Sign in to follow this  
Abwaan

Qiimaynta Shabakadaha Soomaalida

Recommended Posts

Abwaan   

Shabakadaha badan oo Soomaaliyeed ayaa markii dhinacyo badan laga fiiriyo laga helayaa ceebo fara badan oo ay ka mid yihiin: magacyadooda, nuxurka warbixinta iyo wararka ay soo qoraan, tayada luuqada ay adeegsadaan, tusaale ahaan Af-soomaaligooda oo aad u liita iyo weliba tan ugu daran iyagoo ka fog caddaaladda aanan ahayn dhexdhexaad.

 

Haddaba si caddaaladi ku jirto kuwee baan is dhihi karnaa haddii aan nahay bahda SOL waxay mutaysan karaan ammaan iyo in la xuso wanaagooda?

 

Anigu waxaan is iri aminarts iyo ceegaag.com oo aan bartay dhowaan ayaa lagu tilmaami karaa kuwo xiiso leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shabakooyinka Soomaaliyeed maanta xaadirka ah la joogo oo la rumeysan karo wararkooda, oo macquulnimo kistoo ku jirto, lana ixtiraamo -- shabakooyinkaas saas uma badno. Waa fara ku tiris. Waxaana kamid ah, oo aan hadda xasuustaa:

 

Somalitalk.com

Hiiraan.com

Markacadeey.com

 

Waxaa kistoo yaab ah shabakooyinkaas sadexda ah see u dhanyihiinba Kanada ayaa laga maamulaa, siiba gobolka Ontario.

 

Sida kale saa sheegtay waaye, kuwa Afsoomaaligii ayeeba ku dheel dheeleen, dhulkana ku mal malaaseen, oo aanan la aqrin karin waxee isku deeyaan inay qoraan. Siiba waxaaba ugu daran kuwa idaacadaha leh oo meeshii laga rabay inay horumarka Afsoomaaliga ugu horseedaan iyagii sii liitiye afka. Kuwa saasna qoraallada Afsoomaaliga ugu dheelay, waxaana kamid ah Shabeelle iyo Soomaliweyn. Kuwa u qoro uma eka dad waligood BTJX iskool u fariistay oo soo dhigtay, iskaba dhaaf inay warbaahinta micnaheeda fahmeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mushkilad jirta ayaa ka dhawaajisay, lakin sideedaba ma ognahay in aad saxaafad dad ku wajahan aad samaysatid ay u baahantahay inaad khibrad u leedahay majaalkaas, aysan aheen sheekada inaad web, journal ama idaacad aad samaysato, wixii aad rabtane aad ka sheegtid.

 

Tani waa dhibaatoyinka naheesto mid ka mid ah, mida kale wax kontroolid ah oo lagu sameeyo arintaan maba jirto.

 

Waxaa kaloo jira in webyada qaar ay english aad u qariban ay ku qoraan taasoo wararkaas meelo kaloo aduunka ka mid ahi ay ka qaataan warkii oo sidiisii u qoran oo aad la yaabaysid.

 

Waxaan aaminsanahay hadii la helo khibrad iyo cadaalad ku aadan soo gudbinta akhbaarta, horumar waa lagaari karaa, lakiin hadii web walba uu qabiil magaciisa ku hadlo ama akhbaartiisa laga dhadhansado, jidkii horumarka kuma taagnin.

 

Mahadsanidiin

SomaliDoc

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Waxay aniga ila tahay saddexda shabakadood ee uu Miskiin tilmaamay, Hiiraan, Somalitalk iyo Markacadeey inay yihiin kuwo wanaagsan. Waxaan sidoo kale ku dari lahaa Garoweonline iyo Soomaalinews.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Somalitalk waxa 2000kii in ay ahayd baan u wadaa mamnuuceen in ay Soomaali mooyee wax kala wax ku qorin, markaa waa shabakada keliya ee aan arkey oo qoraalada oo dhan ku qora Soomaali.

 

Anigu waxaan u qiimayn lahaa sidan

 

Somalitalk.com

hiiraan.com

Garoweonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

^Agreed. Not the best but pretty balanced and objective venue for partisan of all walks of Somalia's political persuasions. Big time heavy hitters lokc horns there.

 

Next time folks need to add highly regarded nomad mouthpiece newspapers such as Waxa La Yirri and Waa Siday Tahay in the mix. When the two go double team tackle they cover the whole nine yard :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this