bambo

Nomads
  • Content Count

    307
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by bambo

  1. Kulan ka dhacay Hotel Global ee magaalada Muqdisho oo ay isugu yiimaadeen Ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geedi iyo nabadoonada iyo siyaasiinta Beesha Ceyr, kaasoo albaabada u xirnaa balse warar ilo xog ogaal ah ayaa sheegayey in looga hadlayey sidii beesha ay ula shaqeyn lahayd dowlada Federaalka oo Prof. Cali Maxamed Geedi uu ra'iisul Wasaaraha ka yahay. Prof. Geedi ayaa ka codsaday beesha inay si dhaba u taageeraan dowlada Federaalka isla markaana ay hubkooda u wareejiyaan dowlada fkmg isagoo u balan qaaday in dowladu sugi doonto amaanka magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Somalia oo dhan oo aysan ka cabsan wax dhibaato ah oo kasoo gaara qabaa'ilada kale, wuxuuna u sheegay in dhamaan qabiilooyinka kale laga qaadi doono. Kulankankan ayaa Prof. Geedi waxa hareer fadhiyey Wasiirka Macdanta iyo biyaha Md. Maxamuud Salaad Nuur oo aan wali loo dhaarin xilkiisa, Xildhibaan Xasan Dhinbil Warsame, iyo Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar, waxaa hadaba dhanka beesha Ceyr u hadlay Ugaas Cali, gudoomiyaha Beesha Md. Xaashi Maxamed Kulane iyo xubno kale waxayna dhamaantood ka sinaayeen in ay ka go'an tahay inay kor u qaadi doonaan la shaqeynta dowlada Fkmg. Sidoo kale warqad qoraal ah oo ay beesha soo qortay ayaa gacanta loo galiyey Ra'iisul Wasaaraha isagoo ka gudoomay warar ilo xog ogaal ah oo kasoo baxay shirkaasi ayaa ii xaqiijiyey in warqada ay ku qornayd Talo loosoo jeediyey Ra'iisul Wasaaraha. Mid ka mid ah ka qeyb galayaasha shirkan oo aan ka wareystay qodobada lagu heshiiyey kuankan ay la yeesheen Ra'iisul Wasaaraha ayaa ii xaqiijiyey in kulankooda uu ku dhamaaday guul iyo isfaham. Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa baryahanba waday kulamo uu la yeelanayo Beelaha kala gedisan ee daga magaalada Muqdisho isagoo ka dhaadhicinaya inay hubkooda wareejiyaan si nabad ah iyadoo inta badan isku afgartay inay wax walba ku dhamaan doonaan sida ay dowladu doonayso.
  2. THis one thing the tfg does not wanna do if they wanna succeed , residnent of xaamar or the clans of south are still armed sxb just like before . infact their more weapones in hands of the civilian then before , abdulahi should leave clan mentality and fallow Geddi steps, if not he will fall fastern then Icu. SO far those TFG troops that are in xaamar are known to the resident . if this story is true this will give qaanyar and rest worlord reasone not give to up their weapone which is valid reasone .
  3. bambo

    Shame!

    Cali Maxamed Geedi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan jirin cid ka hor imaan karta maamullada ay gobollada u magacaabayaan, wuxuuna caddeeyay in ay dowladda tallaaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto ciddii isku dayda in ay ka hor timaad maamullada ay magacaabayaan. I HOPE GEEDI STICKS TO HIS WORD , WAR LORD ERA IS OVER
  4. bambo

    Shame!

    Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan oo sheegay in uu ku qanacsan yahay maamulka cusub ee gobolka loo magacaabay Talaado, January 02, 2007(HOL): Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar (Yuusuf Daba-geed) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Beledweyne ayaa shaaca ka qaaday in uu ku qanacsan yahay maamulka cusub ee ay Dowladda Federaalka u magacawday Gobolka Hiiraan, isagoo caddeeyay in uu xilka ku wareejinayo, isla markaana uu la shaqeynayo. Yuusuf Daba-geed waxaa uu sheegay in maamulkii hore ee uu guddoomiyaha ka ahaa ay soo magacawday Dowladda Federaalka, midkan cusubna ay isla dowladda soo magacawday, sidaas darteedna aysan jirin sabab ay uga hor yimaadaan. Sidoo kalena Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa soo dhaweeyay maamulka cusub ee ay dowladda Federaalka u magacawday Gobolka Hiiraan, waxayna qaarkood sheegeen in maamulkan uu yahay midkii samatabixin lahaa dadka Gobolka, iyagoo taasina ku sababeynaya mas’uuliyiinta loo magacaabay oo ay ku sheegeen kuwo macquul ah. Marka laga soo tago ayidaada Guddoomiyihii hore ee gobolka iyo Xildhibaanada Dowladda Federaalka ee gobolka Hiiraan ka soo jeeda, waxaa magacaabista maamulka cusub ka boodsan Guddoomiyihiin hore ee degmada Beledweyne Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) oo isagu ku doodaya in ay sharci darro tahay wareegtada uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku magacaabay maamulka Gobolka Hiiraan. Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan jirin cid ka hor imaan karta maamullada ay gobollada u magacaabayaan, wuxuuna caddeeyay in ay dowladda tallaaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto ciddii isku dayda in ay ka hor timaad maamullada ay magacaabayaan.
  5. bambo

    Shame!

    sxb Taliban i support icu 110 % over TFG Icu should of not attack baydhawa sxb they stretch ther army beyond their capacity sxb . TGF was passion with icu from what i see , TFG gave them dinsoor and burhakab sxb and were still attanding the peace table, Icu became so greedy and attacked tfg base . Any way Geedi , Abdulahi , in caydiid are all somalis sxb just like members of icu lets give them a chance . for the first time since 16 years we have peace and stability from saylac to Rasskamboni . If the TFg succeeds on keeping the peace and stability and ends the warlord era in somalia .build national army and police force for somalia . What else can we ask for ??????????????????? Peace is peace sxb wether is provided by TFG or icu .
  6. bambo

    Shame!

    Adis- ababa: Males Zenawe "Ciidamadeena waxay sii joogayaan gudaha dalka Soomaaliya mudo labo usbuuc ilaa sadax usbuuc. COME DOWN PEOPLE TIGREY ARE LEAVING SXB LET TFG GET CHANCE
  7. bambo

    Shame!

    Ethopians troops are essential today and are need , since the stability peace icu provided has vanished . TFG will gain international help , something icu was not able to get , this will help speed development program for somali . The reasone why the icu has fallend is greedyness for power , some of icu members where seriouse about bringing peace and stability to somalia their achievment was hijacked by Indhacde and Dahir aweys . Mens like Xassan turky , cerow , abu quteb , sheeq shariif and the shababa fighters where honest somali's who realy desired to bring shari law . Residnet of xaamaar are stating this to TFG As long as warlord era is over and that tfg will be the only power in somalia no one should go againts that , even the most die hard icu will tell you . its 2007 sxb Tigrey troops can not occupy xaamar let alon the entire somali regions.
  8. Horn sxb what happend between you and geedi , are you madd that geedi is control and not Cash yusuf and barre hirrle sxb . or is it because kismayo is in the hand of sheeq sharrif and dahir aweys mind you icu is done . TFG is just bringing things back to the warlord era sxb its who gots guns and men power . since barre mens were deafeat and divorced in kismayo its unlikely that barre will get kismayo again .
  9. Abdulahi axmar has long way to go still Waxaa kaloo soo baxaya warar aannan wali xaqiiqsan oo sheegaya in ay magaalada Muqdishu ay ka socdaan abaabullo awooddda looga qaadayo maamulka Maxaakiimta, dibna loogu celinayo qaab qabiileedkii horay uga jiri jiray Muqdishu. Wararka ayaa waxay sheegayaan in ay jiraan maleeshiyooyin beeleedyo durbadiiba is aabaabulay si ay hubka maxaakiimta ula wareegaan dalkana uga difaacaan Tikreega qabiilku wato. Siyaasiyiin iyo Odadhaqameedyo Muqdishu ku sugan ayaa soo jeediyey in Cabdullaahi Yuusuf duulaan ku yahay qabaa'ilada dega Gobolada koofurta ka ah Puntland sidaas daraadeedna aanay ka yeelayn in uu Ethiopian iyo Maraykan u soo wato isagoo qabiilada kale ku eedaynaya in ay Alqaacida yihiin. Saldhiga amaba ujeedada ka danbaysa dagaalada Soomaalia ayaa ah AARSI qabiil ayey yiraahdeen qolooyinka u ololaynaya in maxaakiimtu meesha iskaga baxaan si qabaa’ilka duullaanka lagu yahay iskaga difaacaan kuwa cadowga u soo watay.
  10. Wararka laga helayo magaalada Baladweyne oo ah xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in magaalada ay iskala baxeen saakay dhinacyadii shalay ku dagaalamay duleedka magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in meel ka baxsan magaalada Baladweyne uu saakay ka socdo dagaalka, iyada oo dhawaaqa madaafiicda laga maqlayo magaalada gudaheeda. Maamulkii gobolka Hiiraan ee dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ay horey ugu soo magacawdey halkaasi ayaa sheegay in goor dhow ay hadal ka jeedin doonaan halkaasi. Magaalada Baladweyne ayaa xalay ku seexatay cabsi, iyada oo labada dhinacba aysan xalay soo gelin magaalada
  11. Wararka laga helayo magaalada Baladweyne oo ah xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in magaalada ay iskala baxeen saakay dhinacyadii shalay ku dagaalamay duleedka magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in meel ka baxsan magaalada Baladweyne uu saakay ka socdo dagaalka, iyada oo dhawaaqa madaafiicda laga maqlayo magaalada gudaheeda. Maamulkii gobolka Hiiraan ee dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ay horey ugu soo magacawdey halkaasi ayaa sheegay in goor dhow ay hadal ka jeedin doonaan halkaasi. Magaalada Baladweyne ayaa xalay ku seexatay cabsi, iyada oo labada dhinacba aysan xalay soo gelin magaalada
  12. Golaha maxkamadaha islaamka Somalia ayaa soo bandhigay meydadka ciidamada Ethiopia oo daadsan deegaanka Idaale ee gobolka Baay, halkaasi oo dagaalo culus maalmihii la soo dhaafay ku dhex maray maxkamadaha islaamka iyo ciidamada dowladda Ethiopia, iyadoo wariye ka tirsan shabelle oo halkaasi tagay uu ka soo qaaday sawiro. Sawiro ay wateen ciidamada Ethiopia Kaararka aqoonsiga ee ay wateen askartii Ethiopianka ee meydadkooda uu yaalo Idaale Gaari Dagaal oo laga qabsaday ciidamada Ethiopia Gaari laga qabsaday ciidamada Ethiopia Gaari laga gubay ciidamada Ethiopia mid ka mid ah meydadka ciidamada Ethiopia Askari ka tirsan ciidamada Ethiiopia oo ku gubtay gaari lala dhacay gantaal Gaari dagaal oo laga qabsaday ciidamada Ethiopia iyo meydadka ciidamada Ethiopia oo dulsaaran Gaari dagaal oo laga qabsaday ciidamada Ethiopia iyo meydadka ciidamada Ethiopia oo dulsaaran Mid ka mid ah gawaarida dagaalka ee laga qabsaday mid ka mid ah meydadka ciidamada Ethiopia oo afgambi u yaala Dhufeys laga bixiyay ciidamada Ethiopia Meydadka askarta Ethiopianka oo daadsan nawaaxiga Idaale Meydadka ciidamada Ethiopia oo ku jir juqda Meydadka ciidamada Ethiopia oo daadsan duleedka Idaale Meydadka ciidamada Ethiopia oo dadsan tuulada Idaale Meydadka ciidamada Ethiopia oo daadsan duleedka Idaale Meydadka ciidamada Ethiopia oo daadsan duleedka Idaale Tuulada Idaale ee gobolka Baay Dadka deegaanka Idaale
  13. abdigury Ethopians did not capture beledweyn its in fact mohamed dheera former milities mens that left johar before it had fallen to the icu . its not big significant becuase its internal clan issue and would be dealt according to elders , is useless to have internal clan war war when the real enemies are at baydhawa front, a wing of shabab youth were station at beledweyna and were ordered to leave and cross to bay and baakool , the matter is left the with elders to solve it , not to mention mahad dheera and yusuf dhaage where told to go back and leave the city as no mens land .
  14. Banaanbax looga soo horjeedo ciidamada Itoobiyaanka oo maanta ka dhacay magaalada Kismaayo. December –24-006 Bananbaxyaasha maanta oo u badnaa Haween iyo Carruur sida Kitaabka Quraanka kariimka ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo halkaas oo ay ku taageerayeen ciidamada midowga maxkamadaha Islaamka ee dagaalada kula jira ciidamada Itoobiyaanka. Banaanbaxyaasha maanta ayaa socod dheer ku soo mareen gudaha magaalada Kismaayo iyagoo ku hakaday xarunta ciidamad midowga maxkamadaha Islaamka ee Jubbooyinka halkaas oo Haweenka hormuudka u ahaa banaanbaxaas ay ku sheegeen inay doonayaan inay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhacaya gobolka Bay ee jihaadka ah. Banaanbaxan socodka dheer ahaa ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli xiisad dagaal laga dheehan karo magaalada Kismaayo oo indhahaaga qabanayaan boqolaal mutadawaciin ah oo iyaga u soo hub qaatay inay galaan jiidda dagaalka kuwaas oo hor dhoobnaa xarunta ciidamada golaha maxaakiimta Islaamka ee gobolada Jubbooyinka. Inkasta oo banaanbaxii maanta uu ahaa mid aan loo xirin goobaha ganacsiga ee magaalada Kismaayo ayaa haddana waxa uu u muuqanayey mid xoogan mana jirin wax mas’uuliin maxaakiimta ah oo ka hadlay marka laga reebo Haweenkii soo abaabulay banaanbaxaas.
  15. General Duke and horn sxb General duke "My SOL brothers on the other side.. Latest news, the TFG controls all the areas from Baidoa to Bur-Hakabo. From Baidoa to Diinsoor. There is a small fighting from the al-Shabaab wing on the Diinsoor front but the fighting on the Bur-Hakabo area stopped three days ago after IndaCade and his millitia was defeated in Moode-Moode. Even idamaale is not reporting this sxb why are you getting ahead of yourself .
  16. Dagaal aad u kharaar ayaa dib uga biloowday labada aag ee Buurhakaba iyo Diinsoor, Waxaana Saaka waaberigii ilaa haatan socda Madaafiicda Goobta iyo Xabada Hubka waawayn ka dhaca oo ay isu adeegsanayaan Ciidamada Dowlada iyo Maleeshiyaadka Maxaakimiinta. Dagaalkaan ayaa waxaa saaka laba af oo weerar ah u soo qaaday Maleeshiyaadka maxaakimiinta, iyaga oo horey wacad ugu maray inay Magaalada baydhabo gacanta ku dhigi doonaan, ama ay ku dhamaan doonaan dagaalada ay kula jiraan Ciidamada Dowlada Federaalka ah. Waxaa iyana laga cabsi qabaa ilaa maanta in uu dagaal kale ka bilaaban doono Gobolada Hiiraan, galguduud, iyo Mudug, oo ay labada dhinacba galeen diyaar garoow kii ugu danbeeyay. Ciidamada Daraawiishta Maamul Goboleedka Puntlland ayaa Xuduuda Puntlland ay la wadaagto Gobolada Koonfureed iyadana laga soo sheegay in Heegan kii ugu danbeeyay la galiyay, iyada oo laga cabsi qabo in Maleeshiyaadka Maxaakimiintu ay dhinacaasna weerar ka soo qaadaan, waloow Ciidamada Daraawiishta Puntlland ay aad ugu diyaar garoobeen dagaal walba oo dhinacaas kaga yimaada. Dhinaca kale waxaa la inoo xaqiijiyay in Xasan daahir Aways aanu Soomaaliya iyo Magaalada Muqdisho dib ugu soo noqon ee uu wali ku suganyahay Magaalada Musawac iyo dalka Eritrea, warbixintii aanu Magaalada Muqdisho horey uga helnay ee ahayd in uu Xamkar ku soo noqday waxay noqotay mid aan waxba ka jirin ee Niyada loogu dhisayay shacabka Magaalada Muqdisho. Idamaale News
  17. Hornafric where are you geting your source from , becuase every webside wether is pro tfg or icu are reporting intesive fighting around idle and manas . talk is cheap sxb , anyways the fight is between icu and tigrey
  18. barre hiire :eek: :eek: :eek: this looser still around , Barre hirrle the minister of tour guide for the trigrey troops
  19. it is very imprassing and suprising the capability of the icu military might . while intesive fight is goin on Bay and bakool they have reserves and are able to open other fronts , while still maintaning security areas that are under icu controll for exampla kismayo , xamar and etc . its also imprassing how kismayo , xaamar and and other areas that are under control icu are calm and stable while intesive fight is goin around south somalia . For those who beleive TFG who are hiding in one campound can over run icu are dreaming sxb .
  20. somalil freind and radmiir stop lying to yourself , Transionla warlods are fighting for survival not to win sxb , inshalla the brave hearts will succeed with help of allah , ethoipia tanks and airplan dont scare us sxb, the fight is around idle and artilery sound can be heard around tfg campound . sooon inshalla abdulahi will flee to galkacyo stay in tune
  21. Abdi2005 Thanks to the news article sxb The fact is everyon here knows the truth. Horn and rest members in sol are againts icu because their so called leader barre hiirle has no influence in kismayo anymore because of icu . sxb wheres muse sudi , cato , and rest warlords . but then again Afweyna has left terrible legacy on some of us in sol . some of us beleive that once in yaya becomes the president we meaning the president kins men will be the kings again , we can go bomb any region thats threat our power , we can kill intellectuals and generals the legal way and get away with it . They are not blind from the truth but they see something greater then somalinimo . It was year ago when abdiqadiid was calling shots in xammar and denoucing the TFG but today he is heroe to General duke and horn because he is fighting for their interest . When asked Abdulahi yusuf does abdiqadiid hold post in TFG by sweden Gov , abdulahi yusuf stated clear no and that abdiqadiid is a warlord , I wonder what change his mind today . The only lost foks are resident of xaamar fighting for somaliweyn that does not want them .
  22. claiming victory and victory its self is two different terms my friends , TFG can lie to the outside world but we somalis now the truth. Why havent TFG captured dinsor and idle yet if they defeated icu , hiiraan.Dhinaca Dowladda Federaalkana waxaa dagaalkan ka hadlay Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Salaad Cali Jeelle oo sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalka kala dhaxeeya Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna caddeeyay in ay mar dhow dhib la’aan ay gacantooda soo geli doonto Degmada Diinsoor. It took the icu to over run the warlords 4month , hold your horses people we in for long battle . Neverless to mention those so called puntlad milites in baydhawa are puting up hell of fight for odayga survival , we will see how long they can hold on to baydhawa.
  23. Lieutenant Xalane will see my friend let the futur be the jugde if one clan by the help of Tikrey troops and view moryaans can hold rest somalia hostage ,
  24. Dagaaladii maanta ka dhacay Baydhabo ayaa waxaa la sheegaya in uu hada iskii u istaagay, inkastoo ay sheeganayaan guulo farabadan in ay gaareen dhinaca Maxaakiimta Islaanka ee iyagu ka soo duullay dhinaca magaaladda Muqdisho. Dagaalka ayaa waxaa la sheegaya in ay markii hore ku gacan sareeyeen dhinaca DFKMG ah balse markii dambe lagu soo rogaal celiyeen Ciidamadda DFKMG ah taasina ay sababtay in dhinaca Ciidamadda DFKMG ahi ay dib u gurasho xeelad dagaal ah sameeyaan. Wakaaladaha wararka fidiya ee Caalamigga ah ayaa sheegaya in ay Ciidamadda Maxaakiimtu hada u jiraan 9 Mile oo kaliya Magaaladda Baydhabo, isla markaana ay ku dhinteen dagaalkii maanta ilaa sadex iyo toban qof oo Soomaali ah labada dhinacba. Wararku waxay intaa ku darayaan in Ciidamo Itoobiyaan ahi ay ka feer dirirayaan kuwa DFKMG ah kuwaas oo tiradooda lagu qiyaasey 200 oo Askari oo wata 13 gadiidka dagaalka ah. Ugu dambeyntii wararku waxa ay sheegayaan in dhinaca Baardheere ay ka jiraan dhaqdhaqaaq Ciidan oo lagu doonayo sidii la iskaga caabin lahaa Xoogagga Maxaakiimta Islaanka oo la sheegay in ay ku soo fooleeyihiin G/Gedo maalmaha soo socda, taaso dhib ku ah shacabka reer Gedo ee abaaruha iyo daadadku aafeeyen tan iyo 14-kii bilood ee la soo dhaafay.