Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Gaas oo Garoowe yimi Shirk Jaraa’id-na kaga hadlay Arimo ay kamidtahay Muranka Dekeda (HALKAAN KADAAWO)

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe kadib safar qaatay toban cisho oo ay ku tageen magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Gaas ayaa shir saxaafadeed uu ku qabtay xarunta Madaxtooyada kaga waramay safarkiisa Muqdisho iyo waxyaabo la xariira muranka dekedda Boosaaso.

Gaas ayaa ugu horayn tilmaamay in shirkii Muqdisho ay kasoo baxeen qodobo wax ku ool ah oo taageeraya nidaamka Federaaliisimka, isu soo dhaweynta umadda Soomaaliyeed, is-afgaradka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday tacaddi dhowaan loogu gasytey magaalada Boosaaso gabar da’yar, ayaa sheegay in qofkii falkaas ka dambeeyay sharciga la hor-keeni doono danbeeyey shakhsigii falkaas ka dambeeyay, wuxuuna mahadcelin u jeediyay maamulka Jubbaland oo magaalada Kismaayo ku qabtay Dambiilaha oo kamid ah ciidamada Puntland.

Ugu dambayn Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa wax laga weydiiyay hakadkii ku yimid dhaq-dhaqaaqa ganacsiga dekedda Boosaaso, wuxuuna ku jawaabay, “Arrinta kale ee muhiimka ah waxaa weeye Dekedda, dekeddu waa hormar, qofkii ka horyimaadana waxaana u haysanaa inay tahay cid dan gaar ah leh.”

Wuxuu intaas ku daray in dowladdu diyaar u tahay inay kala hadasho ganacsatada wixii tabasho ah ee ay qabaan.

Hadalkan ayaa yimid xilli dekedu ku shaqaynayo heshiis toban cisho ku salaysan oo loogu talo galay inaan lagu joojin shaqooyinkii ka socday kadib markii ganacsatadu sheegeen in lagusoo kordhiyay lacago dheeraad ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this