Sign in to follow this  
Che -Guevara

Another Military Base in Somali Territory

Recommended Posts

galbeedi   

At this stage Somalia should never allow any base. I would have given the Turks exception if they went through the Somali parliament. Since we are venerable of the foreign army from the neighboring countries, we need the Turks as our allies. Every nation needs an ally and someone to watch their bank. We got the Turks.

 

Baahida nin baa jira kula daydayaayo dalna ka badane, aanse doonayn inaad hesho dayin abidkaaye.

 

We should not equate everyone. The narrative that very county have an interest could be true in some countries, but so far Turkey has given and given to Somalia. Even their so called base looks like a real asset for the country if they transfer to us in the future. Compare to " Xalane compound were they built container houses and hotel like facilities . As I remember Xalane used to be a good military base with all necessary logistics. In the middle of eighties when I finished high school, 6000 thousand of us the graduates (both boys and girls)spend the three month of the national service. there. In the afternoon we used to walk to watch the big waves from the Indian ocean and enjoy the fresh air. Guys, we need back our Xalane and all the beautiful land surrounding the base.

 

On another note, the news from Mogadishu is not good these days. The prime minister was forced to the drawing board again after certain tribes rejected his cabinet choices . Also, the " Hoobiye" shells that hit near Villa-Somalia two weeks ago was fired by former " Unaka" guards of Villa-Somalia who were replaced by a contingent of soldiers from Gedo and Dayniile. On February alone the targeted killing of innocent people reached over 30.

 

 

 

I hope the new leadership understands that they do not need to waste time, They need to move as soon as possible both on security and famine.

 

 

 

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

somaalida arimo badan yaa isaga qasan, rajo alle lagama quusto laakiin cilmigooda iyo caqligoodu ma wada shaqayn karaan waana cudur xun.

 

Nadaamka dawladnimada soomaaliya burburkii ka dib waa fowdo iyo qabbali ama qabiilaysi, aan kala dambayn iyo ismaqal lahayn,bisha arooska wixii ka dambeeyana waa reerka ha la'ii biilo.

 

wasiirada intaan aqoontooda iyo wadaniyadooda la helin waa in qabiilkooda la helaa marka hore,qabiilo badanoo la iloobayna Tv waa laga baran.

 

askariga illaalinaya madaxda waa inay isku reer noqdaan taasi wax khalada kuma jiro waayo nadaamkoo dhan yaa sidaa ku dhisan dastuurka firqadiisa koowaad, qodobka koowaad yay ku qoran tahay.

 

Aragtidayda dawladnimo soomaaliya waxaa ugu dhaw milatari aan cidina ka hor imaan karin ama islaamiyiin kitaabka ilaahay si saxa u haysta.

 

hees iyo reerkeena wasiirka xanaanada xoolaha kuma filna iyo xamar dadkii usoo halgamay xaquuqdoodii aaway,qaranimo weligeed keeni mayso,taas hoosta ha laga wada xariiqo

 

tan ugu dambaysa dambaysa dawladaan haday puntland taageerto ma shaqaynayso,waa inay mucaarad noqdaan si qiyaasta dawladnimadu isugu dheeli tiranto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadyowga Soomaaliyeed badankood wacyi iyo hab-fikir ma laha. Waana dhuuni raac inta badan waliba kuwa madaxda isku sheegayo. Turkiga military base sida ujeedadooda u sheegeyn: in ay 10,000 oo Xooga dalka ah Soomaaliya u tabobaran bay doonayaan si dowlada Soomaaliyeed ay u hanato amniga dalkeeda. Saldhigyada sida kan Xalane oo aan dhawr jeer gudihiisa galay waa barta Soomaaliya laga qaso. Maxaa yeelay in ka badan tobaneeyo xafiis shisheeyey oo kale ujeedo duwan baa dagan. Waxaa sida oo kale lagu xantaa markii uu xafiis dhanka dowlada heshiisyo fiican ka helo kan kale in uu soo badiyo dhanka kale kooxda gafuurada duubta. Marka Soomaali danteeda ma taqaano ee waxa laga dhaxlo aan aragno.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Gooni, Askariga illaalinaya dhib uma arko, xaalada hadda lagu jiro ayaa keenaysa maadaama Al-shabaab iyo cid aan la garanayn ku soo dhuuman karto, haddana dadka muujiyey shaqo wanaag iyo askarimo wanaagsan waa in la tix geliyaa.

 

Tan aad leedahay waa in Puntland ay mucaarad noqoto uma malaynayo reer Puntland Hogaankoodu in uu wakhtigan mucaaradnimo ku degdegayo. Sida Xigmadu ku jirto wakhti ayey siinayaan uu isku muujiyo wax qabadkiisa.

 

Anigu waxa aan ka mid ahay dadka rumaysan waxa la yidhaahdo " xaalada degdega"(emergency situations). Taas oo qasbaysa in aad u hawl gesho siddii qof musiibo ku dhacday ama ku soo socoto. Todobaadks soo socda dhamaadkiisa dawlada waxa u dhamaanaya 50 maalmood. Boqolkii maalmod ee laga cabir qaadanayey kala badh weeye, welina tallaabo muuqata oo aan is leeyahay waxay sansaan u tahay waxa soo socda ma arkayo.

 

Habase ahaatee bal aynu eegno waxa soo socda iyo isbedelka imaan doona.

 

Arrinta Bayska Turkiga sida Ducaale sheegay haddii ay tahay in wax lagu tababaro waa wax fiican. Tan iyo 2009 ciidamo Soomaaliyeed ayaa lagu tababarayey wadamada deriska iyo gudaha dalka labadaba hase ahaatee weli ma haybo ciidan qaran. Kuwa imika aynu aragnayna kuwa edeb iyo nidaam garanaya uma eeka.

 

Qaranka Soomaaliyeed ama dawlada hadda jirta ama tii ka horaysay haddii aysan awoodi karin in ay mushaarka 10,000 oo askari oo amaanka ummadda suga bixin karin, xaq uma laha in ay dawladnimo sheegato. Weli miyaad maqasheen ayadoo la leeyahay Soomaaliland mushaar askar ama police lama bixin?, waa maya.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Ducaale waad ku mahadsantahay macluumaadkaas si un nooga dadbanaa

 

Galbeedi

soomaaliyoo dhan rag baa masruufta ama ciidan ha ahaado ama madax sare ha ahaado,ama ururka hooyooyinka ha ahaado

 

isku filaasho waxaa gaara dad is raba garanaya qiimaha dal leeyahay,kii gartana waxaa lahu gowracaa qabiilkuu kasoo jeedo

 

50 maalmood iyo 500 malmood waxba soo kordhin mayso hadaan lawada shaqayn,wadanku waa wada isbaaro.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aniga mid baan ogahay hore ayaa loo yiri far kaliya fool ma dhaqdo. ninki farmaajo boqol maalmood in wax ku qabto ka sugaayo waa rajo aad u liidato. sida walaalkey Gooni sheegay wadankaan dad baa masruufta ilaa iyo inta nin walba oo labo casho xil soo qabta iyadoo lala xisaabtamin uu dalka ku dhex damaashadayo wali guuli ma dhawa. Hore baa nin looga haaya " Markay belo dhacdo baa ilmahayga beer ku quraacdan" ragaas oo badan baa Muqdisho dhooban oo reer walba oo Soomaaliyeed ka soo jeedo magacooda waxaa la yiraa " Danley group". Bal eeg siday uga soo dhax muuqdan Xukuumada farmaajo min wasiir ilaa agaasime waaxeed bay taaganyihin. Waxaan rajeynayaa in Farmaajo foojignan doono inshallah.

 

Galbeed walaal taas waa la wada ogyahay Xerada turkiga ujeedada loo dhisay waxay tahay in sanadaha soo socda Toban kun oo ciidan oo asluub, karti iyo aqoon ciidanimo leh lagu soo tabobaro sidaan ka war qabo.

 

Waxan ku gunaanadaya qoraalkayga maahmaah qadiim ah oo african ah ba tiraahdo" Cadowga dibada waxba igama tareen hadii u cadowga gudaha i jabin laheyn" Xukuumada cusub ee Madaxweyne farmaajo arintaas baa ku soo fool leh, balse wan arkeynaa habkay uga baxsadaan inshallah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this