bambo

Nomads
  • Content Count

    307
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by bambo

  1. Duke ..... Its good idea for the TFG to talk to iuc dont let the military advantage blind you , its essential step for disarment of population of xaamar . Residents of xamar would welcome the TFG and support it , hostile between tfg and and residents will end , tikrey troop will not be needed anymore. significant of these mens to join TFG is that disarment will be achieved without bloodshed
  2. Until the TFG provides security and disarms the the people and bring city back to how it was for last 6 great month , I' have the right to criticizes TFG sxb ,
  3. They never fought the warlords,they served the warlords and later served their clan as sacred warriors, ??????????????????? warlords such as qanyer , bashir reege , abdi qabiiid volunteered and left city without fight right sxb , xaamar has seen the worst fighting since 1991 sxb , blood whas shed to remove these stooges from power sxb. sxb i dont support iuc because qabil , they got my support because they united city and brough peace and stable . If TFG provides sercurity they too will gain my support sxb ,
  4. Those warriors died for their freedom and dignity sxb , They will Remmembered as heroes in Somalia , They fough againts warlords and Corruption sxb . THe world let them down as islam is not popoler banner to fight under sxb . somalis like you also let them because of qabil sxb , caadi waayee May allah gran them heaven sxb
  5. Captain Xalane come on sxb cut with crap , Loosing war does not make you coward sxb , What makes you coward is cheerleeding behind Tikrey troops sxb TFG is claimming what victory sxb , TFG can only claim victory when they bring city back to peace and stable and disarm the people in the right way
  6. Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa magacaabay gudiyo isku jira oo heer qaran, Gobol iyo degmoba leh sidii magaalada Muqdisho ay ugu shaqeyn lahaayeen iyadoo laga sugayo talo soo jeedin ah. Resident of xaamar will only disarm when TFG recruits local milities and upgrades them to ciidaan qaran just like the case in Puntland .
  7. Let geedi do his job sxb Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo maanta kulan xasaasi ah la yeeshay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin ka socotay bulshada Rayidka Gudoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa maanta kulan xasaasi ah la yeeshay Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Fkmg ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi kulankaasi ayaa waxa uu ku saabsanaa sidii looga wada shaqeyn lahaa nabadgalyada degmooyinka gobolka Banaadir. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu u balan qaaday inuu siin doono Ciidamo Booliis ah oo la geyn doono dhamaan goobaha saldhigyada Booliiska degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Banaadir. Mudane Geedi ayaa warbixino ka dhagaystay dhamaan gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka iyo masuuliyiin kakala socotay bulshada Rayidka waxaana ay dhamaantood soo jeediyeen talooyin wax ku ool ah sidii hubka loo qaadi lahaa. Bulshada Rayidka, xildhibaano ka tirsan Dowlada Fkmg iyo Siyaasiintii hore ayaa loo magacaabay gudiyo heer qaran ah oo laga doonayo inay keenaan talooyin ay ku hawl galaan ciidmada Dowlada kuwa Xooga dalka iyo Booliiska. Waxaana maalmaha soo socda looga fadhiyaa sida ugu sahlan ee nabad looga dhalin karo magaalada Muqdisho, waxaana laysku raacay in dhamaan isgooysyada magaalada Muqdisho oo kor u dhaafaya ilaa boqol la doonayo in la dhigo ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka isla markaana la sugo amaanka guud ee magaalada Muqdisho. Markaa ka dib la bilaabo hub uruurin si dadweynaha ay ugu qancaan sidii ay u heli lahaayeen amaan buuxa, mid ka mid ah bulshada rayidka ayaa soo jeediyey hadii magaalada amaankeeda la sugo in dadweynuhu ama gacansatada ay dhiibi karaan hubkooda. Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa magacaabay gudiyo isku jira oo heer qaran, Gobol iyo degmoba leh sidii magaalada Muqdisho ay ugu shaqeyn lahaayeen iyadoo laga sugayo talo soo jeedin ah. Prof. Cali Maxamed Gedi ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ciidamo Milatery iyo kuwo Booliis ah bulshada rayidkana laga sugayo talo wax ku ool ah.
  8. ^Aah,rather,where are the commanders of the ICU?Isn't this their making?Cowards! The only cowards are those who used Ethopians migs and helicopters etc sxb , Icu killed more then 1500 tikrey troops and was confirm by Zenawi sxb with in 7 days of battle . icu was best administration somali had since siad barre sxb . You and ramdiir and rest Puntlanders stop trying Divide the people of xaamar.
  9. Raadmiir dont GO Ahead of the TFG sxb , This best thing Geedi did since he came into Office . Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo maanta kulan xasaasi ah la yeeshay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin ka socotay bulshada Rayidka Gudoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa maanta kulan xasaasi ah la yeeshay Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Fkmg ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi kulankaasi ayaa waxa uu ku saabsanaa sidii looga wada shaqeyn lahaa nabadgalyada degmooyinka gobolka Banaadir. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu u balan qaaday inuu siin doono Ciidamo Booliis ah oo la geyn doono dhamaan goobaha saldhigyada Booliiska degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Banaadir. Mudane Geedi ayaa warbixino ka dhagaystay dhamaan gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka iyo masuuliyiin kakala socotay bulshada Rayidka waxaana ay dhamaantood soo jeediyeen talooyin wax ku ool ah sidii hubka loo qaadi lahaa. Bulshada Rayidka, xildhibaano ka tirsan Dowlada Fkmg iyo Siyaasiintii hore ayaa loo magacaabay gudiyo heer qaran ah oo laga doonayo inay keenaan talooyin ay ku hawl galaan ciidmada Dowlada kuwa Xooga dalka iyo Booliiska. Waxaana maalmaha soo socda looga fadhiyaa sida ugu sahlan ee nabad looga dhalin karo magaalada Muqdisho, waxaana laysku raacay in dhamaan isgooysyada magaalada Muqdisho oo kor u dhaafaya ilaa boqol la doonayo in la dhigo ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka isla markaana la sugo amaanka guud ee magaalada Muqdisho. Markaa ka dib la bilaabo hub uruurin si dadweynaha ay ugu qancaan sidii ay u heli lahaayeen amaan buuxa, mid ka mid ah bulshada rayidka ayaa soo jeediyey hadii magaalada amaankeeda la sugo in dadweynuhu ama gacansatada ay dhiibi karaan hubkooda. Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa magacaabay gudiyo isku jira oo heer qaran, Gobol iyo degmoba leh sidii magaalada Muqdisho ay ugu shaqeyn lahaayeen iyadoo laga sugayo talo soo jeedin ah. Prof. Cali Maxamed Gedi ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ciidamo Milatery iyo kuwo Booliis ah bulshada rayidkana laga sugayo talo wax ku ool ah.
  10. Raadmiir sxb no one will disarm , think about it would you disarm to your enemy . people views are same sxb both North and South of xammar dont be fooled , TFG only controls port and airports thats all . Things are back to the warlord era sxb . TFG must come up with plan to disarm warlords first before moving on to the business sectores and civilians .
  11. Radmiir sxb what can the intellectuals do when Abdulahi brough back the warlords , that they kicked out sxb .......... Martial law :eek: :eek: , Martial is only effective at the port and airport only were tigrey troops are
  12. Tigrey Troops and Geedi have trouble in their hand today , Check out pics , Docter muse is bac http://www.shabelle.net/2007/January/n10084.htm#1 Dude is shining wallahi
  13. Liqay sxb icu gave back the power to the people , they enjoyed support from . as you well aware of somalia did not reconcile yet , every clans sustained their weapones to guard their business and regions . One can understand if TFG had plan or agenda prior to marching into xaamar , with no agenda and no plan they march into xaamar with somalia long time enemy . how can the people feel secure sxb . while the people see what tikreys are doing in ****** regions to their brothers and etc . 2 . TGF also brought back the warlords with havy weapons , mind you some clans dont have warlords who will pertect them from revenge and etc . LIQAYE sxb dont emphazise events that your dont have knowledge for , IUC gave back heavy weapons to clans they belong to , each clan was givin back what ever they contributed to icu movement.
  14. Ilo wareedyo xog ogaal ah oo kusugan magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inuu khilaaf weyn soo kala dhexgalay Abaanduulaha guud ee ciidamada huwanta ee gacanta kuhaya magaalada Kismaayo Col Aden Koojaar iyo Wasiirka Gaashaandhigga Col Barre Hiiraale oo hadda kahor gacanta kuhayn jiray magaalada Kismaayo. Khilaafka labadan masuul ayaa sida lasheegayo waxuu salka kuhayaa, kadib markii ay ciidamada huwantu gacanta kudhigeen magaalada ayaa Col Barre Hiiraale waxuu iskudayay inuu abaabulo maleeshiyo beeleed gacanta kudhiga xarumaha waaweyn ee dawladda iyo waliba dekada, garoonka iyo waliba saldhigga boooliska magaalada Kismaayo. Hase yeeshee Col Koojaar oo ah abaanduulaha guud ee ciidamada dawldda Ethiopia iyo kuwa DFKS ayaa arintaas hor istaagay, isla markaasna ay ciidamadiisu hub kadhigis kusameeyeen maleeshiyadii Barre Hiiraale una sheegeen inaysan mar danbe isku dayin inay kudhaqaaaqaan falal noocan oo kale ah hadii kale uu xabsiga ku uruurin doono. Sidoo kale Col Koojaar ayaa sida lasheegayo hor istaagay maamul kooban oo uu wasiirka Gaashaandhigga uu doonayaay inuu kasameeyo magaalada Kismaayo, kaasoo kusalaysnaa nidaamkii hore ee burburay ee dooxada jubba. Intaas kadib waxaa lasheegayaa inuu Barre Hiiraale xiriir lasameeyay m/weyne C/laahi Yuusuf Axmed una sharaxay sida wax udhaceen, balse garowsha kama uusan helin oo waxaa loosheegay inaysan dawladdu udirsanin hawshaash. Labadan masuul ayaan isku si u arkin hawsha iyo nidaamka shaqo cidda kuhaboon in looga danbeeyo iyo waliba sida ugu haboon ee nin walbaba u gudan lahaa waajibaadkiisa, taasoo hadii laraaci lahaa aan dhaliseen muran iyo is qaqabsiga hadda jira.
  15. We back to square one wallahi istafurallah , Goobihii ganacsiga ee degmada Xamarweyne ee kuyaalay baratamaha wadooyinka laamiga ah ee intii Maxakadaha Muqdisho ay katalinayeen laga qaaday ayaa iminka waxaa la bilabay in dib loo soo dhigo Goobahaan ganacsi oo laga dhisay bartamaha wadooyinka laamiga ah ayaa intii maxakmadaha islaamka aysteen Magaalada Muqdisho la baabiyey iyadoo xiliga ganacsatada lagu amray inaysan ku ganacasan baratamaha wadooyinka waxaana iminka ay bilaabeen ganacsatadu inay dib ugu soo laabtaan goobihii laga burburiyey Maxamed C/laahi oo ah ganacsatada iyagu aan ku dhex ganacsan bartamaha wadada laamiga ah oo u waramayey Hornafrik ayaa waxa uu sheegay inay ganacsata daani dib ugu laabteen dhibaatadii laga baxay isagoo xusay in markii Maxakamadaha Muqdisho iskaga baxeen in dib loo soo dhigay goobahaan ganacsi. Sidoo kale bartamaha Xamarjajab ayaa waxaa wadooyinka la soo dhigay goobo ganacsi oo aad ubadan waxaana taa ay keentay in ciriiri ay noqdaan wadooyinka islamarkaana gawaarida ay kari wayaan inay maraan wadooyinkaan. Markii Maxakamadaha Islaamka ay iskaga baxeen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dib soo noqday kaladanbeyn la'aantii iyo Nidaam daradii horey u jiri, jirtay mudo 6 bilood kahor.
  16. REDsea"the TFG claims its capital to be Xamar,then gues what,the possibility of Xamar citizens accepting such piece of chunk to rule over them is not happenning,you can sugar coat it as much as you want guys,but it aint happening,people got taste of the goodness of the ICU,they want them back..now". Redsea what if the resident of xaamar take their chance and dis arm , and Tfg Delivers Peace and stability how would your attitude change towards TFG . Union of islamic court is gone sxb , we have to move on and can let the warlords steal the momentem . keep in mind even Icu never disputed legitimates of the TFG . goin back to choas and etc are not beneficial and alternative to oppose TFG .
  17. We as somalis have to stop holding each other back and fron , we need to move on with future we can not critizes every day , i my self was and still are supporter of the maxkmadah , they gain my support by bringing peace and stability . somali has chance today with a legitimate government Thats Recognized by UN and U.S , and also controls 90 percent of the somali land for the first time since 1990 . TFG must act quick and convice the people its not the enemy , TFG must deliver security people once enjoyed under the Union of the islamic court. Peace is peace wether is deliverd by TFG or Union Court
  18. i dont understand reasone why geedi is not mobilizing milites and train them to become police officers , Geedi atleast should recurit local milities and nationalize them just like PL milities are supposly are "qaran" troops . what is he waiting for , dis arm to who sxb , the weapons are the only security people have in xaamar with limited tfg forces station only in in the airport and port . Geedi should upgrade local milites in xaamar and make them national troops so that clans can easly feel secure just like clans in Puntland If Geedi and abdulahi are honest about bringing peace and stable they would do the following .
  19. Dhanka kale, hub lagu sheegay in uu dhan yahay 10 qori iyo maleeshiyadii maamulayey hubkaasi ayaa maanta lagu wareejiyay wasiir ku xigeenka gaashaan dhigga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Mudane Salaad Cali Jeelle oo halkaasi kula hadlanay kooxda hubka ku wareejisay isla markaana ka tirsan beesha uu ka soo jeedo ayaa sheegay in lagu daydo kooxdaasi beelaha kalane ay ku soo wareejiyaan asaga hubka gacanta ugu jira. Sidoo kale, ra'isul wasaare Geeddi iyo Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in berrito ay ku egtahay digniintii loo jeediyay dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo Shabeelada Hoose ayna taageerayaasha ra'isul wasaaraha iyo ciidamada dowladda Itoobiya ay guriha ugu geli doonaan dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo Shabeelada Hoose si ay hubka ugu dhigaan. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho laga yaabo in uu ka dhaco dagaal sokeeye ayadoo durbaba uu Qanyare sheegay in 3 maalmood ay yartay in hubka looga qaado shacabka. Ra'isul wasaare Geeddi iyo Salaad Cali Jeelle ayaa si weyn u doonaya in taageerayaashooda hubka lagu soo wareejiyo inta ay ciidamda Itoobiya joogaan dalka.
  20. Abaanduulaha Ciidamadda Jubbooyinka Col. Koojaar oo Hub Kadhigis Ku sameeyay Ciidamo Barre Hiiraalle U Diray Dekadda Kismaayo si ay Ula soo Wareegaan Alaabo Maxaakiimtu Ka Tageen iyo Hanjabaad iyo Isku Dhaarasho Galabta dhex martay labadan Masuul. Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helay dad ku dhaw dhaw Abaanduulaha Ciidamadda DFKMG ah ee Gobolada Jubbooyinka Col. Aaden Koojaar ayaa sheegaya in uu mugdi soo kala dhex galay Col. Barre Hiiraalle iyo Aaden Koojaar, kadib markii Maleeshiyo Beeleed daacad u ah Col. Barre ay damceen in ay qaatan alaabo yaalay Dekadda Kismaayo oo ay uga tageen Maxaakiimta Islaanka. Aaden Koojaar ayaa waxaa la sheegaya in uu is hortaagey Ciidamo Barre Hiiraalle u diray Dekadda Kismaayo si ay halkaasi u galaan oo ay ula wareegan Alabaddaasi, muran kadib waxaa ay sheegen in uu soo diray Wasiirka G/dhiga Col. Barre Hiiraalle, waxaa markiiba hareereyay Ciidamadii Barre ka socotay Ciidamadiii Aaden Koojaar oo Hubkii ay siteen ka qaadey, Aaden Koojaar, kadibna ayaga oo fara maran ayaa waxaa ay ku soo laabteen Magaaladda Kismaayo. waxaa kaloo wararku intaasi ku darayaan in uu Col. Barre Hiiraalle si kooban ula hadlay Col. Koojaar oo isaga iyo Barre Hiiraalle xurgufo hore u dhexeeyeen xilgii dagaalka sokeeye, kadibna uu u sheegay in Dekadda uu Barre ahaan jecel yahay in uu maamul u sameeyo ku meel gaar ah maadama lagu jiro xaaladda Dagaal, balse waxaa arinkan ku gacan sayray Col. Koojaar oo ka soo jeeda (Maxamed Subeer- Reer *****). isla markaana waxaa halkaasi ka dhacay is aflagaadeyn iyo hanjaabad. kadib markii uu mugdigan iyo is faham daro ay timi ayaa waxaa la sheegaya in Wasiirku uu la xariiray Salaad Cali Jeelle iyo C/llaahi Yuusuf oo ku sugan hada Kenya oo ay wehliyaan Wafdigiisa Xassan Abshir iyo Xubno kale ayaa la sheegaya in uu ka codsadey Wasiirka in lala sugo inta uu ka soo noqonayo arimaha uu ka cawdey Wasiirka G/dhiga Col. Barre Hiiraalle, hadii ay u suura gashana uu Madaxweynaha iyo Wafdigiisana laga yaabo in ay Kismaayo soo maraan marka ay Kenya ka soo noqdaan oo ku aadan dhamaadka Asbuucan. dhinaca kale Waxaa maanta la shiray Duqowda iyo siyaasiyiinta Beesha ****** Col. Koojaar waxaana uu u jeediyay warbixin dheer waxaana ka mid ahaa hadaladiisa in aaney jirin cid magac Dawladeed uga aargoosaneysa isla markaana qorshaha hubka aruurintana ay tahay wax ay ula simanyihiin Shacabka Soomaaliyeed, Ciidamada la qorayana ay dadka ula simanyihiin, shacabka hubka loo dhiibayana ee la Qaramey'nayana ay dadka ula simanyihiin. Isku soo wada duubo waxaa caawa Kismaayo amaankeeda gacanta ku haya Ciidamo DFKMG ah oo uu hogaaminayo Abaanduulle,Aaden Koojaar oo ka amar diiday Wasiirka G/dhiga oo fadhiya Dekadda Iyo Garoonka Dayuuradaha, iyo Barre Hiiraalle oo Caraysan oo Talo gacanta ugu jirin oo C/llaahi Yuusuf ka dhursugaya waxa uu ka yiraado arrinkan
  21. Abaanduulaha Ciidamadda Jubbooyinka Col. Koojaar oo Hub Kadhigis Ku sameeyay Ciidamo Barre Hiiraalle U Diray Dekadda Kismaayo si ay Ula soo Wareegaan Alaabo Maxaakiimtu Ka Tageen iyo Hanjabaad iyo Isku Dhaarasho Galabta dhex martay labadan Masuul. Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helay dad ku dhaw dhaw Abaanduulaha Ciidamadda DFKMG ah ee Gobolada Jubbooyinka Col. Aaden Koojaar ayaa sheegaya in uu mugdi soo kala dhex galay Col. Barre Hiiraalle iyo Aaden Koojaar, kadib markii Maleeshiyo Beeleed daacad u ah Col. Barre ay damceen in ay qaatan alaabo yaalay Dekadda Kismaayo oo ay uga tageen Maxaakiimta Islaanka. Aaden Koojaar ayaa waxaa la sheegaya in uu is hortaagey Ciidamo Barre Hiiraalle u diray Dekadda Kismaayo si ay halkaasi u galaan oo ay ula wareegan Alabaddaasi, muran kadib waxaa ay sheegen in uu soo diray Wasiirka G/dhiga Col. Barre Hiiraalle, waxaa markiiba hareereyay Ciidamadii Barre ka socotay Ciidamadiii Aaden Koojaar oo Hubkii ay siteen ka qaadey, Aaden Koojaar, kadibna ayaga oo fara maran ayaa waxaa ay ku soo laabteen Magaaladda Kismaayo. waxaa kaloo wararku intaasi ku darayaan in uu Col. Barre Hiiraalle si kooban ula hadlay Col. Koojaar oo isaga iyo Barre Hiiraalle xurgufo hore u dhexeeyeen xilgii dagaalka sokeeye, kadibna uu u sheegay in Dekadda uu Barre ahaan jecel yahay in uu maamul u sameeyo ku meel gaar ah maadama lagu jiro xaaladda Dagaal, balse waxaa arinkan ku gacan sayray Col. Koojaar oo ka soo jeeda (Maxamed Subeer- Reer *****). isla markaana waxaa halkaasi ka dhacay is aflagaadeyn iyo hanjaabad. kadib markii uu mugdigan iyo is faham daro ay timi ayaa waxaa la sheegaya in Wasiirku uu la xariiray Salaad Cali Jeelle iyo C/llaahi Yuusuf oo ku sugan hada Kenya oo ay wehliyaan Wafdigiisa Xassan Abshir iyo Xubno kale ayaa la sheegaya in uu ka codsadey Wasiirka in lala sugo inta uu ka soo noqonayo arimaha uu ka cawdey Wasiirka G/dhiga Col. Barre Hiiraalle, hadii ay u suura gashana uu Madaxweynaha iyo Wafdigiisana laga yaabo in ay Kismaayo soo maraan marka ay Kenya ka soo noqdaan oo ku aadan dhamaadka Asbuucan. dhinaca kale Waxaa maanta la shiray Duqowda iyo siyaasiyiinta Beesha ****** Col. Koojaar waxaana uu u jeediyay warbixin dheer waxaana ka mid ahaa hadaladiisa in aaney jirin cid magac Dawladeed uga aargoosaneysa isla markaana qorshaha hubka aruurintana ay tahay wax ay ula simanyihiin Shacabka Soomaaliyeed, Ciidamada la qorayana ay dadka ula simanyihiin, shacabka hubka loo dhiibayana ee la Qaramey'nayana ay dadka ula simanyihiin. Isku soo wada duubo waxaa caawa Kismaayo amaankeeda gacanta ku haya Ciidamo DFKMG ah oo uu hogaaminayo Abaanduulle,Aaden Koojaar oo ka amar diiday Wasiirka G/dhiga oo fadhiya Dekadda Iyo Garoonka Dayuuradaha, iyo Barre Hiiraalle oo Caraysan oo Talo gacanta ugu jirin oo C/llaahi Yuusuf ka dhursugaya waxa uu ka yiraado arrinkan
  22. Cabdi Nuure, isagoo arrintaasi ka sii hadlaya, mar kale wuxuu yiri “Markii uu dalku burburay waxaa hubka loo kala qaatay reer reer iyo qabiil qabiil, qabiil kastaana hubkiisa asaga ayaa haysta hadba kalsoonidii shacabka uu ka helo dowlada ayuu hubka ugu wareegayaa dowlada hubka uguma wareegayo in loo qabto saacad ama maalmo mida kale hubka lama wareejinayee ciidankii iyo hubkii ayay la wareegaysaa kuma aanan ogayn anagu dowlada in hubka kaliya lagu wareejiyo laakiin hubka soo wareejiya oo istoorkaas ku rida meel uu ka jiro ma jiro adunka .
  23. Wareysiga Max'ed Qanyare oo dhinacyo badan taabanaya ayaa sidoo kale waxa uu kaga hadlay safar uu berri ku tagi doono magaalada Baydhabo, halkaasi oo uu ugu yeeray Madaxweynaha Somalia C/laahi Yuusuf Axmed. Hub uruurin laga sameeyo dalka Somalia ayaa caqabado iyo dhibaatooyin ay kala kulmeen dowladihii hore ee soo maray dalka, iyadoona hubkii waaweynaa ee yiilay Muqdisho ay ku guuleeysteen in ay gacanta hogaamiyeyaasha ka bixiyaan golihii maxkamadaha islaamka
  24. Hubkii ugu horeeyay oo maanta lagu wareejiyay dowladda KMG ah. daawo sawirada Mogadishu 03, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Hubkii ugu horeeyay ayaa maanta lagu wareejiyay dowladda KMG ah ee Somalia, iyadoo hubkaasina lagu xareeyay xauntii hore ee gaadiidka booliska. Hubkaan oo isugu jira Ak47, Baasuukayaal, iyo gaari uu saaran yahay qori dhashiike ah ayaa maanta lagu wareejiyay wasiir K/xigeenka wasaaradda G/dhigga ee dowladda Somalia, Salaad Cali jeelle. Waxaa kale oo goobtaasi la geeyay ilaa 20 maleeshiyaad ah oo wata hubkoodii gacmaha, iyadoo hubkaan iyo maleeshiyadaba ay keeneen xaruntii gaadiidka beel ka mid ah beelaha dagan gobolka Banadir. Wasiir K/xigeenka G/dhigga dowladda Somalia Salaad Cali jeelle oo shabelle ay kula kulabtay xaruntaasi ayaa sheegay in qoryo gacmeedyo iyo gaari cabdi Bile ah iyo 20 maleeshiyo ah maanta lagu soo wareejiyay wasaaraddiisa, isagoo sheegay in maalinta berri ah ay u dambeyso xilligii uu ra'isulwasaaraha u qabtey in hubka lagu xareeyo, waxaana uu sheegay in ciddii hubkeeda mudadaasi ku soo xareyn weyso ay dowladda xoog kaga qaadi doonto. Ciise Max'uud xuseen oo ka mid ah maleeshiyadii maanta lagu soo wareejiyay dowladda Somalia ayaa sheegay in sababaha ku kalifay in hubkiisa uu wareejiyo uuna ka mid noqdo ciidamada dowladda ay tahay xaaladaha amni xumo ee ku soo kordhay magaalada Muqdisho iyo sidii wax looga qaban lahaa amni darada dalka. Arintaana waxa ay ku soo beegmatay xilli maalin qura ay ka harsan tahay waqtigii Ra'isulwasaare Geedi uu qabtey in hubka lagu soo xareeyo. Qoryo gacmeedyadii qaar ee lagu wareejiyay dowladda KMG ah Qaar ka mid ah maleeshiyadii hubka laga dhigay oo iyana lagu wareejiyay dowladda Somalia In ka badan 10 qoryo gacmeedyo oo lagu wareejiyay dowladda Somalia Mid ka mid ah gawaarida dagaalka ee lagu wareejiyay dowladda KMG ah
  25. Iyadoo maallintii shalay ra'isul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi uu shaaciyey in dadweynaha magaalaada Muqdisho ay hubkooda isugu geeyaan muddo 3-da cisho gudahood ah dekeda weyn ee Muqdisho iyo xaruntii Villa Baydhabo ayaa maanta oo aheyd maalintii 1-aad ee mudadaasi ay ka bilaabaneysay aan xarumnahaasi la geynin wax hub ah haba yaraatee. Xarumaha Villa Baydhabo iyo dekeda oo maanta ku sugnaayeen saraakiil ciidan oo ka kala tirsan dowlada federaalka iyo Itoobiya, kuwaasoo doonayay inay la wareegaan hubka ay qeybaha kala gedisan ee dadweynaha keenayaan goobahaasi ayaa ku hungoobay, kadib markii aysan soo xaadirin wax dad ah oo doonaya inay hubkooda wareejiyaan, iyadoo qaar ka ka mid ah dadka Muqdisho oo wax laga weydiiyay sida ay u arkaan inay hubkooda wareejiyaan ay dhaliilay qaabka uu ra'isal wasaaruhu u soo gudbiyay codsigiisa. Sidoo kale, qaar ka mid ah maleeshiyooyinka ku sugan Muqdisho ayaa iyaguna sheegay in aysan marnaba hubkooda dhiibi doonin xili ciidamo Itoobiyaan ah ay ku sugan yihiin gudaha oo isla markaana ay dhici karto in Itoobiya ay qorshe kale wadato. Qaar ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii ay horey uga ceyriyeen magaaladan Muqdisho maxkamadaha islaamiga ah hadda mar kale soo laabtay ayaa sheegay iney diyaar u yihiin hubkooda iney ku wareejiyaan dowladda federaalka lana shaqeeyaan, hase ahaatee ma jiro ilaa hadda hogaamiye kooxeed ka dhabeeyey balanta uu qaaday, iyadoo dhinaca kale ay soo baxayaan shakiyo fara badan oo dadka qaar ay ka muujinayaan qaabka ay arintan ku socoto