Sign in to follow this  
malistar2012

IGAD ministers summit 2015 has concluded , Mogadishu will host heads of states

Recommended Posts

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta soo xiray shirka aan caadiga ahayn ee Wasiirrada Arrimaha Dibedda dalalka IGAD oo sanadkan lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in shirkani fursad muhiim ah u yahay Soomaaliya oo markale dib usoo ceshatay sumacadii ay ku dhex lahayd bulshada caalamka gaar ahaan dalalka IGAD.

unnamed-13.jpg

 

Mudane Cumar C/rashiid, ayaa ku tilmaamay Dowlada Soomaaliya in ay diiradda saarayso ka miro dhalinta hiigsiga 2016, waxa kastana loo kala horumarin doona sida ay u kala mudan yihiin oo ay ugu horreeyaan xoreynta iyo nabad kusoo dabaallidda dalka, Siyaasad xasilan oo ay ka qayb galaan qabaha kala duwan ee bulshada, hilidda daryeel caafimaad, waxabarasho iyo dhiirigalinta ganacsiga si uu sal dhig ugu noqdo hormarinta dhaqaalaha.

 

“Waxaana asaaska u dhigaynaa sidii Soomaaliya doorasho uga dhici lahayd 2016, anagoo kaashanayna beesha caalamka. War murtiyeedkii ka soo baxay shirkaan wuxuu xoojinayaa balanqaadkeena ku aadan arigtada 2016, xoojinta nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya, iyo qaabaynta xasilinta dalka si loo helo Soomaaliya oo nabada ah” ayuu yiri R/Wasaare Cumar oo intaas ku daray in Xukuumadda uu soo dhisi doono muhiimadda siin doonto, dib u eegid lagu sameeyo Dastuurka, dhamaystirka nidaamka federaalka, iyo in dalka la gaarsiiyo in qof kasta helo fursad uu wax ku doorto.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay in Xukuumadda uu dhisi doono ay horyaalaan arrimo muhiim ah oo dalka looga saarayo marxalada uu ku jiro, isagoona sheegay in si dhaqso ah u soo magacaabayo Golaha Wasiirrada kuwaas oo noqon doono kuwa leh khibrad maamul oo fulin kara howlaha dowladda horyaala.

 

“Xukuumadda aan soo dhisi doono waxay dadaal u gali doontaa sidii loo heli lahaa wadatashi iyo isfaham dhex mara madaxda qaranka, tani waxay awood noo siinaysaa inay xukuumadu ku shaqayso siyaasad xasiloon, taas oo abuuri karta wada shaqayn dhex marta dhamaan qaybaha kala duwan ee dowladda, waxayna horseedi kartaa in la hanto kalsoonida shacabka”, ayuu yiri Ra’uusul Wasaaruhu.

 

RW Cumar, ayaa ugu danbeyntii xusay si arimahaan guul looga gaaro loo bahan yahay taageero iyo garab istaaga bulshada caalamka oo ay ugu horeeyaan wadamada IGAD. Wuxuu sidoo kale sheegay in magaalada Muqdisho uu shirkani marti galisay ay qeyb ka tahay sida looga miro dhaliyey balanqaadkii dowladda iyo taageeradii ay siiyeen dowladaha IGAD dalka Soomaaliya xili dagaallo lagula jiro kooxaha nabad diidka ah.

 

—DHAMAAD—

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD oo la soo gaba gabeeyay iyo War murtiyeed laga soo saaray

by A M | Saturday, Jan 10, 2015 | 7143 views

 

iga.jpg

 

 

Shirkii Wasiirada Arrimaha Dibada Urur Goboleedka IGAD ayaa si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay duhurnimadii maanta, kadib muddo saacado ah oo uu shirkan ka socday Hotelka SYL ee ku dhow Xarunta Madaxtooyada.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa shirka Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD soo xiray, iyadoo khudbad uu uga hadlay muhiimada shirkan ka jeediyay shirka, isla markaana soo dhoweeyay shirkan taariikhiga ah.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa si gaar ah uga mahad celiyay Ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, sidii ay u sugeen ammaanka intii uu socday shirkan iyo qabsoomidiisa, wuxuuna cadeeyay in dowladdu ay xoojin doonto ammaanka iyo hirgelinta federaalka.

 

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galayay Wasiirada Arrimaha Dibada Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo South Sudan, waxaana wehliyay wasiiru dowlayaasha Uganda iyo Sudan, waxaana xubnaha ka qeyb galay ka mid ahaa Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.

 

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo shirka ka hadlay ayaa ku tilmaamay in shirkan uu yahay mid taariikh ah oo muujinaya horumarka laga gaaray ammaanka iyo siyaasada Soomaaliya.

 

War murtiyeedkan oo ka koobnaa dhowr iyo labaatan qodob ayaa looga hadlay horumarada laga sameeyay Soomaaliya, sida dhismaha Maamul KMG, ammaanka, magaabistii Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo bogaadin loo jeediyay waxyaabihii u qabsoomay dowladda Federaalka.

 

Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya Dr. Tedros Adhanom oo ah Gudoomiyaha Golaha Wasiirada IGAD ayaa ugu dambeyn u akhriyay saxaafada war murtiyeedka laga soo saaray shirka, wuxuuna cadeeyay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar, isla markaana IGAD ay garab taagan tahay.

 

Dr. Tedros Adhanom ayaa sheegay in shirkan lagu qabtay Soomaaliya markii u horeysay tan iyo bur burkii dowladdii dhexe, isagoo xusay in shirkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay IGAD iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya ayaa sheegay in IGAD ay xushmeyneyso u hayaan madax banaanida, qaranimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

 

Dhinaca kale Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD ayaa goor dhow ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan cadde, kadib shir hal maalin ah, isla markaana ay xalay ku hoydeen magaalada Muqdisho.

 

La soco goor dhow war murtiyeedka laga soo saaray shirkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

This shows u that maamulka soomaalidiidka is not taking serious by any Igad country kkkk

 

No igad meeting in Hargeisa, no Erdogan visiting, no recognition by xabashis.

 

Atleast Somaliland doesnt have to be protected by 4 out of the 6 IGAD state members nation states that host conferences for regional organizations take great honor in hosting it with the man and daughters of their nation. But it seems IGAD hosted an IGAD conference in Mogadishu no real significance everything had to be coordinated with the IGAD security forces on the ground very sad but that is the reality. Why would Somaliland host an IGAD conference Somaliland is not part of that dysfunctional IGAD organization.

Share this post


Link to post
Share on other sites

IGAD is a dysfunctional organization its run by the EPRDF Ethiopias leading government. It has no real purpose regionally only int hat failed state called Somalia. You keep referring Somaliland as a Somali diid land. But Somaliland is the only authentic Somali country with 100% of its population being Ethnic Somalis where Somali culture and Poetry and Folkore dance is celebrated across the entire Somaliland republic. Axmed Somalia is Somali diid it has dishonored destroyed especially the Anarchists INC everything Somaali stood for. They have disgraced the once proud former Somali republic.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Only blind man with hate will deny the facts and down play the historical important of IGAD summit in Mogadishu.

 

 

http://youtu.be/mSSjy5Vh5A8

 

Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, ayaa waxay laamaha ammaanka ay amniga Muqdisho u xoojiyeen si ka duwan, sidii caadada ahayd ee looga bartay.Ciidamada Amniga oo Fashiliyay Miino oo meel qashin yaal lagu duugay

 

Congrats to our security force especially Somali National Intelligence and Security Agency (NISA) , Anti terrorist force , Mogadishu police for securing the city and ending the summit peacefully .

 

Mogadishu has moved on from war and Anarchy , the future looks bright one the holds sustainable stability and economic boom - Free education - The best Health service in East Africa .

 

 

Xaji move on sxb worry about. Sultan waber N khatuum , Mogadishu is not in your level or league

 

 

 

God bless our President Xasan Sheekh Maxamuud and the Security force

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this