Sign in to follow this  
malistar2012

Somali defence minister Jen. Maxamed Sheekh SNA will take responsibility of the

Recommended Posts

Somali defence minister Jen. Maxamed Sheekh SNA will take full responsibility of the Country 2016

 

 

Xaamud “Sanadka 2016 wuxuu qorshuhu yahay in Ciidamada Soomaaliyeed inay ammaanka dalka la wareegaan”

 

 

Xooga-somaliya-turkiga.jpg

 

 

 

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in qorshaha mustaqbalka dhow ee dhismaha ciidamada xooga dalka uu yahay sidii ay ammaanka guud ee dalka Soomaaliya ula wareegi lahaayeen.

 

Mr Xaamud ayaa sheegay inay rajeynayaan in sanadka 2016 ay Ciidamada qalabka sida ay la wareegaan ammaanka dalka, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ay arrintan ka tashanayaan.

 

Wasiirka Gaashaandhiga oo ka mid ah wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay shir looga hadlayay xoojinta iyo tayeynta ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo shalay ka dhacay magaalada London ayaa sheegay in ajandahaha ugu muhiimsan ee shirkaas looga hadlay uu ahaa sidii loo dejin lahaa qorshe cad oo la xiriirra halka ay hiigsanayaan ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya iyo awoodda taageerada Caalamka ay ugu baahan yihiin inta ay la egtahay.

 

“Ra’iisul wasaaraha ayaa guddoomiyey shirkii London ka furmay shalay, dowladda Ingiriiska ayaa qaadaneysa door muhiim ah, annaga waxaan madaxda shirka timid hor dhignay qorshaheenna ku aaddan dhismaha ciidammada xooga dalka Soomaaliyeed iyo waqtiga lagu dhammeyn karo howshaasi, iyadoo intaasi ay ku darsan tahay taageero Dhaqaale iyo aqoon oo uu caalamku ku bixiyo ciidamada”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Jen. Maxamed Sheekh

Waxaa uu sheegay in dhaqaalaha ku baxa Ciidamada AMISOM hada Caalamka uusan sii wadi karin inuu bixiyo, taasna ay lagama maarman tahay in la helo ciidamadii bedeli lahaa, isagoo intaa raaciyay in AMISOM isu diyaarineyso sidii ay uga bixi laheyd Soomaaliya, ammaankana ay la wareegi lahaayeen Ciidamada Soomaaliya.

 

Shirka ka furmay magaalada London ayaa noqonaya shirkii ugu horreeyey ee si gaar ah loogu taageero Ciidamada Soomaaliya tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay heshay aqoonsiga beesha caalamka, taas oo ah fursad weyn oo lagu dhisi karo awooddii ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this