Muhammad Duale

Nomads
  • Content Count

    3
  • Joined

  • Last visited

  1. Akhyaarey calanka Shumac ku jira anigoo dugsi sare dhiganaayo baan sameeyay 2005tii. Mashallah hadda meeshan tago ba waa iiga horeeyaa. design kayga waa caan baxay.
  2. Aniga mid baan ogahay hore ayaa loo yiri far kaliya fool ma dhaqdo. ninki farmaajo boqol maalmood in wax ku qabto ka sugaayo waa rajo aad u liidato. sida walaalkey Gooni sheegay wadankaan dad baa masruufta ilaa iyo inta nin walba oo labo casho xil soo qabta iyadoo lala xisaabtamin uu dalka ku dhex damaashadayo wali guuli ma dhawa. Hore baa nin looga haaya " Markay belo dhacdo baa ilmahayga beer ku quraacdan" ragaas oo badan baa Muqdisho dhooban oo reer walba oo Soomaaliyeed ka soo jeedo magacooda waxaa la yiraa " Danley group". Bal eeg siday uga soo dhax muuqdan Xukuumada farmaajo min wasiir ilaa agaasime waaxeed bay taaganyihin. Waxaan rajeynayaa in Farmaajo foojignan doono inshallah. Galbeed walaal taas waa la wada ogyahay Xerada turkiga ujeedada loo dhisay waxay tahay in sanadaha soo socda Toban kun oo ciidan oo asluub, karti iyo aqoon ciidanimo leh lagu soo tabobaro sidaan ka war qabo. Waxan ku gunaanadaya qoraalkayga maahmaah qadiim ah oo african ah ba tiraahdo" Cadowga dibada waxba igama tareen hadii u cadowga gudaha i jabin laheyn" Xukuumada cusub ee Madaxweyne farmaajo arintaas baa ku soo fool leh, balse wan arkeynaa habkay uga baxsadaan inshallah
  3. Dadyowga Soomaaliyeed badankood wacyi iyo hab-fikir ma laha. Waana dhuuni raac inta badan waliba kuwa madaxda isku sheegayo. Turkiga military base sida ujeedadooda u sheegeyn: in ay 10,000 oo Xooga dalka ah Soomaaliya u tabobaran bay doonayaan si dowlada Soomaaliyeed ay u hanato amniga dalkeeda. Saldhigyada sida kan Xalane oo aan dhawr jeer gudihiisa galay waa barta Soomaaliya laga qaso. Maxaa yeelay in ka badan tobaneeyo xafiis shisheeyey oo kale ujeedo duwan baa dagan. Waxaa sida oo kale lagu xantaa markii uu xafiis dhanka dowlada heshiisyo fiican ka helo kan kale in uu soo badiyo dhanka kale kooxda gafuurada duubta. Marka Soomaali danteeda ma taqaano ee waxa laga dhaxlo aan aragno.