SOO MAAL

Nomads
  • Content Count

    1,494
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by SOO MAAL

  1. Somaliland: Booliska oo galey xarunta Kulmiye Axmed Siciid Cige BBCSomali.com Weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige oo markiiba tegay xaruntaasi ayaa sheegay in buuq xoog lihi ka dhex oogmay madaxda hogaanka sare ee Kulmiye iyo ciidanka boliiska, kadib markii saraakiisha boliisku isku dayeen inay kaxeeyaan xoghayaha guud ee KULMIYE Da'uud Maxamed Geelle laakiin ay diideen madaxda Kulmiye. Dad badan ayaa ku soo xoomay xarunta oo ku dhawaaqayay SIILAANYO HA NOOLAADO. Ma suurtagelin in booliisku kaxeeyo Xoghayaha guud ee Kulmiye. Boliiska ayaa ka gaabsaday inay bixiyaan wax war ah oo ku saabsan sababta kelliftay baadhitaanka, hase-yeeshee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Ismaaciil Adan Cismaan iyo taliyaha guud oo boliiska ayaa BBC-du la xidhiidhay ayaa ku gaabsaday inay ka baadhayaan wax ay ku tilmaameen Idaacad sharci darro ah RADIO HORYAAL oo ay sheegeen inay taallo xarunta xisbiga Kulmiye. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Siilaanyo oo BBC -du wareysatay ayaa ku tilmaamay dhacdadaasi mid la mid ah siduu hadalka u dhigay fadeexaddii Water Gate oo madaxweyne mareykan ahi ku dhacay. Wuxuu sheegay inay tahay baadhista lagu sameeyay xaruntooda mid sharci darro, isagoo caddeeyay in aan haba yaraatee la soo ogeysiin oo aan dariiqii qaanuunka loo soo marin. Axmed Siilaanyo Axmed Siilaanyo oo cadho ka muuqatay wuxuu beeniyay in wax Idaacad ahi taallo xaruntooda, hase-yeeshee wuxuu sheegay in dadka qurba jooga reer Somaliland oo sameeyay ayuu yidhi idaacadda HOYAAL ay u badanyihiin oo 90% ay yihiin ayuu yidhi taageerayaasha Xisbiga KULMIYE. Si kasta ha ahaatee, isla habeenimadii isniintii ayaa ciidaankii boliiska laga qaaday xarunta dhexe ee Kulmiye. Waxaa la dareemayay dhaqdhaqaaq ay wadeen laba xubnood oo ka tirsan komishanka doorashooyinka si buuqa loogu dhammeeyo wada hadal, waxaa kaloo xarunta yimid dad magac leh oo deminta xiisaddaasi ka qayb qaadanayay.
  2. Maxaad ka Ogtay Masiibada iyo Mashaakilka Muqdishu ka Taagan ? Muqdisho iyo mashaakilka ka taagan.......Ilaa iyo 45 Kontorool ama Isbaaro ayaa sida la xaqiijiyay ku teedsan gudaha magaalada muqdisho, ku waas oo inta badan ay maamulaan dagaal oogayaasha u xuub-siibtay Wasiirada iyo Xildhibaanada ee ka tirsan Labada Gole ee Dawladda debed joogta ah ee Somalida loo dhisay. Wadada ka timaada dhanka Degmada Afgooye ayaa waxaa isbaarooyin u yaalaaan dagaal ooge Cusmaan Xasan Cali (Caato) oo kuna magacaaban wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta, Dagaal oooge Xussen Maxamed Caydiid oo kuna magacaaban Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo kuxigeenka Ra’iisal wasaaraha . Wadada Wadnaha ayaa sidaas oo kale waxaa isbaaro u taala dagaal oogayaasha ku kala magacaaban wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Amniga Qaranka Xuseen Caydiid iyo Maxamed Qanyare. Jidka ka yimaada Jowhar ilaa iyo Balcad soona gala gudaha magaalada muqdisho waxaa is baaro u taalaa dagaal oogaha ku magacaaban Wasiirka dhaqan celinta Maleeshiyooyinka, bootaan Ciise Caalim (Xaaraan-ku-naax) iyo Dagaal oogaha isna ku magacaaban Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi iyo weliba Maxkamadaha Islaamiga. Xaafadaha Shibis, Boondheere, Shangaani, C/siis,Maana-booliyo ayaa waxaa isbaaro u taala maleeshiyooyin kala taageera Dagaal oogayaasha kala ah Bashiir Raage iyo C/qaadir Beebe. Degmada Kaaran qiyaastii 6 Isbaaro ayaa ku teedsan waxaana iska leh dagaal oogaha ku magacaaban, wasiirka Ganacsiga Xaaji Muuse Suudi Yalaxow. Xaafadaha Suuq Bacaad iyo Siinay ayaa waxa yaala isbaarooyin ay dhigteen maleeshiyo la sheegay in ay ka amar qaatan Maxkamad Islaami ah oo halkaa ku yaala. Isbaarooyinka yaala gudaha magaalada muqdisho ayaa ah kuwa lacag baad ah lagu qaato ah oo dadweynaha lagu laayo maalin kasta. By: Osman Abdillahi Sool......Freelance Journalist. Source Jamhuuriya Online
  3. Madaxweynaha Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa Saqdii dhaxe ee xalay ku soo Somaliweyn( Nairobi Abril 8, 2005) Madaxwaynaha waxa ay soo cago dhigtay Diyaaradii u lasocday 1,04 Habeenimo waxa uuna la socday diyarad laga leeyahay wadanka Liibiya waxaa Xiligaa ku sugnaa garoonka Diyaaradahe ee JomaKenyata Xubno badan oo ka tirsan labada Gole ee Xiukuumada Federaalka Soomaaliya& Dadweyne Soomaaliyeed. Madaxweynaha lama aysan socon Xubnaha labada Golle ee Xukuumada hase yeeshee waxaa la socday 5 Xubnood oo ka tirsn xarunta Madatooyada ee Madaxwaynaha iyo Xafiiska Rasulwasaaraha macada shaqooyinka ay mdaxweynaha uhayaan xubnahani. Si heer sareysa ayaa Madxweynaha Xalay loo soo dhaweeyay iyadoo ay halka Tubnaayeen dad Soomaaliyeed oo ku labisan Fanaadad lagu Buufiyay Suurada Madaxweyna Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxaa kaloo soo dhaweynta qeyb wayn ka qaatay Xubno badan oo labada galle ka tirsan waxaana Hogaaminayay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliyeed,Prof Maxamed Cumar Dalxa. Waxaa kaloo Goobta Joogay Safiirka Liibiya ee magaalada Nairobi Rashiid Cali Shariif Soo dhaweynta kama aysan qeyb qaadan Gudoomiyaha Baarlamaanka& Hogaamiyaasha Hubaysan ee Muqdisho Madaxweynuhu Markii uu soo dagay ee uSalaamay Marti sharafkii Goobta joogtay waxa uu galay Gaarigiisa isaga oo loo galbiyay Xarunta uu ka daganyahay Magaalada Nairobi Saxaafadana aan wax wara siin. Waxa uu ku soo hakday Wadanka Yugaandha waxa uuna madaxweynuhu Wadanka Liibiya kula kulmay Dhigiisa Mucamar Al Qadaafi iyo Xubno ka tirsan Xukuumada Liibiya isaga oo Booqday Magaalada Sabaraat& Wabiga Sanaaciga ah ee Liibiya intii uusan Liibiya Imaan waxa uu ka soo qeyb qaatay Shirkii Al Jaris ee Madaxda Carabta. Inti Madaxweynaha uu ku maqnaa Safarkiisa waxaa Nairobi ka baxay Xubnoo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliyeed iyadoo lagu wado maalmaha fooda nagu soo hayana in ay baxaan xubno kale hase yeeshee macade sida ay ufaraxgalinayso safrka xubnahan iyagu gaaray Muqdisho& kuwa iminka baxaya. Waxaa horyaala Madaxweynaha Arin adag oo ah sida uu uwajihilahaa baarlamaan xaga Fikirka kukala gadisan iyadoo ay jiraan xubno Baarlamaan oo maalmihii ina dhaafay soo kalla saaray warsaxaafadeedyo kalla horjeeda madaxweynaha lama uusan socon Rasulwasaare Prof Cali Maxamed Geedi. Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca)Kenya_Nairobi Axmeddheere65@hotmail.com
  4. Dayniile War deg deg ah Wafdigii madaxweynah oo soogaaray magalada Nairobi gordhaweyd ayadoona ay buux dhafiyeen xubanaha soo dhaweynaya madaxweynah garoonka uu ka soo dagaya Nairobi Wafdigii uu hogaaminayey madaxweynah Soomaliya Cabulaahi Yuusuf Axmed ayaa goordhaweyd ka soo dagay garoonka Joma Kenyta ee magalada Nairobi ayadoona halkaasi ay ku soo dhaweyeen xildhibaan iyo wasiiro aad u tira badan oo aan horey loogu arki jirin marka uu soo dagaya madaxweynaha. Dadka soo dhaweyey Madaxweynah caawa ayaa u badan xubnahii xildhibaanada horey uga soo horjeeday dhinaca siyaasada madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ayadoona la ogeyn wax badalay mooqifkooda lakiinsa waxaa la aminsan yahay xubanah xildhibaanada in ay yihiin mar walba kuwa dhuun raac oo aysan ka aheyn mabda siyasadeed waxa ay uga soo horjedaan . Isla caawa ayaa laga yabaa in ay kulan yeeshaan madaxweynah iyo xubnahii sida aadka ah uga soo horjeeday si ay wax isula dhigaan ayadoona la sii wadi doona kulanka ilaa iyo habeen danbe si meel dhaxo leysugu keena madaxweynah iyo xubnaha sida aadka ah ugu kacsan la kiinsa waxaa la aminsan yahay hadii uu la yimaado madaxweynah qarash in ay wax walba u fududaan doonaan madaama la ogyahay xildhibaanada in ay yihiin kuwa laaluush qatayaal ah oo aan laheyn hadaf siyasadeed mug dheer Ku noqo beejka webmaster@dayniile.com
  5. Wafti uu Hogaaminayo Madaxweynaha DFKG Soomaaliya oo ka Degay Nairobi Warkii: Apr 07, 2005 Nairobi (Radiossc.com):- Wafti uu hogaamnayo Madaxweynaha DFKG Soomaaliya Md. Cabdullahi Yusuf Axmed ayaa qiyaastii 1:30 subaxnimo, waqtiga Geeska Afrika soo cagadhigtay geggida diyaradaha Jomo Kenyata ee Nairobi, caasimadda dalka Kenya. Waftiga Madaxweynaha oo aad u koobnaa, ayna ku weheliyeen Madaxweynaha tiro yar oo shaqaalihiisa khaaska ah ayaa waxaa ku soo dhaweeyey madaarka caalamiga ah ee Jomo Kenyata in ka badan 160 xildhibaan oo ka tirsan Golayaasha Wakiilada iyo Wasiirada ee Dawladda iyo Xukuumadda FKG Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa mid mid u gacanqaaday dadkii ku soo dhaweeyey madaarka Jomo Kenyata isaga oo la kaftamayey, weedhana ay is-dhaafsanayeen xubno ka mid ah golayaasha dawladda. Waxaan aan ka dhexmuuqan xildhibaanada qaabilay waftiga Madaxweynaha Ra'iisal Baarlamaanka Soomaaliya Md. Shariif Xassan iyo tiro yar oo ka mid golaha wakiilada. Waxaa daka Libya ku sugnaa labadii usbuuc ee la soo dhaafay wafti balaaran oo ka socda Dawladda Soomaaliya ayna hogaaminayeen Madaweynaha, Ra'iisal Wasaaraha iyo ku Xugeenadiisa, Wasiirada Arimaha Dibedda iyo Maaliyadda, iyo xubno kale oo ka tirsan labada Golle ee Dawladda oo kulamo gooni gooni ah la yeeshay Madaxda Jamaahiirta Carbeed ee Libya. Madaxda labada dal ayaa wadahadaladoodu ku salaysnaayeen iskaashi dhaqan-dhaqaale oo dhexmarta labada Ummadood, taageero dhaqaale iyo mid ciidan oo Libya ay u fidiso Soomaaliya, Xukuumadda Madaxweyne Gadaafi oo dawr firfircoon ka qaadata dib u heshiisiinta garbaha ku hardama siyaasadda Soomaaliya, iyo sidii wadamada ku midoobay Ururada Midawga Afrika iyo Jaamacadda Carabtu ay kaalin taam ah uga qaadan lahaayeen dib u dhiska Dawlad Soomaaliyeed iyo hirgelinta arkaanta bud-dhiga u ahaa shirkii dib u heshiisiinta ee dhalay dawladda iyo xukuumadda Soomaaliya. Wadamo Carbeed oo ay ugu horeeyaan Libya, Sudan, Yemen iyo Sucuudiga ayaa ballan qaaday in ay taageero dhaqaale iyo ciidanba u fidin doonaan dawladda Soomaaliya. Sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan waftiga dawladda Soomaaliya ee booqashada ku joogay Libya, waxaa lagu wadaa in wafti balaaran oo uu hogaaminayo Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayna weheliyaan ku Xigeenadiisa Xuseen Maxamed Caydiid iyo Salim Aliyow Ibrow ay ku soo fool leeyihiin Nairobi maalmaha soo socda. Sidoo kale wafti uu hogaaminao Wasiirka Arimaha Dibedda Md. Cabdullahi Sheekh Ismaaciil ayaa lagu wadaa in ay u kicitimi donaan dalka Talyaaniga halkaas oo ay kaga qaybgali doonaan aaska Wadaadkii Diinta Masiixiga ah, faraca Katoliga Pope John Paul oo dhawaan ku geeriyooday mandaqadda Vatican-ka. Aaska ayaa waxaa uu kulmin doonaa Madaxda Diinta iyo kuwa Siyaasadda ee wadamada Caalamka. Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa ka soo duulay Triopli, Libya oo ay booqasho hawleed ku joogeen muddo laba usbuuc ah. Waftiga ayaa ku soo hakaday magaalada Kampala ee dalka Ugandha halkaas oo la sheegay in ay wadahadlo kula yeesheen xubno ka tirsan xukuumadda Ugandha. Xigasho-AllPuntland Radiossc.com
  6. Saudi State Executed 6 Somalis Outside The Law A Typical Weekly Beheading In Saudi Arabia (Photo: Saudi Insitute) The Saudi Kingdom of Saudi Arabia brutally slaughtered like sheep six young Somali men without due process of law in the port city of Jeddah last Friday of April first 2005. The Interior ministry said that the Somalis were caught while in the process of robbery and piracy in which they wanted to seize a Taxi but the Saudi government had failed to produce any hard evidence in this regard or allow the young Somali men to have access to legal representation. It is not clear what legal procedures or justice system the Saudis had applied because in accordance with Islam, you cannot kill people without due process of law and you cannot certainly execute people on unproven and dubious grounds. In the cases of robbery etc, the death penalty does not apply on Islamic jurisprudence. So it will be interesting to know what justice systems the Saudi state had applied to finish off the young Somalis. Somalis at home and around the globe were saddened and dismayed by the cruel and heartless action taken by the Saudi state against 6 Somali men who were virtually refugees in Saudi Arabia. To conclude, the Saudi state must give believable explanations as to why they executed the 6 Somali youths without fair and open trial. Similarly, the Saudis must alter their aggressive and merciless policies against the Somali people who happen to be in their country for whatever reason otherwise relations between the two peoples and nations will be severely damaged. This does not mean that the law should be overlooked but the manner in which the Saudi police and the security apparatus behave and deal with foreigners is most barbaric, uncivilised and utterly inhumane to say the least. If I were the president of Somalia, I would have severed all relations with the Saudi government until they apologised and changed their bad treatments against the Somali people. The Saudis must understand the values of human dignity, the importance of God given life and the sacrosanct of God's justice. Hassan S. Shirwa
  7. The Saudi Executions: Un-Islamic and Extra-judicial Killing By Abdul Wahid Sheikh Osman Introduction It may seem quite disingenuous to some that so many Somalis have expressed sadness, outcry and anger regarding the recent Saudi executions. No foreign friend or foe has ever inflicted upon us as much misery and destruction as we, Somalis, brought upon ourselves. Therefore, if we, Somalis, are, indeed, serious about restoring our dignity and protecting our citizens and natural resources from the injustices and toxics of the foreigners, let us put our house in order and build a nation state that would safeguard our rights at home and abroad. This short comment is not intended to discuss the position or view of the western legal systems towards the punishment imposed on these six young men. Suffice to say that the methods by which these executions are carried out amount physical torture and are contrary to the Bill of Rights, Charter of Freedoms and other safeguards enumerated in the constitutions, statutes and laws of the Western countries. Instead, I will attempt to examine whether or not these punishments are reflective of the Islamic legal doctrines and injunctions. The Islamic Law and the Saudi Executions Since the majority of the provisions in the Saudi Penal Code are based on Islamic law, at least in theory, I would like to examine the Saudi actions under both the strict interpretations of the classic Islamic Law and in light of the expositions by the early Islamic Jurists. According to the statement by the Saudi Interior Ministry, the six Somali gangsters were convicted of “abducting and robbing taxi driversâ€. Thus, there were no allegations of murder in the statement. Now, based on the above facts, the only possible crime, under Islamic law, which these men can be charged with and which they might be found guilty of is the crime of Hirabah, a crime similar to the Highway Robbery. Linguistically (Arabic), the term Hirabah comes from the root Hariba, a verb that means to become angry and enraged. By derivation the noun harb (pl. hurub) means variously “war†and “enemy. In Islamic legal terminology, the term Hirabah is broadly defined as “spreading mischief in the land,†but its precise meaning is “killing by stealth and targeting a defenseless victim in a way intended to cause terror in society.†This crime , being one of the Hudud crimes, and its punishment is described in the holy Quran as Surah al-Maidah 5 verse 33-34 states “The punishment of those who wage war against Allah and His Messenger, and strive with might and main for mischief through the land is: execution, or crufication, or the cutting off the hands and feet from opposite sides, or exile from the land: that is their disgrace in this world, and a heavy punishment is theirs in the Hereafter. Except for those who repent before they fall into the power: In that case, know that Allah is Oft-Forgiving and Most Merciful†The Jurists from the four major schools of jurisprudence in the Sunni Islam have interpreted the punishment contained in the above verse as following: (A) A Jail time or discretionary punishment (Ta’zir) not leading to death penalty but might include exile will be imposed where Hirabah was committed without seizure of property or causing death. (B) First strike: With amputation of the right hand from the wrist and the left foot from the ankle where property was seized, but death was not caused. © In the event of a Second strike, that is where the Hirabah is committed for the second time, the offender will face the imputation of the left hand from the wrist and the right foot from ankle. (D)Where murder occurs in the course of committing Hirabah but no property was seized, the offender will face the death penalty. (E) The most severe punishment will be imposed where the offender commits murder and seizes property, in which case he will face death penalty and or including crucification. In the absence of any credible and fair sentencing guidelines, appeal process and competent legal defense in the Saudi justice system, the Saudi executions are, therefore, from Islamic law perspective, unusual, appallingly inhumane, cruelly disproportionate punishment to the crimes allegedly committed by these young men. I am not questioning the solemn duty of the Saudi government to protect its citizens and maintain law and order rather, my point is that even under the most strict Islamic law interpretations, the charges brought against these young men carry maximum punishment of amputation of their hands and legs and NOT executions. I wonder if the Saudi authorities would find the guts to impose the same punishment had the offenders were its own citizens or those of powerful foreign country, a sad fact that speaks volumes about the state of administration of justice in the Muslim world today! Abdul Wahid SheikhOsman is an Adjunct Professor at the Law School of the University of Minnesota and a regular contributor of Hiiraan Online. E-mail: Shei0038@umn.edu
  8. Somali Culture and Customs Somali Dress Men Men wear western pants or a flowing plaid ma'awis (kilt} western shirts, and shawls. On their heads they may wrap a colorful turban or wear a koofiyad (embroidered cap). Women Women usually wear one of the following dress: Direh, a long, billowing dress worn over petticoats. Coantino, a four-yard cloth tied over shoulder and draped around the waist. Toob, commonly worn throughout Africa Hijab, and head scarfs are very common Customs and Courtesies Greetings Somali warmly greet each other with handshakes, but shaking hands with the opposite sex is avoided. Common verbal greetings include: Assalam Alaikum (Peace be upon you) Nabad miyaa (is their peace). Subah wanaagsan (Good morning) Galab wanaagsan (Good afternoon) Habeeb wanaagsan (Good night) Gestures Somali use sweeping hand and arm gestures to dramatize speech. Many ideas are expressed through specific hand gestures: A swift twist of the open hand means "nothing" or "no". Snapping fingers may mean "long ago" or and "so on" A thumb under the chin indicates "fullness". It is impolite to point the sole of one's foot or shoe at another person. It is impolite to use the index finger to call somebody; that gesture is used for calling dogs. The American "thumbs up" is considered obscene. This material previously appeared in the Minnesota Department of Human Rights' newsletter,The Rights Stuff. DATING AND MARRIAGE Dating in the Western sense does not exist in Somalia. Young urban people often meet at universities or at work and persuade their parents to help them establish a courtship. Rural marriages are usually arranged. One-to-one dating is reserved for after the engagement party or after the marriage contract has been signed. The groom must give a bridal token to the bride's family. Traditional wedding festivities are spread over three nights of dancing and singing, and men and women celebrate separately on some of the nights. Somali customs
  9. SOMALIA: Saudi beheading of Somalis "grossly unfair" – Amnesty says 08 Apr 2005 09:46:07 GMT Source: IRIN NAIROBI, 8 April (IRIN) - The public execution of six Somali nationals in Saudi Arabia on Monday was a shocking abuse of human rights, according to Amnesty International (AI). "Six Somalis were suddenly executed in public on 4 April without being informed in advance that their five-year prison sentences, which they had served - and also been lashed - by May 2004, had apparently been changed later to death sentences by a secret procedure," Martin Hill, Horn of Africa researcher for AI, said on Thursday. Ali Sheikh Yusuf, Abdel-Fatar Ali Hassan, Abdullah Adam Abdullah, Hussein Haroon Mohamed, Abdul-Nur Mohamed Wali and Abdullah Hassan Abdu had been detained in a prison in Jeddah, Saudi Arabia's largest city, since their conviction for theft in May 1999. AI said that the trial of the men, said to be migrant workers from Somali capital Mogadishu, had been inconsistent with international standards on fairness. The six Somalis were unaware that they were at risk of death, according to AI, which said it had written to the Saudi minister of interior regarding the men's status, but had received no response. Decrying the secrecy surrounding the Saudi Arabian criminal justice system, the human-rights watchdog said that most defendants and their families were not informed of the charges against them, nor of the progress of legal proceedings. It further stated that defendants could be convicted solely on the basis of confessions obtained under duress, torture or deception. Trial proceedings took place behind closed doors, AI said, and those accused had no right to legal representation - while in the case of foreign nationals, inadequate or no access to consular assistance was allowed. AI put the total number of people executed in Saudi Arabia in the last four months at 51, almost two-thirds of which were foreign nationals. It called on Saudi Arabia's King Fahd to commute all outstanding death sentences, and to bring Saudi trial proceedings into line with international standards. According to the Somali press, human-rights groups in Mogadishu have also condemned the executions as illegal and contrary to both Islamic Shariah law and international law.
  10. Axmed Siciid Cige, BBC, Oo Guddoomiyaha KULMIYE Ka Waraystay Baadhitaan Booliisku Kusameeyay Xarunta Xisbiga Weriyaha BBC ee Somaliland u jooga, Axmed Siciid Cige ayaa waraystay Guddoomiyaha Xisbgia KULMIYE Axmed Maxamuud Siilaanyo, isaga oo ka waramaya ciidan badan booliiska ah oo soo weeraray xarunta xisbiga KULMIYE, ciidankaas oo uu horkacayay taliyaba booliisku. Waa kan waraysigii oo aan soo koobnay. [G. KULMIYE:] Galabta markii ay 5tii galabnimo ahayd ayaa Xogyaha Guud xisbiga oo ku shaqaynaya xafiiska ayaa ciidan booliis ahi u yimid iyaga oo aan waxba u sheegin waarana wadan ayay xafiiska baadheen ... xoghayuhu wuxuu noo sheegay wax alla waxay qaateen iyo wax kale inaanuu kala ogayn xoog bay ku galeen xoog bay ku baadheen dabeedna way iska tageen. Xoghayhu aniga oo guriga jooga ayuu igu soo wacay oo arrinta dhacday ee sheegay, waxaan ku idhi ogaysii gudidii fulinta [xisbiga] oo u yeedh xafiiskii aan imika isugu nimaadnee aniguna waan imanayaa ... Jidka waxaan kula kumay isagii [xoghayihii] dabadeedna booliis badan oo taliyaha qaybtu uu wato ayaa iskaaya soo dultaagay ... wuxuu yidhi waxaan doonaynaa inuu na raaco Xoghayaha Guud "Waxaan idhi xoghayaha guud idin raaci maayo, xafiiskayagii baan tagaynaa sharci daraana ku baadheen arrintaana aad iyo aad baan uga xunahay waanan ka dacwoonaynaa [Axmed Siciid Cige:] Taliyaha booliiska iyo wasiirka arrimaha gudaha oo aan la xidhiidhay hadda waxay ii sheegeen in idaacadii ay taallo xaruntiina isla mar ahaantaana ay waydiisteen madaxdiina oo ay idin ku soo wargeliyeen in laydin baadho? [G. KULMIYE:] Taasi waa war cusub oo aad adigu noo sheegtay weeye, wixii ay baadhayaan iyo xoog haday wax ku baadhayaan iyagay jirtaa, halkan reedhiyo yaalaa ma jiro sabab uu u yaalo oo aan ku qarinaynaana ma jirto [Axmed Siciid Cige:] Ma laydin soo ogaysiiyay laakiin, waaran ma la soo qaatay? [G. KULMIYE:] ... waaran lama soo qaadan, nalama soo ogaysiin, waa hadalkaagaa weeye, dabadeed waxaan idhi u tagi maayo Xoghaya Guud ee haddii taliyuhu doonayo isagu ha yimaado wuxuu naga rabo ha noo sheego ... haddii kale sharciga ha la raaco" [Axmed Siciid Cige:] Xoghayaha Guud miyaanuu u tagi karin booliiska maxaa ku jaban haddii loo yeedho? [G. KULMIYE:] Xoghayaha Guud dembi uu galay ma jiro oo lama odhan dembi baad gashay oo lagu haystaa, maxaa loogu yeedhayaa haddii la doonayo in wax la waydiiyo isaga ha loo yimaaddo isagaa Xoghayihii Guud ah waa protocol, xisbiguu ugu sareeyaa ha loo yimaado wixii la sheegayo ha la waydiiyo [Axmed Siciid Cige:] Idaacadan [Radio Horyaal] KULMIYE miyuu ku lug leeyahay, Axmed...? [G. KULMIYE:] ... dadka dibeda joogaa KULMIYE ayay u badan yihiin, idaacadan dad KULMIYE ah iyo dad kale, cid waliba way ku jirtaa, waa idaacad aan taageersanahay oo 100% aan taageerayno [Axmed Siciid Cige:] Markaa horyaal KULMIYE ayaa ka dambeeya sow maaha? [G. KULMIYE:] ... anaga ha nagula hadlin afkii UDUB Axmed Siciid Cigow. Haddii KULMIYE ka dambeeyana waa mid xalaal ah, laakiin anigu KULMIYE ayaa ka dambeeya iyo kama dambeeyo midna kumaan odhan, waan taageersanahay 100%, suboorkayagana way haysataa dadka dibeda oo dhamina way taageerayaan waa wax umada, dadka iyo dalka u adeegaya weeye umaddoo dhamina aad iyo aad bay u soo dhawaysay. Midna waan kuu sheegayaa idaacadaasi meesha ay ka furantahay, sharciga internationalka ah ee dunida u yaala ayuu ku fadhiyaa [aya waafaqsantahay]. Waxaan soo ogaaday dunida waa la rejistargareeyaa idaacadaha iyo mowjadaha ay ka hadlaan mida ay qoladaasi noo soo sheegtay waxa weeye inaan Radio Hargeisa kaa caalamka u yaala ka rejiistergaraysnayn ... [Axmed Siciid Cige:] Guddoomiye wakhtigan aan arkaayo ciidankii weli way joogaan oo way idinku wareegsanyihiin idinkuna shir baad ku jirtaan maxaa go'aana markaa ...? [G. KULMIYE:] Markaan shirkayaga dhamaysano ayaan wixii go'aana aanu gaadhaynaa booliiskuna wixii la soo faray ha sameeyeen? Source: Somaliland.org Jamhuuriya Online Printable version Email this to a friend -------------------------------------------------------------------------------- -------------------------------------------------------------------------------- Ra'yi / Opinions Somaliland Societies in Europe (SSE) Conference Launch 29/03/2005 - Caqli iyo shuurada waxgaradka ayaa lagu caanamaalaa. 29/03/2005 - MOHAMMED FARAH. YAABNAYE IDINKUNA MA YAABTEEN? 29/03/2005 - WARBIXIN CIBITAALKA BURCO KU SAABSAN 29/03/2005 - MADAXWEYNE DHAAR WAX KA WEYN OO LA RUMAYSTAA MA JIRTO 29/03/2005 - RADIO HORYAAL IYO SIDA DUNIDA LOOGA MAQLAYO 29/03/2005 - Cali Cabdilaahi Abaal dhaca Rayaale iyo Dareenka dadka reer Sanaag 29/03/2005 - Iimaan,Saleebaan Deg Deg Haloo Sameeyo Huda Foundation 29/03/2005 - Madaxweyne Talada Bir ku jar 29/03/2005 - Faysal Xaal Qaado 29/03/2005 - Liiskii Waxqaybsigii 1960 kii 29/03/2005 - 28.03.05.Moxamed Cali Ciise CABUDHINTA SAXAAFADA IYO CAR-JUUQDHEH MAXAA KA DANBAYN? 29/03/2005 - Ibrahim H.Abdi Dualeh Jamhuuriya Online Ed
  11. Does somaliland exist? More discussions!!!
  12. Maamulka Riyaale oo sheegay in ay mamnuuc tahay in Hargeysa ay ka hadasho idaacad aan taageersaneyn maamulkooda Hargeysa Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland Ismaaciil Aadan Cusmaan ayaa sheegay in maamulkoodu uu la dagaalami doono, cid kasta oo isku dayda in idaacad aan taageersaneyn maamulkaasi ay ka furaan degaanada Somaliland, wuxuuna sheegay in idaacad aan sharci aheyn oo taageerta xisbiga Kulmiye ee Axmed Siilaanyo maalmihii la soo dhaafay ay warar ka baahinaysay gudaha Hargeysa, ayna Booliska Somaliland ku guuleysteen in ay shalay gacan ku dhigaan qalabkaasi laga dhageysanayey mowjadda SW-ga ayna isticmaalayeen xisbiga Kulmiye. Wuxuu sheegay wasiirku in maamulkoodu idaacadda uu ka hortagay ay aheyd mid minjo xaabinaysay Qarannimada Somaliland sida uu hadalka u dhigay, isagoo xusay in warar ka dhan ah maamulkooda laga baahin jiray idaacaddaasi. Xisbiga Kulmiye ee uu hoggaamiyo Axmed Max’ed Max’ud (Siilaanyo) ayaa sheegay in ay ka xun yihiin waxyaabaha lagula kacay dhinacooda, waxeyna ku eedeeyeen maamulka Riyaale in uu mas’uul ka yahay hor istaagii ay ku sameeyeen idaacadda Horyaal ee ay isticmaali jireen xisbiga Kulmiye ee fariisinka ku leh deegaanada Somaliland
  13. Hogaamiye-kooxeedka wasiirka noqday Muuse Suudi Yalaxow oo talaadadii shir jaraa'id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa Cabdullaahi Yusuf iyo Cali Maxamed Geeddi kula taliyay in ay Muqdisho xarun ka dhigtaan. Muuse Suudi oo Hotelka Intercontinental kula hadlay saxaafada ayaa sheegay in lacag gaareysa Nus Milyan Doolarka Mareykanka ay bil kasta ku baxdo hogaamiye-kooxeedyada Soomaalida ee ku sugan magaalada Nairobi. Muuse Suudi oo wasiirka ganacsiga ka ah dowlada debed jooga ah ee Cabdullaahi iyo Geeddi ayaa sheegay in aaney cidina ku dhiiran karin in ay shaki geliyaan in ay Muqdisho caasimadii dalka tahay. Muuse Suudi ayaa sheegay in ay hogaamiye-kooxeedyada Muqdisho diyaar u yihiin in ay caasimada kusoo dhoweeyaan Cabdullaahi Yusuf, balse hadii uu Cabdullaahi diido in uu Muqdisho yimaado "aniguna nabadna ma rabo, khayrna ma rabo, ee hoog in uu dadka hoogaan rabaa" ayuu yiri Muuse Suudi. Muuse Suudi ayaa dhanka kale sheegay in markii Cabdullaahi la doortay uu is lahaa odaygu wuu ka daalay jabhadeyn, wuxuuna qaatumadiisa ku dhameysan doonaa si wanaagsan, balse waxaa jira qof siduu Muslim u ahaa qaatumadiisa gaalnimo ku dhameysta, waa sida uu Muuse Suudi hadalka u dhigaye. Hadalada kasoo yeeray Muuse Suudi ayaa qeyb ka ah ah kuwo ay beryahanba is dhaafsanayeen hogaamiye-kooxeedyada dowladnimada sheegtay ee ay Nairobi xarunta u tahay. Burtinle-Online editor@burtinle.com
  14. Halkee bey ku joogsana saa idaacad jabhad ka SNM(Kulmiye)?
  15. Xarunta Xisbiga KULMIYE oo Ciidan Xooggani Baadhis Ku Galalaafay Tuesday, 05 April 2005 Hargeysa, (Jam) Ciidanka aad u hubaysan oo ka tirsan Booliska Somaliland oo shalay Casarkii isku gedaamay xarunta dhexe ee Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ku leeyahay magaalada Hargeysa, ayaa Baadhis ku gelalafey dhamaan Xafiisyada xarunta Xisbiga oo ay ku galeen si xoog ah. Ciidanka oo ay Horkacayeen Taliyaha Hogaanka Haawlgelinta Ciidanka Booliska Somaliland, Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo Taliyaha Qaybta Booliska Hargeysa, Maxamed Jaamac, oo wetey ilaa Shan Baabuur oo ah Landcruiser-da dusha furan ee ay ku hawl galaan Cutubka gaarka ah ee loo Tababaray ka hortagga Argagaxisada (Special Profection Unit) ayaa 5:00 Galabnimo waxa ay si kedis ugu habsadeen Xararunta Xisbiga, halkaas oo si xoog ah ku galeen, isla markaana Badhis Balaadhan Fitir-faatir ugu qaaday xafiisyada kala duwan ee xisbigaas, iyaga oo aan haysan ogolaansho sharci ah oo ay ku galaan kuna baadhana Xaruntaas, oo wakhtigaas uu ku sugnaa Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE, Mr Daa'uud Maxamed Geelle. Ciidankaas oo aan sheegin sababta Baadhistood ayaa markii dhamasteen Baadhistii ay halkaa ka wadeen, waxay ay dib ugu laabteen Fadhiisinkii ay ka yimaadeen. Hase yeeshee, wax yar ka dib, ayaa ciidan intii hore ka tiro badan waxa ay ku soo rogaal celiyeen Xarunta Xisbiga ee hore uu baadheen oo ay gebi ahanba isku xeereen dhismaha Xaruntaas, oo ay markaa joogeen dhammaanba masuuliyiinta sarsare ee Xisbiga KULMIYE, oo qaylo dhaan loo diray ku yimi. Kuwaas oo ay ka mid ahaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilanayo iyo xubno ka tirsan gudida fulinta ee Xisbigaas oo kal aahaa Muuse Biixi Cabdi, Maxamed Kaahin Axmed, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Maxamed Cabdi Iskeerse, Cabdi Haybe, Dr Axmed Xaashi iyo xubno kale, ka dib waxa halkaa ka aloosmay xaalad cakiran oo dhalisay muran iyo is maandhaaf dhex maray masuuliyinta xisbiga KULMIYE iyo Saraakiishii HOggaaminaysay Ciidankaas, ka dib markii ay Taliyayaashii Ciidnaka hor kacayay ay sheegeen inay hawl galkoodani yahay amar ka sareeya una socdaan inay qabtaan Kumbuyuutarka kuwa dhabta la saarto ah (Lap-top) ee uu leeyahay Xoghaya guud ee Xisbiga KULMIYE Daa'uud Maxamed Geelle, isla markaana ay sheegeen inay doonayaan inay isaga iyo Kumbuyuutarkiisaba qaadaan. Balse waxa arrintaas si weyn uga cadhooday masuuliyiinta KULMIYE oo iyagu is hor taagay ciidankaas inay kaxeeyaan Xoghayaha guud iyo Kumbuyuutarkiisa. Saraakiisha ciidanka hor kacaysay wakhtigaas uma ay sheegin masuuliyiinta KULMIYE sababta iyo sharciga ah ay ku kaxaynayaan Xoghayaha iyo Kumbuyuutarkiisa. Hase yeeshee intii uu socday is mariwaaga labada dhinac waxa saraakiisha Booliska ka soo yeedhay inay aaminsanyihiin in Kumbuyuutarka yar ee Lap-top-ka ah ee Daa'uud Maxamed Geelle leeyahay halka ay ka hadasho Idaacadda Radio Horyaal, oo muddo laba todobaad ah maqaalkeedu hawada ku jiray oo ay xukuumaddu sheegtay in ay tahay idaacad sharci darro ah oo uu leeyahay Xisbiga KULMIYE oo si qarsoodiya uga hadashay Hargeysa gudaheeda. Waxaana halkaa ka caddaatay in sababta ciidanku u galalafay xarunta Xisbiga KULMIYE ay ahayd iyadoo laga baadhayay Idaacadda Horyaal. Muranka iyo buuqa halkaa ka dhashay wuxu sababay inay xarunta Xisbiga ku soo xoomaan dad tiro badan oo uu dareenkooda ka muuqday inay ka soo hor jeedaan falka uu ciidankaasi uu ku galalafay xarunta Xisbigaas oo ku dhawaaqayay erayo taageero u ah Xisbiga KULMIYE kuna cambaaraynayay falka ciidankaasi ku fuluyey xarunta Xisbigaasi kuna tilmaamay khal khal abuur la mida hab dhaqankii guracnaa ee nidaamkii kali taliska ahaa ee Siyaad Barre. Intii buuqa iyo muranku ka dhex oognaa xarunta Xisbiga KULMIYE waxa halkaa Ergo ahaan u yimi xubno ka tirsan oo uu ka mid yahay Guddoomiyaah Komishanka Qaranka iyo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare, oo isku dayay inay dhex dhexaadin ka galaan intaan xaaladu faraha ka bixin. Waxaanay qol kamid ah xarunta Xisbiga Kulmiye isugu keeneen Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye iyo saraakiisha ciidanka hor kacayay si miyir qab loogaga wada hadlo iyaga oo xubnaha Komishanku isku dayay inay ka dul qaadaan ciidanka ku dul xeeran xarunta, qolada Kulmiyana ay is dejiyaan, balse arrintaasi wax natiijo ah kamay gadhin xubnahaa ka socday Komishanku, iyada oo ay labada dhinacba ay ku adkaysteen halkii ay kala taagnaayeen. Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye oo Cadho ka muuqato ayaa waxa ay yidhaahdeen bal ha la waydiiyo sababta ciidanku uu weerarka ugu soo qaaday Xaruntooda. Taliyaha Hawlgalinta Ciidanka Booliska, Cabdillaahi Fadal Iimaan, oo isaga dareenkiisa uu ka muuqday deganasho ayaa waxa uu ydihi: "Arrinta aan idinka doonaynaa waa (Kumbuyuurtarka) lap-top-ka ah ee Daa'uud Maxamed Geelle, cid xoog lagaga qaadayo, cid la jiidayo iyo cid la xidhayaa ma jirto ee ma noo dhiibaysaan, mise waxaydun dhex ugu dhiibi xubnaha Komishanka". Ka dib rag ka mid ah masuuliyiinta xisbiga Kulmiye, ayaa iyaga oo hadalkaa aan kala sugayn jawaabahana kala boobayaa waxay si cad ugu shegeen saraakiishaa booliska inaanay sina u dhacayn inay qaadana Xoghayaha iyo Kumbuyuutarkiisa toona, Guddoomiyaah xisbiga Kulmiye, Axmed Siilaanyo, oo soo gunaaday mawqifka xisbigiisu ka taagan yahay arrintaas ayaa yidhi "Annaga oo askarta qiimaynayna Kumbuyuutarkana Lab-top ah aanu idiin dhiibaynaa ma jirto Komishankana u dhiibi mayno oo Sanduuq Doorasho maaha Lap-top-kani, idinkana diin dhiibi mayno. Labtop-kan annaga ayaa leh dariiq sharcia ah ilaa aad u martaana oo aad soo qaadataan Waaran Maxkamadeed oo sheegayaa waxa aad u doonaysaan mooyee majirto Lap-top aan qaadaysaan, maantana xafiiskayaga ayaad baadheen oo bilaa sharci ku gasheen, idinka oo bilaa Waaran ku baadhay oo aydaan waxba u reebin, arrintuna waa dacwad taagan oo rasmi ah, markaa in aad xoog ku qaadan iyo in aad sharci ku qaadan uun weeye labadubana way idiin furan yihiin". labadan xubnood ee Komishankuna waxay halkan u yimaadeen inay markhaati ka yihiin waxa dhacaya. Xoghayaha Xisbiga KULMIYE, Daa'uud Maxamed Geelle oo isagu goob joog ahaa markii Boolisku xooogga ku galay xarunta xisbigiisa ayaa isaga oo warbixin ka siinayaa wariyayaashii goobtaa joogay waxa uu sheegay in si lama filaan ah uu uga war helay Ciidamo Boolis ah oo ku wareegsan xarunta Xisbiga Kulmiye, isaga oo aarintaa faahfaahinayana waxa uu yidhi Xoghayuhu, "Galabta markii ay saacaddu ahayd 5:00-tii galabnimo ayaa aniga oo fadhiya Xafiiskayaga aan ogaaday in Ciidan Boolis ah oo hubaysani ay baadhayana qolal ka mid ah Xafiiska, dabadeed, waan soo baxay oo waxana ku idhi maxaa dhacay, ee aad u baadhaysaan xafiska xisbiga, ma haysaan Waaran Maxkamadeed oo baadhista idin oggolaanaya, Maya ayay yidhaahdeen Booliskii waxa ayna sii wadeen baadhistii oo meelkasta iyo qolkasta way baadheen, inay wax qaateen iyo in aanay qaadna ma garan karo, qasabna Ciidanku wuu ku soo galeen Xafiiska, tiradooduna way badnayn oo wax ay wateen saddex gadhi oo Toyota Lancuriser ah oo Ciidamo ka buuxaan." Xukuumada ayaa iyadu dhinaceeda ka gaabsatay inay hadasho falkaa ciidanka Boolisku shalay Casarkii ku habsaday xarunta Xisbiga Kulmiye, ciidankaas oo ilaa sagaalkii habeenimo ee xalay ku gadaana xaruntaas. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Ismaaciil Aadan Cismaan, oo Jamhuuriya xalay Filifoon kula xidhiidhay ayaa diiday inuu haba yaraatee waxa jawaab ah ka bixiyo falkaa ciidanka Boolisku ku qaaday xarunta Xisbiga Kulmiye. "Adeer, anigu hab yaraatee ka hadli maayo waxa jawaab ah oo aan idinka siinayaana ma jirto ilaa inta laga gaadhayo barito (Maanta), ee iyagu (Xisbiga Kulmiye), waxay idiin sheegeen soo qora". ayuu hadalkiisa ku soo af jaray Wasiirku. Masuulyiinta Xisbiga Kulmiye oo xalay u fadhiistay shir deg deg ah oo ay kaga arrinsanayaan talaabadaa ciidanku ku fuliyay xaruntooda ayaanu ka soo bixin wax wari, waxanaya sheegeen in shir Jaraa'id oo ay maanta qaban doonaan ay kaga warami doonaan go'aankooda ku sabasan arrinta. Waxaase ilaa xalay gaalaa baxayay ergooyin kala duwan oo kala socda, Komishanka Doorahsooyinka, Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada iyo Odayaal kale, kuwaas oo isku dayay inay xaalad dejiyaan, ergooyinkaas oo xisbiga Kulmiye u tegay ayaa waxay ka codsadeen inay caadifadooda dejiyaan oo aanay cadho ku go aan qaadan, sidoo kalena ergadu waxa la sheegay inay xidhiidh la sameeyeen dhinaca Xukuumadda.
  16. Maamulka Radio Horyaal oo Canbaareeyay Weerarkii Qaawana ee Boolisku Ku Qaaday Xarunta Dhex ee Xisbiga KULMIYE Tuesday, 05 April 2005 Maamulka Radio Horyaal wuxuu canbaaraynayaa weerarkii qaawana ee booliska Somaliland ku qaaday xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE. Waxaanu u aragnaa falkaa xadgudub aanu gayin shacbiga Somaliland iyo madaxdiisa sharafta lehi. Waa wax lago naxo oo aad u weydaarsan sharciyada dalka iyo anshaxa toosan ee dadka iyo dawladda gala haga. Foolxumadaa shalay (03.04.05) ka dhacday magaaladda Hargeysa iyo weerarka badheedhka ah ee xukuumadda Somaliland kula kacday xarunta xisbiga KULMIYE waa arrin aan loo dulqaadan karin. Waxaa wajaab ah in shacbiweynaha Somaliland, Golayaasha Somaliland iyo madaxda Asxaabta Mucaaradka ahi ay meel uga soo wadaa jeestan wax ka qabashada falkan yakh yakhsiga leh ee Dawladda Somaliland kula kacday asxaabta qaranka. Haddii aanu nahay maamulka Radio Horyaal waxa aanu si cad oo badheedh ah u cambaareynaynaa ficilada diktaatoriga ah ee xukuumadda madaxweyne Rayaale caadaysatay. Waxaanu hore u ogeysiinay shacab-weynaha Somaliland in idaacadda Radio Horyaal tahay idaacad xor ah oo aan u adeegin xisbi gaar ah ama shakhsi gaar ah, ee ay tahay idaacadd madax banaan oo ay maal geliyen qurba jooga Somaliland, kana dhalatay baahida wadankeenu u qabo idaacad madax banaan oo dalka oo dhan wada gaadha. Aqoon-xumada iyo jaahilnimada xukuumadda dalka ka talisa waxa kuu cadeynaysa sida aanay uga warqabin horumarka laga gaadhay teknoolijiyadda adduunka. Waxaan u sheegaynaa dawladda wax-ma garatada ah ee dalkayagii ka talisa maanta in idaacadda Horyaal aanay xarun ku lahayn gudaha dalka Somaliland ee ay fadhiisinkeedu yahay Qaaradda Yuurub. Ha ku daalina, shacbigana ha ku dhibina, in aad ka baadhaan Idaacad buulasha ku yaal xaafadda xero awr iyo islaamaha dawarsada goshooda. Sidoo kale, waxaanu u sheegaynaa xukuumadda Somaliland haddii aanu nahay maamulka Radio Horyaal in idaacadda Horyaal ay haysato sharciyadda caalimaga ah ee lagu maamulo idacaddaha. Waxa idaacadda Horyaal iyo mawjadda ay ka hadashaaba ka diiwan gashan yihiin xarunta caalimga ah ee diiwan-gelinta idaacadaha iyo mawjaddaha. Umana baahna in ay rusqad ka qaadato xukuumadda Somaliland. Laakin waxaan diyaar u nahay in aan xarun rasmi ah ka furano dalka gudihiisa marka ugu horeysa ee xukuumadda Somaliland laasho wareegtadda qayr dastuuriga ah ee ay ku mamnuucday idaacadaha madax banaan. Nasiib darro, halkii xukuumadda Somaliland dhiri gelin lahayd saxaafadda madaxa banaan iyo xoriyatul qawlka, waxa ay kula dhaqaaqday shaqaalihii idaacadda ee Somaliland joogay xabsi iyo cago jugleyn. Waati aynu ogeyn xadhigii ceebtii iyo waxyeeladdii sumcadda Somaliland kasoo gaadhay xadhiga labadaa weriye, Suleiman Dhuxul iyo Hoodo Axmed Qarbooshe, dawladdu kula kacday. Maantana xukuumadda Madaxweyne Rayaale waxa ay ku dhaqaaqday fal argagixiso oo ay ku weerartay xarun Xisbi Qarameed, taas oo waxba kama jiraan ka dhigtay hanaankii dimuqraadiyaded ee dalkeenu qaatay, sumcaddii Somaliland ee caalamkana dhaawac weyn u geysatay. Waxaan ugu baaqaynaa Golayaasha Wakiiladda iyo Guurtida Somaliland in ay talaabo sharciyeed oo adag ka qaadaan xukuumadda madaxweyne Rayaale iyo Wasiiradeeda baabi'naya sumacaddii wanaagsaneyd ee Somaliland. Af-Hayeenka Maamulka Horyaal Ahmed H Nur
  17. Madaxweyne ku Xigeenka Puntland Xasan Daahir Afqudhac Ayaa Maanta Meel Fagaare Ah Kala Hadlay Dadweynaha Laascaanood Warkii: Apr 05, 2005 Laascaanood(Radiossc.com):-Madaxweyne ku xigeenka DGSPL Xasan Daahir Afqudhac ayaa maanta meel fagaare ah kala hadlay dadweyne aad u tiri badan oo maalmahan dhawrayey kulankan. Kulankan oo ka dhacay barxad ka horeysa Xarunata dawlada Hoose ayaa waxaa ka soo qayb galay Waftigii uu hogaamiyano Madaxweyne ku xigeenku oo maalmahanba ku sugnaa magaalada Laascaanood,oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Aminaga Axmed Cabdi Xaabsade,Wasiirka Dawlada Hoose iyo Huromarinta Reer Miyiga Cali Cabdi Awaare,Wasiirka Madaxtooyada Max’ed Yuusuf Doonyaale, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka C.laahi Cali Xirsi (Tima-Cade) Wasiiro ku xigeeno iyo xubno ka tirsan golaha wakiilada. Waxaa kale oo kulankaasi ka soo qayb galay marka laga reebo waftiga maamulka Gobolka kan degmada Isimo Cuqaal, Golaha Guurtiga Ururada Bulshada iyo Dadweyne aad u tiri badan. Waxaana ugu horyan halkaasi ka hadlay oo hadalkii furay Gudoomiyaha Gobolka Max’ed Cawad Baruud sigoo ka war bixiyey baahida ka jira gobolka ee ay ugu horayso Cadawga dul fadhiya 15 bilood duleedka magaalada Laascaanood,waxuuna Gudoomiyahu ugu baaqay Madaxda sar sare ee Dawladu in ay arinkaas si dhaqso leh wax uga qabtaan. Waxaa kale oo munaasabadaas ka hadlay dad aad u tiri badan oo dhamaantood sheegay sida looga baahan yahay in ay dawladu wax ka qabato lana adkeeyo difaac laa saaro Ciidamada ka soo duulay Hargaysa Dhulka Puntland. Intaas kadib waxaa halkaasi ka hadlay wasiirka Arimaha Gudaha iyo Aminaaga Axmed Cabdi Xaabsade waxauuna sheegay in nabad galyada gudaha iyo tan xuduudaba ay laga maarmaan tahay in la sugo, iyada oo dadweynuhu qayb libaaxle ka qaadanayaan. Ugu danbayntii waxa kulankaasi khudbad ka soo jeediyey dhinacyo badan taabanaysay Madaxweyne ku xigeenka DGSPL Mudane Xasan Daahir Afqudhac, wuxuuna madaxweyne ku xigeenku ka war bixiyey socdaalkan ay ku joogaan haatan Gobolka, wuxuuna sheegay in ay ugu muhiimsanayd in ay u kuur galaan xaalada jiida hore, oo safarkoodani maadaama uu yahay kii ugu horeeyey ee ay ku yimaaadeen gobolka doorashooyinkii ka dib loo baahan yahay in lala socdo xaalada dhabta ah. Waxa kale oo uu sheegay in ay safarkoodani saldhig u ahayd sidii maamul tayo leh looga samayn lahaa gobolka , doorashooyinka deegaanka loo qaban lahaa , guud ahaan Puntland Gaar ahaana Gobolka Sool, waxa kale oo uu madaxweynuhe ku xigeenku sheegay in ay hay’adaha caalamiga ah kala hadleen sidii gobolka Sool xidhiidh toos ah ay ula yeelan lahaayeen, maadaama muddo dheer lagu lunsanayey taakulaynta hay’aduhu u fidiyaan gobolka Sool Magaalada Hargeysa oo ay dadka ku dhaqan Burco iyo Hargeysa Ku horumarsadeen dhulkooda hantidii Gobolka Sool. Waxaanu madaxweyne ku xigeenku Xasan Daahir Afqudhac sheegay in loo soo jeestay sidii Puntland oo xilliyadii ugu danbeeyey ku hawlanayd dhinaca dib u dhiska Soomaaliya uu hada maamulka cusubi u soo jeestay sidii Puntland wax looga qaban lahaa. Faa’isa Cabdi Dhalac Radiossc.com Laascaanood Puntland Somalia
  18. 6 Somali thieves beheaded in Saudi [World News] RIYADH, Saudi Arabia, April 4 : Saudi authorities beheaded six Somali nationals Monday for stealing cars and resorting to threats and intimidation in robbing people. An Interior Ministry statement said the executions, approved by an Islamic court in line with Islamic law, took place in the early morning in the western port city of Jeddah. The six were convicted of kidnapping taxi drivers and using knives and daggers to rob them and steal their cars. Monday's executions brought to 36 the number of people put to death so far this year. Routinely sentenced to death are convicted murderers, rapists, repeat drug offenders and Muslims who renounce their religion. Last year, Saudi Arabia executed 35 people, while 52 were beheaded by the state during 2003. - -- Copyright 2005 by United Press International.
  19. Those who oppose and resist the participation of the frontline troops in peacekeeping justify their case as the natural enemies of Somalia being given a pretext to indirectly invade Somalia's sovereignty. I wonder why they could not block any chances of inviting foreign troops to the country by solving the problems even if it takes to fighting the aggressive party (Qital al Fiatal Baghiya). Why would Muuse Suudi deploying foreign troops in lawless Mogadishu? There are some who talk about JIHAD (holy war) against the infidels who come to the country. If they were well armed to this extent then they should not let us suffer for fifteen years in this misery and agony, instead defend us against the unleashed born to kill hooligans. Why would Mogadishu clerics, who are calling for jihad, didn’t the people of Mogadishu for the last decade and half? Those who advocate for and welcome the peacekeeping force from front line neighbouring countries have different agenda overlapped with the apparently noble cause of peace and prosperity in the country. What makes so important deploying troops from frontline states particularly Ethiopia The victim and the loser is always the feeble and helpless, unarmed innocents who are deprived of freedom and the least and basic humanitarian rights. Truly, ultimately the victim is ordinary people of Somalia
  20. Radio Laascaanood: Soomaaliya Waa Wadan Aan U Baahnayn In La Kala Gooyo!!!
  21. THE TRUTH ABOUT SOMALIA Mahmud Jibril Sunday, April 03 2005 EVERYONE, so far, seems to be lurking down or swaying from the truth; yet till we declare the inevitable, we are set to be bound nowhere in finding a solution to our own problems. Like an ostrich, we dug our heads in the ground, we feign to be hidden. The crisis in homeland is not the most complex; nevertheless, it is one of the worst problems involving moral wretchedness stemming from total bereavement from the least of materialistic principles. There are two methods with which humanity functions on earth, ideally in spiritual guidance and barely on man-made principle, the latter is called secularism, rules and regulations, which reflect on a metamorphosed phase of the former. Do not kill, rob, cheat, and lie, are some of the common features about which there is unanimous agreement, originally derived from heavenly revelation, among the whole of mankind on earth, except the few odd individuals who commit it. When the above mentioned is analysed within the context of the current situation in the politics of our beloved land, the notorious trouble makers enjoy neither spiritual guidance nor a materialistic principle of self conscience and common sense; there is a lot which can unreservedly be suggested, but mere suggestions and proposals avail naught in a land where: 1- The Gun rules 2- Freedom came in chaos 3- Tribalism is above the law of Allah. To unravel the conundrum that is puzzling the nation, there are many negative factors both psychologically and ideologically, which is aggravating the situation. In my opinion, of all those politicians and tribal leaders who amassed ammunition and born to kill militia, in order to influence the reconciliation process, there is none who is patriotic. What is going on in our country is an analogy of the fairy tale of the fox and the crocodile: Ah! Crocodile, you do not enjoy a tongue; and you fox, Alas! You miss the beauty of the riverside! That was when a fox borrowed the tongue of a crocodile to shrill aloud in a wedding party and never returned it! The newly appointed government is looking for the strategic riverside to establish its seat, there is overwhelming lack of confidence towards the plan of the new government, like extinct dinosaurs, the whole infrastructure of the country is being reduced to rubbles and debris; death, diseases, and draught took its toll on the living humans and animals! The truth is now made clear that everyone of all leaders is viewing the country's resources as booty (Ghanima), out of which one should secure a share for himself, his family, his closest of kin, and his clan. Even when there is the federal distribution of the resources, there will be definitely a fund from donor countries like the Arab league, already pledges mentioned, EU, UN and US. Those who oppose and resist the participation of the frontline troops in peacekeeping justify their case as the natural enemies of Somalia being given a pretext to indirectly invade Somalia's sovereignty. I wonder why they could not block any chances of inviting foreign troops to the country by solving the problems even if it takes to fighting the aggressive party (Qital al Fiatal Baghiya). There are some who talk about JIHAD (holy war) against the infidels who come to the country. If they were well armed to this extent then they should not let us suffer for fifteen years in this misery and agony, instead defend us against the unleashed born to kill hooligans. Does not the Quran give us an injunction to form a peacekeeping force among ourselves? Why not form a strong army of mixed members from every clan who adhere to the verses in the Quran about the peace keeping force to save us from the years of killing, torture, robbery, rape and displacement? Those who advocate for and welcome the peacekeeping force from front line neighbouring countries have different agenda overlapped with the apparently noble cause of peace and prosperity in the country. They do not mind the country falling into an abyss of indirect foreign dominion, as long as they realise their dreams to rule the country and exploit as much of the booty, even though that comes with the share of interests with a disguised bitter foe of the country. Amongst the two parties, there are some who are either deceived or apprehended to campaign for either cases, but the truth lies in the very intention of the orchestrating leaders, their real interests and end target. The dilemma is evidently demonstrated in the need for a peaceful and everlasting solution, the obnoxious and daunting covert intent of frontline countries seeking a pretext to undermine the sovereignty of Somalia; the parasites that later reflexed their muscles in the regions from which they removed the former regime by force, building their wealth on the skeletons of the indigenous dissidents thereof who oppose any disruption and interruption of their routine nourishment on the blood of their victims, due to peaceful reconciliation; and finally those who are willing to displace the former. The victim and the loser is always the feeble and helpless, unarmed innocents who are deprived of freedom and the least and basic humanitarian rights. Former regime fled, the country is being thoroughly destroyed, human beings died, victimised, our identity as Somalis has been scornfully despised, our frontiers became transparent and no man’s land, a dustbin for the nuclear toxic waste in our waters, intrusion of foreign troops into our soil, yet the inner conscience of all leaders is not yet resuscitated. Some feel helpless in contributing to peaceful Somalia, with their good intention; I adamantly believe that something positive can be done. To all those who are serious in peace, I am quite sure that every Somali leader happens in anyway or another your grand father, father, uncle, friend, why not kindly advice first or boycott him alternatively! Even the fifth dimension relativity would work well in this case, if you are not any of the above mentioned, then there is someone who knows someone else, who knows someone else, who knows some who is related to a leader, please pass him my advice to remind them of Allah, the day of judgment and death which hid their predecessors, friends and foes under the earth. Who and where are you going to rule if you have exterminated both? Mahmud Jibril
  22. DHAQAALIHII UGU BADNAA OO DHOWAAN KU SOO DHACAYA GACANTA MAS’UULIYIINTA DOWLADDA Ra’iisul Wasaare Geedi oo arrintaas ugu soo haraya Liibiya iyo C/llaahi Yuusuf oo ku soo beegan Nairobi Axad, April 03, 2005 (HOL) @06:06GMT: Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay mas’uuliyiinteeda dhowaan soo gaari doonaan dhaqaalihii ugu badnaa ee ay ka helaan Beesha Caalamka.Madaxweynaha Dowladda federaalka iyo Ra’iisul Wasaarihiisa oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Tripoli ee dalka Liibiya ayay wararku sheegayaan in ay hoggaamiyaha dalkaas ay ka heleen kaalmo lacageed oo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in ay gaareyso 7 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah. Ra’iisul Wasaare Geedi ayay wararku sheegayaan in soo qaaditaanka lacagtaas uu ugu soo hari doono magaalada Tripoli, isagoo ay wehliyaan wasiirro ka tirsan Xukuumaddiisa oo uu ku jiro kan Maaliyadda Md. Saalim Caliyow Ibrow, iyadoo C/llaahi Yuusuf-na la soo sheegayo in uu maanta ku sii jeedo magaalada Nairobi, haddiiba aanu xalay gelinkii dambe gaarin. Dhinaca kalena, wararka ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in dhaqaale gaaraya 27 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah ay bishan gudaheeda dowladda Federaalka ka soo gaari doonto dalalka Carabta oo shir madaxeedkoodii ugu dambeeyay ku ballanqaaday in dhaqaale la siiyo dowladda cusub ee Soomaaliya. Guud ahaan dhaqaalahan ayaa noqonaya mid wax ka taraya dib u soo guuritaanka Dowladda Federaalka, walow uu halkan ka jiro mad madow u dhaxeeya Xubnaha Dowladda, taasoo laga yaabo in sida loo maamulayo dhaqaalahaas uu noqdo mid sii huriya khilaafka haatan u dhaxeeya, iyadoo ay jiraan guddiyo iska soo horjeeda oo ka soo wada baxay Dowladda Federaalka, si ay u nabadeeyaan ma Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  23. President Abdulaahi Yusuf is not the only client of Ethiopia; in fact all so-called Somali politicians are all puppets for Mele Zanawi of Ethiopia. The president of self- declared Somaliland Daahir Riyaale said in interview "It's good. We have no better friend than Ethiopia; they always treat us as brothers, as young brothers. They help us better than any other country in the area." However, Yusuf might be Ethiopia’s preferred client in Somali politics.
  24. Wafdi uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenka PL oo soo Gaaray Laascaanood. {Laascaanood} 2 April 2005 wafdi uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa saacdo ka hor soo gaaray magaalada Laascaanood waxaana la filayaa In gelinka dambe ay la kulmaan....... Waxaa Saakay soo gaaray Magaalada Laascaanood wafdi uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir Afqurac oo ay wehliyeen Wasiiro iyo xildhibaano. Wasiirada wahliyey madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa kamid ahaa wasiirka Dowladaha hoose iyo Reer Miyiga Cali cabdi Awaare wasiirka Arrimaha gudaha Axmed cabdi Xaabsade wasiiru dowlaha Madaxtooyada Doonyaale, Xildhibaano iyo qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Booliiska. Wafdiga ayaa si toos ah waxaa ay u abareen Guri ku yaala Duleedka Magaalada oo loo diyaariyey waxaana la filaya in Saacadaha soo socda ay kulan la yeeshaan maamulka Gobalka, Saraakiisha Ciidamada, Isimada iyo waxgaradka deeganka sida ay ii xaqiiijiyeen qaar kamid ah xubnaha wafdiga, warar hoose ayaa ayaguna sheegaya in Wafdiga madaxweyne ku xigeenka ay booqan doonan jidda hore inta ay ku suganyihiin gobalka Sool Ujeedada Socdaalka wafdiga ayaa lagu sheegay u kuur gelid habsami u socodka howlaha Gobalka Sool waxaana la filaya inay Maalmo joogi doonan Magaalada laascaanood madaxweyne ku xigeenka ayaa asagu guddomiye u ah guddi dhowaan loo magacabay arrimaha Gobalka Sool haalka qar kamid ah guddigaasi ay la socdaan. Dadweyne aad fara badan iyo gadiid ayaa ka qayb qaatay Maanta soo dhoweynta Madaxweyne ku xigeenka iyo wafdigiisa waxaana ay uga hortagayn meel 50 KM u jirta Magaalada laascaanood wadada aadda Garowe. Soo dhoweynta wafdiga ayaa Maalmahanba waxaa ay ka socotay Magaalada Laascaanood inkasto ay inta badan baqashooyin la soo gudboonanaysa. Nuux Muuse Birjeeb Widhwidh Online Xafiiska Laascaanood.