Sign in to follow this  
djibsomali

Gabar ka timid Muqdisho oo Dahabkeeda ugu deeqday Awdal road

Recommended Posts

Borama(Saylac.com/xogta online)-Ardayda Jaamacada Camuud ayaa saaka xaflad u sameeyeen gabar Soomaaliyeed oo ka timid Muqdisho taasoo dhawaan deeq balaadhan u fidisay Hay’ad Dhismaha Waddooyinka Awdal iyo Salel ASARDA.

 

Gabadhaan oo lagu magacaabo Canab ayaa Dahabkeedii u bixisay Hay’ada ASARDA si ay ugu dhisto wadada Camuud ilaa Dilla ee maalmahaan deeqaha loo aruurinayay.

 

Ardayda Jaamacada Camuud oo isku noqday ayaa go’aansaday inay xaflad u dhigaan Gabadhaan iyo Inan isagana Muqdisho ka yimid oo la yiraahdo Aweys oo deeqo balaaran ugu deeqay hay’ada ASARDA.

 

Xafladaan waxaa lasoo qeyb galay madaxda Hay’ada ASARDA gaar ahaan Guddoomiye Prof. Xasan Cali Cismaan iyo K/xigeenkiisa Xaaji Cabdiqaadir Aadan Nuur.

 

Canab oo ka hadashay xaflada ayaa tiri “Aad maanta ugu faraxsanahay hadey walaalaheey Ardayda ah xafladaan ii sameeyeen, runtiina aniga qiiro wadanimo ayaa I qaaday dhulkeyga ayaan jooga Borama waa dhulkeyga ilama ahan inaan dhul shisheeye joogo, waxaana iga go’an inaan Hanti iyo Muruqeygaba ugu deeqo hay’ada ASARDA, gacanteyda ayaan ciida iyo laamiga ku dhigayaa wadada ay sameynayaan waana igu balan”.

 

Sidoo kale, Guddoomiyaha Hay’ada ASARDA Prof. Xasan Cali Cismaan iyo K/xigeenkiisa Cabdiqaadir Aadan Nuur ayaa u mahadceliyay Canab, waxeyna u rajeeyeen guul iyo inay noqoto mid dalkeeda iyo dadkeeda iyo diinteedaba mustaqbalka dhow anfaca.

 

Arintaan ayaa aad ugu riyaaqeen shacabka Borama, waxaana is weydiin mudan qiirada gabadhaan ka timid Muqdisho muujisay waxa ay u muujin waayeen kuwa ku dhashay gobolada Awdal iyo Salel.

 

http://www.youtube.com/watch?v=SttB7w92T1M

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this