Sign in to follow this  
SomaliaRising

SNM Warlord Siil-aanyo rushed to Hospital.

Recommended Posts

Madaxweyne Siilaanyo Oo Xaaladiisa Caafimaad Liidato Iyo Warar Sheegaya In Habeen Madow Loo Duuliyay Jabuuti

Siilaanyo-620x330April 11, 2014 Hargeysa(Cadceed) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la sheegay inay xaaladiisa caafimaad liidato oo uu ku jiro xaalad goo goos ah oo kala garasho laaan ah. Tan iyo Markii uu madaxweyne Siilaanyo ka soo laabtay safarkii dheeraa ee uu ku soo maray gobolada dalka ayaa la odhan karaa wuu ku soo haftay maadaama ay xaaladiisa caafimaad waxweyn ka bedeshay.

Waxaa madaxweynaha si weyn loo tabay maalintii la xusayay ururkii SNM oo aanu Madaxweynuhu goobta ka soo xaadirin taasoo dadkii madasha ka soo qaybgalay dareen weyn ku dhalisay, waana markii ugu horaysay taariikhda ee Siilaanyo ka maqnaado xaflad tanoo kale ah. Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ahaa nin looga bartay dhiiranaan kana hadli jiray xaalad kasta oo dalka kusoo korodha, waxaase baryahan dambe soo badanaya aamuska iyo dabacsanaanta madaxweynaha.

Waxay ahayd dhowr maalmood kahor markii ay madaxtooyada ka soo baxday qoraal uu ku sexeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Saleebaan Dhuxul laguna sheegay in Madaxweynuhu magacaabay gudida qaban qaabada xuska 18-ka may. Waana arrin lala yaabo madaxweynihii qaranka oo jooga oo caafimaad qaba in qoraal ka soo baxo Madaxtooyada oo waliba aanu madaxweynuhu ku sexeexnayn.

Dadka qaar ayaa rumaysan in madaxweyne Siilaanyo Habeen Madow la dheelmiyay oo loo qaaday Dalka Jabuuti si loogu soo dabiibo, iyadoo laga cabsi qabo inay dalka ku keeni karto khal khal siyaasadeed hadii ay shacabku ka war helaan xogta dhabta ah ee madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga warsugu doonaa sida uu Madaxweyne Siilaanyo ama afhayeenkiisu kaga jawaabo eedaymaha badan ee kaga imanaya xisbiyada Mucaaradka iyo odayada ku bohoobay Madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka.

Cadceednews Hargeysa Office

Comments are closed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this