Sign in to follow this  
MoonLight1

Picture of the day

Recommended Posts

IMG_68481-650x433.jpg

 

 

 

 

Maalinkasta oo khamiis ah waxaa shir caadi ah isugu yimaada golaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Shirkii maanta oo Khamiis ah ayaa ka duwanaa kuwii hore marka la eego tirada wasiirada fadhiyey, kadib khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha.

 

Shirka maanta waxaa soo xaadirey Golaha Wasiirada oo u badan Wasiiro ku xigeeno iyo Saddex wasiir oo keliya, iyada oo ay magaalada Muqdisho ku sugan yihiin inta badan Golaha Wasiirada ee gaaraya 10 xubnood.

 

Wasiirada shirka ka maqnaa waxaa kamid ah, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Arrimaha Diabdda, Wassiirka maaliyadda, Wasiiru Dowlaaha Madaxtooyada, iyo qaar kale oo badan oo xiriir dhaw la leh Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud.

 

Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha ayaa isku khilaafsan golaha wasiirada cusub ee la soo dhisaayo, taas oo Madaxweynuhu doonayo in isaga loo gacan baneeyo soo dhisitaanka xukuumadda cusub, iyada oo dastuurku siinaayo raysalwasaaraha oo la tashanaya Madaxweynaha, Waxaana is bedel ku yimid Madaxweynaha oo hadda doonaaya in Raysalwasaaruhu is casilo.

 

Wasiirada aan ka soo qaybgelin fadhigii maanta ayaa la sheegayaa in habeenkii xalay ay kulan la yeesheen raysalwasaaraha isla markaasna ka codsadeen in uu is casilo xukuumadda oo dhana ay halkaas ku bur-burto, xalka keliyana uu taas yahay, waxaana uu u sheegey in u ka soo tashanayo.

 

Wasiirada xiriirka dhaw la leh Madaxweynaha ayaa Raysalwasaaruhu doonaayey in uu meesha ka saaro kuna beddelo kuwo cusub, waxaana uu ku tilmaamey kuwo aan isaga hoos imaan.

 

Si kastaba ha ahaatee cidlada iyo keli ahaanshaha maanta uu shirkii Wasiirada ka dareemey raysalwasaare Saacid ayaa muujinaya sida in badan oo ka mid ah Golaha Wasiiradu ay ula safan yihiin Madaxweynaha.

 

Si kastaba aha ahaatee waxaa la saadaalinayaa in Raysalwasaaruhu is casili doono sida looga bartey sooyaalka siyaasadda Muqdisho.

 

Khalid Yusuf

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Looky here, The mole is trying to dig himself out of his hole. Posing for this picture must have required a lot of energy, I'm sure 3 months of sleep will fix that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this