Sign in to follow this  
malistar2012

Sooomaalida aan sharciga ku lahayn Kenya oo lagu soo celinayo Soomaaliya

Recommended Posts

Sooomaalida aan sharciga ku lahayn Kenya oo lagu soo celinayo Soomaaliya

 

Danjire_Cali_Ameerika_Kenya.jpg

 

Isniin, Abriil 07, 2014 (HOL) — Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameerika, ayaa sheegay in Soomaalida aan haysan dhalashada dalka Kenya ama aan lahayn sharci ay ku deggen yihiin dalka Kenya, waxaa dib loogu celinayaan dalkoodii Soomaaliya.

Safiirka ayaa sheegay in safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ay isha ku hayso sida loo baarayo dadweynaha Soomaaliyeed ee lagu qabqabtay howlgalladii Nairobi laga sameeyay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay.

 

“Maalmihii lasoo dhaafay booliiska Kenya waxay sameeyeen howlgallo saf-ballaaran ah oo ay kusoo qabqabteen kumannaan Soomaali ah. Waxaan kala shaqeynaynaa sidii loo sii deyn lahaa dadka sharciga haysta, balse kuwa aan lahayn sharciga, waxaa loo duulin doonaa Soomaaliya,” ayuu yiri danjire Ameerika.

 

Sabtidii lasoo dhaafay ayuu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmuud kala hadlay madaxweyaha Kenya Uhuru Kenyatta sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

 

“Madaxweynaha Somalia wuxuu kala hadlay madaxweynaha Kenya sidii xuquuqda shacabka Soomaaliyeed loo ilaalin lahaa iyo sidii kuwa gacanta ciidamada ku jira ee aan dambiga lahaynna loo sii dayn lahaa,” ayuu yiri dajire Ameerika.

 

Ciidamada Kenya ayaa howlgallo saf-ballaaran ah ka billaabay magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda ay Soomaalidu daggan tahay ee Islii maalmo ka hor, kaddib markii qaraxyo ay ka dhaceen xaafaddaas, kuwaasoo ay ku dhinteen lix qof.

 

“Waxaan dadaal ugu jirnaa sidii loo sii dayn lahaa dadka sharciga leh ee ku jira gacanta ciidamada dowladda Kenya, waxaana arrintaas la kaashanaynaa xubno ka tirsan xukuumadda Kenya,” ayuu dajiraha Soomaaliya ee Nairobi ku daray hadalkiisa.

 

Ugu dambeyn, danjiruhu wuxuu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay waddo qorshihii dib loogu celin lahaa dadka aan sharciga lahayn ee Kenya ku nool, si ay noloshooda mar kale uga billaabaan gudaha Soomaaliya.

 

Dalka Kenya ayaa waxaa ku sugan kumannaan Soomaali ah oo aan wax sharci ah haysan, kuwaasoo siyaabo kala duwan ku tagay dalkaas, waxaana ka mid ah dad u tahay sidii ay uga dhoofi lahaayeen, kuwo doonaya inay ka shaqeystaan iyo kuwo kale oo doonaya inay wax-ka-bartaan.

 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Ameerika waxaa u daran 'go home' waraaqda ah uu bixiyo oo $60 aan ku ogaa iyo baasaboorka dadka u baahan oo qiimahiisa joogo $100.

 

Dadkaan masuulnimo micnaheedee qalad ka fahmeen, hungurinimo u daran maadaama dadkaan dulisan in ganacsi laga sameeyo la rabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hawdian   

Unbeliveable. Our man in Niarobi. Cali Amerko daad laguma shegi karo , nacaskan sawirkisa naga saaraa. While innocent people are jailed this guy go home buu shegaya. Stpd.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kumannaan Qof oo Somali ah oo weli lagu hayo Garoonka Kasarani ee Nairobi

 

Somali_Arrested_in_Nairobo.jpg

 

Talaado, Abriil 08, 2014 (HOL) — Kumannaan ruux oo Soomaali ah ayaa lagu hayaa garoonka kubadda cagta ee Kasarani oo ku yaalla magaalada Nairobi, kuwaasoo laga soo qabqabtay xaafadda Islii oo ay daggan yihiin Soomaalida.

 

Dadkaas ay ciidamadu gacanta ku hayaan ayaa waxay isugu jiraan rag, dumar uur leh, caruur iyo dhallinyaro, kuwaasoo dhammaantood Soomaali ah, iyadoo lasoo sheegayo inay goobtaas ku haysato dhibaato.

 

Howlgallada ay booliiska Kenya ka wadaan xaafadda Islii ayaa ah mid guri-guri ah oo ay ciidamadu kula soo baxayaan dadka gurigaas ku jira, iyadoo saraakiisha sare ee booliiska Kenya ay sheegeen in howlgalladan ay socon doonaan inta ammaanka Nairobi ay adkeynayaan.

 

Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalkan uu yahay mid uu amarkiisa bixiyay Uhuru Kenyatta oo ah madaxweynaha dalka Kenya, kaasoo la sheegay in lagu doonayay in lagu qab-qabto Soomaalida sharci-darrada ah.

 

“Dadka aan sharciga haysan waxaa dib loogu celinayaa xeryaha Qoxootiga, haddii ay doortaanna waxaa dib loogu celinayaa dalkoodii Soomaaliya, iyadoo aan taas u sii marayno safaaradda Soomaaliya ee Kenya,” ayaa laga soo xigtay xubno saraakiil ah oo ka tirsan dowladda Kenya.

 

Xaafadda Islii oo ah goob ay ganacsi badan ku haystaan Soomaalida ayay booliiska Kenya gudaha u galaan markii ay qaraxyo ka dhacaan magaalada Nairobi, iyadoo lala xiriirinayo inay ku lug leeyihiin qaraxyadaas.

 

Dhawaan ayay ahayd markii xildhibaannada baarlamaanka Kenya ay xukuumadda ka dalbadeen in wax laga qabto sida ay howlgallada uga socdaan Nairobi, iyagoo sheegay in Soomaalida marka lasoo xiro la iibsado, balse waxaa weli muuqata in howlgalladu ay Islii kasii socdaan.

 

Magaalooyinka dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacayay falal ay ka mid yihiin qaraxyo geystay dhimashada iyo dhaawaca dad fara badan oo Kenya, Soomaali iyo ajaanib kale ah, kuwaasoo billowday markii ay Kenya ciidamadeeda u soo dirtay Somalia dhammaadkii 2011.

 

Weerarradan ayaa waxay Kenya ku eedeynaysay Al-shabaab, inkastoo Al-shabaab ay sheegatay dhowr qaraxyo iyo weerarro ka dhacay Kenya oo uu ka mid ahaa kii lagu weeraray xarunta ganacsiga Westgate Mall oo ay ku dhinteen 67-qof.

 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali_Arrested_in_Nairobo.jpg

 

This is Humiliation its time for the Somali's who have no documents to return to their homeland safe .The Majority of Somali people are living from Money send from the West and spending it in Kenya renting houses etc . The Money can be spend in Mogadishu - Hargeysa- Bossaso and etc .

 

The Somali Gov could only do so little as the Kenyan police are targeting illegal immigrants with no proper document this is common through out the world , The only option left for the Somali Ambassador is to make sure these people get Home safe .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dulinimo waa tan oo kale. Waxaase kasii xanuun badan ineynaanu ku caqli qaadaneynin.

 

Wax mas'uuliyiin la yiraahdo dadkeenu ma yaqaan. Nin walba booska uu joogo qabiil baa geystey ee shacab ma geysanin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this