Paragon

Nomads
  • Content Count

    8,464
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Paragon

  1. ^^Lol. Nimcaad sheegeeysaa, Aaliyah . Hard feelings? What hard feelings? A man needs a wife and not a partner and only in Africa can a man find a woman who knows how to be a wife . No hard feelings, yaah?
  2. Happy Independence Day Somalilanders. Enjoy it. You deserve it!
  3. Dagaallo ku dhexmaray jabhadda ONLF iyo ciidamada dawladda degmada Shilaabo Jigjiga, May 17, 2007 (WDN) - Warar lagu kal soonyahay oo naga soo gaadhay degmada Shilaabo oo ka tirsan goballka Qoraxay ee Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegaya in dagaal lagu hoobtey oo u dhaxeeya Jabhadda ONLF iyo ciidamada dawladda dhexe ee Itoobiya uu ka dhacay tuulada Laasa Dawoco, oo ka tirsan degmada Shilaabo Jabhada ONLF ayaa la sheegay in ay weerar ku soo qaadday galabnimadii Arbacada tuulada Laasa Dawoco oo ay markaas ku sugnaayeen qaar ka tirsan maamulka degmada Shilaabo iyo ciidamada dawladda federalka ee Itoobiya. Sida wararka na soo gaadhayaa ay sheegayaan dagaalka ka dhacay goobtaas ayaa ahaa mid aad u qadhaadh oo faraha la iskula tagay. Waxa wararku intas ku daryaan in labada dhainac eek u dagaalamay goobtaas ka sokow in dirirtani ay u geysatay qaar ka tirsan dadka rayidka ah ee degaanka iyo madaxda degmada. Waxa illaa hadda naloo xaqiijiyay geerida dad ay mid yihiin Alle ha naxariistee: Gudoomiye ku Xigeenka Degmada Shilaabo marxuum Duullane Guuleed Carab oo in badan ka tirsanaam Maamulka gegmada Shilaabo, isla markaasna ahaa nin aad looga yaqaano degaanka. Caaqil Aadan Maxamed Canshuur oo ka mid ahaa oday dhaqameedyada degaanka Wiil dhalin yaro ah oo anaan illaa hadda magaciisa helin. Warar aan la xaqiijin oo soo gaadhay wardheerNews, ayaa ku eedayanaya dilka caaqilka in ay ka dambeeyeen ciidamada dawladda. Dhimashada guddoomiye ku xigeenka ayaa iyana la sheegay in ay ka dambaysay ka dib markii baabuur Uural ah oo uu saarraa miino la kacday. Waxa adag in la helo warar xaqiiqo ah oo tifaftiran oo faahfaahinaya khasaaraha iyo xogta dagaalka ka dhacay Laasa Dawoco. Taas oo sababta ugu weyni ay tahay isgaarsiinta degaankaas oo aad u liidata. Hase yeeshee waxa cad dagaalada dhawaanahan ka soo cusboonaaday gobo ka mid ah degaanka Soomaalida ee Itoobiya, in uu saamayn weyn ku yeeshay nolosha dadka deegaanka oo markeeda horeba iska liidatay. Jigjiga, WardheerNews
  4. ^^I can't add the links bro. The name of the site is cencered.
  5. ^^Anaa iska leh indeed! --- Ethiopia: ONLF Army takes over Qalafe City May 15, 2007 Reports from our ****** Online reporter in the Godey province confirm the capture of Qalafe city by O-- National Liberation Army, ONLA, around 9:30 AM on Monday May 14th. Reports add that the Ethiopian military personnel and its associated militias in and around the city of Qalafe did not mount any resistance having seen and received in advance a reconnaissance report indicating the strength of the ONLA. Eyewitnesses confirm that the Ethiopian military abandoned its garrisons immediately after the first ONLA fighters enteredthe city. Eyewitnesses indicate that the victorious ONLA convened a gathering for all the city dwellers in order to explain the long-term objectives of ONLF and the successes of the struggle against the colonial Ethiopian forces in ******. Qalafe residents were observed congratulating each other and ONLA for having defeated the Ethiopian military. In a related news, it is reported that a high ranking military officer and a strategic military advisor to the head of the Ethiopian autocracy has acknowledged the futility of the current plans to wage an expansive military campaign against the entrenched ONLA throughout ******. This high-ranking military officer used the Ethiopian military defeat at Cobole as an example as to why it will be next to impossible to overcome the strength, high morale, and the ever-increasing number of ONLA throughout ******. He added that every military defeat at the hands of ONLA increases the number of Ethiopians defecting to ONLF or asking for a safe passage to a third country. Other reports from many parts of ****** indicate the continuation and the increase of missions to kill, maim, rape, and loot public property carried out by the Ethiopian military and its associated militias in many parts of ******. --****** Online news
  6. Jabhada ONLF Oo Lawaeergtay Gacanku Haynta Degmada Qalaafe (Qalaafe}18.05-07Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Magaalada Qalaafe oo ka tirsan Dhulka Soomaali Galbeed ay gacanta u gashay Jabhadda ONLF. sida ay sheegeen dadkii degganaa magaaladaas ma jirin wax dagaal ah oo ka dhacay halkaas. Sida uu noo xaqiijiyay Wariyaheenna Magaalada Qalaafe ma jirin wax ciidan ahaa oo ku sugnaa magaaladaas marka laga reebo dhawr dabaqoodhi oo la shaqayn jirtay dowlada ethiopia. markii ay Jabhaddu qabsatay Magaalada Qalaafe ayaa waxay u kuur gashay raadinta shaqsiyaadkii la shaqayn jiray dowlada ethiopia iyo kuwii ka soo baxsaday Jabhadda ee markii dambana Jaasuuska u noqday dowlada ethiopia, waxayna markii dambe heshay laba nin oo la shaqayn jiray dowlada kuwaas oo ay Jabhaddu markii dambe khaarijisay. Magaalada Qalaafe ee ay qabsadeen Jabhadda ONLF ayaa iyadu hadda deggan oo aysan jirin haba yaraatee wax cabsi ama argagax haysta shacabka deggan magaaladaas . Qabsashadan ay jabhaddu kula wareegtay gacan ku haynta Magaalada Qalaafe ayaa ku soo hagaagtay xilli Xili ciidamada dowlada Ethiopia halkaas joogay ay ka baxeen oo ay u kicitimeen dhinaca Soomaaliya iyo waliba iyadoo Booliskii dhulkaas joogayna sidoo kale laga soo kaxeeyay oo la geeyay Tababaro uga billaabmi doona Huurso oo ah Xarunta Tababarka dowlada Ethiopia .. Widhwidh Online News Deskk.Media Center
  7. I would have thought in odeygu wax ka bartey dhibaatooyiinkii horey usoo maray but it seems he has learn no lessions. Hada the issue of livestock exportation is fastly becoming a critical one. That is, unless he solves this problem quickly. ----- BOOSAASO : Dawladda Cadde Muuse soo saaristii shidaalka waa ka baxday iminkana suuqgaynta Xoolaha nool Posted to the Web May 18, 15:08 Boosaaso:-Cadde Muuse M.waynaha Puntland ayaa mududii uu xilka hayay , wuxuu dadwanaha reer Puntland uu ku maaweelinayay isagoo kala hadlayay Idaacadaha in la soo saarayo macdanta iyo shidaalka ee dalka si looga faa’iidaysto , hase ahaatee safarkiisii kan ka horeeyay ee uu kaga soo laabtay dalka Ethiopia ayuu sheegay in ay ka baxeen soo saaristii shidaalka. Cadde Muuse , ayaa in muddo ah si xoogan wuxuu ugu taamayay in laga faa’iidaysto khayraadka dalka ku dihin , wuxuuna heshisyo la galay shirkado laga leeyahay dhor dal , wuxuuna in badan ku celceliyay in ay arintan ay ka dhabaynayaan , maadaama ay tahay waxa kaliya ee horumar lagu gaari karo ay tahay khayraadka oo lala soo baxo. Golaha Wakiiladda Puntland , ayaa muddo haatan laga joogo in ka badan 3 bilood ayaa la hogeeyay heshiis ay dawladu la gashay shirkadaha Range iyo Canmax , kaa soo lagu sheegay in 3 bilood gudahood ay shirkadahan ay ku imaanayaan dalka islamarkaasna ay kharaadka ku soo saarayaan. Xubnaha Golaha , ayaa iyaku si aan kala harlahayn u ansixiyeen heshiiskan , waxayna daba-dhigeen in uu dhacayo heshiiskan 3 bilood gudahood hadaan la meelmarin. 3 billood waa la dhaafay , sida sharciga ahna heshiiskaasi waa dhacay , maamulka Caddana uma muuqdo in uu cusboonaysiinayo heshiiskaasi , laakiinka wuxuu ku badashay soo saaristii shidaalka rarida dhagxaanta iyo dhoofinta xoolaha. Dhawaan , ayaa m.wayne Cadde Muuse uu heshiis la galay shirkada Al-furqaan ee uu leeyahay maalqabeenka Sucuudiyaanka ah ee Al-jaabiri kaa soo dhigayaa in shirkadan ay sanadkasta ay qaadato 2milyan oo Neef. Waxaana heshiiska ka mid ahaa oo kale in ay shirkadu dhisto Maxjar lagu xanaaneeyo xoolaha ka hor intaan la dhoofin. Laakiin , heshiiskan ayaa waxaa ka soo horjeedsaday ganacsatada Puntland waxayna ku tilmaameen mid aan sinaba loo qaadan-karin oo ah Monopoly. Waxayna sheegeen in aysan xaq ahayn in Nin shisheeye ah xoolaha dalka loogu afduubo oo la yiraahdo Al-furqaan kaliya ayaa dhoofinkarta xoolaha dalka. Ganacsatada Puntland ee ku dhaqan dalka Imaaraadka oo arintan si wayn uga soo horjeesatay , ayaa tilmaamay in $ 28 neefkii lagu siinayo shirkada Al-furqaan. Waxayna sheegeen , in ay awal sida caadiga ah xoolaha lagu iibinjiray $ 80-100 , balse ay taasi meesha ka baxayso maadaama la doonayo in xoriyada laga qaado ganacsatada dalka. Si kastaba , arinta maxjarka iyo shirkada Al-furqaan ayaa sababi karta in ay ka timaado isku-dhac dhexmara ganacsatada iyo maamulka , kaa soo sababi kara in uu hakad wayn ku yimaado ganacsgiii Xoolaha. C/laahi Cali Ciise Boosaaso , Puntlandpost.com
  8. ^I am affraid I am going there before you.
  9. ^^Are you going there then and when?
  10. Lax waliba halkeey is dhigtaa lagu gowracaa.
  11. Guys, don't worry about these TFG clowns. They have a short period to parade around in convoys. After their transitional period is over, Insha-Allah, we will get rid of them and re-instate a legitimate state. Marka, wax laga dilo ayaanba jirin, mana istaahilaan in time lagu waste-gareeyo. Geedi waa dhoos, dhimaad ah - wax raja oo uu leeyahayna ma jirto. He should be forgotten in the dustin of history. No need to kill him thus making him something.
  12. It seems odeyga is getting somewhat sensitive if he is arresting people who write articles against him. No wonder others are handing in resignation. I kinda feel there is a conspiracy against the old man . I don't like conspiracies, they give me the jitters. --- Muse Cali Jamac oo xabsiga la dhigey 16 May 16, 2007 - 5:09:38 PM Muuse Cali Jamac oo ay wada dhashen Jaamac Cali Jamac oo dhowan xildhibanimadii DF laga xayuubiyay ayaa xabsiga magaalada Bosaso shaley galab la dhigey kadib markii ay gurigiisa ka kexeysteen ilaalada gaar ah ee ee madaxweyne Cadde Muse. Muse Jaamac oo horey uga tirsanaan jirey jabhadii SSDF ayaa dhowaan qorey qoraal uu uga soo horjeedo xill ka qaadista walalkiis isla markaana ku tilmaamey xubintii lagu badalayey mid ay si gooni ah uga tashadeen Cadde Muse iyo Cabdulahi Yusuf iyada oo aan wax tixgalin ah la siin beesha uu ka dhashey. Dhinaca kale Muse Jaamac oo ah dadka aadka uga soo horjeeda Cabdulahi Yusuf ayaa ku tilaamey in xilka xildhibaanimada beeshiisa loo magacaabey mid ka mid ah dadka siyaasad ahaan aan ka fogeyn Madaxweynaha DFKMG ah. Cadde Muse ayaa alaaba xabsiga u taxaaba dadka u dhashey beeshiisa hadii ay wax ka shegaan maamulkiisa. Garowe Online,Bosaso
  13. Few days ago, this was being rumoured: Gaagaab oo laga yaabo in uu iscasilo 13 May 2007 Boosaaso:-Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo sida la wada ogyahay ah xubinta 3-aad ee dawladda Puntland ugu awooda badan marka laga soo tago Cadde Muuse iyo kuxigeenkiisa , ayaa waxaa suuragal ah in uu iscasilo , isagoo xiligan ka faa’iidaysanaya gol-daloolada Cadde Muuse. Gaagaab iyo Cadde , ayaa la sheegay in ay aad u muransan yihiin , kadib markii dhagxaad aad ugu muhiima nolosha khayraadka ku jira badda laga raray dakada Boosaaso , taa soo sida la sheegay uu Gaagaab ku talabixiyay in aan la rarin dhagxaantan oo la sheegay in uu qiimo aad u badan ugu fadhiyo Ummadda ku nool gobolka. Caddde Muuse , uu khudbad dheer ka jeediyay madaxtooyadda Boosaaso taa soo aan saxaafadda laga soo dayn , kadib markii qalabkii ay wax ku duubeen wariyaashu laga qaaday , ayuu wuxuu dhaliil u soo jeediyay qaar ka mid ah Xubnaha dawlada oo uu ka mid yahay Gaagaab , wuxuuna ku dhaliilay in uu ka soo horjeedsaday siyaasadda dawladda ee la xiriirta in dhagxaantan loo iibgeeyo dalka Imaaraadka , wuxuuna sheegay Cadde Muuse in ay fikrd khaldan ay tahay in laga hadlo dhagxaantan , Gaagaab iyo cid kale toona aan laga tashan doonin rarida dhagxaantan. Gaagaab , oo sida la aaminsan yahay ka mid noqon doona raga isku soo taagaya jagada M.waynaha Puntland , marka ay dhammaato wakhtiga Cadde Muuse , ayaa waxaa laga yaabaa in uu iscasilaadiisa ku soo beego xili Maamulka Cadde si wayn loo dhaliilay , isagoo ug faa’iidaysanaya tartankiisa M.waynenimo. Gaagaab , ayaa wuxuu muddo dheer ka mid ahaa Golaha Wakiiladda Puntalnd , ka dibna wuxuu muddo gaagaban ayaa M.kuxigeenka Puntland , iminkana wuxuu aamin sanhay in uu hanan-karo jagada u saraysa dalka ee M.waynaha. --- So, are looking for the first leg of preparation for Puntland elections? Are these resigning men likely to form a coalition?
  14. WAR DEG DEG AH:- SICIID QORSHEEL OO IS CASILEY London:- War deg deg ah oo goor dhoweyd naga soo gaarey Boosaaso ayaa noo xaqiijiyey in Wasiirkii Xanaada xoolaha ee Maamul Goboleedka Puntland uu is casiley goor dhoweyd iyadoo ilaa iyo hada aysan wax war ah Dowlada Puntland kasoo saarin. GOOR DHOW FILO FAAH FAAHIN. ----- Warar dheeraad ah oo ku saabsan is casilaadii Gudoomiyaha Sool Laascaanood:- Mudane Ibraahin Jaamac daad oo ahaa Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa xilkii iska casilay ka dib markii ay Maamulkiisa ka hor yimaadeen caqabado badan oo dhinaca Siyaasada Gobolka ah, sidaas darteed Maanta ayuu xilkii Gudoomiyenimo iska casilay Gudoomiyaha G/sool Ibraahim jaamac daad oo khadka talefoonka kula soo xidhiidhay saxafada gobolka sool ayaa usheegay inuu iska casilay xilkii gudoomiya nimada ee G/sool istaqaaladiisana ugu gudbiyay madaxda sarsare ee D/G/PL Gudoomiyaha mar aanu wax kawaydiinay sababta keentay inuu xilka iska casilo ayuu noo sheegay inay tahay sababo ugaara iyo caqabado kaga yimi dhinaca maamulka P/L gudoomiyaha ayaanu sidoo kale waydiinay warar laysla dhexmarayo ay sheegayaan in isaga iyo duqa dagmada Laas-caanood uu khilafaad soo kala dhex galay Mr Ibraahim ayaa ku jawaabay inay yihiin waxba kama jiraan Gudoomiyaha ayaa ka gaabsaday inuu jawaab ka bixiyo in uu jiro khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo maamulka gobolka hase ahaatee gudoomiyaha ayaa sheegay inuu saxaafada lahadli doono una sheegi doono sababaha ku kalifay is casilaada Is casilaada Gudoomiyaha ayaa kusoo began tay xili ayku suganyihiin wasiiro iyo xildhibaano ka socda Dawlad Goboleedka Puntland kuwaasoo ujoogay sixitaanka maamulka gobolka iyo sugida amniga guud Wasiir kuxigeen arimaha gudaha iyo amniga Faarax Cabdi Doorshe aanu damacnay in aanu wax kawaydiino ayay noosuurto gali wayday khadka isgaadhsiinta awgeed Wariye jees nasrullaah/laascaanood ---- Guddoomiyihii G/Sool oo is casilay 15 May 15, 2007 - 6:34:29 PM Wararka naga soo gaaraya Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanod ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolkaasi uu Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee DGPL u gudbiyey qoraal is casilaad kadib markii ay sida uu sheegay soo wajaheen caqabado dhanka Maamulka ah. Guddoomiyaha oo ay saxaafadu wax ka weydiisay arimaha is casilaadiisa ayaa sheegay in ay la xiriirto arrimo dhanka Maamulka ah oo caabad ugaga yimid dhanka Maamulka. Ilaa iyo hadda lama sheegin wax ogolaansho ah oo ka soo baxay dhanka Maamulka Puntland oo ku saabsan is casilaada Guddoomiyaha. Is Casilaada Guddoomiyaha ayaa ku soo beegantahay xilli gobolka Sool ay ku sugan yihiin Madax sare sare oo Puntland ah iyo qaarka mid ah Hay'adaha samafalka. Axmad Maxamed, GO Garowe, Somalia ---
  15. Faarax Brown, Lol. Well, this is what you call 'instrumental rationalization'. So much for the welfare of the Somali family when in fact the stated duty of Ugandan troops is to protect the leadership of the TFG. And that is what they have done so far, in a nutshell..
  16. Who are the Ugandans protecting anyway? Aren't they protecting the TFG leadership?
  17. The Ugandans were a pown for dollars. Yoweri made some cash from the deal. An Ex-Militari Ugandan friend of mine gave me some ugly tales related to the deployment of troops to war zones. Yuweri Museveni takes Ugandan troops where dollars are found. They are in Iraq and they are in Somalia. The reason behind their deployment is monetary and nothing more. They are not in Somalia for peace but for dollars. Good luck to Museveni and his capitalist venture in Somalia. This kind of ventures are quite common in East African states. I remember way back when Kenya deployed some of its troops in Bosnia. The whole exercise was really monetary. Some of the families whose sons and daughters were deployed there were enjoying all the pleasures of hard currency, but when disaster struck, they were on their own. The country's military was then headed by Maxamuud Barrow and due to this, there were alot of Somalis (they make a high percentage b the way) in the Kenyan army involved in the venture. It was pure about money.
  18. ^Good to hear, Ely . Now, by the time your thesis is done, you would've learnt to do self-diasgnosis. May your admittance lead to a productive life .
  19. Happy Birthday Pacifist and many more to come, Insha-Allah.
  20. ^^Thanks, Elysian. How are you doing lately sister? The demo is going to happen. Other brothers and sisters are on it. It should happen infront of 10 Downing St. on the 19th May. Xanthus suggested we hold one in Travalgar Sq. which is more central but due to permissions, it wasn't possible. The demo is already advertised in Somali sites like this: Abwaan iyo Nayrus thanks. I think as Me suggested, it is good to start rolling it. Nayrus good to know you are visiting London. I am sure our sister Xanthus would prove a great assest in this. I am leaving on the 24th insha-Allah - and might not be back for sometime. Marka I practically have days before I go. Still, I would do all I can to get this to all the relevant community and youth organisations. I am being asked, by local Somali residents, to organise them in groups of 20ties and set up an appointment with their local MP or MEPs. If possible, do the same in many boroughs, which is a good idea. Get groups of British citizens to lobby our case in Westminster. If it works, make it a lobby group. Marka, we'll see how it goes- I might contact some Public Relations/Lobbyists to get them involved in this- but I have to do that through the net, Insha-Allah.
  21. Written by Abukar Friday, 27 April 2007 Onkod sang by Cabdi Tahliil Onkod roobku madaayo aarna taaha madaayo anna taa ma ilaawoo jacayl ood rogan maayo oon hilaac bi in maayo ayro weerar madaayo ninlihi aamusi maaayo ergo geesi madiidoo ilaah tiisu ma oosho calaf la iska ma ooto ubax dayr ma qarsoomo godka lay iskuma aayo ifka la isu tudhaayee iilka la isma gar gargaroo aboor la iskama baajee nabsi hayga amaahan axdigii ina dhex yiiliyo ha iloobin aqoontee. Asaagay usha toosan iyo ooda hagaagsan hayiinkii asabaadee madigii afar deeqa inantiina ilwaadsan ee asluubi u dheer tahay sidaan u asteysto kuu eegana yaaye hadaan aamin idhaahdo waa aqoonta haweene oo rag iiga danbeeyo halka ay ka cawayso uur ku taalada maada arimidiisa jacaylka anigu soo dhaxli maayo nabsi hay iga amaahan axdigii ina dhex yiiliyo ha iloobin aqoontee. Sida oogta hilaaca ileyskeeda cadceeda amaantaada libaaxa malaa waanad ogeyne ayaan uurkiyo maanka wadnahayga agtiisa sida aayad ku taalaa uumiyaha u tusaayee haadii aanu ibleysku iga kaa anbineynin inaad ii tudhi weydo eegi maayo koley arin kuuma hambeynee araartii haku deeqdo sina hayga adkeysan nabsi hayga amaahan axdigii ina dhexyiiliyo ha iloobin aqoontee
  22. ^^Juje, thanks brother, that is the least I can do now. PS: I don't think I am going to give up. I have had contacts with interesting people . I am more interested in Politics now, although I am a Politics grad. Me, Brother, I think it is a good idea. PS: personally, I might not be in London then.
  23. ^Ideal indeed. Actually, I forgot to mention that I recieved a txt message last night about the anniversary of the SYL, to be held in Camden. There are some friends there who would be spreading the word. Me, any idea when the conference would be held?