Sign in to follow this  
Showqi

Kee baa Waalan??

Recommended Posts

Showqi   

Nin ayaa u yimid Dhakhtar, markaasu weeydiistay in uu caawiyo xaaskiisa oo xanuunsan. Dhakhtarkii ayaa ku yidhi "Xaaskaaga xagee baa laga hayaa". Ninkii ayaa ku jawaabay "Waxaan u maleeynayaa in ay waalantahay". Dhakhtarkii ayaa weeydiiyey "Sideed ku ogaatay inay xaaskaagu waalantahay?" Ninkii ayaa yidhi "Waxay doonaysaa inay soo iibsato neef adhi ah" Dhakhtarkii oo yaaban ayaa yidhi "oo maxaa ku jaban haddey soo iibsato".

 

Ninkii aad ayuu uga xanaaqay hadalka Dhakhtarka. Wuxuuna u qaatay in Dhakhtarku ku cariiksanayo(Ku jees jeesteeynaayo). Markaasu yidhi "Waxay doonaysaa inay neefka adhiga ah ku xanaanayso qolka jiifka :mad: " Dhakhtarkii ayaa isna yidhi "iska dhaaf ha ku xanaanaysee". Ninkii ayaa yidhi hawada qolka ayaa xumaanaysa :mad: " Dhakhtarkii ayaa yidhi "Daaqadaha iska fur". Ninkii ayaa ugu jawaabay, hadaan daaqadaha furo waxaan ka baqanayaa in uu Xamaamku iga baxsado (Qooleeyda iga fakato).

 

Dhakhtarkii ayaa yidhi "Xageey ka imanayaan Xamaamka aad sheegaysaa?" Ninkii ayaa yidhi "Sariirta hoosteeda ayay ku jiraan, oo aan in muddo ahba ku barbaarinayay :D "! Dhakhtarkii ayaa yidhi hadaba labadiina kee baa waalan :confused: ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this