Sign in to follow this  
malistar2012

DF Soomaaliya oo uu soo gacan galay hogaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Recommended Posts

images?q=tbn:ANd9GcRdwBZEYg7twEs7LLAa-2R

 

 

 

Magaalada Xuddur ee xarunta gobalka Bakool waxaa galabta lagu

soo bandhigay sarkaal sare ee oo la sheegay in uu ka soo goostay Al-Shabaab.

Sarkaalka la soo bandhigay oo lagu magacaabo Sheekh Yaasiin Axmed Macallin

 

(SheekhBismilaah) wuxuu Shabaabka u qaabilsanaa madaxa dacwadda ee gobalka Bakool.Wuxuu saxaafadda u sheegay markii uu in muddo ah ku jiray duurka in uu go’aansaday in uu isku soo dhiibo maamulka iyo ciidamada ammaanka gobalka, isagoona muujiyay gobalka ay deggan yihiin xaaskiisa iyo aabihiis.

Wuxuu sheegay oo kale Sheekh Bismilaahi in uu maamulka gobalka uu ka codsanaayo in ay iska cafiyaan maadama uu isku soo dhiibay isla markaana aanu markale ku biiri doonin Al-Shabaab. Waa sarkaalkii ugu sareeyay ee dhinaca Al-Shabaab ka soo go’a tan iyo markii uu billowday labo toddobaad ka hor duulan culus oo ka dhan ah Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa laga qabsaday shan degmo oo mihiim waxaana ka mid ah, magaalo madaxdagobalka Bakool ee Xuddur.

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this