Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaarada Deegaanka Puntland oo biyo-xireenkii 2aad ka dhisaysa G.Karkaar

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxda Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Dowladda Puntland oo uu wehliyo maamulka Gobolka Karkaar,Gudoomiyaha Degmada Rako raaxo, Cuqaal, iyo Waxgarad kala duwan ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay  Biyo-xireen cusub oo laga dhisayo Togga  Dabqax oo ku yaala deegaanka Uur-jire ee Degmada Rako Raaxo.

Dhagax dhiga biyoxireenkan cusub ka hor waxay waftigu soo indha indheeyeen xaalada deegaanada u dhexeeya Degmada Qardho iyo Degmada Rako Raaxo gaar ahaana xaalada Deegaanku ku sugan yahay iyagoo soo dhawayn balaaran kala kulmay qaybabaha kala duwan ee bulshada.

Eng, Abdiweli Yuusuf Adan oo ah Injineerka Wasaarada Deegaanka ayaa sheegay Dhismaha biyo xireenka Dabqax uu ka mid yahay qorshaha Wasaarada Deegaanku ay ugu jirto latacaalida saamaynta  isbedelka cimilada oo ay kamid tahay Biyo-yaridu, wuxuuna sheegay Injineerku in biyo xireenkan loogu talagalay inay ka faa’iidaystaan in kabadan 2,000 oo qoys oo ku nool deegaanka laga dhisayo iyo deegaanada kale oo u dhow.

Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Karkaar,Cuqaasha,Waxgaradka Deegaanka iyo Maamulka Degmada Rako-Raaxo ee Gobolka Karkaar ayaa si wayn usoo dhaweeyey in biyo-xireenkii labaad oo Wasaaradda Deegaanka Puntland ka dhiseyso Gobolka,waxayna sheegeen inay ilaashan doonaan islamarkaasna ay rajaynayaan inay si wayn uga faa’iidaystaan.

Wasiir kuxigeenka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL Mudane, Maxamuud Ciise Maxamed (Maareeye) oo gabagabadii dhagax dhiga biyoxireenka Dabqax ka hadlay ayaa sheegey inuu yahay biyo xireenkani nooc casri ah islamarkaasna la rajaynayo inuu kaydiyo  in ka badan toban Milyan litir oo biyo ah taas oo uu sheegey inay wax ka badali doonto nolosha dadka,xoolaha iyo duurjoogtaba.

Wuxuuna kula dardaarmay Dadweynaha deegaanka inay ka fogaadaanwaxkasta oo waxyeeli kara dhismaha biyoxireenka.

1-10.jpg?resize=1000%2C6672-10.jpg?resize=1000%2C6673-9.jpg?resize=1000%2C6674-9.jpg?resize=1000%2C6675-4.jpg?resize=1000%2C6676-4.jpg?resize=1000%2C6677-2.jpg?resize=1000%2C6678-1.jpg?resize=1000%2C6679-1.jpg?resize=1000%2C66710-1.jpg?resize=1000%2C66711.jpg?resize=1000%2C66712.jpg?resize=1000%2C66713.jpg?resize=1000%2C66714.jpg?resize=1000%2C66715.jpg?resize=1000%2C66716.jpg?resize=1000%2C66717.jpg?resize=1000%2C667Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Wasaarada Deegaanka Puntland oo biyo-xireenkii 2aad ka dhisaysa G.Karkaar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this