Sign in to follow this  
Deeq A.

Gobolka Nugaal oo yeeshay xeer ilaaliye cusub.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqay Cabdulqaadir Axmed Cumar (Gurdux) inuu ku guulaystey jagada xeer ilaaliyaha Gobolka Nugaal ka dib markii uu ka guulaystey labo imtixaan oo ay ku tartameen lix qof.

Xeer ilaaliye Gurdux ayaa bedelaya xeer ilaaliyihii horre ee Gobolka Nugaal Dheeraad oo muddo dheer soo hayay xilkaan.

Dikreeto kasoo baxday xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Puntland Maxamuud Xasan Awcismaan ayaa lagu sheegay inay ka dambeysay arrintan ka dib markii uu ogeysiiyay Gudoomiyaha Maxkamadda sarre inay banaan tahay jagada xeer ilaalinta Gobolka Nugaal.

Xeer ilaaliyaha cusub ee Gobolka Nugaal ayaa ka mid ahaa ardeydii ka aflaxday Jaamacadda PSU qeybta sharciga.

Akhriso Dikreetadda.

23433093_1744779999149239_2092132612_o1.Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Gobolka Nugaal oo yeeshay xeer ilaaliye cusub. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this