Sign in to follow this  
malistar2012

Somali heritage institute led by Cabdiraxman Caynta holds seminar in Garowe

Recommended Posts

IMG_0015.jpg

Somali heritage institute led by Cabdiraxman Caynta holds seminar in Garowe

 

Garowe(PT) Macadka Heritage ee Daraasaadka iyo siyaasadda oo fadhigiisu yahay magalada Muqdisho ayaa maanta kulan looga hadlayo arrimaha Federaalka ku qabtay magalada Garowe gaar ahaan Hotelka New Rays.

 

IMG_0021.jpg

 

Waxaa kasoo qayb galay siyaasiyiin, aqoon yahan, haween iyo ururo waxana shirkan oo hal maalin loo qoondeeyay loogu talo galay in diirradda lagu saarayo Federaalka ay dadku u baahan yihiin sida uu yahay iyo aragtaddiyadda ay ka qabaan noocay tahay.

 

Sida lagu shaaciyay ajandaha shirka waxa uu salka ku hayaa in laga wada munaashaqooda dhowr su’aalood uu macadkan soo diyaariyay, su’aalahaasi oo kala ahaa.

 

1–Nidaamkee Federaal ah ayaa Somalia u haboon?

 

2–Somalidu nidaamka Federaalka ma si cilmi ku dhisan ayey ku wadaan mise habqaldan, sida hada wax ku socdaan sidee u aragtaa? -

 

3– Hadii ay suura gali waydo in la qaato habka aad rabto, habkee ayaa kuugu soo xiga oo aad is-leedahay waa la qaadan karaa?

 

4– Hanaankee ayaad is-leedahay waa in laga fogaado, sababta sheeg?

 

5-Awooda Federaalka,ma Maamul Goboleedada ayaa loo badiyaa,mise Dowlada Dhexe.

 

Qaar ka mid ah aragtida dadka ayaa u dhacaysay in Macadkan uu dabadda ka riicayo in nidaamka Federaalka laga hor yimaado si Muqdisho dalka looga maamulo, hase yeeshee Caynta ayaa arrintaan ku sheegay inay tahay midaan waxba ka jirin.

 

Cabdiraxman Caynta oo waraysi gaar ah la yeeshay Radio Garowe ayaa wax looga waydiiyay su’aalo dhowr ah oo dadku hadal hayeen kuwaasoo ay ka mid tahaya dowladda Puntland inay shirka ka war qabto iyo inay diidan yihiin Federaalka machadkan uu madaxda ka yahay.

 

Puntland ayaa laf dhabar u ah nidaamka Federaalka ee dalka lagu dhaqayo, waxana Garowe lagu qabtay labo shirar oo caalamiya kuwaasoo looga arrin sanayay in KMG laga baxo dalkuna uu noqo Federaalka, balse shacabka Puntland ayaa u arka Machadkan inuu yahay mdi xumaantooda ka shaqeeya oo siyaasado kale oo qorsoon dabada ka riicaya.

 

IMG_0023.jpg

 

 

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya qabashadda Shirkan inuu raali ka yahay Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

 

Puntlandtoday.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this