Sign in to follow this  
malistar2012

Somali Troops open roads connecting central states Aid reaches drought hit Areas

Recommended Posts

Somali Troops open roads connecting central states Aid reaches drought hit regions

 

ciidamada-

 

Ciidamo ka soo tegay Beladweyne oo raashin u sida shacabka Degmada Buulo Burde

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan ciidamada Jabuuti oo isgarab sanaya ayaa maanta ka soo dhaqaaqay dhanka magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo raashin gar gaar u sida shacabka ku sugan magaalada Buulo Burde ee isla gobolkaasi ka tirsan.

 

Ciidamada oo galbinaya gaadiidka gar gaarka u sida shacabka ku dhaqan Buulo Burde ayaa waxa uu qorshahoodu yahay sidii ay isu furi lahaayeen waddooyinka Beladweyne iyo Buulo Burde, halkaasi oo ay si dhuumaaleysi ah u soo galaan maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

 

Raashinka gar gaarka ayaa ah kuwa Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ugu deeqay shacabka ku xaniban magaalada Buulo Burde ee xilligan u baahan inay helaan kaalmo deg deg ah, waxaana saraakiisha ciidamada ay xuseen in kaalmadaasi ay gaarsiinayaan bulshada degmadaasi ku dhaqan.

 

Magaalada Buulo-burde ayaa ka mid ah goobaha kal hore laga qabsaday kooxaha nabad diidka ah, waxaana maamulka Gobolka uu qorsheynayaa in uu dib u soo celiyo adeegyada guud ee bulshada

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galgaaduud Road linking Ceelbur opened up alshbaab on the run

 

xoga.jpg

 

 

 

Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya, ayaa saaka oo tallaado ah ku dhaqaaqay Shabaabka ku sugan inta udhaxeysa Degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud.

Al Shabaab ayaa deeganadaan horay looga saaray, markii ciidamada xooga dalka iyo kuwa Itoobiya ay la wareegayeen gacan ku haynta Degmada Ceelbuur, inkastoo Al Shabaab markii dambe dib ay ugu soo noqdeen deeganadaan.

Taliyaha ciidanka Xooga dalka Soomaaliya qeybta 21-aad Sulub Axmed Diiriye, ayaa sheegay in ciidamada ay ka ambabaxeen Degmada Dhuusa Mareeb, ujeedadana ay tahay sidii Shabaab looga saari lahaa dhulka udhaxeeya Ceelbuur iyo Dhuusa Mareeb.

Sulub Axmed Diiriye oo u waramay Idaacada lagu magacaabo Barkulan, ayaa sheegay inay rajeynayaan in Shabaab ay ka saaraan dhulkaasi, maadaama dalka Soomaaliya uu ka biloowday howlgalka Badweynta Indiya.

Xoogaga Shabaab ayaa waxa ay ku sugan yihiin tuulooyinka Ceel-la-helay, Ceel-qooxle, Ceel-garas, Xiin-dheer iyo Ood-weyne oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Galgaduud, una dhaxeeya Ceelbuur iyo Dhuusa Mareeb.

Ciidamada qabsaday Degmada Ceelbuur ee isugu jira kuwa Dowladda iyo Ethiopia ayaa weeraro kala kulma dhalinyarada Shabaab ku jira ee ku sugan deeganada hoostaga Degmada Ceelbuur.

Howlgalka lagu majoxaabinaayo Mintidiinta Al Shabaab ayaa ka socda Gobalada dalka Soomaaliya, gaar ahaan howlgalkaan wuxuu si dar-dar leh uga socdaa Gobalka Shabeelaha hoose oo goobo muhiim ah usoo gacan gashay Dowladda iyo Amisom.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this