Sign in to follow this  
Che -Guevara

Somali PM Dissolves New Cabinet

Recommended Posts

cadnaan1   

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa inta badan soo gaba gabeeyay wada tashiyadiisa ku aadanaa soo magacaabida Gole Wasiiro cusub, kadib markii uu todobaadkii hore la laabtay Golihii Wasiirada muranka badan dhaliyay ee uu soo magacaabay 12-kii bishan.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo ka codsaday Baarlamaanka in muddo 14 cisho la siiyo, si uu u soo magacaabo Gole Wasiiro tayo leh, ayaa mudadaas waxaa haatan ka haray todobo cisho, waxaana la filayaa in mudadaas gudahood inuu ku soo magacaabo Golihiisa Wasiirada.

 

War ay si wada jir ah u soo saareen Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Mareykanka Ingiriiska, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa waxay walaac kaga muujiyeen dib u dhaca ku yimid horumaradii siyaasada Soomaaliya, iyagoo ku baaqay in si deg deg xal laga gaaro mashaakilka siyaasadeed ee hareeyay dowladda Soomaaliya.

 

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa ka digay inuu dib u dhac dheeraad ah ku yimaado ansixinta Golaha Wasiirada cusub, hadii mar kale uu ka hor yimaado Baarlamaanka, taasoo ay sheegeen inuu wiiqi karo horumarka siyaasada Soomaaliya iyo hiigsiga sanadka 2016.

 

Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu todobaadkan gudihiisa magacaabi doono Golihiisa Wasiirada, waxaana ay u badan tahay in aan wax saameyn ah ku yeelan doonin Wasiiradii hore ee muranka badan dhaliyay.

 

Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in xubnaha Wasiirada ay badankood soo laaban doonaan, iyagoo markan heysta taageerada Xildhibaanada beelaha.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in qofkiiba uu keensaday tiro xildhibaano taageersa oo ay beel wadaag yihiin, waxaana tani ay ka saacideysaa marka ay timaado ansixinta Xukuumada in wasiir walba uu u diyaarsan yahay xildhibaano ku filan, si loo ansixiyo.

 

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya Saaxiibada Madaxweynaha oo badankooda la diidanaa ayaa Golaha ku soo wada laaban doona, taasina lama yaqaano jawaabta ay ka bixin doonaan Xildhibaanada la baxay Badbaado qaran, kuwaasoo si weyn uga soo horjeeda in la soo magacabo Gole Wasiiro oo ay ku jiraan raggii Labo Xukuumadood soo dumiyay (Xukuumadihii Saacid iyo C/weli).

 

Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa la sheegay inay isku raaceen inta badan magacyada liiska Golaha Wasiirada, waxaa dhiman oo kaliya in si rasmi ah loogu dhawaaqo todobaadkan gudihiisa, marka ay dowladdu ka dhamaato soo dhoweynta wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo berri oo axad ah imaanaya Muqdisho.

 

Dad badan oo falanqeeya siyaasada Soomaaliya ayaa aaminsan in mudada uu qabsaday Ra’iisul wasaaraha ee 14 cisho ay markii horeba aheyd qorshe siyaasadeed oo doonayay in lagu kala fur furayo Xildhibaanada ka soo horjeeday xukuumada.

 

http://www.jowhar.com/raiisul-wasaaraha-oo-muddo-todobaad-u-hartay-iyo-golihii-wasiiradii-hore-oo-badankood-soo-laabanaya/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’iisul Wasaaraha oo ku dhawaaqay Xukuumad ka kooban 20-Wasiiro (Akhriso magacyada)

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa goor dhow magacaabay Xubnaha Golaha Wasiirada cusub, kuwaasoo ah dhamaan wajiyo cusub, iyadoo aanay ku jirin Wasiiradii lagu muransanaa iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

 

Golaha wasiiradan oo ka kooban 20-Wasiir ayaa ah kuwo ku cusub saaxada siyaasada, halka qaarkood horay xilal u soo qabteen, waxaana magacaabistooda oo aheyd mid lama filaan ah.

 

Ra’iisul wasaaraha ayaa magacaabay 20-wasiir kaliya, iyadoo uu dib uga soo magacaabi doono Wasiir kuxigeenada iyo Wasiiro dowlayaasha.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar Cabidrashid Cali Sharmarke ayaa caawa ku dhawaaqay Golaha Wasiirada, kadib wadatashi uu la yeeshay madaxweynaha, gudoonka baarlamaanka, xildhiibanada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, Golahaan Wasiirada ayaa waxay ka kooban yihiin 20 wasiir, iyadoo si dib laga soo magacaabayo Wasiiro Ku-xigeenada iyo Wasiiro Dowlayaasha.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si xushmad leh uga codsaday Xildhibaanda Baarlamaanka iney soo dhaweeyaan Golaha Cusub ee Xukuumadda, markii la horkeeno Golahana ay ansixiyaan, si loo dar-dargaliyo howsha culus ee na hortaala.

 

“Aniga oo gudanaya waajibka dastuuriga ee ay ummadda Soomaaliyeed iga sugayso oo ah inaan soo dhiso Xukuumad buuxinaysa shuruudaha qabashada xilalka Wasiirnimo isla markaasna ku sifoobaysa aqoon, hufnaan, waayo argnimo iyo karti ay ku xaqiijin karaan himilada aynu doonayno inaan hiigsano sanadka 2016-ka. Kadib markaan wada- tashi dheer la sameeyey Madaxweynaha, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, Guddoonka Baarlamaanka, Xubnaha Baarlamaanka, Qurba Joogta, Ururada Bulshada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ayaan aniga oo og muhimadda ay leedahay in la helo xasilooni siyaasadeed oo horseeda sugidda amniga iyo horumarinta dhaqaaqalaha dalkeena oo maanta maraya meel wanaagsan ayaan magacaabay Golaha Wasiirada caaway” ayuu yiri RW Cumar.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Wasiirrada uu caawa soo magacaabay aysan wax raad ah ku lahayn khilaafka siyaasadeed ee hadda jira, isla markaana buuxin karaan hawsha ay shacabku ka filanayaan.

 

“Waxa aynu la soconaa in mudooyinkii u dambeeyay uu hakad galay hawlihii Xukuumadda oo laf-dhabarka u ahaa ummadda, mana ahan arrin lagu sii jiri karo. Waqtiga gaaban awgiis, waxaan hadda soo gudbinayaa magaabista Wasiirrada oo kaliya, waxaan sida ugu dhakhsaha badan usoo gudbin doonaa Wasiirro Ku-xigeenada iyo Wasiirro Dawlayaasha”

 

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu mas’uul ka yahay waajibna ka saaran yahay inuu gacan ka geysto horusocodka dalka iyo inaan mar dambe dib loo noqon. Waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah in aan xaqiijino fulinta hawlaha ahmiyadda koowaad u leh xukuumadda, gaar ahaan Hiigsiga 2016-ka.

 

Xubnaha ku cusub Golaha wasiirada ayaa waxaa ka mid ah C/raxmaan Ceynte oo ahaa Madaxii Machadka daraasaadka Siyaasada ee Heritage oo loo magacaabay Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga.

 

Sidoo kale waxaa ka mid ah C/raxmaan Odawaa oo ahaa Gudoomiyihii jaamacada SIMAD, kaasoo isna loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

 

Xubnaha kale ayaa isugu jira kuwo horay xilal uga soo qabtay Xukuumadihii KMG, sida Cali Axmed Jaamac Jengeli oo dhowr wasiir soo noqday, Sahra Maxamed Cali Samatar oo Wasiiru dowle ka soo noqotay Xukuumadii Farmaajo.

 

Ninka kaliya ee ku jira labadii Xukuumadood ee la riday ayaa ah C/risaaq Cumar Maxamed oo Xukuumadii Saacid ka ahaa wasiirkii Kheyraadka, halka haatan loo magacaabay Wasiirka Batroolka, Biyaha iyo Kheyraadka Dabiiciga.

 

Golaha Wasiiradan cusub ayaan ku jirin Wasiir Amni, waxaana muuqata in laga kaaftoomay oo uu is qab qabsigii horay u jiray ee ka taagnaa Wasiirada ku dhowaa Madaxweynaha inay wasaaradaas la baxday, lamana shaacin halka la geeyay.

 

Arrimaha ku cusub Golaha Wasiiradan 20-ka xubnood ah ayaa in saddex Haween ay heleen Wasiiro, taasoo ah markii u horeysay ee Golaha wasiirada ka mid noqdaan Saddex Haween.

 

1- Maxamed Cumar Carte (Qaalib) Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Shaqada, Dhalinyarada iyo isboortiga

 

2- Axmed Xasan Gaboobe (Ugaas Bile) Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Diinta

 

3- C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka

 

4- Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) Wasiirka Maaliyada

 

5- C/qaadir Sheekh Cali Diini Wasiirka Gaashaandhiga

 

6- C/salaan Hadliye Cumar Wasiirka Arrimaha Dibada

 

7- Khadra Bashiir Cali Wasiirka Wasiirka Waxbarashada

 

8- Fahad Yaasin Xaaji Dahir Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

 

9- C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga

 

10- Nuur Faarax Xirsi Wasiirka Dastuurka

 

11- Guuleed Xuseen Qaasim Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

 

12- Cali Axmed Jaamac Jangeli Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada

 

13- Saciid Xuseen Ciid Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa

 

14- Cali Xasan Cusmaan Wasiirka Beeraha

 

15- Xasan Axmed Muudeey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha

 

16- Saalax Sheekh Cusmaan Muuse Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska

 

17- Sahra Maxamed Cali Samatar Wasiirada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

 

18- Maxamed Mukhtaar Ibraahim Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda

 

19- C/risaaq Cumar maxamed Wasiirka Batroolka, Biyaha iyo Kheyraadka Dabiiciga

 

20- Xaawo Xasan Maxamed Wasiirka Caafimaadka

 

http://www.jowhar.com/?p=10095

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this