Sign in to follow this  
malistar2012

Dakhliga Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo kordhay in ka badan 50% (Warbixin)

Recommended Posts

favori.jpg

 

 

War saxaafadeed ka soo baxay Shikada Favori ee gacanta ku heysa garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa looga hadlay waxqabadkeeda u horeeyay mudadii saddexda bilood ee ugu horeysay ee ay gacanta ku hayeen howlaha maamulka garoonka.

 

Favori LLC ayaa sheegtay in si weyn u kordhay dakhliga ka soo xarooda garoonka diyaaradaha Muqdisho, isla markaana dowladda Soomaaliya ay ka heshay in ka badan $1.1 Milyan doolar oo ah dakhli toos ah oo garoonka ku soo xarooday tan iyo markii Shirkada Favori a wareegtay maamulka Garoonka 15-kii September.

 

Madaxa Shirkada Favori Axmed Cetin yaa sheegay in uu ku faraxsa yahay dakhliga ka soo xarooday garoonka diyaaradaha ee Caalamiga Muqdisho uu si weyn u kordhay.

 

"Kororkani wuxuu ka dhigan yahay in ka badan 50% dakhligii dowlada soo gali jiray, xilliga ugu dhow ee lagu cabbiri karo"” ayuu yiri Axmed Cetin, madaxa shirkadda Favori LLC oo intaa hadalkiisa ku daray "Waxaa naga go’an inaan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ka taageerno sidii loo sii kordhin lahaa dakhligaas, iyadoo aan dib u dhisi doono terminaalka weyn”.

 

Heshiiska ay Favori la saxiixatay Dowladda Soomaaliya ayaa qeexaya in Favori ay dhisto terminaalka weyn ee gegida dayuuradaha Muqdisho, iyo inay balaariso goobaha ay dayuuraduhu istaagi karaan, iyo waliba dhabbe cusub oo ay dayuuraduhu ku socdaan, si loo kordhiyo adeegga gegida Muqdisho. Diyaar garowga mashruucani wuu bilowday, waxaana la filayaa in terminaalka cusub la dhammeystiro bartamaha sanadka 2014-ka.

 

“Terminaalka cusub wuxuu sii kordhinayaa dakhliga usoo xarooda dowladda 40% dheeraad ah, Shirkadda Favori waxaa ka go’an inay maal-gashi dheeraad ah sameyso, isla markaana ganacsiga Soomaaliya xoojintiisa gacan ka geysato"ayuu yiri Axmed Cetin.

 

 

Gegida caalamiga ah ee Muqdihso waxay hadda u adeegtaa illaa iyo 42 shirkad duulimaad. Tan iyo markii ay shirkada Favori la wareegtay masuuliyadiisa, waxaa kordhay shirkadaha duullimaadka ee is-diiwaan galinaya. Celcelis ahaan todobaadkiiba hal shirkad oo cusub ayaa kusoo biirta.

 

"Hadafka shirkadda Favori waa inay hagaajiso, oo isku dubba-riddo adeegyada gegida dayuuradha ee caalamiga ah ee Muqdisho, isla markaana soo gaarsiiso heerarka caalamiga ah si ay u xiriir adag ugu sameeyaan bulshada caalamka iyo muqdisho. Tani waxeey keeneysaa fursad lagu qurxiyo lugana taageero dib-u-habeeynta bulshada iyo dhaqaalaha wadanka aan Walaalaha nahay.”

 

Shirkadda Favori LLC waa mid gaar loo leeyahay oo saldhiggeedu Muqdisho yahay. Adeegyada ay qabato waxaa ugu waaweyn adeegga dhulka ee dayuuradaha, iyo maamulka iyo maareynta gegiyada dayuuradaha. Waxaa shirkadan maal-gashaday laba shirkadood oo Turkey ah, oo kala ah Cetin Group iyo Kozuva Group, waxaana u shaqeeya illaa 7,000 oo qof, illaa $170 million oo dollar ayayna shirkaddu sanadkii ku howl-gashaaa. CETIN wuxuu ku gabagabeeyay hadalkiisa.

 

Somali news leader

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

golfyare@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this