Sign in to follow this  
malistar2012

Dowlada Turkiga oo doomo dagaal ugu deeqday Somalia its time arm the SAF

Recommended Posts

article-1053575-029285B100000578-388_468

 

 

Doohyahaan oo gaaraya ilaa 4 doonyood oo ay soo dhiibtay Dowladda Turkiga ayaa maanta lagu wareejiyeey Wasaarada gaashaandhigga Soomaaliya, kuwaasi oo loogu talagalay in ay ku howlgalaan ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya, ayadoo munaasabadda lagu wareejiyey oo ka dhacday Dekeda Muqdisho ay ka soo qeyb galeen Wasiirku xigeenka gaashaandhigga iyo qaar ka tirsan saraakiisha ciidanka xoogda dalka.

Ugu horeyntii waxaa goobta ka hadlayaay Cabdul Axad oo kamid ah mas’uuliyiinta hay’ada Tika oo wakikiil ka ahayd dowladda Tuirkiga waxaana uu sheegey in doonyahaasi loogu talagalay ciidanka ilalada xeebaha Soomaaliya, ay u yaraato falalka burcad badeedda ay ku qafaalanayaan mariibka isticmaala badweynta India.

Admiraal Faarax Axmed Cumar “Faarax Qare” oo ah Taliayah ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya ayaa ka sheekeyeey ahmiyada doonyahaan ay u leedahay howlgallada ciidanka badda, isagoo soo hadalqaaday nidaamkii hore ee ciidanka badda Soomaaliya.

Doonyahaan oo kale ayaan qabi jirnay oo ciidanka lagu qaadi jiray iyo hub culus, laakiin maanta doonyahaan wax weyn ayay nooyihiin maadaama aan xiligan haysanin doonyo dheereeya oo aan kula dagaalami karno burcad badeedda” ayuu taliyuhu hadalkiisa ku daray.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal C/risaaq Qaliif Cilmi ayaa sheegey in ciidamada badda ay awood u yeelan doonaan difaaca xeebaha Soomaaliya ayna ka hortagaan qataraha dhinaca ammaanka ah.

“Doonyahaan waxaa rajeyneynaa in lagu xiro qalab iyo hub casri ah si ay u adkeeyaan ilaalinta xeebaha dalka, waxaan ka rejeyneynaa in ay ku filnaan doonaan howsha loo igmaday ciidamada ilaalada xeebaha dalka” ayuu Abaanduulaha hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyntii Wasiir kuxigeenka gaashandhigga ee Xukumadda Soomaaliya Axmed Maxamed Carab ayaa uga mahad celiyeey dowlada Turkiga dowrka ay ka qadanayso qalabeynta ciidamada xoogda dalka.

Axmed Maxamed Carab ayaa yiri “ waxaa farxad weyn ah in aan maanta la wareegno afar doonyood oo aan doonayno in aan hub saarano, si loogu xoojiyo ilaalinta xeebaha dalka, waxaana hubaa in tani ay wax weyn ka tari doonto ilaalinta iyo difaaca xeebaha Soomaaliya”

Arintani ayaa dhiiro gelin karta dardar gelinta howlaha lagu difaacayo xeebaha dalka oo sanadihii ugu dambeyeey ay ku soo badanayeen dhibaatooyinka ay ugu weyn yihiin falalka burcad badeednimada iyo xaalufinta ay maraakiibta shisheeye ku hayaan kheyraadka badda Soomaaliya

Twitt

Share

Kismaayo 24 News Agency Kala Xariir Email ka ah Kismaayo24@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa jirijirey ellite Marine Forces who were trained in the Soviet Union in those days. Has Somalia Marines today to handle those ships?. What about if some Moryaans use them for piracy?.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this