Wiilo

Nomads
  • Content Count

    2,611
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Wiilo

  1. Sahra Ahmed. Nabsigiyo Ayaankow. adduun nuqul ku doogsaday rahuna nawda soo gudhay naf yaruhu wax quudhsaday raganimooy ninkaagii nacasnimo maxaa baday nabsigiyo ayaankow xageebaad ku nooshihiin hadii aan ku naawilay haa igabin nasiibow ileen jacaylku waa nabar waa nudub calooleed oo lagama nuuxsado alahayow na nabad gali naska iyo naruurada nimcadaada nagu dhawr adduun raysku nool yahay naruurada dhigeen qabo naxli inaan ku sii bado adoo noolse caashaqa markaan hibasho nuuxsado naftu way igu diidaa nabad iyo nas iladaa hadii aan ku naawilay haa igabin nasiibow ileen jacaylku waa nabar waa nudub calooleed oo lagama nuuxsado alahayow na nabad gali naska iyo naruurada nimcadaada nagu dhawr nool u quudhi waagiyo nacs igu ambadda iyo nin la duufsanaayiyo nacab iyo warxumo iyo dadka intaydu nabad tihiin nafta kuwa aan la qaybsado naqdigaan ku haystaye hadii aan ku naawilay haa igabin nasiibow ileen jacaylku waa nabar waa nudub calooleed oo lagama nuuxsado alahayow na nabad gali naska iyo naruurada nimcadaada nagu dhawr. There you go, enjoy...by the way you can check this web site, http://somalilyrics.com/ view more Somali lyrics....
  2. ^^^Ajaajah, qoftaan Sweet than your Shaax miyaa, war adi waa nawareerisay yaaqee, magac lee badaloosaa nooh, yaha, maxaa jiraa, baryahaaneeto malagu maqlin, maxaa ma aroostay? Haddii aroostay ku soo dhawow arooska, iyo wixiis wato, haddii aroosinnah insha allaahu markii aroostid aan is wareysaneehaa. raula sxbtay thanks nooh, shaaxaan isla cabeenee waa ii gooysay nooh, waa kuugu leeyahay ogow, waa ogtahay sii shaax u jeclahay, kabahay waa ka jeclahay, :confused: sugba barafkaanee kabahey inii jeclaado waayee. Hayehee balan noo sameehee ani shaah aan u kuluhee waa ku ducaystaa inii shaax la'aan dhicin yaaqee. Go figure:..............
  3. Wiilo

    salaaaaaan

    Waa lagaaqaaday salaantaada Diiran, welcome to the one and only place where Shaax and Mukaati meet. Have a cup of Shaax.... Go figure:............
  4. ma anigaa yaabin, ninka illeeyn lafahiisa laastiig ay ka samaysanyihiin...hmmmmmmm wareer waaye... Go figure:.......
  5. Xasan Aadan Samatar. Qoraxdoo aroortii Qoraxdoo aroortii Qaybisay falaadhaahaa Ama qaanso roobaad Daruur midab ku qarisay Qiimaheedii leedee Qof meyda lama amaanoo Qalad looma heesee Qurayshtii haweenkaay Naftaad qancisaybaa Kuu qushuucdayoo Wanaag kuu qiraysee Qabrigaa hortii qaradee Bariin aad u qaboobiyo Qaadirkay ha ku geeyo Qufaalada jacaylkoo U qabiray naftaydaa Ilamaad qalaynine Waad ila qorshaysee Iga saartay qoolkii Qamandhacada dushaydiyo Qamuunyadii i saarnayd Ilamaad qaxootiyine Naftaad qancisaybaa Kuu qushuucdayoo Wanaag kuu qiraysee Qabrigaa hortii qaradee Bariin aad u qaboobiyo Qaadirkay ha ku geeyo Haddaan qiro runtaydoo Qotonshoo warkaygaa Ruuxan kugu qiyaasoo Kula qeer dhigayaa Kama qaadin indhahee Sida roob qayoodoo Saxansaxo qabow leh Laabtayda qaadee Naftaad qancisaybaa Kuu qushuucdayoo Wanaag kuu qiraysee Qabrigaa hortii qaradee Bariin aad u qaboobiyo Qaadirkay ha ku geeyo I love this song...............More to come.
  6. The Best of Ahmed Mooge tiiraanyo tiiraanyo cudur iyo nimay tawsi haysaa ilayn tah ma daayee waxaan tabanayaa baan wali tiigsadaayoon soo taabi waaye i tageer alahayow arintaydan kala taal adaa toosin karayee turuq iyo laxaad iyo tamara iyo xoogay jacayl iga tan roonbaa igu tiirshay geedoo xadhig igu tigtigayo waan tiicayaaye i taageer alahayow arrintaydan kala taal adaa toosin karayee taariikhda dunidaa iyadoo isdaba taal ninba meel ka tuurte aniguna tusmaysto qayrkay halkuu tagay u tabaabushaystee i taageer alahyow arintaydan kala taal ada toosin karaye Go Back Return To Main Menu
  7. One of my favorite Somali Singers. Hibo Mohamed, Hibo nuuro Hadmaad Gacale Gayigoo barwaaqa ah garoodi roob helay meel xareedu galac tahay geexiyo gegelima ah oo geedihii baxay faraqii is gaarayoo cidina aanay kala garan gomosha iyo ciirtaa waxan kaa dhex goobaa ceel godanta sabaniyo gabiyada bulaalee gabal dhac iyo waaberi kaa daba gucleeyoo waa ii gaar dhibaate hadmaad gacale soo noqon Gurya samoo haleeladu guban loogu sahan tagay oo yamaruug gaxashiyo madheedh daaqay geelii oo goosha naaxdiyo aaranku is garbinayaanoo cidina aanay kala garan galoofkiyo irmaankaa waxan kaa dhex goobaa goonyaha nugaaleed gosob iyo madheedh leh gabal dhac iyo waaberi kaa daba gucleeyoo waa ii gaar dhibaate hadmaad gacale soo noqon Guulaamo rooboo aan la garan xili uu da'ay oo helay galbeedoo leyl dhexe gal duur miray oo marada guudkii geeydhuhu hadheeyayoo dhirta gacaladeedii xiisa gaara leedahay waxan kaa dhex goobaa keymaha sadh loo gubay beelaha u guuree gabal dhac iyo waaberi kaa daba gucleeyoo waa ii gaar dhibaate hadmaad gacale soo noqon
  8. Wiilo

    Wow Wow Wow

    OOOOOh brother, dont flatter yourself... :rolleyes: Go figure:........
  9. nuune sxb adiga horta lafta niikada maku xanuunto miyaa???????? Like Tuujiye says Wareer badanaa Go figure:................
  10. raula sawirka waa laba qofood aa taqaanno nooh, waa raula iyo future qaasbaankeeda.. C, haddii aad duqowdo raula adiga iyo odaygaaga sidan ayaa u ekaanaysaan nasiib ayaa leedihiin unlike me, adiga markii aad duqoobo baakoor ayaan ku tuksanayaa nooh.. Go figure:.........
  11. iga aamusa idinkoo laydin moodo ayax qaawan oo qaaxo heyso... Go figure:.............
  12. raula sxbtay aniga waan soo dhawaynaa arinkaas, waana ogtahay sida aan u jecelahay shaaxa. Sxbtay Styt, maxaa dhahday, DAADKA aaqaaday aa, waraa qofta waa in laga soo qabtaa nooh..... Go figure..................
  13. Wiilo

    Wow Wow Wow

    ^^^^Mudug sxb inaad gabdhaha oo idin isku soo qabato maahan nooh, i bet one or two ayaa interest kuugu ahaa or none. Mudug sxb haddii dhinaca shukaansiya crisis kaaga jiraan waa laguu fududaynaa nooh, rag waxaa joogo makiinadda cajiinka horteeda garabdhaha ku shukaansan jiray, marka waxaa iska dhahdaa halayga caawiyo that department... Go figure:...............
  14. Would you ask your husband-to-be to sign a contract that denies him a second wife? No but i would probably give him a money and the permission to have another wife..... Go figure:..........
  15. hay dont get me wrong, i dont mean that way, i was just joking, Ohio is a beautiful place,,,,,
  16. Where is Sweeter than your tea ? Did anyone hear from Sweeter than your tea? please report yourself asap...... Thank you;....
  17. ^^raula dear waan kaa qayliyay nooh, make sure u invite us, and i mean us.... 15 yrs from, i will probably be in somewhere Somalia, with bunch of kids, and PhD holder husband..insha allah..... and i will be president of wiilo benevolence center for the orphanage kids..... wabillaah.............
  18. ^^^we all know where bishaaro lives, she lives in Ohio, just kidding girl, i guess she lives somewhere in us..... go figure:........
  19. ^^^Maadaama ay maalmahaanba ay jirtay cillad farsamo owgeyd ayaa show-kii tuujiye uu hawada ka maqanyahay, guddoomiyaha barnaamijka oo maalmahaanba ay shaqo la'aan ba'an heysay oo u waramay "Wiilo" ayaa sheegay inay mushaar la'aan jirto, oo uu guddoomiyaha bixin karin ijaarka korontada, isla markaana uu show-ga hawada ka maqnaandoono intii laga helayo qarash. Waxaan ogeysiinaynaa dhammaan dadka xiiseeya ama xiisayn jiray show-gii tuujiye, goor dhow loo sameyndoono "Fund-raising" ama lacag uruurin si barnaamijkii hawada loogu soo celin lahaa, kolka kii kob soo xoorilahaa iyo tii dirac iyo dahabkeeda gadilaheydba lacag ayaa laydinka rabaa. waad mahadsantihiin dhammaantiin. Waxaa idin soo diyaarisay wiilo.... Go figure:...............
  20. Runtii aniga waan ku raacsanhay arintan wadaadada, inay mamnuucaan Filimada hindiga ah ee xun xun, sida aan wada ogsoonnahay filimada hindiga ah ma'ahan sidii barigii horre loo samayn jiray, oo waxay wataan all kind of (xisy) segments, marka waxaana ma'ahan annagoo Islaam sheeganayna inaan waxaas caruurteena barno ama caado oga dhigno. Again waan ku raacsanahay arintan, balse aniga hal su'aal ayaan u qabaa wadaadada maamusha maxkamadaha islaamiga ee ka jira magaalada muqdhisho, maxaad wax oga qaban la'dihiin ammaanka magaalada, maxaase idinka hortaagan arintaan? Wabillaah...
  21. ^^Madadi allaah ayay u sugnaatay, Alxamdu lillaah, iam feeling happy, and satisfied with everything Allah gave me. Wabillaahi,,,
  22. ^^^^Ajaajah, maxaa tiri neh, tuujis sxb hollawood aa kaaga dhagantahay miyaa. waa kuu diraynaa yaaqeee adiineh......... Go figure:.........
  23. It is always approperiate for man to ask a woman to marry him, not on the other way around, i personally would feel embarrassed to do so. ladies don't ask ur men to marry y'all....... Go figure:......
  24. Eid Mubarak to y'all wherever y'all are...
  25. Waraada xusuus aa nagaliseen nooh, waxaan soo xusuutay markii aan yaraa, iyo sida xaafaddeenii u taalay. Yaa kataliyay sidaan? Remember this? Xusuus gala oo xusuusta wadankiinii....