Duufaan

Shaqaalaha Hawada Soomaaliya Oo Qeybtii 1aad La Keenay Muqdisho

Recommended Posts

Duufaan   

Shaqaalaha Hawada Soomaaliya Oo Qeybtii 1aad La Keenay Muqdisho

 

In ka badan 25 sano oo ay ku howlgalayeen Shaqaaalaha maamula Hawada Soomaaliya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waxaa qeybtii ugu horeysay oo ka kooban 34 ruux maanta ay ku soo noqdeen dalkooda, si ay uga howlgalaan xarunta ugu weyn maamulka hawada Soomaaliya oo ay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ay ka hirgalisay dowladda Federaalka.

Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, ayaa waxa ku soo dhoweeyay Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Soomaaliya oo uu wehliyo wasiirka ku xigeenka wasaaradaasi iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi i Salaad (Oomaar), ayaa sheegay in soo noqoshada shaqaalaha maamulka Hawada ay marqaati ka tahay inay Soomaaliya dib ula soo wareegtay maamulka Hawadeeda.

Wasiirka, ayaa intaas kadib waxa uu uu xariga ka jaraya hoyga shaqaalaha maamulka hawada Soomaaliya, waxaana uu ku dhiira galiyey bilowga howshooda.

Jaamac Axmed Muuse Ku simaha Maareeyaha Hey’adda duulista iyo sadaasha Hawada iyo Cabdi Aadan Xasan oo ka mid ah shaqaalaha maanta sida tooska ugu soo wareegay Muqdisho ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin hawada Qaranka inay dib uga maamulaan gudaha dalka,muddo ka yar bilna ay ku howl bilaabayaan.

In ka badan 25 sano oo Hawada Soomaaliya laga maamulayay Magaalada Nairobo ee dalka Kenya Soomaaliya waxay ku naaloonaysaa dib ula soo wareegista maamulka Hawadeeda oo qeyb weyn ka ah ilaalinta xoriyadda iyo madax banaadida dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

This kind of news makes some people unhappy. Only Somalis together can help their country to be better. It was hard for those who involved with all the backstepping. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Even small steps going forward will be useful here. This project will give the government 20 -50 million dollar revenue each year. Selling fishing licenses will give another 20 - 50 million a year.  they can also collect 200 - 300 millions from local taxes. Then, you have a government with a  streaming domestic budget and you can fight better for the foreign influence that obstacle for the progress

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.