Sign in to follow this  
Qodax Qorax

Somaliland Wadani Songs

Recommended Posts

caku iyo cantarabaqash badanaa..... calan aan cidi aqoonsaneyn maxaa carabka loola taagayaa oo cunaha la isu xanuujinayaa..... Calankeygu waa buluug oo waa cirkoo kale oo caalamkoo dhan baa ictiraafsan oo cadow iyo dad cuqdadi ka buuxdaa wax qaadi kari maayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

GaroweGal;761408 wrote:
..... Calankeygu waa buluug oo waa cirkoo kale oo caalamkoo dhan baa ictiraafsan oo cadow iyo dad cuqdadi ka buuxdaa wax qaadi kari maayaan.

Horaa loo yidhi

 

"Calanyahow calanbaad noqon u ciidansha dadkiisa

ama calal baad noqon calaladuun la mida"

 

Marhaduuna calanku u ciidamin (caawin) dadkiisa ku, hoos badbaadin cadaalad iyo barwaaqo gaadhsiin calan maaha. UN taa aqoonsan ma lagu gaadhayaa faaiido, Calanka bullukiga ahi marna muu noqon mid xaqsoor wada siiya umada somaliyeed ee u wada sacaninaysay 1960 sababtaas ayuu maanta qaybo somalida ka mida uu u yahay calal la mida maryaha la xidho, xushmad iyo ixtiraamna ayna u haynin.

 

Warkoo kooban adigu Calalkaaga Buluuga ah sido aniguna kaygaan u heesayaa u ciyaarayaa ilayn isagaan Nabad iyo cadaalad ku helay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wiil Cusub.... Horay baa loo yiri " Doqon iyo doc ka yeerba daankaa lagu dhuftaa" Marka adigu xaalkaagu waa halkaa oo kuu jawaabi maayo. Calankaadan aan cidi aqoonsaneyn calalkaad xirantahay baa kaaga fiican ee aan kuu caqli celiyo caaq yahoow ku caasiyay ciidiisa iyo calankiisa. waxaan kaloo ku leeyahay ilaahay cudurka iyo cuqdada hakaa caafiyo. Hadii uu maanta noolaan lahaa Abwaankii weynaa ee Somaaliyeed allahu raxmadee Cabdullaahi suldaan Tima Cade oo aan filayo inuu ka soo jeedo gobollada waqooyi galbeed ee maanta la magac baxay Sland oo lagu xasuusto gabaygii caanka ahaa ee" sareeyoow manusqaamee aan siduu yahay eegnee kana siib kana saar" adiga iyo kuwa kula midka ah ee soomaali naceybku dilooday oo sinjigooda diidan waa uu ii idin karbaashi lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

GaroweGal;761543 wrote:
Wiil Cusub.... Horay baa loo yiri "
Doqon iyo doc ka yeerba daankaa lagu dhuftaa
" Marka adigu xaalkaagu waa halkaa oo kuu jawaabi maayo. Calankaadan aan cidi aqoonsaneyn calalkaad xirantahay baa kaaga fiican ee aan kuu caqli celiyo
caaq yahoo
w ku caasiyay ciidiisa iyo calankiisa. waxaan kaloo ku leeyahay ilaahay
cudurka iyo cuqdada
hakaa caafiyo. Hadii uu maanta noolaan lahaa Abwaankii weynaa ee Somaaliyeed allahu raxmadee Cabdullaahi suldaan Tima Cade oo aan filayo inuu ka soo jeedo gobollada waqooyi galbeed ee maanta la magac baxay Sland oo lagu xasuusto gabaygii caanka ahaa ee" sareeyoow manusqaamee aan siduu yahay eegnee kana siib kana saar" adiga iyo kuwa kula midka ah ee soomaali naceybku dilooday oo
sinjigooda diidan
waa uu ii
idin karbaashi
lahaa.

Abaayo Maxaan ku mutaystay intaas oo dhan oo shaqsi abaar iyo aflagaado ah ma waxa la iga raacay inaan soo dhajiyo ereyo ka soo yeedhay isla abwaankaad soo xiganaysid Alle ha u naxariistee markuu dareemay xaqdarada muqdisho taala iyo sida umadu ugu hungoowday midnimadii.

Hadaad kala fahmaysid farqiga u dhexeeya Somalia iyo soomali ereyadaada qaarkood dib baad ula noqonlahayd. Ma anigaa sinji iyo somalidiida mise kuwa 20 sano dagaalamaya kuwa u soo kiraystay cadawga xabashida dadkooga kuwa badaha iibiya si sun loogu shubo marna kaluumaysato shisheeye ka kireeya marka kaluunka la xaalufiyana biiraad noqda??!!!! Ma anigaa qaldaana mise kuwa waxaas ku kaca?

Barasho wanaagsan ereyadan waxa sheegay isla Tima Cadaha aad soo xiganaysid 1962 kii:

 

"Calanyahow calanbaad noqon u ciidansha dadkiisa

ama calal baad noqon calaladuun la mida"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this