Sign in to follow this  
Mooge

Qoslaye at it again. his nephew threatens Yusuf Abrar

Recommended Posts

Mooge   

Wakiilka Shirkada Shulman Rogers C/casiis Giyaajo oo u hanjabay Yusur Abraar

March 4, 2014 1:27 pm GMT - Written by ducaale - Edited by ducaale

 

Kadib qoraalkii ay daabacday wakaalada wararka ee Reuters laba isbuuc ka hor kuna saabsanaa musuq maasuqa dawlada iyo iscasiladii gudoomiyihii hore bangiga dhexe ee Soomaaliya marwo Yusur Abraar ayaa wararka labadaan maalmood ugu danbeeyay soo baxaya sheegayaan in wakiilka isla markaana ah dalaalka shirkada Shulman Rogers Cabdiasiis Xassan Giyaajo uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho gaar ahaan hotel Jaziira oo kharashkiisa hoteelka ay bixineyso dawlada Soomaaliya wada hadalo hoosena u socdaan Shirkada uu wakiilka ka yahay ee Shulman Rogers iyo madaxweyne Xassan Sheekh.

 

Shirkada Shulman Rogers ayaa go’aan ku gaartay inaysan madaxweyne Xassan Sheekh kula xiriirin e-mails, taleefon iyo isgaarsiinta casriga maadaama isgaarsiintaas laga war hayo lana dhageysto.

 

Shirkadase waxay bedelka isgaarsiintaas isticmaaleysaa wakiilkeeda Cabdicasiis Xassan Giyaajo inuu warqadihii ugu danbeeyay ee Shulman Rogers xafiiskooda Washington DC uu ka soo qaaday isbucii hore,wakiil Cabdicasiis Giyaajo oo abti uu u yahay madaxweyne Xassan Sheekh ayaa si shaqsiyan ugu gudbiyay madaxweynaha warqdihii uu kasiday Shulman Rogers Washington DC.

 

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa si shaqsiyan u saxiixi doona go’aamada Shirkada Shulman Rogers ku dooneyso in lacagahii 100 milyan dollars ay dib u hanato iyadoo isticmaaleysa saxiixa Madaxweyne Xassan Sheekh si howlaheeda ugu fulisato.

 

Warqadahaas uu wakiilka waday ayaa waxaa lagu doonayaa saxiixa madaxweyne Xassan Sheekh inuu ku duugo. Go’aanka shirkada Shulman Rogers ayaa ah mid ka danbeys ah oo ay ku soo gabagabaneyso baadigoobkooda lacagtaas 100 milya

n dollars ee umadda Soomaaliyeed leedahay oo heer gabogabo ah maraya kuna xayirnaa akoontisyada caalamka tan iyo waqtigii ay burburtay dawladii kacaanka.

 

Cabdicasiis Xassan Giyaajo Camalow, Muuse Ganjab, Kamaal Guutaale iyo shirkada Shulman rogers ayaa waxay ahaayeen xulufo dalaaley ah oo qeyb weyn ka qaatay hanjaabadii isdaba jooga aheyd iyo iscasilaadii Marwo Yusur Abraar ay iska casishay xilkeeda gudoomiya Bangiga Dhexe.

 

Wakiilka Shirkada Shulman Rogers Cabdicasiis Xassan Giyaajo oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa shalay shir uu qabtay waxaa uu sheegay in xiriirka Shirkada Shulman Rogers iyo Madaxweyne Xassan Sheekh uu heer wanaagsan marayo oo gabo gabo ah iyadoo uu sheegay in Marwo Yusur Abraar iyo dadka dawlada magac xumada u soo jiidaya aan hadalkooda dheg loo dhigi doonin.

 

Shirkada Shulman Rogers ay soo gabagabeyn doonto baadigoobka lacagta 100 milyan dollars iyadoo madaxweynaha si shaqsiyan arrintaan uu uga qeyb qaadan doono isagoo saxiixisa ku duugi doona warqadaha loo gudbiyay.

 

Wakiil Cabdicasiis Giyaajo ayaa ku hanjabay shirkiisa shalay in shirkada Shulman Rogers oo ah shirkad qareeno ah ay talaabo sharci ah ka qaadi doonaan Marwo Yusur Abraar iyo wakaaladaha wararka ee beenta ka faafinaya dawlada isagoo sheegay inay sharciga la tiigsan doono.

 

Jaamac Maxamed Saciid

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this