Sign in to follow this  
malistar2012

Breaking News Alshabaab evacuate its capital Baraawe Sh/Hoose

Recommended Posts

WAR DEG-DEG AH:Ururka Alshabaab oo ka baxay degmada Baraawe

 

 

WAR DEG-DEG AH:Ururka Alshabaab oo ka baxay degmada Baraawe

by A M | Friday, Oct 3, 2014 | 540 views

 

Al-Shabaab-15-Nov-11-620x330.jpeg

 

 

Wararka ka imanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ururka Alshabaab ay faarujiyeen degmada Baraawe oo ahayd degmadii ugu muhiimsanayd ee gacantooda ku soo hartay.

 

Ciidamada ururka Alshabaab ayaa ka baxay degmada Baraawe kadib markii ay u soo jirsadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada wax ka yar 20km. Kolonyo ciidamo ku hubeysan hubka culus oo ay ku jiraan taangiyo ayaa saaka ka dhaqaaqay deegaanka Maringubaay waxayna taasi sababtay in ururka Alshabaab uu baneeyo magaalada Baraawe.

 

Hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in ciidamadii Alshabaab ay haatan ku sugan yihiin meelo aan ka fogeyn magaalada Baraawe.

 

Ciidamo faro badan oo wata tikniko kana mid ah ciidamadii hore ugu sugnaa magaalada Baraawe ayaa gaaray halka loo yaqaan Ambareeso iyagoo halkaa difaacyo ka dhigtay.

 

Lama oga sababata ay ugaga baxeen ururka Alshabaab magaalada Baraawe inay tahay mid la xiriirta xeelad dagaal. Mana jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ay ka soo saareen ka bixitaankooda magaalada Baraawe oo u ahayd saldhig weyn.

 

Dadka u dhuundaloola siyaasada dalka Soomaaliya ayaa u arka ka bixitaanka ururka Alshabaab ee degmada Baraawe iyo dilkii horaantii bishii hore lagu qaarijiyay hogaamiyahoodii Axmed Godane inay tahay dib u dhac mar kale soo gaaray ururka ayna adag tahay inay dib ugaga soo kabtaan,

 

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay sidoo kale ka waday dhaqdhaqaaq xeebaha gobolka Sh/dhexe iyagoo qabsaday deegaan ballaaran oo ay ku jirto degmada Cadale.

 

Wixii ku soo kordho wararka Baraawe kala soco www.jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alshabaab has lost influence and sympathy of southern Clans . The majority Towns and cities are liberated with minimum fighting if not Zero casualties ...

 

 

201438635298805120524999gari_8.jpg

 

 

Gov force have increased well trained Soldiers - Moderate Weapons Better Salary ......

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

The Somali National Army is doing a great job. Alshabab should never ever be allowed to establish a base again in a major Somali town. Let us make their lives difficult.

Share this post


Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

The Somali National Army is doing a great job. Alshabab should never ever be allowed to establish a base again in a major Somali town. Let us make their lives difficult.

 

Let's hope that the Somali Government establishes a competent FBI-like Police and Intelligence force to harass, intimidate, infiltrate and ultimately destroy Al Shabaab.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this