir doorbidaan midnimada Soomaalinimo, waayo xaqiiqiyan iyo siyaasiyanba, aad bey ugu adkaaneesaa in reer Maakhir hadeer ku biiraan Soomaaliland, duruufaha jira awgood. Duruufahan waxaa ka mid ah: • Maadaama sababta reer Maakhir ay gooni isaga taageen Puntland ay ahayd 'minority-nimo' asiibtay, kana horjoogsatey hor-u-mar dhamaantii, marka ku biiradda Soomaaliland waxay dib usoo celineysaa 'minority-nimadii' ay kasoo hayaameen; • Teeda kale, xaqiiqiyan, waxaa jira muran ka taagan lahaanshaha dhulal badan beelaha dega Soomaaliland, oy cid waliba ku doodeyso in uu iyadu deegaankeedu yahay. Taa darteed, murankani waxaa ka aloosmi karaya khilaafaad iyo khatar dirireed oo mustaqbalka dhex timaadda reer Maakhir iyo reeraha dega Soomaaliland; • Hadayba suurta gasho in ay Guurtida laba geesoodka ahi xal u helaan khilaafkani; waxaa kaloo jira arrinka kalee ah ictiraaf la'aanta maanta haysata Soomaaliland. In kastoo Soomaalia maanta amxaaro cadowtinimo naga dhaxayso ku amar ku taagleeyseyso, misna hadana, Soomaalia weli waa wadan jiritaankiisu dunida ictiraafsantahay. Hadaba, hadii Tigreegu laga xoreeyo, dowlad cusubna ka dhalato, ama mucaawino dibadaha ka hesho, siyaasiyan iyo dhaqaala ahaanba, Maakhir State waxaa u suurta galeysa in ay dhan weliba ka hormarto. Balse Soomaaliland awooddeeda dakhli ahaan waxaa xanibaya ictiraaf la'aanta jirta; • Taa waxaa dheeraad ku ah, dhaqaalaha iyo baayacmushtarka reer Maakhir State maanta jira, intiisa badan waxaa laf-dhabar u ah dekkadda Boosaaso ee Puntland. Hadii ay reer Maakhir go'aansadaan in ay Soomaaliya lasii mid ahaadaan, isticmaalka dekkadda Boosaaso ayaa sii socon karaya balse hadey Soomaaliland ku biiraan, Boosaaso waxay ka mid noqoneysaa dal kale oo xuduud un la wadaago. Taasina waxay aad wax u dhimeysaa nolol maalmeedka reer Maakhir; • Caalamiyanna, anagoo diirrada saareyno siyaasadda wadamada aan deriska nahay kala adeecsan yihiin iyo isbedallada kusoo badanaya shucuurta reer Soomaaliland, waxa suurta gasha in ay Soomaalilanderska ku daaleen ictiraafka ay ka sugayaan Ethiopia, una wareegaan in ay Eritrea xiriir calaami ah ama dhaqaaleba la sameystaan taasoo keliya keeneysa 'takoor' ay sii takooranto Soomaaliland. Hadaba, hadii taasi dhacdaba, reer Maakhir dani ugu jirto iney ku biiraan Soomaaliland iyo takoor. Marka Odey Oodweynow, waxaa nasiib darro ah in waxyaalaha aan sare ku xusay ay noqon karayaan, kuwa ku adkeeyya reer Maakhir State in ay u bareeraan ku biiridda Soomaaliland mustaqbalka dhow. Anigu garanmaayo hadii ay duruufaha Soomaaliland wax iska bedesho, sida ay u saameyn karayaan go'aamada reer Maakhir. In kastoy anigu u arko 'danteynimada' mid u hogaamiso reer Maakhir dhankaa iyo Somalia, hadana waxaa suurgasha in ay go'aansadaan in ay wax la qaybsadaan walaalahooda Soomaaliland. Maalintey Soomaaliland ku biiraan ayaan isla soo qaadi doonnaa gorgortanka siyaasadeed ee ay guurtida xeydan doonto. Bal adiga aan kaa wareystee, lacalla hadii ay reer Maakhir ku biiraan Soomaaliland, siyaasiyan iyo dhaqaala ahaanba, maxay Soomaaliland u qoondeyn kartaa reer Maakhir? Ma jagada madax-weyne-ku-xigeenka ayunbaa miiska saaran? Oo maadaama reer Awdal madax-weyne-nimada loo dhiibeyba, reer Maakhirna madax-weyne-nimoma loo ogol yahay? Mise Siilaanyaa in muda ah jagada sugayey oo aan laga qaadi kareyn? Intaas waa iga kaftan. Lol.
-
Horn, lol. War bal Oodweyne wax usheeg sxb . Lol@Oodweyne. Adeer waa ku sidee ma rag kalaad maanta u carruureysey oo aad dooneeysaa inaad u caqli celiso? Wallee illeen raggu iskama war hayo oo nimba qumanihiisaa qoorta ugu jira! War 15 sanno qayladii xornima-doonka ahayd ee aad ku xabeebateen, waxba lagu waayey, miyaad rag kale ka iibineysaa sxb? Lol. Oodweynow inadeer arrinkii hirgalo ayaa rag kale lagu hunguriyeeyaa, balse adigoon waxba hayn hadaan gorgortan doonto in aad rag kale la gasho, waa sida adigoo isku madaddaaliya: 'gubadkaan gubi doono, cowska ka bixi doono, Goodirka daaqi doono, ee aan dili doono, hilibkaan ka heli doono ee aan soli doono, ma cunaysaan? . Somaliland, anigoon dadka dhistay waxba u diidanayn, misna hadana rajadeedu waa Lacalla sxb. Waa xaqiiqda jirta. Suurta galna ma aha inaad ka dhaadhiciso qof haysta dal la aqoonsanyahay inuu kasoo goosto oo mid aad la aqoonsanayn ku biiro. Mira gunta kuugu jira kuwa geedka ku yaal looma daadsho, adeer . Teeda kale, Puntland kasoo xarig furta oo Somaliland ku xirta soo Kud ka guuroo Qanja u guurma aha adeer. Raggaa reer Sanaagee damciyey ineey goonni isu taagaan illaa maalintay dowlad xaq ah oo la wada taabacsan yahay ka dhalato, waxay wax la qabaan umadda Soomaaliyeed ee uu calanka buluugga ahi kulmiyo. Waxaadna ogsoonaataa in Soomaaliya dastuur ahaan ay tahay habka 'Federalka', mustaqbalkana sidaa sii ahaan doonto. Sidaa aawadeed dastuurku waxuu qorayaa in qolo waliba sameysato maamul amba 'state' u gooni ah oo hoos yimaadda dowlada dhexdheexaadka federaalka, si dantii loo aasaasay 'federalismka' looga meel gaaro. Taa darteed, Maakhir State of Somalia waa xubin ka mid ah dowlad goboleedyada dalka uu ka kooban yahay ee sidaad u la soco . Samaynta maamulka Maakhir State of Somalia marnaba ma aha astaan muujineysa ka goosashada dalka intiisa kale, amba ku biirid lagu biirayo maamuulka gooni u joogsiga Somaliland! MSS waa talaabo madaxbannaani Soomaalinimo ku dheehantahay! Kana madaxbanaan Puntland iyo Somalilandba. Marka adeer cashuurta aad sheegeysey iyo jagada madaxweyne ku xigeenka Soomaalilandba hungri ka weyn ayaa ina haya .
-
About time! Dhegeyso:- Golaha Deegaanka Degmeda Dhahar ayaa si toos ah ugu soo wareegey Maamulka Maakhir Dhahar:- Maanta ayaa waxaa Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag baaq kasoo saarey Golaha Deegaanka ee Degmadaas iyagoo sheegey iney maanta wixii ka danbeeya ay hoos imanayaan Maamul Goboleedka Maakhir State of Somalia iyadoo ay si toos ahna uga soo goosteen maamul goboleedka Puntland oo hore usoo dhistey golahaas. Radio Laasqoray ayaa waxay wareysatey xubin ka mid ah xubnaha joogtada ah ee Golaha Degmada Dhahar oo lagu magcaabo Mudane Saciid Maxamed Hoori. Wareysigii sidan ayuu u dhacay ee Dhegeyso
-
^^At your own risk . Say it while standing a mile away lol.
-
^^Lool@rokko. Waryaahe war inagu afka aan ku hadleyno kii Dhahareed ma aha ee waa mid waamo. Adiga iyo JB af dameeraleey ayaad ku hadashaan anaguna afka geeljiraha . Lily looooooooool. Just say it, you want to find a name for men. And yes, the name is principly used on (female) humans. So use it on them, garadaase? .
-
^^Lol. Lily, I see you picked on the name. It actually denotes something else such as qumayo. I use to hear naughty girls being called Wiiro Wiiro. Legend has it that Wiiro Wiiro can land on trees because she spied on the Prophet . Don't know where Somalis got this myth from but they say till this day Wiiro Wiiro cries 'waakan waakan' or 'here he is'. Thus, as kids, we use to hunt the poor bird and break all its eggs. Ciyaalnimo walee waa cudur laga koro lol. Lily, yeah. I went back to familiar territories and I have enjoyed everything in it.
-
^^Loool Jacaylbaro. Dadku ismaba af yaqaanaan miyaad leedahay hadeer? Koley adiga iyo Faarax unbaa is af-garan la'. Akhyaareeyu shimbirta tan hore waa mid aan garan waayey aniguba. Mas-laq ayaa u haystay balse ma aha oo mindhaa waa shimbir carri kale kasoo habowday. Garanmaayo. Balse tan xigta waa sida uu Faarax sheegay ee aan anna u aqaan wiiro wiiro geed ma fuusho. Tan sadexaad waa garateen labadiinuba, ama xantalaay, bambow ama dhuuryoba ha ahaatee.
-
^^Lool@Faarax brown. Adeer usheeg ina jacayl in uusan Geelu haraantamin. Waxbuu wallee isku qasayaa . Faarax - some people use Wabaxsan as geel darka intuu ka waraabey iskii isaga fuley. Adna yours is commonly used in dhulkaan wada naqaan . Horin usii fuleysa dhankaa iyo Raama-guddaa ee dhuleedka Libooye, xadka Somalia iyo kenya. Shimbiro- miyaad kala taqaan?
-
Dhaadhaab weeye, Dhubad. Geel ka cabayey Libooye ayaa ka dhogor fiicnaa wallee. Dhulka muxuu geel joogaa!
-
Salan sare Akhyaarta. Lol@Xiin. Waryaarahe, dunidu dab badanaa? Markaad mid damisaba mid kalaa meel kale ka hura. I remember this sort of discussion taking place in this forum but it seems in Somalia, the history of corruption has many chances to repeat itself. Oo Cade soo weli ma noogin mise weli wax baan u dhiman oo guribaa ka qabya ah?
-
^^Sxb, I will post some good pictures of the Somali inhabited Northeastern Province, InshaAllah. But the problem has been uploading pictures into the internet. It takes ages. Insha-Allah, I will post some in the near future. QL is doing well. Seen him last night. We happen to be neighbours, I mean our mothers are . He's heading to Uganda in the coming days Insha-Allah. But otherwise he's well.
-
^^Still on it bro. Just took a short break. I have been under the weather a little but I am back to normal. On the move tomorrow, Insha-Allah.
-
Col Gaddafi is re-ingiting the long dead dreams of the former Pan-Africanist, per excellence, Kwame Nkurumah. In endeavouring to do so, Col Gaddafi has curved himself a shinning place in the great dark wall of African history. But Africans, as is their nature, are foolish to realize the importance of this Greater Africa endeavour. As Uganda's President, dictator Yuweri Museveni cries, this endeavour might create another mistake that can be equated to 'colonial balkanization'. Although this unique dictator has a right to express his view on the concept of African unity, one cannot help but question his sincerity. The question to many like him who oppose the idea of African Unity or a dragging their feet is: what are you protecting? The answer: dictatorships. Nothing more. Nothing less. For us, Somalis, I believe that African Unity would solve many of our borderline problems our country faces now. This idea of uniting Africa was suggested in the 1960s and the then Somali government accepted the suggestion albeit on one condition: the unification of Somali regions before African unification. This was a point other African head of states objected to and has lead to Somalia's geo-political disputes with its neighbours. Today, if the idea of African unity is be sold to us Somalis, we must be given the chance to form our own government, a government formed by the Somali people for the Somali people. Only then can we dream about uniting with other African states. And since we are under occupation, the African union must liberate Somalia and help it form a legitimate state through which negotiations on African unity can be initiated.
-
Originally posted by Northerner: Beer iyo loxoox for breakfast at 7am, afternoon sleep, evening caween, Ahhh thats the life dhe! And that, my dear friend, is life .
-
^^I am still between Mombasa and Nairobi. Insha-Allaah I will take off to dhulkii from the 3rd of July. Markaan halkaa tago ayaan sawirada Xanan, Gumar, Sarmaan, Dhiin, Sarqeen, Kurow iyo kuwo kaleba kuu soo qaadi doonaa .
-
^^Adeer khatartu weyba i daba joogtaa. War sow kaan Laas Qorey uga leexdey ? Ninyow fulay ma ahiye armaad mool tiimbataa ayaan isleeyahay ileen waagan Soomaalidoo dhanbaa bohol isku qodaysa e'. Marka hayla yaabin adba hadii miig lagula dul joogi lahaa casar dheer ayaad isaga carraabi lahayd halkaad joogta e' .