Sign in to follow this  
malistar2012

C/raxmaan Tuuryare oo sheegay in la soo xir xiri doono waalidiinta Shabaab,

Recommended Posts

 

dil-toogasho-6.jpg

 

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida Dowlada Soomaaliya Cabdi Raxmaan Tuur Yare ayaa sheegay in Laamaha amaanka Dowlada Soomaaliya ay xabsiga dhigeen Waalidiin dhalay Dhalinyaro lagu helay in ay katirsan yihiin Al-Shabaab.

 

Mr Tuur yare ayaa xusay in Laamaha amaanka ay aqbaleen dalabkooda ku aadan hadii ay qabtaan dhalinyaro katirsan Al-Shabaab in ay lasoo xiraan waalidiintooda maadama ay qariyeen caruurtooda dambiyo ku hoolanaa.

 

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka Sida ayaa sheegay in hada ay xira yihiin waalidiin dhalay Dhalinyaro Shabaabnimo lagu helay kuwaa uu tilmaamay in dhawaan Maxkamada ay xukuno ku ridi doonto.

 

‘’ Waa dhamaaay in lasoo xiro dhagar qabe katirsan Al-Shabaab iyada oona lala soo xirin waalidkooda , Waaliiinta waan u sheegnay in ay caruurtooda kala soo baxaan Al-Shabaab ama ay laamaha amaanka kusoo wargaliyaan in caruurtooda ay Shabaab yihiin ayna maaro u aayeen ‘ hada waxaa xiran oo xukun sugaya waaliiin dhalay Dhalinyaro Shabaab katirsan oo lala soo xiray Caruurtooda oo dambyo lagu hayo‘’ ayuu yiri Mr Tuur yare.

 

Hadalka Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka sida ayaa imaanaya xili ay dhawaan Maxkamada ugu baaqday waaliiinta dhalay dhalinyarada Shabaabka katirsan in ay kooxdaasi kasoo saaraan ama ay kuso wargaliyaan laamaha amaanka in caruurtooa ay Shabaab katirsan yihiin.

 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com

Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

dil-toogasho-1.jpg

 

 

Maxkamada Ciidanka qalabka sida Dowlada Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah waxa ay ku fulisay Sadax nin oo katirsanaa Xarakada Al-Shabaab uu ku jiro ninkii fududeeyay Weerarkii dhawaan lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

 

Sadaxda Nin ee saakay lagu toogtay fagaaraha Iskool Bolosiya ayaa lagu helay Dambiyo la xariira in ay Al-Shabaab katirsanaayeen ayna ka qeyb qaateen Dilal iyo qaraxyo ka dhacay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho.

 

Sadaxda nin ee saakay la toogtay ayaa lagu Magacaabi jiray Xasan Muxudiin Xasan oo ahaa ninkii fududeeyay weerarkii madaxtooyada Villa Soomaaliya laga qaaday, Aadan Maxamed Xasan iyo Bashiir Xasan Maxamed oo iyaguna lagu eedeeyay in ay Dilal ka geesteen Magaalada Muqdisho.

 

 

Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeesa kordhisay xukunada dilka ah ee lagu fulinayo dadka lagu helo in ay katirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab laguna helo in ay dilal iyo qaraxyo ka geesta Magaalada Muqdisho.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com

Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saldhigyada Magaalada Muqdisho oo ay buux dhaafiyeen Waalidiinta Ilmahooda aan meel ku sheegin (War Culusu)

Aug 5, 2014 - jawaab

 

 

 

Waxaa Saldhigyada Magaalada Muqdisho buux dhaafiyay Waalidiinta dhalay Carruur farabadan oo aan la Ogeyn meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

Saldhigyada ayaa waxaa feel ugu jiro Waalidiinta Carruurtaasi dhalay oo iyagu kusoo nabdaaday haddalkii kasoo yeeray Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida C/raxmaan Tuuryare oo ahaa inaan la qaban doonin Carruur ka tirsan Alshabaab oo aan lala wadin waalidiintii dhalay.

Waalidiinta ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay iska soo Diiwaangalinayaan Saldhigyada Magaalada Muqdisho Maadaama Qaar kamid ah Waalidkaasi aan ilmahooda meel ku sheegin ama meel ay Jaan iyo Cirib dhigeen ay garan la yihiin.

 

Waalidiinta biloway inay is diiwaangalshaan ayaa iyagu Aaminsan In Caruurtooda ay ka Bar bar dagaalamayaab Xarakada Al shabaab.

 

Muxudiin Cali oo kamid ah Waalidiinta Saakay Tagay Saldhiga Degmada Yaaqshid ayaa warbaahinta u sheegay in wiilkiisa uu Ogayn meel uu ku noolyahay geeti ama nolol wuxuuna sheegay in aan wax laga waydiin karin hadii uu wiilkiisa wax ka kaysto dhibaatooyinka ka Ollolsan dalka Somalia wuuxuna shegay in uu Bari kayahya Falka uu wiilkiisa ku dhaqaaqay wuxuna sheegay in wiilkiisa kamid yahay Xarakada Al shabaab

 

Dhanka kale, Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Taliyayaasha Saldhigyada ayaa iyagu soo dhaweeyay dadaalka ay Waalidiintaasi kusoo diiwan galinayaan Carruurtooda ka bar-bar dagaalameysa Alshabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this