Sign in to follow this  
malistar2012

SFG wins settling the dispute between Jubba Admin and the opposition in the Capital city

Recommended Posts

SHIRKA DIB-U HESHIISIINTA JUBBOOYINKA

 

MOGADISHU-SOMALIA

3 - 6 November 2013

 

War Murtiyeedka

 

 

 

 

casha_sharaf_juba_1.jpg

 

Well done by SFG congrats The Future looks Bright

 

 

 

Horudhac

 

Iyadoo laga anbaqaadayo fulinta iyo hergelinta heshiiskii Addis Ababa ee bishii August 2013, Dowladda Federaalka Jamhuuriyada Soomaaliyeed waxay qabanqaabisey shir weyne dib u heshiisiineed ee shacabka jubbooyinka.

 

Shirweynaha oo socday mudadii u dhexeesay 3 - 6 November 2013 waxaa ka soo qayb galay 200 xubnood oo ah ergo ka kala timid degaanada kala duwan ee Jubooyinka. Ergada shirku waxay si hufan uga falanqeeyeen sidii heshiis buuxa loo dhex dhigi lahaa bulshada degan Jubooyinka iyadoo laga anba qaadayo heshiiskii Adis Ababa.

 

Qodaba dooda oo ahaa kuwo muhiim u ah dib u heshiisiinta iyo nabadeenta Jubooyinka waxay ahaayeen:

 

 Horumarinta nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.

 Kordhinta amniga iyo Isdhexgelinta Ciidamada iyo la dagaalanka Argagixisada.

 Kor u qaadida adeega bulshada iyo dhaqaalaha.

 

Dood dheer ka dib shirweynuhu waxay soo jeediyeen talooyinka soo socda:

 

Dhinaca Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta

 

1. In si buuxda la iskula qaato heshiiskii Addi Ababa ee bishii August 2013.

 

2. In bulshada jubbooyinku isku tanaasusho, iscafiso, islamarkaana la isku celiyo wixii hanti ah lana joojiyo wixii colaad hurin kara iyadoo loo dirayo fariin nabadeed dhammaan deegaanadda jubbooyinka.

 

3. In maamulka ku meelgaar ah la wada taageero lana dhameystiro si loo wada dhan yahay oo ay ka dhaxmuuqdaan dhammaan beelaha dagan jubbooyinka, iyadoo la tixgelinayo xuquuqda beelaha laga tirada badan yahay, dawladda federaalka in ay gacan ka geysato fududeynta arrintaas.

 

4. In loo wareejiyo qaybta dambe ee dib u heshiisiinta magaaladda Kismaayo.

 

5. In la xoojiyo kaalinta bulshada rayidka ee Jubbooyinka.

 

Arrimaha Amniga

 

1. In la dhiso hay’addaha amniga qeybahooda kala duwan sida Booliiska, Xooga Dalka iyo Ciidanka Asluubta. Kuwa ciidan aan noqon karina shaqo abuur loo sameeyo.

 

2. In si nabad ah dib loogu soo celiyo ciidamada jubbooyinka ee degan duleedka magaaladda Kismaayo. lana mideeyo ciidama oo dhan.

 

3. In ciidamada loo dhameystiro waxyaabaha ay u baahan yihiin; tababarka,qalabka iyo inla dhiso maxkamad ciidamada..

 

4. In deegaanada Al-Shabaab haystaan xoreyntooda ay si wadajir ah iskaga kaashadaan maamulka KMG, Dawladda Federaalka Soomaaliyeed iyo AMISOM.

 

5. In la furo xarumo lagu dhaqan celiyo dhalinyarada la marin habaabiyay.

Arrimah Bulshadda

 

1. In la horumariyo kheyraadka goboladda jubbooyinka sida xoolaha, beeraha, kaluunka iyo qeyraadka dabiiicaga; lana dhiiri geliyo ganacsiga iyo warshadaha gaarka loo leeyahay.

 

2. In lasoo celiyo goobihii waxbarashada, lana furo dugsiyo xirfadeed .

 

3. In la sameeyo daryeel caafimaad oo tayaysan lana gaarsiiyo ilaa heer degmo iyo tuulo.

 

4. Dowladda federal iyo bulshada caalamka in ay ka kaalmeeyaan gobboladda jubbooyinka sidii dib loogu soo celin lahaa adeegii bulshada.

 

Mahadnaq

 

1. Ergadda shirweynu waxay mahadnaq u soojeediyeen dawladda federaalka ee Soomaaliyeed sida weyn ee isaga xilsaareen soo qaban qaabinta iyo higelinta shirweynaha dib u heshiisiinta.

 

2. Ergaddu waxay sidoo kale u mahadnaqayaan gacanta ay ka geesatay beesha caalamka nabadeynta iyo dib u heshiisiinta goboladda jubbooyinka si gaar ahna waxay ugu mahad naqayaan dawladda itoobiya oo dadaal dheeraad ah u gashay ka qeyb qaadashada dib u heshiisiinta goboladda jubbooyinka.

 

.......DHAMAAD...

 

 

Somali news leader

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

golfyare@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

20131106_104642.jpg

 

20131106_105240.jpg

 

SFG are making history successfully ending long disputed jubbaa regions civil war .

 

20131106_105343.jpg

 

The International community pleased with SFG success keeping close eye on Jubba Conference

 

20131106_115852.jpg

 

Ethiopia and Somalia Foreign Ministers , The Ethiopian FM has been showing a lot of love lately to SFG

 

 

20131106_125618.jpg

 

20131106_125401.jpg

 

20131106_125430.jpg

 

20131106_125533.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this