Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir oo kulan la qaatay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr David Concar.

Guddoomiyuhu wuxuu qeexay arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa cusub. Dhankiisa, Mr. Concar wuxuu soo dhoweeyay inuu guddoomiyuhu diiradda saarayo maamul wanaagga iyo dimuqraadiyaynta. Labada mas’uul waxay isku afgarteen muhimadda uu leeyahay amniga, canshuuraha, iyo in xal waara loo helo dadka barakacayaasha ee jooga magaalada Muqdisho.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay arrimaha sida gaarka ah diiradda looga saaray kulanka inay kamid tahay horumarinta Caasimadda iyo in loo helo waddooyin, maadaama kuwii hore bur-bur xoogan soo gaaray , nadaafadda, la dagaalanka saboolnimada iyo dadka barakacayaasha ah in loo sameeyo isbitaallo yar-yar iyo goobo waxbarasho. Sidoo kale waxaa kulanka la iskula soo qaaday arrimaha dhulalka, gaar ahaan goobaha danta guud ee ay dagan yihiin dadka danyarta ah in fursad la siiyo ka hor inta aan laga saarin.

Labada mas’uul waxay mar kale xaqiijiyeen wadashaqeynta xoogga leh ee ka dhexeysa Safaaradda Ingiriiska iyo Maamulka Gobolka Benaadir iyo inay ka go’antahay inay si intaa ka dhow u wadashaqeeyaan.

unnamed1-1.jpg?resize=1000%2C750 unnamed2-1.jpg?resize=1000%2C750

DHAMAAD

Puntland Post

The post Guddoomiyaha gobolka Benaadir oo kulan la qaatay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this