Sign in to follow this  
Mooge

Puntland minister of aviation gets a huge welcome in London

Recommended Posts

Mooge   

good job to my friend Xasan Xaaji.

 

 

154.jpg

 

Kulan lagu soo dhawaynayo Wasiirka Duulista hawadda iyo Agaasimaha madaxtooyadda Puntland oo London lagu qabtay(Sawirro)

July 18, 2014 8:33 pm GMT - Written by Ducaale - Edited by Ducaale

London(pp) Soomaalida ku nool magalada London ee xarunta UK ayaa maanta kulan soo dhawayn ah waxay halkaasi ugu sameeyeen wasiirka Duulista Hawadda iyo Garoomada Ing Xasan Xaaji Siciid iyo Agaasimaha guud ee madaxtooyadda Puntland Mudane Deeq Sulaybaan.

21

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goob joog ahaa siyaasiyiin uu ka mid yahay Gen.Cabdilaahi Siciid Samater iyo wax ku oolka magalada London waxayna wasiirka iyo Agaasimaha madaxtooyadda ka dhagaysteen xaalada Puntland iyo hormarka ka socda.

 

Wasiirka Duulista hawada iyo garoomadda Puntland Ing Xasan Xaaji Siciid ayaa ka waramay xaalada garoomadda Puntland iyo halka ay dowladdu wax u marayaan gaar ahaan dhismaha garoonka Bosaso iyo u diyaar garowga kan Gaalkacyo,Xasan Cadde ayaa sheegay inay muhiim umadda Soomaaliyeed ee deegaan ahaan kasoo jeeda Puntland inay ka qayb qaataan hormarinta Garoomadda iyo qalabayntooda si wax badan looga qabto dhaqaalaha dalka oo ku tiirsan hadda Dekadda iyo canshuuraha la qaado.

 

Masuulkan ayaa dadka u sheegay in looga fadhiyo in laga qayb qaato dib u dhiska garoomadda Puntland oo aan helin qaabayn wanagsan mudadii ay Puntland jirtay balse haddii ay dadku isku tashadaan oo ay si hagar la’aan ah wax u qabtaan ay taasi keeni karto isku filnaansho muuqata.

 

Qaar ka mid ah dadkii munaasibadda soo dhawaynta ah kasoo qayb galay ayaa su’aalo waydiiyay wasiirka waxana ka mid ahaa dadka warsaday su’aalaha Gudoomiyaha la-dagalanka qaadka Mudane Abuukar Cawaalle Qaaddiid oo yiri”Mudane wasiir Puntland Miisaaniyad sanadeedkeeda waxaa ka badan inta Qaad loo gato arintaas maxay dowladu ka qabanaysaa ”.?

 

Wasiirka oo su’aasha Abuukar Cawaale ka jawaabay ayaa yiri”Cawaale dhibaatada Qaadku waa jirtaa waan ka warqabnaa inaad UK ku guuleeysateen.hadana waxaan idinku sugeeynaa Puntland inaad ka biloowdaan ollole ka dhan la dagaalanka Qaadka Dowladana waa idin garab istaageeysaa” hadalka wasiirka ayaa muujinaya sida ay Puntland iyo shacabkeeda uga go’an tahay in guud ahaanba qaadka go’aan muuqda laga soo wada saaro meel kastana lagala dagaalamo.

 

Si kastama kulanka wasiiraddan ka socda Puntland loo sameeyay ayaa waxay muujinaysaa isku duubnimadda shacabka Puntland iyo dowladeeda,dadka fadhiyay kulanka waxaa ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka Xanaanadda xoolaha Puntland oo reer London ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
YoniZ   

Soodhoweyn iyo sagootin, kadibna hadal maran iyo faan aan meel buuxin.

 

Welcome Eng Cadde. Sheekadii madaxda Somalida wax dheer ma sheegtay?

 

Tell me what the guy has done in his position of responsibility for the past six months to warrant that welcome?

 

Please, Don't even start bragging off about that Italian tooth pick runway aid project, and not that he met some international NGO fat cats visiting to tick some boxes.

 

The guy is failure just like any other politician from this rotten era. He can't manage his necessary daily tasks. The only thing they are good at is - talk nonsense at the face of those clapping fools.

 

He even can't manage the 20+ Bosaso airport workers - No uniform, No proper admin, and Militia men roaming around the terminal in mismatched military fatigues with open buttons - one minute asking you bribes in threatening manners, and the next minute begging you sheepishly to give them part of the cafashka laguu sarifay maadaama aysan mushahar ku filan qaadan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this