Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumada Kenya oo soo saartay digniin tii ugu cusleyd abid kadib markii la helay…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xukuumada Kenya ayaa sheegtay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay wadaan qorshooyin ay ku dooneyso inay weerar uga geystaan gudaha dalka.

Maleeshiyaadka ayaa la sheegay in weeraradaasi ay la damacsan yihiin goobo muhiim ah, sidaa aawgeed Hay’adaha amaanka laga doonaayo inay ka feejignaadan.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Kenya ayaa waxaa Hay’adaha amaanka lagu faray inay ka feejignaadan weerarada ka imaankara al-Shabaab.

Qoraalka Wasaarada ayaa waxaa lagu muujiyey in al-Shabaab maalmaha soo socda ay weeraro badan ka geysan doonaan qeybo ka mid ah  Kenya

Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in loo soo gudbiyey Warabixintaasi ka digaysa weerarada ay al-Shabaab ku lug leeyihiin ee ka dhici doona dalkaasi.

Waxaa warbixinta lagu xusay in al-Shabaab qorsheynayaan sidii ay Miinooyinka dhulka lagu aaso ugu  gudbin lahaayen gudaha Kenya inta lagu guda jiro xilliga Bisha Ramadaan ee soo socota.

Digniinaha kasoo baxaaya Kenya ayaa muujineysa in maleeshiyaadka al-Shabaab ay maleegayaan weeraro taariikhi ah, lamid ah weerarkii Westget.

Geesta kale, digniintaan ayaa imaaneysa xili ay Shabaabka weeraro xoogan aysan waayadan ka geysan gudaha Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this