Sign in to follow this  
Deeq A.

AL-shabaab oo Qaraxyo u adeegsan doona Gaadiidka AMISOM iyo howlihii Xalane ka socday oo istaagay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Mudoo 4 Maaliin Wax Dhismo ah Kama Socdaan Garoonka Aadan Cadde iyo Fariisinta ugu Weyn AMISOM ee Xalane, sababtu waxay tahay baqdin laga qabo in Al-shabaab ay Gaadiid ay AMISOM ka qabsadeen ku weeraraan Garoonka iyo Xalane.

Laba Gaari ayaa laga qaatay AMISOM waxaana ay ku dhaceen Gacanta Al-shabaab, waxaana aad looga baqanayaa iney Shabaab Qaraxyo usoo Adeegsadaan oo Xarumaha UN-ka lagu Weeraro.

Saraakiil dhanka Ammaanka Garoonka iyo xarunta Xalane ah ayaa sheegay in Al-shabaab ay sidoo kale diyaariyeen 15 qof oo ka mid ah Shaqaalaha sida aan Joogtada aan aheyn uga Shaqeeya Dhismooyinka Xalane oo Qaraxyada kadib Weeraro Toos ah fulin doona.

In ka badan 700 oo Shaqaale ah ayaa Shaqadii laga Joojiyay Cabsidaas Dateed, Gawaaridii Waaweynaa ee Dhismooyinka ka shaqeynayayna waa la Hakiyay.

Banaanka Garoonka oo Kaliya ayaa laga Dareemayaa Arintan oo Gudaha Garoonka Xaalkeeda waa Caadi.

AMISOM, UN iyo Dowladda Federal-ka ah ayaa qaba feejignaan Amni middii ugu xoogganeyd maaddaama ay AMISOM gaadiidka laga dhacay sababi karaan in si kedis ah ay ugu gudbaan gudaha Garoonka ama Xarunta Xalane, halkaas oo shabaabku ay qaraxyo iyo weerarro Toos ah ku fulin karaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this