Sign in to follow this  
Saalax

Hassan Sheikh Mohamud tells Somalis in Kenya to stop moaning - work with Kenya

Recommended Posts

Saalax   

XASAN SHEEKH: "Soomaalidu waa inay wax ka ilaaliyaan Ammaanka Kenya"

 

Isniin, Abriil 07, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Kigali ee xarunta dalka Ruwanda ayaa Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula taliyay inay ciidamada amniga kala shaqeeyaan sugidda ammaanka.

 

Xasan Sheekh oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Nairobi ayaa sheegay in looga baahan yahay diini ahaan iyo dadnimo ahaan inay qayb ka qaataan sugida amniga dalka ay ku nool yihiin.

 

“Kenya waa meeshii ay Soomaalidu u soo carareen markii ay waayeen meel ay ku noolaadaan ama ku ganacsadaan, waa meeshii ay gacansateennu markii ay aamini waayeen dalkooda hantidii ay haysteen halkan ula soo cararay oo dhaqaale badan ku sameeyay, marka waxaa la idinka doonayaa inaad ka shaqeysaan amnigeeda,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

 

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in sannadkii 1993-kii uu safar ku tagay magaalada Nairobi oo uu muddo joogay, isagoo xusay in isbedelka maanta jira iyo xaaladdii xilligaas jirtay ay aad u kala duwan yihiin.

 

“Magaaladan waxaa ka jira xilligan isbedel weyn, anigu waxaan ka mid ahaa dadkii kasoo barakacay Soomaaliya markii ay Al-shabaab soo baxday, halkaan ayaana ku noolaa muddo sannado ah, marka waxaa la idinka doonayaa maadaama ay aadan saraha qurxoon ee Nairobi aad ka dhisateen geysan karin Muqdisho, waxaad ku qasban tihiin inaad ammaanka wax ka ilaalisaan,” ayuu madaxweynuhu mar kale yiri.

 

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in sababta Soomaalida loo beegsnayo ay tahay in dalkooda ay Al-shabaabs saldhigyo ku leedahay, balse aysan jirin sabab kale oo loo beegsanayo mar walba oo ay wax dhacaan.

 

“Soomaaliya waxaa ku dhacday musiibo, Al-shabaabna waxay ka faa’iideystaan taas waxayna Soomaaliya ka dhigteen saldhig, balse kooxdan cid walba waa ku jirtaa Afrikaan, Carab iyo reer Galbeed, waxayna wataan fikir aan xuduud lahayn,” ayuu madaxweyne Xasan hadalkiisa raaciyay.

 

Hadalka madaxweynaha oo u muuqda mid isugu jiray talo-celin iyo guubaabo ayaa ugu dambeyn u sheegay Soomaalidii uu la kulmay inay ka shaqeeyaan sidii ay uga nabadgeli lahaayeen ciidamada Kenya ayna u nabad-gelin lahaa shacabka Kenya.

 

Gaba-gabadii ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku sheegay inuu kala hadlay madxda Kenya sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, isagoo xusay in iyagana looga baahan yahay inay waxqabad cad la yimaadaan.

 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

 

 

 

http://www.hiiraan.com/news/2014/Apr/wararka_maanta7-45989.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aad iyo aad heybada iskaga qaaday. Aamusnaantiisa ameeba habooneyd.

 

Qof ku qanacsan dulmiga Soomaalida Islii lagu haayo u egyahay. Dadka soo baracakay iyo hantidooda Nayroobi ku nool ayaa si shaqsiyadeed u dhibaayo maadaama mar walba ku haayo 'qaxootiga' ha naloo soo celiyo. Hala celiyee intuu geynaa, ma minankiisa la qarxiyo mar walbaa.

 

Gartiisa waaye xaaskiisa iyo carruurtiisa Istanbuul ayee qaxootinimo ku deganyihiin oo Islii ma degano. Labawajiilahaa taacun maxaa dhahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hawdian   

Marki hore Culusow sida naagha buu iska qosli jirey imikan taan buu laso baxey.this what you get when people of noble dheeg is not leading a nation .

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Eedayntu waa muhiim in cid kastoo masuul sheegta in lagu xisaabiyo wuxa uu masuulka ka yahay ama ha yaraato ama ha weynaato,inshaa alaah afar xaboo digaaga,inkastooy shaqo adag tahay qudheedu.

Madaxweynaha waxaa la gudboon inuusan dal iyo dad iyo dhoolo cadayn isugu darin dawladaha dariskaa!!

Shacabko oo ah asaasaha dawladnimada isuma arkaan inay eedda ugu weyn ayagu leeyihiin

 

Waxaa keliya oo ay isu arkaan in laga rabo oo keliya inay lugeeyaan ka cararaan wadankooda meeshii gabalku ugu dhaco qaxooti ka dalbadaan markay nabad gelyo iyo biyo ay ku mayrtaan ama ku qubaystaan alle siiyo isu arkaan inay wadanka ay joogaan ayagu leeyihiin.

 

 

isla markiiba shir qabtaan dawlad qabiileed sameeyaan,xafladda caleemo saarka iyo TV’yadii oo wada socda mar keliya hoolka soo wada galaan, qayladda iyo mashxaraddu is qabsato gees ilaa ka gees,dadka kale oon qabiilkaas is doortay ahayn oo casuumaadda kasoo qayb galay ay weydiiyaan kuwa xamaasadaysan waa jufadee?

 

Umad wanaagsan bay dawlad wanaagsan ka dhalataa awoowe gacaliye

 

Cilmi kasta ood barato wadanka aad kasoo jeedo yaad ku jaan go’ontahay cidina kaa akhrisan mayso professor axmed jaamac oo ingriis’ka u dhashay.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this