Sign in to follow this  
malistar2012

Strong statement from the Somali Gov regarding Armed Mans DIGNIINO CULUS

Recommended Posts

Strong message from the Somali Gov regarding Armed Mans DIGNIINO CULUS)

 

 

Kulankii golaha wasiirada oo qodobo xasaasi ah laga soo saaray (DIGNIINO CULUS)

 

 

null

 

 

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shir aan caadi ahayn oo shir gudoominayey Ra’iiusl Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed, waxaa sidoo kale kulanka ka soo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamud.

 

Kulanka oo looga hadlayey ariimaha amniga iyo xaaladihii ugu danbeeyey dalka ayaa waxaa laga soo saaray warmurtiyadeed ku aadan sida loo wajahayo nabad ku soo dabaalida dalka.

HALKAAN KA DHAGEYSO RA’IISUL WASAARAHA IYO XUBNO KA MID AH GOLAHIISA WASIIRADA OO QODOBO AAN CAADI A HAYN KA HADLAAYA

 

WAR-MURTIYEED

 

Xukuumadda JFS waxay u gubinaysaa ummadda Soomaaliyeed fariin ku aadan amniga dalka iyo hawl-galada lagu sugayo amniga guud:

 

1. Ummadda Soomaaliyeed waxaa lagu wargelinayaa in hawl-galadii amniga ee ka dhacay magaaladda Muqdisho maalmihii la soo dhaafay ay ahaayeen kuwo lagu xaqiijinayo amaanka guud ee dadweynaha iyo dalka, ee aan marnaba loola jeedin cid gaar ah, shakhsi gaar ah ama degaan gaar ah. Waxayna Xukuumaddu ka xun tahay wixii waxyeelo ah ee soo gaaray dad shacab ah ee ku sugnaa goobaha ay ka socdeen hawl-galada amaanka lagu sugayey oo aan ku-talo-gal ahayn, waxaana dowaldu ka

tacsiyeeynaysaa dadkii dhibaatadu ka soo gaartay howlgaladaas:

 

2. Xukuumadda JFS waxay amaanaysaa soona dhaweynaysaa Hay’adaha Amniga Qaranka hawl-galadii ay fuliyeen iyagoo sugaya amniga dadweynaha;

 

3. Waxaa xusid mudan, in hawl-galada lagu sugayo amniga ummadda la sii wadi doono, iyadoo marnaba aan lagu xad-gudbaynin xuquuqda asaasiga ah ee dadweynaha;

 

4. Sida sharcigu qabo, Hay’adaha Amniga iyo Ciidamada Qalabka-sida ama ciddii ruqsad loo siiyo oo keliya ayaa xaq u leh haysasho hub;

5. Waxaa la mamnuucay:

 

b) ka-ganacsiga hubka nooc kasta uu yahay;

 

t) haysashada ciidan abaabulan oo ka baxsan ciidamada

 

Ciidamada qalab-sida iyo AMISOM;

 

j) in wadooyinka lala maro hub aan sharciyeysnayn;

1. Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed in ciddii haysata hub sharci daro ah ay ku soo wareejiso gacanta Hay’adda Amniga (Wasaaradda Amniga Qaranka) ama ay si sharciga waafaqsan uga diiwaan-geliso Hay’adaha Amniga Qaranka;

 

2. Ciddii ka hortimaada ciidamada amniga, marka ay ku jiraan hawlaha amni-sugid ee ay u xilsaaran yihiin, waxay ku xad-gudubtay sharciga dalka, waxaa lala tiigsanayaa sharaciga dalka u yaala;

 

3. Xukuumadda JFS waxay ku adkaynaysaa Hay’adaha Amniga in ay markasta dhawraan Xuquuqda Aadanaha, sarreynta iyo talinta sharciga (respect to the supremacy of law and the rule of law);

 

4. Warbaahinta madaxa-bannaan waxaa lagu wargelinayaa in ay dhawraan sharciga oo aysan marnaba ku xad-gudbin. Waxaa Saxaafadda iyo Warbaahinta lagu adkaynayaa in aysan ku kicin falal iyo warbaahin iska-horkeenka bulshadda, kicinta colaadaha, been-abuurka aan salka lahayn, iwm. Waxayna xasuusinaysaa in falalkaas ay yihiin danbiyo cad cad. Warbaahintii ku dhaqanta arrimaha xad-gudubka ah ee sare ku xusan, waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan;

 

5. Xukuumadda JFS waxay markasta dhawraysaa gacan-sarreynta sharciga, talinta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda asaasiga ah ee dadweynaha Soomaaliyeed, waxayna xushmaynta xoriyadda saxaafadda;

 

6. Golohu wuxuu u xilsaaray Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasaaradda Amniga Qaranka in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo saaraan siyaasad cad oo qeexaysa qorshe lagu tayeeynayo laguna xirfadaynayo warbaahinta madaxa banana;

 

7. Xukuumadda JFS waxay dadweynaha Soomaaliyeed ku wargelinaysaa in la abuuray khad (telefoon) gaar ah oo ciddii qabta tabasho, wargelin iyo talo-bixin ay kala soo xiriiri karto Hay’adaha Amniga (Wasaaradda Amniga Qaranka), waxaana dhawaan khadkaas lagu soo bandhigi doonaa Warbaahinta Qaranka

 

8. Xukuumadda JFS waxay markale shacabka Soomaaliyeed u ballan-qaadaysaa in ay xoojinayso amniga si waafaqsan shuruucda dalka si muwaadinku u helo xasilooni iyo amaan;

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

PR war, very good.

 

Now, why aa odoyaasha nabad-diidka ah still allowed to breath their poison to the public?

 

Isn't it time they are dealt with?

Share this post


Link to post
Share on other sites
YoniZ   

The emphasis in this communique is "sarreynta iyo talinta sharciga" respect to the supremacy of law and the rule of law.

 

It is dreadful this has to came very late, however it was the missing ingredient from this and all the previous governments.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka: “Idaacadaha Shabeelle iyo Sky waxay ku howlanaayeen iska hor keenidda shacabka iyo Xukuumadda” DAAWO

 

 

 

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Dr. Axmed Cali Daahir ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa ku bogaadiyay hawl galkii shalay iyo kuwii ka horeeyayba oo ay maalmahan laamaha kala duwan ee amniga ka wadeen Magalaada Muqdisho isaga sheegay inay ahaayeen kuwa sharciga waafaqsan.

“Waa hawl gallo muhiim u ah xaqiijinta sharciga iyo kala danbaynta. Si taa loo gaarana waxaa loo baahanyahay in hay’adaha amniga ay u hawl galaan sidii ay u sugi lahaayeen nabadgalyada anaguna ka garsoor ahaan aan u siin lahayn waajibaadki sharci ee na saaran.”

 

“ Runtii waa wax laga argagaxo in hub intaa la eg shakhsiyaad gacantoodu uu ku jiro. Haysashada hubka waa sharc darro waxaana kaliya oo hub haysan kara dawlada yo cidi ay ruqsad u siiso. Wixii kasoo hara waa sharci darro. Danbiyada lagu galo hubka waa kuwa ugu culus ee dalka ka dhaca. Sidaa daraadeed waa in hubka uu galaa gacanta dawlada oo kaliya. Barlamaankana waxaan ka dalbanaynaa inay fududeeyaan shuruucda la xiriirta uruurinta hubka gacanta shacabka iyo kooxaha ku jira”

 

Xeer ililaaiyaha guud ee qaranka ayaa soo hadal qaaday xiritaankii iyo xarigii shalay ay fuliyeen laamanaha amniga ee lagu xiray idaacadaha shabelle iyo Skyfm isaga oo sheegay inay dhib wayn ku hayeen amniga qaranka, eedeymo aan loom eel dayin iyo been ka sheegid hawlgalkii sugida amniga ay ku kaceen. Wuxuu intaa ku daray in Shabelle iyo Sky FM qaab qabiil iyo kooxaysi ku dhiirgalinayeen shacabka.

 

“talaabooyinka lagu xiray Shabelle iyo Sky waa talaabooyn wafaqsan sharciga, hay’adaha sharciga ayaana bixiyay amarkaas. Waxay ka qayb qaadanayeen kicinta shacabka, waxay xadgudub joogta ah iyo eedeyn been abuur ah ku hayeen madaxda qaranka. Waxay ka been sheegeyeen hawlgalkii ciidamada amaanku iyo kuwa Amisom ay samaynayeen ee ku saabsanaa sugida amniga oyo hub aruurinta. Waxay mar walba dadka ku dhiirgalinayeen inay hawlgalka u fahmaan qaab qabiil. Arintaana maha arin hay’ad warfaafineed ku dhaqanto.”

 

“waan ixtirmaamaynaa dhamaan warbaahinta laakiin waa inay ogaadaan in sharciga ku siinaya xuquuqda aad ku hadlayso in sidoo kale uu ku xakamaynaayo oo ay jirto waxyaabaha aan laguu ogalayn inaad faafiso. Shabelle iyo Sky waxay dhib wayn ku hayaan amniga qaranka maadaama qaab qabiil iyo qaab kooxaysi ah ay hadalladooda u dhigayeen. Amniga qaranka wax gorgortan ah ka gali mayno waana ku amaanaynaa haya’daha amniga talaabooyinka hub ka dhigista ah ee ay wadaan ”

 

 

“ waxaan mar kale ku celinayaa haday noqon lahayd jaraaid, telefishin, idaacad, ugaasyo, oday dhaqameed, xildhibaan iyo siyaasba inay ka qayb qaataan horumarinta iyo saraynta sharciga. Inay iska iloobaan qabiilka iyo kooxaysiga. Qof walbana wax uu gaysto waa kaydsantahay, waa qorantahay waana lagula xisaabtami doonaa.”

 

Sidoo kale wuxuu Mudane Axmed Ali Daahir ku fogaaday shaqooyinka u yaalla xafiiska xeer ilaaliayha guud isaga oo geesta kale sheegay in ku dhaqanka sharciga iyo garsoorka la doonaayo inay ka bilaabato xafiiskiisa.

 

“waxana ka bilaabi doonaa in xafiiska ugu horeyn uu sharcga u hogaansamo oo uu ka hortago xadgudubyada. cid kasta oo ka tirsan xafiiskan oo lagu helo xadgudub waxaan horgayn doonaa sharciga. Maha in shaqadiisa kaliya uu waayi doonaan. Waxaan la tiigsan doonaa sharciga.”

 

“Hal garsoore oo laba xukun oo iska soo horjeedo soo saarayo, garsoore wixii maskaxdiisa ku jira iska qaadanaya ma aqbalanyno. Garsoore inta uu sharciga ku shaqyanaayo ayuu garsoore yayahy, cidna uga cabsan mayno dhaqan galinta sharciga.”

 

“sidoo kale maamulka dakhliga xafiisyada laamaha sharciga oo idil waa in loo mareeyaa sidii qaanuunka uu dhigaayo. Waa inay jiraan agaasin maaliyadeed, khaznaji, xisaabiyo. Kuma eka shaqadan xafiiskayga oo kaliya ee waa dhamaan laamaha dawlada laga bilaabo kan madaxwaynaha ilaa kan ugu hooseeya. Qandaraasyada dawlada bixiso waa in loo maraa qaabkaa sharciga uu tilmaamayo”.

 

Gabagabadii wuxuu ka digay in casnhuurta ay bixiyaan shacabka aysan ku dhicin gacan khaldan wuxuuna laamaha canshuuraha ka codsaday inay ilaaliyaan hantida ummada oo dhan ka dhaxayso ee jeebka khaldan ku dhacaya si loo maareeyo mushaaraadka shaqaalaha dawlada iyo in lagu qabto hawlaha qaranka sida garsoorka, waxbarashada, dhismaha kaabayaasha dhaqalaaha iyo caafimaadka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this