Sign in to follow this  
Deeq A.

General Caanood oo ku faanay dhabar jab xoogan oo ay u geysteen maleeshiyada al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo ah Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa ka hadlay howlgal ay ciidamada xoogga dalka ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe.

General Caanood ayaa sheegay in howlgalada socda ay ku dileen Saddex ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, halka qaarna la dhaawacay.

General Caanood ayaa sheegay in howlgaladani ay qeyb ka yihiin gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab oo la doonayo in guud ahaan looga saaro dalka.

Saraakiisha dowladda ee gobalka Shabellaha Dhaxe ayaa maalmahaan la soo dhaafay kordhiyay howlgalada waxayna Al-Shabaab kala wareegayn deegaano badan.

Geesta kale, Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal khasaaraha kasoio gaaray dagaalladii ka dhacay duleedka deegaana Basra.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this