Sign in to follow this  
malistar2012

More Then 40 Alshabaab fighters surrender to Gov force in Shabeelaha Dhexe

Recommended Posts

More Then 40 Alshabaab fighters surrender to Gov force in Shabeelaha Dhexe

 

 

In kabadan 40 dhalinyaro ka tirsanaa Shabaab oo isu soo dhiibay gacanta dowladda

Published on October 5, 2014 by Mohamed White-ka · No Comments · 798 views

In ka badan 40 dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Maleyshiyaadka Al-Shaab ayaa isku soo dhiibay gacanta ciidanka dowladda ee ku sugan degmada Raage Ceelle ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

 

Al-shabaab-13.jpg

 

Dhalinyaradan horey uga tirsaneyd maleeshiyada Al-Shabaab ee ka soo goostay kooxdaasi ayaa ka dambeysay markii qaar ka mid ah Waalidiinta carruurtaasi ay gacan ka geysteen in ay isaga soo tegaan kooxda Shabaab oo dhawaan lagala wareegay gacan ku heyta magaaladaasi iyo deegaanno kale oo ku xeeran dhanka xeebta.

 

Xasan Hilowle Cabdi oo ka mid ah Waalidiinta carruurtooda laga marin habaabiyay oo la soo xiriiray Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dhalinyarada isa soo dhiibay uu ku jiray wiilkiisa oo muddo ku dhaw labo sano la shaqeynayay maleeshiyada Al-Shabaab, haatanna uu ku faraxsanyahay in wiilkiisa uu ka mid nqoday dhalinyarada gacanta ciidanka dowladda isku soo dhiibay.

 

Guddoomiyaha degmada Raage Ceelle Yuusuf Xaaji Maxamuud ayaa qiray in dhallinyaro badan oo ka tirsan degmada ay ka mid ahaayeen kuwii ciidanka isku soo dhiibay, isagoo arrintaasi uga mahadceliyay Waalidiinta iyo odoyaasha dhaqanka ee gacan ka geystay in carruurtooda ay ka soo goostaan kooxda Shabaab.

 

Guddoomiyaha ayaa baaq u diray dhalinyarada kale ee weli ku jira maleeshiyada Al-Shabaab in ay ka faa’iideystaan baaqa dowladdu ee ku aadan inay ka soo tegaan kooxda Al-Shabaab, si ay u helaan mustaqbal wanaagsan.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this