Sign in to follow this  
Deeq A.

Xarunta The City Center Youth oo dood cilmiyeed ku qabatey Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Dood cilmiyeed ku saabsan dhiirigalinta dhalinyaradda iyo sidey ku gaari lahaayeen yoolkooda ayaa lagu qabtey galabta magaalada Garowe, waxaana soo qabanqaabisay xarunta The City Center Youth oo loo soo gaabiyay xarunta dhalinyaradda iyo wax akhriska.

Waxaa kasoo qeybgalay doodaan oo socotey muddo ku dhaw shan saacadood Aqoonyahano,Dhalinyaro iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Garowe.

Gudoomiyaha xarunta The City Center Youth Cabdisalaan Faarax Cali (Karood) oo ka waramay ujeedada dood cilmiyeedka ayaa sheegay inay u baahan tahay dhalinyaraddu goobo loogu talagalay inay ku falanqeeyaan baahidooda.

Dr Cabdiraxmaan Sulub oo ka mid ahaa aqoonyahanadii ka qeybgalay dooda ayaa ku booriyay dhalinyaradda inay isu diyaariyaan sidii ay ugu diyaargaroobi lahaayeen ka qeybqaadashada hanaanka kordhinta tacliinta iyo hogaaminta dalka.

Dr Sulub ayaa ku dhaliilay hogaamiyaashii dalka soo marey inaysan uga tagin dhalinyaradda wax mustaqbal ah sidaas darteed loo baahan yahay dhalinyaro iminka abuurta mustaqbalka kuwa ka dambeeya.

Dood cilmiyeedkan waxaa soo xaadirey qiyaastii dhalinyaro kor u dhaafeysa 100 qof oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayay dhalinyaradu su,aalo ku weydiiyeen  tirada ku dhawaad 8 Aqoonyahan oo intooda badan haysta shahaadada PHD.

IMG_0003-1.jpg?resize=778%2C518IMG_0007.jpg?resize=778%2C518IMG_0014.jpg?resize=778%2C518IMG_0016.jpg?resize=778%2C518IMG_0017.jpg?resize=778%2C518IMG_0018.jpg?resize=778%2C518IMG_0020.jpg?resize=778%2C518IMG_0028-1.jpg?resize=778%2C518IMG_0030.jpg?resize=778%2C518IMG_0038.jpg?resize=778%2C518IMG_0040.jpg?resize=778%2C518IMG_0043.jpg?resize=778%2C518IMG_0046.jpg?resize=778%2C518IMG_0048.jpg?resize=778%2C518IMG_0049.jpg?resize=778%2C518IMG_0050.jpg?resize=778%2C518IMG_0052-1.jpg?resize=778%2C518IMG_0055-1.jpg?resize=778%2C518IMG_0058.jpg?resize=778%2C518IMG_0069.jpg?resize=778%2C518IMG_0072.jpg?resize=778%2C518IMG_0073.jpg?resize=778%2C518IMG_0076.jpg?resize=778%2C518IMG_0082.jpg?resize=778%2C518IMG_0084.jpg?resize=778%2C518IMG_0085.jpg?resize=778%2C518IMG_0086.jpg?resize=778%2C518IMG_0087.jpg?resize=778%2C518IMG_0090.jpg?resize=778%2C518IMG_0094-1.jpg?resize=778%2C518IMG_0098.jpg?resize=778%2C518IMG_0101-1.jpg?resize=778%2C518IMG_0103.jpg?resize=778%2C518IMG_0107.jpg?resize=778%2C518IMG_0108.jpg?resize=778%2C518IMG_0114.jpg?resize=778%2C518IMG_0117.jpg?resize=778%2C5181G1A0588.jpg?resize=1000%2C5631G1A0597.jpg?resize=1000%2C667Ciid Qaran

PUNTLAND POST

The post Xarunta The City Center Youth oo dood cilmiyeed ku qabatey Garowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this