Sign in to follow this  
malistar2012

Jarmalka iyo Masar oo Safiiro cusub u soo magaacabay Soomaaliya (Sawirro)

Recommended Posts

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa manta ka aqbalay warqadaha aqoonsiga Ambassador Andreas Peschke oo noqonayo Safiirka cusub ee u qaabilsan dowladda Jarmalka dalka Soomaaliya, iyo Ambassador Mahmoud M. Auf oo ah Safiirka u fadhin doono dowladda Masar dalka Soomaaliya.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Safiiradan si kala gaar ah maanta ugu qaabilay Xarunta Madaxtooyada, isagoo Madaxweynuhu soo dhoweeyay Safiiradan dalalka Jarmalka iyo Masar oo uu sheegay inay taageeraan dowladda Soomaaliya.

 

"Soomaaliya waxey ka faa’ideysatay mashaariic ay dowladda Jarmalka ka her gelisay Soomaaliya.Jarmalka wuxuu taageraa tababarka ciidamadda Soomaaliya ayaga oo usoo mariyo EUTM. Ciidamadda amnigana waxey helaan tababar heer-sare ah"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in xiriir wanaagsan oo qoto dheer uu ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Jarmalka.

 

“Waa la arkaa in uu amniga fiican yahay madaama uu ganacsiga kor u kacay, Mar dhaw waxaan jecel nahay in aan ku tartano suuqyadda Yurub anaga oo suuq geyn doono wax yaabo kala duwan oo ka mid yahay Muuska"ayuu yiri Madaxweynaha.

 

Sidoo kale Madaxweynaha oo la kulmay Safiirka Masar ay u soo magacawday Soomaaliya ayaa sheegay in xiriir taariikhi ah uu ka dhaxeeyo labada dal.

 

"Labadeena dal Soomaaliya iyo Masar waxey fursad u yeesheen in ay lahadaan xiriir dheer oo qarniyo so jiray, Dowladda Soomaaliya wey soo dhaweyneysaa waxaana daneynaaa in aan ka wada shaqeeyno xiriirka amniga iyo kan diblomaasiyeed"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

Ugu danbeyn, madaama aminga Soomaaliya u sii hagaagayo iyo Soomaaliya oo ku soo noqotay beesha caalamka, dalal badan ayaa bilaabay in ay xiriirkii ay la lahaayeen Soomaaliya in ay dib usoo

 

 

safiro_qaabilad_3.jpg

 

"Soomaaliya waxey ka faa’ideysatay mashaariic ay dowladda Jarmalka ka her gelisay Soomaaliya.Jarmalka wuxuu taageraa tababarka ciidamadda Soomaaliya ayaga oo usoo mariyo EUTM. Ciidamadda amnigana waxey helaan tababar heer-sare ah"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

safiro_qaabilad_4.jpg

 

Ugu danbeyn, madaama aminga Soomaaliya u sii hagaagayo iyo Soomaaliya oo ku soo noqotay beesha caalamka, dalal badan ayaa bilaabay in ay xiriirkii ay la lahaayeen Soomaaliya in ay dib usoo celiyaan.

 

safiro_qaabilad_1.jpg

 

safiro_qaabilad_2.jpg

 

"Labadeena dal Soomaaliya iyo Masar waxey fursad u yeesheen in ay lahadaan xiriir dheer oo qarniyo so jiray, Dowladda Soomaaliya wey soo dhaweyneysaa waxaana daneynaaa in aan ka wada shaqeeyno xiriirka amniga iyo kan diblomaasiyeed"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

1509779_678332835520701_1707343651_n.jpg

 

 

Madaxweynaha oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Denmark+Sawiro

 

Muqdisho (Sh M Network)–17 December 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa manta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee dalka Denmark, H.E. Geert Aagaard Andersen.

 

Munaasabaddan oo ka dhacday xafiiska Madaxweynaha ee Villa Somalia ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam iyo mas’uuliyiin kale.

 

Safiirka Denmark ayaa farriin uu uga waday madaxda Denmark u gudbiyey madaxweynaha isla markaana sheegay in dowladda Denmark ay ka go’antahay inay Soomaaliya kala shaqeeyo xoojinta xiriirka labada dal iyo taageeridda barnaamijka Dowladda Soomaaliya iyo aragtida dheer ee Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Safiirka iyo dowladda Denmark, sheegeyna in ka guddoomista waraaqaha aqoonsiga ay tahay astaanta koowaad ee xiriirka labada dal, Soomaaliyana ay ku dadaaleyso sidii loo sii dar-dargelin lahaa xiriirkaas.

 

Ugu danbeyntii Safiirka Denmark iyo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ayaa shir jaraa’id ay si wadajir ah u wada qabteen ayey uga hadleen muhiimadda xiriirka labada dal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

1507843_678332815520703_626890234_n.jpg

 

The IC are once again after decades of civil war are returning to Mogadishu the Capital city of Somalia .Congrats to the SFG for tightening up the security of the capital city .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gar_maqaate;990314 wrote:
Why does the president have his own picture hanging above his own chair.
:D
:D

All world leaders do this. Perhaps, it is because they are insecure and egotistic. Maybe, they just do it because everyone else does it and "that's how it has always been."

 

 

Misr should take back its ambassador. They have bigger problems.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this