Sign in to follow this  
Sharmakee

Tallest man in da world Somali

Recommended Posts

Ninka aduunka ugu dheer ayaa lagusoo waramay in uu noqondoono nin Soomaali ah oo 27jir ah oo lagu magcaabo Xuseen Bisad.

 

Dhererka xuseen waa 7ft 9in (2.40792 mitir), taas oo uu inyar kadheeryahay ninka hadda dhererka aduunka haysta oo u dhashay dalka Tunisia oo lagu magcaabo Radhouane Charbib, dhererkiisuna uu yahay 7ft 8in.

 

Waxaa wararku muujiyeen in Xuseen Bisad uu hadda yahay ninka ugu dheer Soomaalida, laakiin si uu u qaato cinwaanka ninka ugu dheer dunida, looguna daro buuga looyaqaan Guinness Book Records ee lagu qoro waxyaabaha mucjisooyinka ah, waa in khubaro cabirka kuxeeldheer arintaas cadeeyaan, waxaana lasheegay in bisha soo socota markale lacabiri doono.

 

Waxaa lagusoo waramay in Xuseen uu sheegay in weli uu dherer ku darsamayo, taas oo ay dhakhaatiirtu walaac kamuujiyeen in hadii dhereku sii socdo ay u keeni doonto dhibaato caafimaad, taas oo lagula taliyey in uu dhakhaatiirta latashado.

 

Xuseen Bisad waxa uu hadda kunoolyahay dalka Ingiriiska, gaar ahaan woqooyiga magaalada London, xaafadda Neasden [eeg sawirka dhanka bidix], halkaas oo qaxootinimo kutegey bishii September, markaas oo uu kasoo kicitimay magaalada Qardho ee Soomaaliya, kadib markii ruuga ay katoogteen tuugo. Markaas oo uu gaari nooca looyaqaan Lorry u raacay dalka Itoobiya, kadibna halkaas diyaarad lagaga so qaaday, markaas oo laba kursi ay shaqaalihii diyaaradaasi u qoondeeyeen.

 

Sida ay ku warantay jariidada "The Times UK" waxaa hadda Xuseen loo ogolaaday in uu si rasmi ah u joogikaro dalka Ingiriiska.

 

Xuseen hadda shaqa mahaysto, laakiin waxaa taageera qaraabadiisa kunool dalka Ingiriiska, waxaana lasheegay in dhererka sariirta uu kuseexdaa ay tahay 9ft [2.743 mitir], kabaha uu xirto waxaa lagusoo sameeyaa dalka Thailand qiimohooduna waa £600, cabirka kabahaasina waa 26 .

 

Waxaa lasheegay in qoyskiisu aysan sidaas uwada dheerayn, xataa waxaa jirta gabar mataantiisa ah oo lagu magcaabo Khadra oo dhererkeedu yahay 5ft 5in [1.67 mitir], miisan ahaana aad ayey uga yar tahay miisaanka Xuseen oo ah 33 stone [209.75 Kg].

 

Sida ay ku warantahay jariidada "the SUN' caddadkeedii maanta (feb 19), gabar lagu magcaabo Sarah oo u dhalatay dalka ingiriiska ayaa markii ay qoraalka ninkaas ka aragtay jariidada aad u xiisaysay in ay la kulanto. sidaad daraadeed ayaa jariidadu Xuseen iyo Sarah u qabanqaabisay kulan dhexmara, taas ay ku kulmeen magaalada London. [sawirka dhanka midig ka eeg Xuseen iyo Sarah oo dhexda ia haysta].

 

Sarah oo 32 jir ah waxa ay sheegtay in ay jeceshahay ragga dhaaddheer, taas oo xuseen uu halkaas kasoo dhalaalalay.

 

Sarah waxa ay jariidada 'the SUN UK' u sheegaty in "maadaama uu xuseen iyada siiyey Ubax, ilsa mar ahaantaana ay ahayd gabdhii u horeysey ee katirsan ururka dadka dhaadheer ee Ingiriiska, ay gabdha badan oo urukaas ka tirsani kamasayri doonaan arintaas".

 

Waxaana wargeysku intaas kudaray haddaa xiriirkooda jacayl ee Xuseen iyo Sarah uu horamar yeesho, waxay noqondoonaan qoyska ee ugu dheer dalka Ingiriiska, waa sida wargeysku u dhigaye.

 

Waxaa wararku sheegeen in xuseen uu ahaa ninka Soomaaliya ugu dheer ilaa sannadkii 1999 markaas oo uu dhererkiisu gaarey 7ft 7in, intii kadambeyseyna uu aad u dheeraaday.

 

Cuntada uu cuno waxaa lasheegay in ay kamid tahay 5lb [2.27 kg] oo baasto ah, waa cuntada dhexe ee maalintii.

 

Ninkii weligiis dunida ugu dheeraa, inta diiwaan gashan, waxaa lagu magcaabi jirey Robert Wadlow oo u dhashay dalka Maraykanka, waxaana dhererkiisu ahaa 8ft 11ins [2.47 mitir], ninkaasi waxa uu dhintay sanadkii 1940.

 

NBA players would probably be no match for this gians smile.gifsmile.gif

 

link....http://www.somalitalk.com/tallman/

Share this post


Link to post
Share on other sites

i bet you he doesn't even maybe now how to

shoot a ball giving his advantage

 

 

Xuseen Bisad [photo: bbc UK]

--------------------------------------------------------------------------------

Da': 27 jir

Dherer: 2.40792 mitir

Miisaan: 209.75 Kg

Kabaha: size 26, qiime £600

Deggan: London, UK

Kayimid: Qardho, Soomaaliya

Hussain [7ft 9ins] iyo Sarah, [6ft 8ins] oo kukulmay London

sawirka: the SUN Newspaper

--------------------------------------------------------------------------------

"After reading in The Sun yesterday about 7ft 9ins Hussain Bisad, 6ft 8ins Sarah Fowler was just longing to see him.

So we arranged a summit conference between her and 33st Hussain — and it soon looked like love was in the air." The SUN

Hussain oo lataagan nin kamida dadka dhaadheer ee Ingiriiska oo lagumagcaabo

sawirka: the SUN Newspaper

Xuseen, nin dadka dhaadheer ah iyo nin dadka gaagaaban ah

sawirka: the SUN Newspaper

 

Xuseen oo lataagaan laba carruur ah

sawirka: the TIMES UK

--------------------------------------------------------------------------------

"Being so tall is hungry work. A main meal consists of about 5lb of pasta. If peckish, he snacks on half a loaf, two tins of baked beans and three tins of tuna. He has to drink three gallons of water a day to avoid dehydration." The Times UK

NINKA ADDUUNKA OO UGU DHEER OO NOQDAY SOOMAALI -

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this