Sign in to follow this  
Adam

Xalane oo imikan dagaal ka socda .

Recommended Posts

Adam   

Iyo xalada oo gaccsan , waaaba loo,soo dhex galey raagii ajinabiga Xaruntodii iyo aajinabigi qaar kabaxoodi ka oordey .http://www.jowhar.com/?p=7669

Share this post


Link to post
Share on other sites

Afhayeenka AMISOM “Xaalada Xerada waa degan tahay, gacanteena ayay ku jirtaa, isku day weerar ayuu ahaa”

by A M | Thursday, Dec 25, 2014 | 2663 views

 

 

 

 

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay inay fashiliyeen isku day weerar oo Al-Shabaab ku soo qaaday Xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ee AMISOM.

 

Col. Cali Aadan Xumad oo la hadlayay Idaacada VOA ayaa sheegay in xaalada ay iminka degan tahay, isla markaana ay gacanta ku hayaan ammaanka sida uu yiri.

 

“Isku day weerar ayuu ahaa, xerada agagaarkeeda ayuu ka dhigay, waana la fashiliyay, xaalada waa degan tahay, gacanteena ayay ku jirtaa, khasaaraha dib ayaa ka soo sheegi doonaa”ayuu yiri Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xumad.

 

Waxaa uu sheegay in foojignaanta ciidamada AMISOM ee ku hareereysan xerada ay keentay inay weerarka fashiliyaan, isagoo ka gaabsanayay inuu faah faahin rasmi ah ka bixiyo weerarkaas iyo sida uu ku dhacay.

 

Rag hubeysan oo ilaa shan ruux gaarayay, kuna hubeysnaa qoryaha fudud, bambaanooyin iyo jaakadaha qarxa ayaa maanta duhurkii galay xerada Xalane, halkaasoo dagaal saacado badan qaatay uu ka dhacay.

 

Rasaas iyo qaraxyo oo dhowr saacado socotay ayaa laga maqlayay xerada Xalane, waxaana weerarkaas uu hakiyay dhaq dhaqaaqii wadada aada Air Porka iyo duulimaadyadii diyaaradaha.

 

Afhayeenka Ciidamada Milateriga Uganda Col. Paddy Ankuna ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in dhamaan AMISOM iyo shaqaalaha UN-ka ay bad qabaan, isla markaana ay iska caabiyeen Shabaabkii soo weeraray.

 

Sidoo kale Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkan ay ku soo beegeen xilli ay xaflada ciida masiixiga ka socotay, waxaana ay sheegteen in tiro ka mid ah dagaalyahanadooda ay gudaha ugu jiraan xarunta Xalane.

 

Weerarkan ayaa saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii howlaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo ku yaal xeyndaabka weyn ee Xarunta Xalane, halkaasoo ay ku yaalaan Xafiisyada hey’adaha Qaramada Midoobey iyo safaaradaha qaar ee reer galbeedka.

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Rag hubeysan oo ilaa shan ruux gaarayay, kuna hubeysnaa qoryaha fudud, bambaanooyin iyo jaakadaha qarxa ayaa maanta duhurkii galay xerada Xalane, halkaasoo dagaal saacado badan qaatay uu ka dhacay.

 

Alshabaab are getting more desperate and extreme five young guys with suicide belts and AK 47 what where they Thinking .......

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Gaashaan ee Dowlada Somalia oo maanta soo afjaray Weerarkii Al-Shabaab ku galeen Xarunta Xalane

 

 

u1.jpg

 

Ciidamo katirsan Hay’ada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa maanta soo afjaray Weerar rag hubeesan oo katirsanaa Al-Shabaab ku galeen xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

 

Dagaalyahanada Al-Shabaab ee weerarka ku galay Xalane ayaa qaarkood la sheegay ilaa saakay in ay ka dagaalamayeen qeybo kamid ah xarunta xalane , waxaana saakay Howlgalka ku biiray Ciidamada Gaashaan ee Dowlada Soomaaliya kuwa oo dilay ragii Shabaab katirsanaa ee ku harsanaa xaruntaasi soona afjaray howlgalka.

 

Xaalada Xarunta Xalane ayaa hada ah mid dagan , waxaan si buuxda amaanka xeradaasi gacanta ugu haya Ciidamo katirsan AMISOM , waxaana maanta banaanka usoo baxay dad badan oo shalay ku go’doomay qeybo kamid ah Xarunta Xalane.

 

Dagaalyahanada Al-Shabaab ee weerarka ku galay Xarunta Xalane ayaa tiradooda lagu sheegay tobaneeyo, raga hubeesan qaarkood ayaa isku qarxiyay xarunta xalane halka kuwa kalana ay dagaalameen in mudo ah.

 

Warar laga helayo Gudaha Xarunta Xalane ayaa sheegaya in raga hubeesan ay doonayeen in ay galaan Hoteelo iyo Xarumo ay dagan yihiin dad ajaaniib ah, waxaana xarunta Xalane lagu arkay ajaaniib hubeesan oo difaac adag ka galayay raga hubeesan.

 

War saxaafadeedkaan taliska AMISOM kasoo baxay waxaa lagu cadeeyay in tirada dadka ku geeriyooday weerarkii shalay ay gaarayaan 9 ruux oo 5 ka mid ah ay ahaayeen dablaydii xerada weerartay, 3 askari oo AMISOM ka tirsanaa iyo ruux rayid ah oo kusugnaa Gudaha Xalane.

 

Al-Shabaab oo sheegatay Masuuliyada weerarkan lagu qaaday xarunta Xalane ayaa tilmaantay in ay ka gaareen howlgalkaasi guulo la taaban karo ayna dileen ajaaniib iyo Ciidamo katirsan AMISOM oo ku sugnaa Xarunta Xalane.

 

Dad badan ayaa isweediinaya sida fudud ay AL-Shabaab ku galeen xarunta Xalane oo aheed meel si weyn amaankeeda loo adkeeyo aheedna Saldhiga ugu weyn AMISOM ku leeyihiin Muqdisho, sidoo kale fariisin u ah Safaarado iyo Saraakiil Reer Galbeed ah iyo kuwa katirsan Qaramada Midoobay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidanka NISA oo soo afjaray howlgalkii Xalane

Nabadsugid.jpg

 

Published on December 26, 2014 by Ismaaciil Mukhtaar · No Comments · 893 views

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa goor dhow soo afjaray howlgalkii lagu nadiifinaayay maleeshiyaadkii weeraka ku soo qaaday Xerada Xalane ee saldhiga ugu weyn ee Amisom.

Ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan Hay’adda Nabad sugid iyi Sirdoonka Soomaaliya gaar ahaan kuwo loo yaqaano Gaashaan ayaa gudaha u galay goob ay ku go’doonsanaayeen maleeshiyaadkii weerarka ku soo qaaday Saldhigga Xalane.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidanka Gaashaan ee Nabad Sugiida iyo Sirdoonka Soomaaliya ay gacanta ku soo dhigeen labo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo isku dayay in ay qal qalgeliyaan saldhigaasi, waxaana weerarkaasi ay soo qaadeen Al-Shabaab ku geeriyooday 5 ka tisan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM iyo mid kamid ah Shaqaalaha rayidka ah oo xerada la weeraray ka howlgali jiray.

 

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in saraakiisha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ay war-fidiyeenka u soo bandhigan maxaabiista laga qabtay Al-shabaab iyo sida ay u soo geba gebeeyeen howlgalkaasi.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Adam   

 

Gumeeystaha dhacaayaa

Geeridu dhibeeysaa

Waqtigi dhamaayoo

Wuu dhaqaaqi doonaa

Ninkii dhoof ku yimidbaa

Geerudu dhimeeysaa

Waqtigii dhamaayoo

Wuu dhaqaaqi doonaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this